Faahfaahin: Qarax Maanta Lagu Weeraray Ciidamo Ka Tirsan Dawlada Iyo Rasaas Ay Fureen Ciidamada oo Rayid Waxyeeleysay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Ugu yaraan labo askari ayaa ku geeriyootay dad gaaraya 17 kale oo ay ku jiraan rayidna way dhaawacmeen kadib markii maanta qarax miino oo wadada lagu aasay uu ku qarxay baabuur ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugida ee Dawlada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow buundada degmada Afgooye abaare 2:00 duhurnimo ee maanta, sida ay Raxanreeb u sheegeen dad deegaanka ku sugan.

Dhaawacyada ayaa loo soo qaaday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho iyadoo qaar ka mid ah dadka dhaawacmay oo rayid ahaa xaaladooda ay daran tahay.

Masuuliyiinta amaanka ee degmada Afgooye ayaa ku eedeeyey qaraxan inay geysteen ururka Al-Shabaab, inkastoo Al-Shabaab aysan ka hadlin weli.

Dhanka kale, rasaas ay fureen ciidamada dawlada oo waday dhaawacyada qaraxa ka dhacay Afgooye ayaa dhaawacday ugu yaraan labo ruux oo dhalinyaro ah oo ku sugnaa suuq ku dhow isgoyska Banaadir ee  magaalada Muqdisho.  Labada ruux ee dhaawacmay mid ka mid ah ayaaaad dhaawaciisu u daran yahay iyadoo sidoo kale dhaawacyadaasi la geeyay isbitaalka.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah ciidamada rasaasta furay ayaa la socday baabuur ay saarnaayeen dhaawacyada qaraxa laga keenay degmada Afgooye kaasoo wadada ay ka xirantay ciriiri jiray awgeed taasoo sababtay in rasaas ay furaan ayna ku dhaawacmaan labada ruux oo ku sugnaa suuqa.

Ma jirto cid ka tirsan maamulka gobolka iyo kan caasimada oo ka hadlay falkan oo u muuqda inuu soo celinayo rasaastii ay furi jireen ciidamada dawlada oo dadka rayidka lala beegsanjiray taasoo waayadan dambe joogsatay.

 

RBC Radio

 

Share

Tags:

Leave a Reply