Faahfaahin: Suxufiyiin Caan ah oo Ku Geeriyooday Qaraxyadii Goordhow Ka Dhacay Guriga Hooyooyinka Magaalada Muqdisho (Magacyada)
Muqdisho (RBC) Faahfaahin hordhac ah ayaa ka soo baxaysa labo qarax oo lagu tilmaamay inay ahaayeen ismiidaamin oo gordhow ka dhacay meel makhaayad ah oo lagu sheekeysto oo ku taalla agagaarka guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Wararka ugu horeeya ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay gaareyso illaa 7 ruux oo u badan dad rayid ah iyo shaqaale ka shaqeynayey baar laga cunteeyo oo ku dhexyaalla guriga Hooyooyinka.
Dhaawacyada iyo dhimashada waxaa ku jira suxufiyiin caan ah oo Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa goobta qaraxyadu ka dheceen.
Waxaa geeriyooday:
1- C/raxmaan Yaasiin – Agaasimihii idaacadda VOD ee magaalada Muqdisho.
2- C/sataar Daahir Sabriye- Wariye ka tirsanaa Telefishanka Qaranka “SNTV”
3- Liibaan Cali Nuur- Wariye ka tirsanaa idaacadda Raadiyo Muqdisho.
Wariyaasha dhaacmay:
1- C/laahi Suldaan – oo ka tirsanaa idaacadda Kulmiye
2- Maxamed Biibaaye- oo ka tirsanaa idaacadda Raadiyo Muqdisho.
Waxaa jira dad fara badan oo rayid ah oo aan la heyn tiradooda rasmiga ah oo kunafwaayey qaraxyada. Waqtiga oo habeen ah dartiis iyo wax tirakoob ah oo aan jirin ayaa loo heli karin tirada guud ee dadka waxyeeladu soo gaartay.
Dhamaan dhaawacyada iyo dhimashada ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho iyadoo goobtii qaraxa ay gaareen ciidamada dawlada oo xiray dhamaan waddooyinka, waxaana socda baaritaano.
Innaa lilaahi waa inaa Ileyhi Raajicuun.
Faahfaahino kale kala soco Raxanreeb.com













I think this evil act belongs to gangs of war lords who are clan power brokers.
ilaahay haw naxariisto inta dhimatey, alshabaab waa gaalo
[...] Saraakiisha kulanka ka soo qeybgashay oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud, wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise, taliyaha booliska Gen Shariif Sheekhuna Maye, taliyaha nabadsugida Axmed Macalin Fiqi, abaanduulaha ciidanka xooga dalka Gen C/kariin Yuusuf Dhegabadan iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa markii kulanka ay ka soo bexeen kadib ka hadlay warbaahinta dawlada iyagoo cambaareeyey falalkii qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay makhaayad dad badan fadhiyeen oo ku taalla agagaarka guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne halkaasoo ay ku dhinteen 14 ruux oo ay ku jiraan wariyaal Soomaaliyeed. Akhri faahfaahinta [...]
[...] Sebtembar 20-keedii 2012: Waxaa qaraxyo ismiidaamin ah lala beegsaday baarka Village oo ku yaalla guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne, waxaana goobta ku geeriyootay saddex wariye oo kala ahaa; Liibaan Cali Nuur [...]