Faahfaahin: Saddex Wariye oo Soomaali ah oo Lagu Xiray Nairobi, Masaajid La Weeraray Iyo Xaalada oo Kacsan
Nairobi (RBC) Iyadoo xaalada magaalada Nairobi ay kacsan tahay weli kadib qarax weyn oo maanta ka dhacay kaniisad ku taalla xaafada Islii ayaa waxay ciidamada booliska Kenya ay goordhow xireen saddex wariye oo ka hawlgalayey telefishanka Horn Cable.
Saddexda wariye ayaa la sheegay inay muuqaal video ah ay ka duubayeen waxyar kadib markii kaniisada St Polycarp’s ACK oo ku taalla wadadada Chai Road ee magaalada Nairobi lala beegsaday weerar bambo gacmeed loo adeegsaday oo sababay dhimashada hal cunug iyo dhaawaca 8 ruux oo kale. Kaniisadan ayaa ah mid carruurta Kirioshtanka ee Kenya wax lagu baro laguna barbaariyo.
Dhanka kale dad careysan oo sita seefaf iyo ulo ayaa weli dhex wareegaya xaafada Islii oo uu ku yaalo suuqa ugu weyn ee Soomaalida Kenya joogta halkaasoo saaka ay weerar ku qaadeen kadib markii uu dhacay qaraxa lagu weeraray kaniisada.
Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in la burburiyey illaa saddex makhaayadood oo Soomaalidu lahaayeen iyo dukaamo dhowr ah oo qaarkood alaabo laga boobay.
Masjid la weeraray
Dadka careysan ee saaka suuqyada Soomaalida weeraray ayaa sidoo kale goordhow weeraray masjidka Alla Aamin oo ku yaalla isla xaafada Islii ee magaalada Nairobi.
Waxaa xirmay dhamaan suuqa iyadoo dadkii Soomaalida ee suuqa joogay ay kala carareen kadib markii Kenyanka careysan ay soo weerareen. Cabsi weyn ayaa soo wajahday Soomaalida ku nool Nairobi oo maanta guryaha ioyo hotelada isku qarinaya.
Ciidamada booliska ayaa soo gaaray xaafada Islii halkaasoo ay xireen waddooyinka waxaana dadka loogu baaqay inay joojiyaan weerarka aargoosiga ah.
Faahfaahin kala soco Raxanreeb.com












Somali futo xun waa ninkii qaniiney gacantii quudineysey balka warama dhibka ay isugeeysteen in maanta ay banaanka usoo bixi waayaan cabsi darteed oo hadana ay iyagu weeraraan dad ay magan iyo martiba u yihiin ,wuxu awalba dugaag bay ahaayeen somaildu weliba kuwa koonfurta ee sii liita
Waaka xumahay nafata & maalka Lagu waayayo Kenya , Laakiin Soomaaliyeey Maxaa hantidiina u gashaneysaan Kenya ? Wadankeenu Kaga fiican Ganacsiga aduunkana maanta 2012 maahan Inaad Qofka maa shuu joogo ugu gaysid waa ogahay Soomaalidu waxay ubadan yihiin dad Business ka jecel , Hantidaan aad gashanaysaan Kenya geliya Wadankeenii Hooyo waxaad abuu raysaan shaqo qof Soomaali ah Wadanka dhaqaa lihiisana kor buu u kacayaa , waxaan u baahanahay nabad & Transportationka inaan hagaa jino & Dowlad daacada taqaanana waxay sameynayso 10 sano gudahood waxaan noqoneynaa dubai da africa Soomaaliyeey haloo noqdo Soomaali nimo & inaan nahay Dad walaalo ah ,Waxaan u baahanahay inaan sheegno ama qabano Shaqsiyaadka ku kacaya waxa diin teena ka baxsan umada kalana dhibka u geysanaya & anaga waxaa xaqiiqa ah in uu san Rasuulkeenii suubanaa (SCW) nafarin in la laayo qof kujira meeshuu wax ku caabudo Waase nah yiyay in wax dhibaato ah loo geysto waa xadiid saxiixa , Viva Puntland & Soomaliya
Dahabi@ afkaaga hagaaji sxb dadkaan dhibta waxa u gaystay wa alshabaab dhibtaan wa dhib ay alshabaab ka danbaysay hadaysan alshabaab bomb ku tuurin kaniisad lagama aar goosteen somalida marka adigu waxad ka midtahay dadka dhibka somalida ku diirsada ee ina godane adeerka u yahay miya?
waxan ilaahay kabaryayaa ilaahay inuu ummada somaaliyed ugargaaro iyo ummada muslimiinta ah ee dunida daafeheeda lagu dulleysanayo, waxaa layaableh kenyaatina hakugu weeraro diyaarado iyo marakiib walle waa qaan kugu maqan duqayda iyo caruurta aad duqaynaysid kaniisad lagaa ggubay ama laqarxiyay madhammaa lixdii caruurta ahaa iyo hooyadood ee aad ku gaaacday,bal eega sxbka dahabi ladhaho wuxuu sooomaalida ku maagayo waa kacdoon ay sameeyeen kenyatigu ,waxa usababa ladhihi karaa;
1: waxad kunooshahay meesha u kacdoonku kasocdo waxaa ka baqanaysa dhibta kaa so gaari karta shakhsiyan balse waad ilowday hooyadii soomaaliyeed ee ubaxii barito kobcinaysay ee madfaca lagu basiyay.
kenya kismaayo waxaad ku sameeysid nairobi baa umaqan soomaalida naiobi kunoolna waxaan leeyahay kenyatigu waxay u adkaysan la yihiin dhiigooda daadanaya kiinase way ku diirsanayan kismayo ukaca ,beledwayne ukaca soomaali ukaca
allaha sareeyaan ku dhaartaye inaysan usocon alshabaab ee dal iyo diin bay duulaan kuyihiin, soomaaliyeey qabyaalad baa na indha tirtay, alshabaab shalay bay kabaxeen kismaayo, maantana madfacbaa lala dhacaya magaalada waxa laxasuuqayaa ubadkii , hooyooyinkii iyo duqaydii aan tabar uhayn qax iyo carar xagee bay aadayan hadeey dhulkooda katagaan ,
wallahay waxaa naga tagay damiirkii islaamnimo ,soomaalinimo &wadaninimo kan udoodaya kenya iyo ethiopia waa lamid iyaga ,aawaye naftood hurayaal goday 1977kii maxay kudhimanayeen ,ma ilownay cadaawadii ummada soomaaliyed kala dhaxaysay, maahmaahbaa dhahaysa (ILOWSHO DHAWAA MA UMUL BAA) saasaan ku sifownay , ilaahay waxaan kabaryaya inuu nooga hiiliyo cadawgeena kenya iyo ethiopia iyo wixii ugargaara af iyo adin ba aaaaaaaaaaaaaaaamiin
ilaahay quluubteena ha iswaafajiyo hana namideeyo cadawgooda kuwa garta iskana qabta ilaahay hanaga dhigo aaaamiiin .
kkkkkkkkkkkkkkkk oo cabsi soo wajahdey kadib kismaayo qabsashadeeda oo maamul laga dhisayo oo ay rabaan iney ka go’aan somaliya
Dahabi, waa qof garaadkiisu hooseeyo, ee yaan hadalkiisa xasaasiyad laga qaadin. Tan kale waa la is garanayaa ee soomaaliyey soo saara, oo iska qabta shakhsiyaadka Al-shabaabka ah. Dhibkoodu waa mid caam ah, waana mid diintu horey noogu sheegtay, dhibaatadoodu waxay gaaraysaa muslim iyo gaalo, oo waliba muslimiinta ayaa dhibta ugu badan ku dhacaysaa.
Waa khalad somalidu ayaa is dili taqaan haddii
Ay cid kale disho maxaa ku jaban’kkkkkk
Walaalaha Muslimiinta oo Soomaalida ah waxaan ka codsanaya in aay aflagaadada dhaafaan oo allle KA BAqa Waxa Afkiina ka baxaayo u fiirsada Mida kale Walaalaha Raxanreeb.com Waxaaan ka codsanaa in aay Commentiyada aay dadka soo qoraan aay Tafatirto wixi xuna oo xcaay ah Aadan soo gudbin wixii wanaaagsana usoo Gudbiya Waana mahadsantihiin Only Advice
Alshabaab ilaahay ha ka qabto somalia 20000 oo qof ayaa xabsiyada africa ku jiro oo somali ah oo looheeysto in eey yhiin alshabaab aana aheeyn oo ah dad masaakiin ah alshabaab waa kansar u baahan in laga gooyo somalia
Waxaan qabaa kuwa Kenya ciidan keeda kuhugaamiyey Somalia inay masiibadan iyo masiiboyin kaloo soosocda aymasuul kayihiin waayo galida ciidanka Kenya Galen somalia kahor Kenya dhib kamajirin khatarta al shabaab na kuma wajahneyn Kenya marka somalida waxaa dhibtaan ukeenay shaqsiyaad muudayay inay Kenya ayaga udeegeyso marka was in sidaas loofahma Kenyana la,ogaada inaysan kalaa aqoon kan shaab katirsan iyo kankale Waryaa inuu isugumid yahay Allah kuwaa xaqa kutaagen ha,uhiiliyo Ameen
[...] la xiray waxaa ku jira saddex wariye oo ka hawlgalayey telefishanka Horn Cable xafiiska uu ku leeyahay magaalada Nairobi, waxaana wariyaasha la qabtay shalay galab xilli ay [...]
[...] Ciidamada booliska Kenya oo goobta soo gaaray ayaa bilaabay inay rasaas cirka u tuuraan si ay dadka u kala ceyriyaan isla markaana dib u celiyaan dadka Soomaalida weeraraya. Waa dhaqan caadi u ah Kenyanka inay Soomaalida weeraraaan marka qaraxyadan oo kale ay dhacaan. [...]