Faahfaahin: Qeybtii Nasashada Khudbadaha Musharixiinta oo La Soo Gaaray Iyo Musharixiinta Hadashay
Muqdisho (RBC) Dhageysiga khudbadaha musharixiinta madaxtinimada Soomaaliya ay ka horjeedinayaan baarlamaanka oo saaka gashay maalintii labaad ayaa hadda qeybtii hore waxaa laga galay nasasho hal saac, ah sida uu sheegay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Dhageysiga khudbadaha ayaa saaka bilawday abaare 9:30 subaxnimo iyadoo ballantuna ay tahay in maanta baarlamaanka ay hor yimaadaan illaa 15 musharax oo ka mid ah musharixiinta xilka madaxtinimada u tartameysa.
Illaa hadda waxaa khudbadahooda jeediyey musharixiinta kala ah;
1- C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
2- Xasan Sheekh Maxamuud
3- Yuusuf Garaad Cumar Axmed
4- Ibraahim Cali Xuseen.
5- Maslax Maxamed Siyaad Barre
Musharixiintan markay hadleen kadib ayaa gudoomiyaha baarlamaanka ku dhawaaqay in waqti hal saac oo Salaada Duhur lagu soo tukanayo laguna soo nasanayo ay geli doonaan, iyadoo 1:00 duhurnimo la isku soo laanan doono.
Waxaa la sugayaa inay hadlaan 10 musharax oo kale oo khudbahadooda jeedin doona.
RBC Radio













