Faahfaahin: Wararkii ugu Dambeeyay ‘Heshiis La Yaab Leh’ oo Dhexmaray Labada Shariif
Muqdisho (RBC) Shariif Sheekh Axmed iyo saaxiibkiisa hore Shariif Xasan ayaa habeenimadii Jimcaha abaare 4:00 saqda dhexe ku gaaray xarunta Villa Soomaaliya heshiis la yaableh oo soo afjaray khilaaf xoogan oo labada nin waayadan ka dhexeeyay kaasoo salka ku hayey doorashadii afhayeenka baarlamaanka.
Heshiiskan oo si hordhac ah ay Raxanreeb u shaacisay ayaa waxaa hadda ka soo baxay faahfaahino dheeraad ah kadib markii wariyaasha la hadleen dadkii goobjooga u ahaa heshiiskan lagu saxiixay Villa Soomaaliya.
Sidee ku bilawday heshiiska?
Sida ilo wareedyo arimahan ku dhex jira noo xaqiijiyeen, heshiiskan waxaa garwadeen ka ah saraakiil ka tirsan shirkadaha Saracen International iyo SKA Air and Logistics (Shirkadda Saracen waxay ka hawlgashaa Puntland halka SKA ay maamusho garoonka diyaaradaha Muqdisho). Waxaana markii ugu horeysay saraakiil ka socota labada shirkadood ay kulan hordhac ah Dubai kula soo yeesheen Shariif Xasan oo toddobaadkii hore booqasho ku tagay Dubai.
Shariif Xasan iyo saraakiisha ajnabiga waxay ka wada hadleen khilaafka u dhexeeya isaga iyo Shariif Axmed iyo sida loolanka doorashada madaxtinimada loogu garab istaagi lahaa Shariif Axmed. Saraakiisha SKA waxay si gaar ah uga walaacsanaayeen in haddii Shariif Axmed uu meesha ka baxo ay ku dhici karto in qandaraaska garoonka Aden Cadde laga qaado oo dawlada cusub ee Soomaaliya ay ceyriso SKA. Sidoo kalana Saracen International ayaa iyaduna rabta in qandaraas cusub ay ka hesho dawlada Shariif Axmed maadaama Saracen International ay beryahan isfahmi waayeen maamulka Puntland waxayna raadinayaan inay Muqdisho u soo guuraan.
Waxaa xusid mudan in labadan shirkadood [SKA iyo Saracen] ay ku yimaadeen dalka heshiisyo uu saxiixooda iska lahaa Shariif Xasan, sidaasi darteedna waxay ku dadaalayaan in saaxiibo dhanka siyaasadda ah ay mar walba yeeshaan.
Heshiiska Villa Soomaaliya iyo dacwada Shariif Xasan
Il wareed ku dhow Saracen International oo Raxanreeb la hadashay ayaa noo xaqiijiyey in labo sarkaal oo ka kala socda labada shirkadood [SKA iyo Saracen] iyo Shariif Xasan ay iska soo raaceen Dubai iyagoo wada yimid magaalada Muqdisho waxaana ay toos ugu geeyeen Shariif Axmed.
Wadahadal dheer kadib waxaa labada nin ay isku raaceen in heshiis ay kala qortaan kadibna ay si wadajir ah u wada ololeeyaan doorashada madaxtinimada si Shariif Axmed madaxweynanimada loogu soo celiyo.
Sida il wareedkan oo aan rabin in magaciisa la xigto noo sheegay, Shariif Xasan wuxuu ka sheegtay in Shariif Axmed uu dhowr jeer khiyaameeyay ballan horay ay u galeena uu kaga baxay halka Shariif Xasan uu ku mana-sheegtay in isaga uu ahaa nin MADAXWEYNAHA ka dhigay Shariif Axmed sanadkii 2009. Sidoo kale wuxuu ku dooday in markii raysul wasaarihii hore Cumar C/rashiid uu ka hor yimid madaxweynaha [Shariif Axmed] uu isaga [Shariif Xasan] ahaa ninkii ka fujiyey.
Shariif Xasan doodiisa wuxuu ku soo daray in doorashadii Prof Jawaari [afhayeenka cusub ee baarlamaanka] ay ahayd shirqool loo maleegay ISAGA ayna ka dambeeyeen Shariif Axmed iyo C/weli oo qabiil ahaan ugu diidanaa in uu isaga helo kursiga madaxweynaha.
Il wareedka wuxuu sheegayaa in Shariif Axmed ka soo hoyday dhamaan eedeymaha uu ka sheegtay saaxiibkiis, kadibna uu codsaday in dhamaan waxyaabahaasi hore laga cafiyo haddana la furo jawi cusub oo wada shaqeyn. Waxaana markii dambe la isku afgartay dhowr qodob oo aan ka helnay kuwan soo socda;-
1- IN labada nin [Shariif Axmed iyo Shariif Xasan] si wadajir ah uga wada qeybqaataan ololaha doorashada dhacaysa Isniinta.
2- In Shariif Xasan xildhibaanada saaxiibadiisa ah oo tiro macquul ah lagu qiyaasay u codeeyaan Shariif Axmed.
3- In Shariif Xasan ka qeybqaato si firfircoon qorshana u sameeyo ololaha Shariif Axmed.
4- In xildhibaanada kale ee beelaha kala duwan lagu qasbo inay u codeeyaan Shariif Axmed.
5- In haddii uu madaxweyne noqdo Shariif Axmed uu ogolaado shuruudaha Shariif Xasan uu soo jeediyey oo kala ah;-
- In Shariif Xasan keeno raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
- In golaha wasiirada cusub ay noqdaan kala bar saaxiibada Shariif Xasan (waayo wuxuu Shariif Xasan ku dooday in rag badan uu dagaal gelinayo ayna rabaan abaalmarin).
6- Shariif Xasan wuxuu kaloo heshiiska ku soo daray in mudo lix bilood kadib dooraashada madaxweynaha [hadduu Shariif Axmed guuleysto] uu olole u geli doono kursiga afhayeenka baarlamaanka isagoo soo maraya kudlada xildhibaanada ee hadda baarlamaanka ugu jirta, si uu kursiga uga kacsado Prof Jawaari.
Dhamaan qodobadan oo saxiixan ayaa labada nin kala qaateen, waxaana kulanka habeenkii Jimcaha oo casho ahaa uu soo dhamaaday abaare 4:00 saqda dhexe.
Saraakiisha SKA iyo Saracen ayaa aad ugu faraxsan sida heshiiskan u dhacay, waxaana sida mid ka mid ah saraakiishooda uu u sheegay Raxanreeb heshiiskan uu meesha ka saari doonaa walaacii ay ka qabeen in qandaraaskooda caqabad ka hor timaado.
Kooxdii ololaha Shariif Axmed oo la kala diray
Shariif Axmed aya isagoo fulinaya heshiiska Shariif Xasan wuxuu durba bilaabay inuu wax ka bedel ku sameeyo habka ololahiisa loo wado, wuxuuna ceyriyey kooxdii uga masuulka ahayd ololaha madaxtinimada.
Warar ku dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in sababta guddiga ololaha doorashada ee Shariif Axmed loo kala diray ay tahay kadib markii Shariifku ku qanci waayey tirada xildhibaanada ay u hayaan oo kaliya 12 ay ku sheegeen gudddiga.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho















War hooy illeen tanoo kale!!
Lkn waxaan hubaa hadii ay sidaas ku heshiiyeen aysan meelna gaareyn.
:ILlahoow nabadaaan shariiiiiiiiiiiiiiiif tuugada ah wadanka iibsaday naga qabo aamin
Shariif Sakiin mar kale ayaa qub Moos ah loo dhigayaa, Afguduud Suu horay u khiyamay ayuu hadana u khiyaamayaa haduu ku guuleeysto Dorashada, markuu cododka ka helo ayuu leeyahay saxiib markii hore ayaan qaatir kaa taagna ma’hadaan gacanteeyda kugu soo ceshtaa…..hadana waa yaab, ninku indha adkaa, anaa ra’iisul wasaaraha soo xulanaya iyo golaha wasiirada….Aduunoow xaalkaa ba….Wadankii waxaa u qayilay Mafia Caalami ah iyo calooshood u shaqeeystayaal Somali ah aan Damiir Leheeyn, Meesha Turub aan Caadi eheey baa ka socda….Barlamaanka waa in uu ciyaara siyaasad cusub oo ragan looga taqalusayo, Saracena wexeey doonayaan meel eey ku dhuuntaan, madaxdooda inta badan waa WANTED….
Shariif Sakiin ilaahaygii bilaa aqoonta ka dhigay baa mahadleh kanoo aqoonyahan ah baa uu uu uu waa uu nagadan lahaa cidna kama hadasheen sow isagoo jaahiluu afarta dhinac noo jeedshaye waa wareeeeeeeeey. Markan talo waxay agtaal Gudoomiyaha Baarlamaanak Prof. Jawaari iyo Xildhibaanada Baarlamaanka. bal eega dabinku dhigayo wuxuu rabaa inuu kursiga ka tuurto jawaari ma wuxuu mooday aadan madoobe. Jawaari markan waa inuu dagaal u galaa musharax Gaas. sheekadu haday noqotey Shariifyo waa inay noqotaa Proffesors. markaasna uu dagaalku noqdaa Shariifyo iyo Barafasooro.
Waa Maalin mugdi…………hadey soo noqdaan labada shariif………….waa in laga hortagaa…labadaan nin………..somalia somalia somalia………..ilaahey hakuu naxariisto hadey soo noqdaan,,somaliland,puntland,galmudug,iyo kuwa kaleh…….waxaani lee yahey……..Ka go’a somalia
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Waar Ninkan Shariif Sakiin waa Haamaan weyn oo aan loo taag heli karin, Ma hadduu u soo dhigtay Jawaari Kursiga uu hadda uun Salka dhigay kkkk Wallee Odaygaa gadhka cad belaayaa haysata haddaa. Thank u Raxanreeb 4 ur investigative report.
kkkk, lol, waan ka xumahay in Raxanreeb dacaayadaan raqiiska ah lasoo shirtagteen adinkoo raba in aad ku dhaawacdaan doorashada Madaxweeynenimo ee la hubo in uu kusoo bixi doono Shiiq Shariif. Marka, waa nasiib daro adinkoo idaacad dhexdhexaad la’idinku ogaa in aad markaan eex bilowdeen. Maad noogu dartiin sidoo kale lacagta beenta ah “ee website yada qeeyrul mas’uulka ah” qaarkoodna eey sheegayaaan in eey qeeyb ka aheeyd heshiiska labadaan oday dhexmaray”. Wow, ma aanan idinka fileeyn in aad fahmi weeysaan in waajibka idiin saaran eey tahay danta dalka iyo dadka Somaliyeed, adinkoo garab istaagayo hogaamiyaha la hubo ee iska dhaaf waxa hada isa soo sharaxee, xataa labaatan iyo sadexdii sano aan laga helin Somalia dhexdeeda, waa Madaxweeyne Shiiq Shariif ee. Insha’allah, waa noo Isniinta iyo dabaaldaga guusha madaxweeyne Shiiq Shariif, ” a forward thinking leader, unlike none of the other presidential candidates” Viva Somalia.
Raxanreeb Shariif Xasan waxay ka dhigtay Wiil Hoog, walaalayaal ninkaas awood badan maleh runtii, haduu awood leeyahay barqa cad Siyaasadiisii laguma majaxaabiyeen, taas oo cadaynaysa ninkaas sida la wad wado inuusan ahayn, mar labaadna daadkaa qaadaya, mideeda kale arintii lasoo dhajiyay maalintii hore ee ahayd C/wali iyo Shariif xasan baa ku heshiiyay inay badda Gataan xagee ku danbaysa?
Saw ma ogidin in haddii meel dagaal xumi ka dhaco in god lagu wada rido waxii isdilayay ka dib markay bisha cas ama laanqayrta casi u soo gurmato”qabriga cidna col kuma aha” .
Laba Shariif godkooda ha ku waaraan.Siyaasadii baa dayrisay oo tiri aniga kuwaan ehalkaygii maaha,Sarcen iyo Sk maxay ku caawin karaan? waxay ku caawin karaan inay inay handadaan ama shirqoolaan siyaasiin caana ama ay khal khal galiyaan doorashada ,waana arin dhacda siday ka samayn jireen caalamka iyo Puntland oo ninkii faroole arimihiisa fara galiyay ay ka taqalusaan…Caalamku indhuhuu ku hayaa shacabka Soomaaliyeedna waa soo jeeda maanta una hogaansami mayaan waxa ay ka samaynayaan dalka calooshood u shaqaysatayaasha soo duulay…Puntalandan joogi maayaan haddii la doorto hogaamiye dhaba oo dalka iyo dadka u danqanya.
Qayalda Puntalnd iyada lafteeda ”Orgiga baroortu ka wayn” kaligii qayliyaha isga ayay ku kooban tahay waxa uu shaeegayo ee shacabka Puntlaand waxa yididiilada fiican laqabaan ummada Soomaliyeed kamana tegayaan …hadiise laba shariif ku soo laabtaan waa siduu rabay horjooga keensaday sarcen iyo kuwo lamida.
beeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeen iyo dacaaaaaaaaaaaaaaaayad raqiis ah
Waxaa billaabmay burburkii rajada.
Allow kuwaan naga qabo.
asc
bahda raxan reeb.com aad baan idinka mahad celinayana sida wanagsan aad shacabka u so war gilisaan.
mida labaad waxaan barlamanka ka codsanayaa inaysan shariif axmed aqbalin ano ku saba baynaya dhowr qodob
1. wa nin aan khibrad wanagsan u lahyn hab mamul iyo nadaam dowladeed
2 wa nin aan sharciga ilalin aqoon waxuu xaq uleeyahay iyo waxuusna u lahyn na kala sari karin
3 wa nin balan qaadka danihiisa u ku helayo ffulinaya
4 siyasadiisuna a ma cada intaas ay samyeen cidamada amizon na ma hana wax lagu shirtago
iyo qodoba kale oo badan oo ku salaysan labadan shirkadood oo dhibgat wyan somalai ku haya balse aysan umada somaliyeed aysan ku baraa rugsanyn
shirkada sarancer waxay jabisya cuna qabatayntii somalai wana shirkad dagaal ooge h oo wadama badan soo halagtaya wadamada wxa ka mid a h south africa oo xaruntedu tahay ninka masulka ka ahna u asal ahan ka so jedo iyo wadan new gana papa u dhow australai so
waxan marlabadn ka codsanaya barlamanka sharfta leh inay masiirka somalai ku aminana nin nadiif ah oo afkartiisa iyo balan qadkiiso ba yahay mid umada somaliyed wax u taraya anan na galayn khiyama qaran labada sharfiif waxann dhihi kara wa khaa imiin qaran.
Nacalad ha idin ku dhacdo idam alle, ma dalkeena ayey had iyo goor u heshiinayaan ma ayagaa somalia iska leh waxan sugeynay waxa ay eheed in aan ka baxno foolxumada iyo dowlad xumada na raggaadisay muddada 22sano.. Iminka laga bilaaabo waxaan taaageero hil iyo hoooba u hayaa wadaniga saxda ah ee somali maanta u baahan tahay Mohamed Abdullahi Farmaajo
Parlamaanoow doorta nin idinka saaari kara dhibaata iyo foolxumada maalin waliba heesata ummada somaliyeeeed Please doorta Mohamed Abdullahi Farmaajo waa gesi soomalia u soo baxay. Inshallah waa guleesan Farmaajo
kkkkk faroole bilaash uma qaylin labada shariif umada alha ka qabto
Taladii somaliya ma …. iyo … ayaa qaybsaday kkkkkkkk
War meesha vila sonmaliya … ayaa leh xagay riwaayada iskugu sheekeyeen.
/// iyo ….. waligood wadani noqonmaayaan sida …. Sheekadoodu waa macaash xoolo raadis dalka waa la gadayaa.
War ilee faroole wuxuu ka qaylinayey waatan sheekada socota kkkkkkkkKk
Dr abdirahman sheikh mohamed mohamud meel fog ayuu wax ka eegay kkkkk laakiin siyaasadiisa arimaha gudaha waan ku dhaliilsanahay. Markii ay gobolkii sool gacantiisa ka baxday maamulkii khaatumo state u arkay cadow.
Ilaahow adaa caadilee nimankaa umada dhinac u dhaafi,wadankayagii sidaa u gadanaya oo Gaal iyo Muslimba wixii dhib wada naga qabo,Alow mid xaqa iyo cadaalad xambaarsan umadaada dhibanayaasha ah oo dhowr iyo labaatanka sano dagaalka iyo dhibka ku jirey u sahal adaan kuu qayshanaye oo Qafuural Raxiim ahe Amiin yaa Rabi.
Anigu waxaan taageersanaa Farmaajo hadaanu kursiga helayna aad ayaan u soo dhoweynayaa wax kasta oo faroole ka qeylaalsiinaya waayo waa shaqsi xun oo soomaalida lagu soo dhex tuuray laba shariifna isagaa ka xun, Kuuley Cali banjarna dhiigu ha ku kaco ilyas barre meel ha ku geeyo haddaba.
cabaadka iska daaya 2 Shariif weey soo laaban
faroole waxaad aragtay oo fahamtay khiyanada soo socota ee 2da shariif waadna ka qaylisay waxaa habonayd oo aad aamustid iskana moostid shartooda oo aad iska difaacdid soomalida waxba aan fahamsanayna aad u aanustid oo markii daadka 2da shariif soo gaaro aad ku qosashid kkkkkkkkk siyad bare oo xoog ku qabsaday soomaliya ayaa loo heesay la lahaa noolow madalaw, iyo guulwade siyaad maxaa ka danbeyay 21sano oo qax ah oo soomalidu meel walba ku dhimatay kana gudubtay badaha waa wayn sida hindiya ,atlanta, pasific,, dadka maanta raba 2da shariif waxay xasuusan donan 21sano kabacdi, oo 1969kii siyad bare malinkuu xukunka qabsaday hadii toosh lagu iftiimin lahaa waxa la dhihi lahaa reer hebel baa baa kasoo horjeda oo xukunka u raba nin jufadooda ah laakiin manta qofkasta oo somali ah waa ogyahay 21sano ooo xukun milatari ah waxlaga dhaxlay .
Nin daad Qaaday xunbo cuskay. Waa inoo biri on sha Allah wa la arki doonee meeshaan ku tuuro laba shariif Iyo koofiyadooda kkkkkkkkkkkkk meel fiican Ayaan ku tuurayaaa god weyn aysan mar dambe Ka soo bixin . Tankale dadkaan nac nacda haya ee afku xoog layaasha waligiin aabayaashiin Ma talin adinkane Ma talin kartaan Waa la idin ogol yahay habaar Iyo nacayb midna dhahihiina galiya oo ku seexda kuna soo toosa In Puntland Iyo shacabkeeda aysan ogaaleen riwaayad dambe oo Lagu jilo Xamar dalkoo dhanna wa caasimado wana lakala tashanayaa hadii lawada tashanwaayo oo aayaha dalka loo shaqeen waayo military ahaan wan isku filnahay
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk yaaab badana maxay qabtaan labadan shirkadood midna waxay dadka ku laysaa boosaso iyo gaalkacyo midna xamar bay qaraxyada ka fulisaa alshabaabna hubka iyo lacagta bay siisaaaaaaaaaaaaaa maxay kalo noo qaban lahaayeen tankale labadan shariif isku sheeg shariifna ma ahane shayaadiinta yaa naga qabta raboow wax kaalada iyo al shabaabka iyo qaswadayaasha waqtigoodiii waa dhamaadee naga qabo dowlad daacad shacabka u ah noo soo dir aamin yaa kariib dadow ilaahay ha la baryo maantay iyo maalin walbaba alaa wax og’eh
haduu alle idmo somalia berito waxey doorantoontaa madaxweynaha Dowlada Rasmi ah oo somaali leedahay , qabiilkuu rabo ha ahaado waa in lataageeraa shaqsigii baarlamaanka somaliyeed ey codkooda xorka ah kusoo doortaan, kamana hadli karo faroole qofka baarlamaanka soo doorto waa inuu u hogaansamaa sharciga dalka hadii kale talaabo uu ka qoomameeyo ayaa laga qaadi donaa cidna uma hakandoonto hadalada uu sida caruurnimada ah iskaga dhaho. adeer dantaada garo hadii kale waa lagu garansiin beri wixii kabiloowdo ileen dowlad ayaa dhalaneysa aadan kadaba hadli karin hadii kale aadalaal aadaa
SHARIIFAYAALOW Waqttigiinii waxaa ka dhiman saacaddo