Farmaajo: Shalay waxay ahayd Isniin Maantana waa Talaado
Muqdisho (RBC Radio) Raysal Wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo haatana ka mid ahaa musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee dalka ayaa wuxuu ka hadlay dooorashadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in uu ku faraxsanyahay sida ay doorashadaasi u dhacday iyo waliba madaxweynaha cusub ee xildhibaanada Soomaaliya ay u doorteen in uu wadanka hogaamiya Xasan Sheekh Maxamuud.
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa wuxuu ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed Madaxweynaha cusub ee uu dalka Soomaaliya yeeshay isaga oo sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya.
Mar la waydiiyay Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo in uu ku qanacsanyahay sida ay u dhacday doorashadaan ayaa wuxuu bixiyay Jawaabkooban oo ay adagtahay in la fahmo macnaheeda taasi oo ahayd.
“Shalay waxay ahayd Isniin Maantanada waa Talaado”
Maxamed Farmaajo ayaa hada ka hor wuxuu ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya in ay ka fiirsadaan cida ay codkooda siinayaan, wuxuuna sheegay Awooda ay leeyihiin maalinta doorshada in aysan lahayn maalinta xigta.
Doorshada madaxtinimo ee Soomaaliya ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku guuleestay oo cod aqlabiyad leh lagu doortay Musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa musharixiintii u tartamayay xilkaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] See the article here: Farmaajo: Shalay waxay ahayd Isniin Maantana waa Talaado [...]
Nin daad qaadey xunbo cuskey waan fileyney inuu faatalhan cid dooneysaa majirto
Who cares what this idiot thinks?
Qaranka Soomaaliya hanoolado.
Well done Farmaajo. Shaki kuma jiro in xaqiiqdii umadda soomaaliyeed ay adiga ku dooratay marka laga reebo in yar oo laaluush iyo qabyaalad ka doorbiday rabitaanka iyo hammiga shacabweynaha Soomaaliyeed.
Waxaanu sugnaaba waa in aan aragno habdhaqanka iyo tallaabada xigta oo ay qaadaan Laaluushlammaanka soomaaliyeed.
to prof piccolo
sxb anigaba ma rabin nin dadka lacago u balanqaadayo maxaa yeelay wadanka looma baahna in lacag lagu mashquuliyo balabqaadisteeda , marka wuu haray laaaluush bixiye iyo laaluush qaate , wey wada duntay wixii balabqadi jiray iyo wixii tuugada ahaaaaaaaaaay viva Df soo dhaawaaw mudane xasan shekh mahamuud guul . laaaluush dhulka
Horta waan soo dhawaynayaa madaxweynaha cusub si taxadarleh.
6 bilood ayaan muddo qabsanayaa oo aan go,aan ku gaari karaa inta aan siinayo kalsooni buuxda, marka la arko sida uu wax u wado!!!
Soomaalidu waxay tiraahdaa( ha i wada jeclaan i nici doontaana ma ogide, hana i wada necbaan i jeclaan doontaana ma ogide!!!)
prof piccolo adeerkaa gaas ak waran nin daad qaaday xunbo cuskay soow maaahan kkkkkkkkkkkk take care qabiil baa kaa buuxee
asc marka hore dadka aan dalkooda iyo dadka soomeeliyeed aan wax la qaybsan karin sida kan sheegtay (prof piccolo) farmaajo waa kan ku tusay nolosha aad maanta ku jirto iyo doorashada ka dhacday xamar caqligaaga ayaa piccolo ah marka dhib maleh magacaaga iyo caqligaaga way simanyihiin ee soomaaliya horey ayay u so cotaa ee la soo qabso ayaan ku leeyahay. thnaks bro.
prof picolo waxaad ogaata farmaajo ah iuu yahay nin wadani meeshana dad codaynmayaan
codkiisana waa uu siiyey xasan shiikh gari laba nin kama wada qosliso
sidaa wac u fahan
maansha lah walle farmaajo waa oday waxan leeyahay mudane iska sugo malintii la gaaro one man one vote oo sanduuqyo la dhigo magalloyinka dalka kolay waxad dalkaan u qabatay somali wa ogtahay doqon loo sheegi maayo
Farmaajo awalba waxaa buunbuuninaayay mediaha iyagoo caadifad oo kaliya uga dan lahaa. Ma arko xigmad ku jirta oo lagu qwaadan karo, nationalism marana cid maanta u baahan ma jirto. Waxaase ugu foolxumeeyd markaan daawaday qudbadii uu ka hor jeediyay baarlamaanka iyo iyo siduu ugu haftay qoraalkuu gacantiisa ku soo diyaarsaday. Waxaa isweydiin leh meeshuu wax ku soo bartay miyaan laga aqoon “presentation”. Afar jir higaad barad ah waxba ma dhaamin runtii!!!!!
Inkii wax u qabta ayaa cilmanoyuuntu neceb yihiin.dadka dilana waa jecel yihiin.
Allaha ku sharfo farmaajo tani waxay ka mid tahay wanaagaan uga baranay wadaniga dhabta ah mudane FARMAAJO …we ol luv u will miss u mr.farmaajo
Saan xaqmaaha ninkaan “Soomaali” oo dhan ayaa u hanwaynayd. Alla calool xuma waynaa!
Farmaajo iyo gaas iyo musharixiinta oo dhan aderayaal waxay ahaayeen dad u qalma lakin dee
Duruufo jiro awgood baan loodooran, waxaana kaga haboonaa waa un dadka meesha dega nin kadhashay oo dadkiisa qabsan kara ilayn ayagaa marti looyahaye,
laaluush lamaanka soo maaliyeed waaba roon yihiin hadayan labo shariif nagu soo celin ee ay qof cusub noqotay alaha noo hagaajiyo ninkaas. tan kale mohamed farmaajo waa halyey somaliyeed qofka diidan waa qabiilayste wuuna xaqirayaa iimaana maleh qofkaasi
To Puntland4Ever-ninka wata,
1st>>Puntland iyo dadkeeduba ha loodaadeen insha Allah,
2nd>> Gaas iyo Farmaajo hadaan khudbadohoodii is barbar dhigno, waxaa ka mid ahaa hadaladii Farmaajo “KHasnada dawlada waxaan ugu imid ZERO FUND waxaana uga tagay 7.5 Milion Dollar qof shaqaale ama ciidan ama xildhibaan ahna mushaar ma waayin intaan joogay, Maantana ” waa xiliga PM Gaase” askartu 5 bilood mushaar ma arkin, Xildhibaanaduna 8 bilood>>>>>those are FACTS…PM Gaas hortiisa ayuu ka yiri …..Do you or do mr gaas have an answer for it?!!!
Allaha ku caafiyo waad jiran tahaye
pintiland iska saar cuqdada qabiilka ku dhisan farmaajo adiga aqoon ka barimaya . farmaajo soomali waa ka gadamay lakiin fad ama ha fadin waa lagu fadsiina idiot
Farmaajo inuu xuunsho ama xunbo siyaasadeed ahaa raggeenna la joogay Mareykanka way ogaayeen.
Wuxuu ku soo caan baxay systemkii uu dejiyey Dr Xalane wasiirkii Maaliyadda.
Waxay dadwaynaha oo system u baahnaa moodeen in maskaxdiisa ka soo maaxatay.
In fact waxaa systemka dejiyey Dr Xalane.
Then Farmaajo wuxuu sheegtay creditka uu nin kale sameeyey.
Guushuu in Cabdi Xalana lahaa maxaa Farmaajo siiyey.
Markii ballot box la isugu habar wacday Farmaajo waxaa ku soo baxay wixii uu ahaa.
You cannot sell people’s achievement as your own.
I wonder who vetted all so called presidential canadidates?
Probabley their cheiftans.
farmaajo dadkii u isku haleynaye waa ooga baxeen marka ha iska sugo afar sano kabacdi markay doorashada noqototo one man one vote
Bye bye Farmaajo..Quit our face.
Waxaa illahaymahadii ah in dorasho dhacday maantana Gaas boniyo bixiye iyo 2 shariif qashinka lagu wada daray.Haddii la i weydiin lahaa Gaas,waxaanba qaba salaad cali jeele inuu ka wanaagsanaan lahaa sababtoo ah qabyaalad tuuganimo casri ah malaha canshuur dhaaf waxaa ay ahayd farsamo naga maqan Farmaajo iyo Gaas daad ayaa wada qaaday laakiin waxaa lagu kala xasuusan doonaa nina waa nin qabyaaladeed khaainul wadan rabay dalka in uu iibsado nina shacbiyadiisa aya alagu diiday Farmaajo cayaar waa galin danbe sx.Gaas adiga tuugadaada wa ala bartay iska aad W/gaalkayo haddii kale addeerow hub maa qaadataan oo mucaarad ayaad ku fiican yihiine maad mucaarad hubaysan noqotaan kkkk Farmajo iyo Gaas daad baa wada qaaday
Farmaajo. Waxaa. Buunbuuniya yay. Dayniile+aamincaamir+xooga =ah,, Ujeedadu waxay ahayd. Putland. Ku fogey a. ,, laakiin.farmajo. Mafahmin. In ==rabo. Markii. La arko. ==, Hadii. ==. La arkin. Markaa farmaajo. Waa. ==. Oo ==marabo. Laakiin. Ilahay. Mahadii. 2shariif. Haday nadhaafeen. Wax kasta waxaa kaxumaa. 2sharif oo soo laabta. Gaas shaqo fiican ayuu kaqabtay Haduu 2sharif ay israceen.
Farmajo. Waxaa. Ugu. Xilsaarnaa ololaha doorashada. =. Oo kala raba ay yusufgaraad iyo shiikh sharif
kkkkkkkkkkkkkkkkk farmajo waa ku daadatee see cml mac ey ku tahay maxa yeelay qudbadiisa wuuba gariiraayay ma kasin wixii ku dhacay , waxaas waxaa sabab u ah lacagta uu ka dhacay dowlada wixii dowlada lacagteeda ku maqan oo dhan waa wada dhacayaan wax ma soo haraayo ilaa mid aan isticmalin mooyee , kii isticmaala sida farmaajo iyo shariif af yaanyo iyo shariif iyo gaas iyo sakiin iyo tuugada kale oo qarsoon , masoo baxayaaan ,wale xalay neeftuur waa dhacay kkkkkkk baadiyow iyo yuusuf garaad aa iigu darneed aduunka kkkkkkk baadiyow waanba kasee waa nin fiican lakin ina garaad dabaalkaas oo qabiilka ilkaha ka qalqaloociyay yaxarta ah bbcda dartiisaan ku nacay nacaska jahil jahil dhalay maxaa tahay dheh , lakabka kuugu jiro wuu kuu toosi lahaay hadii qabilka iska dhaafi laheed shit
Mataageri karno mana mucaaradi karno madax weynaha cusub balse waan soo dhaweyneynaa waayo waxaa wax lagu taageraa AMA lagu mucaaradaa wax qabad iyo wax qabad la’aan taageraduna waxey timaadaa marka qofka wax qabadkiisa la arko.
farmaajo sxb meesha waxab kama heesde mar dambe ha iso ceeben ninyahay
@Puntland4Ever
qurunkiina iyo qabiilkiina ayaa beelweynta farmaajo iyo gaas kasoo jeedaan kala dilay adinkaa ka masuul ahaa inuu farmaajo iyo gaas ku ceeboobaan shalay baarlamaanka hadana soomaali oo dhan baa idin nacday waligiina la idin dooran maayo saas ola socda 30 cod ayuu helay gaas oo 12 beesha ah iyo 18 lasoo iibshay farmaajo 14 wadaniyiin ah codkooda ayuu helay afbiijoole kawaran soo xamar mahoos joogo waxuu soomaali iyo beelweynta dagta bossaso cabudwaqq kismaayo iyo meel walboo aan dagno asagaa kala jabiyaye
@ Maamulyaqaan
We care about what he ( Farmaajo) thinks. More than 10,000,000,000 ml. of us Somaliz care about Farmaajo. He is our beloved and chosen one. Soomaaliya Ha Noolaato! Aamiin.
somali waamid waa ul iyo mayrax,
waxaa leeyahy halaysu colool fiyoobaado hana laskuduceeyo.
waa ra yigayga bismilah
ASC, Farmaajo waa nin wanaagsan oo runtii shacabka Somaliyeed gudaha iyo dibadaba oo qabiil kasta leh u codeeyn lahaayeen (tan waxaan kasoo xigtay polls, somalida websiteyada qabiilada dhan eey leeyihiin mid kasta, iyo waliba kuwa dhexdhexaadka ugu dhow sida VOA qeeybta somalida). Laakiin shacabka somaliyeed ma eeysan codeeyneeynin sida aad wada ogtihiin ee waxaa codeeynayay 269 xubin oo baarlamaanka ah.
Kuwiinaan kasoo jeeda pintiland ee Farmaajo diidan, waan ognahay cancerka Somaliya ka jira adinka ayaa u sabab ah, maxaa yeelay waxaad tihiin adinka oo dhan including ninka idin hogaamiya qaswade Faroole dad xaaraan ah, nijaasa ah oo aan mid u dhow reer ahaan sida Farmaajo iyo mid ka fog sida Maxadweynaha cusub iyo kii ka horeeyayba kuli waad xaqireeysiin, maxaa yeelay waxaad rabtiin wax aadnaan xaq u laheeyn oo ah wax badsi ilaa aad xataa dhahdaan waxbarashada deeqaha la helo kala bar hanalasiiyo. Taasne dhici meeyso maxaa yeealay maantay ma ahan waqtigii Gumeeystaha Talyaaniga iyo Ingriiiska aan xoriyada ka qaadanay, markaasoo sida eey ila tahay aad xukunka la wareegteen sababtoo ah, daba dhilif ayaad u aheeydeen gumeeystaha sida aad maantay u tihiin dabadhilif iyo gaala jeceey adinkoo Somalida neceb. Xaaraan xaaraan ku dhalatay ileeyn isma badalaan. Madaxweeynaha waxaan kula talinayaa in uu Farmaajo Prime minister ka dhigo, runtii markaas waxaa suurtagal ah, in reer pintiland “containment” lagu sameeyo oo koombo lagu haayo, ilaa eey dadkooda dhinac kasoo raacayaan. Waxaan idiin sheegayaa sirta ah, in dadkaan jiljileec iyo baryo wax ku laheeyn. Bal arki madaxweeynayaashii hore Mohamed Siyaad Bare (AUN) iyo madaxweenihii ugu dambeeyay ee Shiiq Shariif sida eey labadaas nin ula macaamiltameen, Siyaad Bare gacan adag ayuu ku qabtay oo uu karbaashay maxaa yeelay waxuu arkay in eey qatar ku yihiin jiritaanka qaranimada Somaliyeed. Shiiq Shariifna intuu tuulooyinkooda ugu tagay ayeey hadana qashqashaad iyo lugooyo kusii wadeen. Saa ma rabaan qaranimo e. Taas wee ta eey uga baqayaan Farmaajo. In uu karbaasho cadowga Somaliyeed ee aan isku diirka nahay. Salaama.
Soomaaliyeey ka fogaada qabyaalad , Badii waxaa laga buu xiyay toxic aduunkoo dhan laga keenay, Qabyaalidi wax ku tari mayso Aduun & Aaqiro, Waxaa kaaga fiican adigoo country mankaaga aaydaan kala maarmeeyn wanaa jiya, Hadii Qof wax laga sheego iska daaya inaad qofkaas kadaba qaadataan adigoo u arkaya in Qabiil Ahaan wax looga sheegayo Aan barano in Qofka hadalkiisu Xor yahay waxuu rabana sheegi karo iyadoon violence aheyn , qurbahaa joogtaan Walina Waxaad wadaan Qabyaalad 20 sano oo civil war kabacdi Goormaa Caqligu shaqaynayaa ? , Raga aad ukala hiilinaysaanse maxay idiin yaqaanaan ? Same times waa la isku xishodaa , Viva Puntland & Soomaalia
horta doorashadan shacabka soomaaliyeed kama qayb gelin ismana lihi shacabku haduu one man one vote dhiibo inuu qabiil wax ku dooranayo waayo dadku waa bislaaday oo waa soo taabteen gidaarka ugu dambeeya ee qabiil in yaroo weli bukta mooyee farmaajo shacabkaa jecel doorashada soo socotana waa la dooran doonaa ee farmajo waa in uu hawlihii wacnaa sii wadaa oo dawlada la shaqeeyaa ma aha inuu dib ugu noqdo qurbaha waayo haduu fogaado 4 sano waa la ilaawayaa
Saxiiba yaal hal booliya nirig xalaal ma dhasho madaxweynr ku yimi laalushhogaan iyo Dowladnimo xalaala uma hir gasho waayo si xalaal kuma qabsan
cadaado kan wata horta wxuu u baahanyahy in uu qoraan akhristo si qalbigiisu nadiif u noqdo mida kale farmaajo 6 bilood ayuu joogay wax fiican waa qabtay wax ka badana wxaa qabty gaas heerka dowladu marysono oo iskaashiga ah arimihii road mapka isfahanka maamulkii asaasay naf iyo maalna u huray dowladan hada la dhisay isfahansiiyay isu soo dhawaanshona ka sameeyay beelaha [[[[ maadaama dalka colaado fara badan oo kuwo toos ah iyo kuwo kaleba ka dheceen tusaale beesha ;;;; oclaadihii dhacy ayay wali tabanayaan cid maadaama wadanka qabyaaladii ay wali xoog leedahay 22 sano kadib beesha ‘ iyo ‘ dhaxmary xamar marka si kalsooni loo helo iyo shaqo fiican ayaa la qabtay mxamad cali gaas wxaa yaalaha ku guulaysaty w