FAAHFAAHIN: Tirada Dhimashada Qaraxyadii Maqribkii Ka Dhacay Muqdisho oo Korortay [Video]
Muqdisho (RBC) Sida uu soo sheegayo wariyaha Raxanreeb oo goordhow booqday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho tirada dadkii ku dhintay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay maqribkii makhaayad ku taalla guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho ayaa sii kordheysa.
Illaa hadda tirada dadka ku dhintay labada qarax ee ismiidaaminta ahaa ayaa gaareysa 14 ruux oo ay saddex ka mid ah yihiin suxufiyiin ka kala tirsanaa warbaahinta Muqdisho.
Sidoo kale dadka dhintay waxaa ku jira dad rayid ah iyo shaqaale ka shaqeynayey goobta makhaayada lagu magacaabo Village oo ku dhegan guriga Hooyooyinka oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in qaraxyada ay ahaayeen ismiidaamin ay fuliyeen labo ruux oo miinooyin jirkooda ku soo xiray kuwaasoo gudaha u galay goobta makhaayada oo shaaha laga cabo abaare 5:30pm waqtiga Muqdisho.
Tirada dhaawacyada ayaa sidoo kale gaareysa illaa 15 ruux illaa haddainta la xaqiijiyey ee la dhigay isbitaalada, Waxaana dadka ugu badan ee dhaawacmay la geeyay isbitaalka Madiina iyo isbitaalka Daaru Shifa.
Dhaawacyada waxaa ku jira shan wariye oo ka kala tirsanaa idaacadaha madaxa bannaan iyo tan dawlada oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Giibta biibitada ah ayaa ah meel faras magaalaha ku taalla oo had iyo jeer dadku isugu yimaadaan kuna sheekeystaan.
Booliska oo hadlay
Taliska booliska gobolka Banaadir oo goordhow hadlay ayaa ku eedeeyay waraxyada inay ka dambeeyeen kooxo nabada diidan.
Ciidamada nabadsugida ayaa xiray goobta qaraxyadu ka dheceen iyagoo baaritaano ka sameeyay goobta.
RBC Radio












Alsahydaan Ilaahay cadaabta ha idinkaga Aarsado kuwii fuliyey iyo kuwa ka dambeeyey ee soo abaabulay, misha ugu hooseysa ee cadaabta Allah ha idiin kugu abaalmariyo. Aaamin!!!
waa shaqadii shariif qabtay
hadaan magaalada laga dhoofin waa soconayaan
wadaxwaynaha cusub waa nin ku qanacsan nidaamka qabqablayaasha dagaalka maxaase cadayn ah madaxwayne xasan shiikh shirkii ugu horeeyay ee beelaha waxuu laqaatay odayaal uhadli jiray qabqablayaasha dagaalka asagoo kala tashanaya masiirka umada soomaliyeed asagoo ilawsan inay yihiin kursiga uu kukifaxayo kuwii ladiriyay inay yihiin waxana kasoo ifbaxaysa inuu u oomanyahay dhibaatayta oo ay labaatan iyo dhawrka sano laynayeen hantidoodana boobayeen oo aan ayagu marnaba isku dayin aargoosiga ee waxii loogaystay kadoortay wada noolaansho iyo nabad soona gaarsiiyay heerka maanta xasan shiikh kunaaloonayo balse waxaan eegi doonaa sida uu u qabeeyo dagaal beleedkiisa soo socda ee fooshaxun
[...] afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo kahadlay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee maqribnimadii caawa ka dhacay goob laga shaaho oo ku taalla guriga Hooyooyinka ee maagalada [...]
[...] wareysatay afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo kahadlay weeraradii ismiidaaminta ahaaee maqribnimadii caawa ka dhacay goob laga shaaho oo ku taalla guriga Hooyooyinka ee maagalada [...]
[...] si weyn loo dhaliilay hay’adaha amaanka gaar ahaan sirdoonka oo la sheegay inay ogaan waayeen weeraradii isqarxinta ahaa ee maanta ka dhacay guriga Hooyooyinka oo dhowr mitir u jira afaafka laga galo xarunta madaxtooyada iyadoo sidoo kalana laga hadlay [...]
[...] idaacadda dawlada ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii isqarxinta ahaa ee maanta lagu dilay 14 ruux oo ay ku jiraan saddex suxufiyiin ah laguna dhaawacay 20 [...]
eeyaaaaaaaaaaaaaaal haaaaaaaaaaisqrxinina