Fannaankii caanka ahaa Faysal Cumar Mushteeg oo Hargeysa lagu aasay iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Allaah ha u naxariistee geerida Fannaankii caanka ahaa Faysal Cumar Mushteeg, sidoo kalena muddo dheer soo ahaa Macallin inta badan dhulka ay Soomaalidu degto ka soo shaqeeyey, kana mid ahaa Fannaaniinta fara-ku-tiriska ah ee ay dadku codkooda sida weyn u jeclaayeen.

Allaah ha u naxariistee Fannaanka Faysal Cumar Mushteeg, ayaa xalay ku geeriyooday inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, isaga oo loo sii waday in Berbera diyaarad laga saaro si Dhaqtar dibedeed loo geeyo, waxaana Meydkiisa lagu soo celiyey Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ka dib markii uu muddo u jiifay xanuun, waxaana maanta lagu aasay Xabaalaha Xeedho ee Waqooyiga magaalada Hargeysa.

Aaska Marxuumka waxa ka qaybgalay Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno, Fannaaniin, Abwaaniin, Dadweyne aad u tiro badan, waxaanay dhammaantood Illaahay uga baryeen Marxuumka inuu Naxariista Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo, guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Bahda Fanka Soomaaliyeed, qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isaguna tacsi u diray Bahda Fanka, qoyska iyo ehelada uu Faysal Cumar Mushteeg ka baxay, waxaana sidaa lagus heegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada oo maanta la soo saaray, waxaanu u qornaa sidan:

“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Bahweynta Fanka iyo Suugaanta, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Qoyskii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, FAYSAL CUMAR MUSHTEEG oo ku geeriyooday Xalay inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa iyada oo loo sii waday in loo duuliyo Dalka Ingiriiska.

Marxuumku waxa uu ahaa Xubnihii ugu horeeyey ee dhidibada u tagay fanka Somaliland iyo sidoo kale dadyoga af-somaliga ku hadlaba dhamaantood, waxaanu ahaa macalin dad farabadan oo reer Somaliland ah wax soo baray, taas oo ay ku anfaceen dadkooda iyo dalkoodaba. Sidoo kale Waxa uu ahaa fanaaniintii ka so qayb qaadatay halgankii dalkan lagu horeeyey.

Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahweynta Fanka iyo Suugaanta, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Qoyskii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

3 Responses for “Fannaankii caanka ahaa Faysal Cumar Mushteeg oo Hargeysa lagu aasay iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay”

  1. [...] Link: Fannaankii caanka ahaa Faysal Cumar Mushteeg oo Hargeysa lagu aasay iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ka h… [...]

  2. toosane says:

    Qardho quman baan ka qaylinayee ma haddaan galay qaaba qoysayn! Heesti u tiriyey marki loo bedeley Calowla. Ala ha kuu naxaristo Faisal C. Mushteeg.

  3. saddam ahmed says:

    alle ha unaxariisto waxaan ogahay ninkaas inuu taariikh katagay lagu xasuusan doono ilaa iyo asal ka asal

Leave a Reply