Faahfaahin: Qarax Khasaaro Geystay oo Saraakiil Kenyan ah Lagula Beegsaday Mandheera


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Ugu yaraan labo sarkaal oo ka tirsan booliska Kenya ayaa dhaawacyo culus ka soo gaareen kadib markii maanta miino wadada hareerteeda lagu aasay ay ku qaraxday baabuur ay saarnaayeen oo marayey magaalada Mandheera.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka AP qaraxa ayaa ku dhacay baabuur ay saarnaayeen saraakiil boolis oo baaritaan ku hayey qarax markaasi ka hor ka dhacay duleedka Mandheera.  Xaalada labada sarkaal ayaa u culus, waxaana dhaawacyadooda loo qaaday magaalada Nairobi.

Ma jirto cid loo qabtay qaraxa inkastoo ciidamo kale oo gurmad ah ay goobta soo gaareen.

Saraakiil ka tirsan booliska Kenya ayaa sheegay in qarax labaad uu saka ka dhacay duleedka magaa;lada Mandheera haseyeeshee ay jiraan baaritaan ay ku hayaan labada qarax.

Cidna laguma eedeyn illaa hadda masuuliyada qaraxyadan inkastoo ururka Al-Shabaab ay dhowr jeer sheegeen inay sii wadayaan weerarada iyo qaraxyada ka dhanka ah askarta Kenya tan iyo markii ay duulaanka ku galeen gudaha ciida Soomaaliya sanadkii hore.

Dhanka kale magaalada Naitobi ayaa weli cabsi weyn laga dareemayaa iyadoo amaankana aad loo adkeeyay kadib markii xalay ciidamada booliska Nairobi ay sheegeen inay qabteen labo ruux oo ay sheegeen inay Soomaali yihiin kuwaasoo diyaarinayey weerar ismiidaamin ah.

 

RBC Radio

Share

Tags:

1 Response for “Faahfaahin: Qarax Khasaaro Geystay oo Saraakiil Kenyan ah Lagula Beegsaday Mandheera”

  1. Cilmi says:

    Sakiin iyo Faroole Waa Labada Loogu Necebyahay Somaliya —- Madaxweyne Labadaas iyo Waxay Wataan Ka Fogoow !!!!

Leave a Reply