Fashilka iyo Ceebtii ka dhacaday Xafladii Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya (WARBIXIN+SAWIRO)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Ciidamadaii Amaanka iyo gudigii soo dhowaynta oo isdhexyaacaya

Muqdisho (RBC Radio) Munaasabadbalaaran oo lagu lameelo saarayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho taasi oo ay ka soo qayb galeen madax badan oo ka socotay wadamada caalamka.

Inkstoo qaabka loo soo agaasimay munaasabadaan ay ahayd mid wanaagsan ayaa hadana waxaa jiray qaladaad badan oo lagu fashilmay oo loo baahnaa in laga sii baaraan dago, kuwaasi oo ay qayb ka ahaayeen qaabka soo dhowaynta wafuuda kala duwan ee imaanayay iyo qaabka loo sugayay amaanka oo ahaa mid wareer badan uu ka jiray.

Soo dhoweynta madaxda iyo martisharafta.

Waxaa shaqaynayay koox gaaraysay ilaa iyo 50-xubnood kuwaasi oo dhamaantoodba ka shaqaynayay soo dhowaynta masuuliyiinta imaanaya munaasabadaan, kooxdaan waxay ahaayeen kuwo qaarkood la shaqaynayay madaxweynaha cusub ee haatan xafiiska yimid halka kuwo kalana ay intooda badan ahaayeen Shaqaalihii Dowlada.

Martidii iyo Gudigii Soo Dhowaeyn oo isku dhexjira iyo Martida oo Fadhi loo layahay

Dhibaatada heesatay kooxdaan ayaa waxaa qayb ka ahaa ayaga oo aad u badnaa oo aanan hadana kala qaybsan shaqada, asga oo aanan dhexdooda isgaranaynin, iyo ayaga oo aanan lahayn qorshe guud oo loogu talagalay in martida iumaanayso lagu maareeyo.

Sida muuqatay lama ogayn inta ay la egtahay martida ka imaanaysa caalamka ee ka soo qaybgalaysa munaasabadaan, lagu caleemo saarayay madaxweynaha umada Soomaaliyeed Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaar ka mid ah madaxda wadamada caalamka ka socday ee ka soo qaybgalay munaasabadaan ayaa qaarkood waxaa dhacday in loo waayo fadhi, maadaama anan markii hore aanan lagu talagalin.

Sidoo kale Martida imaanaysa ee socota wadamada Caalamka ayaa waxaa dhacaysay in la waydiiyo halka uu ka socdo iyo qofka uu yahay maadaama gudiga ka shaqaynayay soo dhowaynta aysan qaarkood si wanaagsan aysan u garaynaynin madaxda caalamka.

Maadaama anaan horay loogu xisaabtamin in madax badan ay ka soo qaybgalayso munaasabadaan ayaa waxaa dhacday iyadoo ay madaxdii taagantahay in kuraasta laga kiciyo qaar ka mid ah wasiiradii hore iyo xildhibaano markaasna la fariisimo madaxdii taagneed, ee qaarkood ka socday Qaramada Midoobay.

Taa waxaa ka sii daran.

Kursigii ay ku fariisan lahaa madaxweynaha oo la wado xili ay fadhiyaan madaxdii caalamka

Iyadoo ay fadhiyaan dhamaanba madaxda caalamka oo ay ka midyihiin madaxweynaha wadanka Jabuuti iyo Raysal wasaare ku xigeenka wadanka Turkiga ayaa waxaa la soo galiyay Kuraastii ay ku fariisan lahaayeen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.taas ayaa muujinaysa in aanan horay loo sii diyaarin halka ay fariisanayaan labadaan masuul iyo kadhigii ay fariisan lahaayeen.

Xaga Amaanka.

Dhibaato badan ayaa ka jirtay xaga amaanka waxaana mar marka qaar xataa ay dhici kartay in arintaasi ay shaki galiso madaxda caalamka ee ka soo qaybgashay munaasabaan qaali ahayd ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa joogay madasha ilaa iyo shan kooxood oo xaga amaanka wada qaabilsanaa kuwaasi oo kala ahaa.

  1. Ilaalada Raysal Wasaarihii Hore.
  2. Ilaalada Madaxweynihii hore.
  3. Ilaada Madaxweynaha Cusub.
  4. Ilaalo ay wateen qaar ka mid ah Madaxda ka soo qaybgasay munaasabada.
  5. Iyo Ciidamo gaar ah oo ka socday AMISOM.

Dhamaanba Ciidamadaan ayaa waxay ka wada shaqaynayeen xarunta uu shirka ka socday oo uu waliba culees iyo ciriir badan uu ka jiray maadaama ay soo buuxdhaafiyeen marti sharaf badan oo isugu jiray Soomaaliya iyo Ajaanib.

Ciidamadii oo martidii oo midba uu gaar u taaganyahay

Waxaa xusid mudan in dhamaanba ilaaladaan ay ahaayeen kuwo hubaysan oo ay wateen xubka yar yar sida bastooladaha oo kale, iyadoona waliba halka uu shirka socday ay amaankeeda ay ahyd meel si aad ah loo xoojiyay, dadka ka soo qaybgalay munaasabada meelo badan lagu soo baaray.

 

Wafdiga ka socday Carabta

Madaxda ka socota wadamada Jabuuti Itoobiya iyo qadar

 RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Share

52 Responses for “Fashilka iyo Ceebtii ka dhacaday Xafladii Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya (WARBIXIN+SAWIRO)”

  1. wadaad yare says:

    Si gaar ah ra,iisal wasaare Gaas iyo wasiirradiisa ayaan anigu arkayey iney si ba,an iskugu xilqaameen in si habsami leh wax u dhacaan.

    Marka waxyaabahaas yar yar yeynan isku mashquuline sawirka guud uun halla eego.

    Haddaan innagu ku mashquulno dal daloollada maxaan ka fileynaa shisheeyaha awalba na yasayey oo quusta naga joogey?

    Waxaan rajeynayaa xil wareejinta soo socota in si sidaan ka sharaf badan aan wada daawanno. Waanan rajeynayaa sida wax u socdaan.

  2. Wankamudug says:

    21sano oo. Xukun militarily ah+21sano oo Fawdo ah Ayana ku jirnay ee. Khald Haduu dhacay ceeb ma ahan. Ee. Sida as haloo oga ado.

  3. Dahir jago says:

    kkk maba ahayn in kuraas lagu fadhiisto waxay ahayd in dhulka lafadhiisto waayo waxay ka turjumi lahayd heerka somalia mareyso

  4. Wiil-Mudug says:

    Waxaas meel aysan 20 sano dowlad ka jirin way ka dhacaysa, maxaa yeelay hab maamuuskii Ummadeed iyo midii dowladnimo baa lumay.

  5. Kilwe says:

    kkkkk Walahay waa wax lagu qoslo Kuraastan waa weyn ee Madaxda Caalamka la hor walaan-daynayo kkkkkkkkk Laakiin Waxaan aad loola yaabin Somalia 22 sano ayey Dawlad la’aan ahayd, Dadkii hore nadaamkii way ilaaween Kuwan danbena maysan baran mana arkin cid ay kaga daydaan. Waxaan Rajaynayaa in laga bixi doono Nadaam la’aanta, Dawlad la’aanta iyo Jahliga aafeeyey umadda Somaliyeed Insha allah.

  6. kabeJuude says:

    ma aha baratakool iyo layeelo waayo waa xaalad waji gabax ah

  7. A.A.Xade says:

    Waxay ku fiicnayd in agaasinka meesha loo daayo hal koox oo tababaran sida kooxda protocolka u qaabilsan Jabuuti oo aan maqlay in aay meesha joogeen ama la raadiyo in aay yimaadaan kooxdii protocolka u qaabilsanayd Dowladdii Somaliya ugu dambeeysay ee kacaankii Siyaas Barre wixii ka nool.

    Tan ilaaladana looma baahnayn in uu nin waliba meesha ciidan layimaado ee waxaa loo baahnaa, in aay ammaanka sugaan hal ciidan oo loo xiray calaamad loo sameeyey oo isla marka aay hawsha billaabayaan loo wada xiro si aay isu gartaan iyo Afrikaanka. Ex Siyad Barre staff.

  8. Abrone says:

    Marka hore waxaan u hambalyeynayaa Madaxwyna Umadda Soomaaliyeed oo shalay si rasmi ah u ula wareegay xilka Qaranka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliyeed waxaana leenahay illaahay ha kula garab galo hana kuu fududeeyo xilkaa laguu igmaday anaguna waan ku garab taaganahay, mraka xigta waxaa hubaal ah in waxkasta oo bilow ah inay wax ka qaldami karaan, waa markii ugu horaysay oo soomaaliya Xaflada Caleemo saar ah oo heer qaran ah lagu qabto gudaha Soomaaliya markaa wax badan oo farsamo iyo aqoon xumo ah baa dhici karay ha yeeshee waa illaahay mahadii hadii ay si nabad ah ku dhamaatay wax dhibaato iyo ceeb ahna aysan ka soo gaarin madaxda iyo qaranka Soomaaliyeed.

  9. sxb joogto says:

    waxaa soo dhan waxaa kawanaagsan in xafladu ay dhacdo muhiimadu waa taas laakiin taas lafteedu meesha kama maqna in la dhamays tiro hase ahaa tee halkaas waan gaaridoonaa insha allaah

  10. Fiqi says:

    Raxanreeb waad mahadsan tihiin dadkana waa ka indho dheer tihiin. waxaase jirta in aan hadda socod barad nahay. 22 sano oo ayaan adduunka ka maqnayn. dadkii wax yaqaanayna ama waa ninteen ama waa dgeer yihiin, wixii 22 ka dib dhashayna ama wax barashay ku jiraan ama meelahaas bay ku dayacan yihiin.

    4 sano la dib waxaan la tartami doonnaa adduunka insha alaah. adinkuna dawladda iyo madaxwaynaha saas u garab taagnaada ilaahey khyr ha idin siiyee.

  11. Ismail Djibouti says:

    In The End Everything Went Smoothly. Waa Guul uu Soo Hoyaatay Umada Soomaaliyeed.

    Inshallaha Madaxweyna Jamhuuriyada Somalia waxu soo magacaaba Wasiirka Kowada waxuu shaaciyaya inuu beesha Sade oo South-Central Somalia dagan ee xaq uu leyahiin.

    Waxaa Haboon Raxan Reeb inaa Dhinaaca Wanaagsan Ka Eegtiin oo joojisiin argagax oo Alshabab lagu yaaqinay.

    Raxan Reeb Stop be Anti-Government and dont let Alshabab take advantage of mistakes done by Somalia Head of State Official.

    Wabilahi Towfiq

  12. Dahabi says:

    Dad aan la martiyi jirin hadaad martido wixii ka soo baxa waa inaad masuuliyadeeda qayb ku lahaataa

  13. Dr. says:

    asc, salan kadib, waxba uma arko arintaan sababtoo ah waa markii ugu horaysay oo somaliay qaab sidan oo kale kadhacdo mudo 22 sano ah, waxan dhihi lahaa good job gudiya qaban qabada, waan kasii hori maridoonaa sidan, caleema saarka dambe after 4 yrs, si qurux badan ban rajay naynaa insha allah.

  14. osman says:

    Haloo dulqaato dawladda cusub, baratakoolkaa ka xun , wayse baran doontaa

  15. gaasira says:

    raxanreeb dhexdhexaadkaaga kuu fiican waxay u egtahay in aad u xaglayseen docda maamulka p/land iyadoo ayan p/land ka qayb gelin caleemasaarka madaxwaynaha cusub kenya iyo p/land ba kama soo qayb gelin caleema saarka!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  16. Ilyaas says:

    asc wr wb intaa ka dib webka qaaliga ah ee raxanreeb runtii aad ayaad u mahadsan tihiin, waana idinkaga mahad celinayaa sida qiimaha badan ay xogtiina muhiim ugu tahay shacabka soomaaliyeed, hase ahaatee midan waxaan rajeynayaa inaad kaga qanacdaan asxaabta iga horeysey ee commentiska bixisey iney isku fikrad ka wada yihiin, waayo dalkeenii ayaa nidaam iyo fowdo ku jirey in ka badan 20 sano markaa midaan waxaan u arkaa ineysan muhiim ahayn, sidaa daraadeed waxaan idinka codsan lahaa qorayaasha raxanreeb ee qiimaha badan inaad inoogu dadaashaan sidaad noogu dhiiri gelin lahaydeen dowladeena curdanka ah ee hada inoo dhalatey, isla mar ahaantaana aad ummada soomaaliyeed ee qalbigooda uu qabiilka la degey sidaad u guubaabin lahaydeen, anigu ma qabo la,aantiin iney bulshada soomaaliyeed horumar sameyn karto, waayo waxaad tihiin ishii aan wax ka arkeyney, waan idin mahad celinayaa mar labaad anigoo ku kalsoon shaqadiina hufan iyo tifaftirkiina horumarka leh iyo shaqaalihiina aqoonta u leh saxaafada mahadsanidiin Raxan-reeb hanoolaato.Soomaalina ha is raacdo

  17. cali says:

    ANIGU WAXAAS WAXBA UMA ARKO WAXAAN KA NAXAY MARKII MADAXWEYNUHU BAXAYAY WAXAA LA ARKAYAY SHANDADII SIRTA QARANKU KU JIRATAY OO ASKARI UGANDA AH WATO TAASI WAA ARIN KHATAR AH MARKA NINMAN MADAXWEYNAHA DABA SOCDA MAAHA SIRTA QARANKA INUU ASKARTA UGANDA U DHIIBO ANAGUGA WAXAY ILA TAHAY IN LASOO CELIYO CIIDANKII NABAD SUGIDA QARANKA MAAHA NIN SHICIB AH OO AAN SOOMARIN CIIDANKA NABAD SUGIDA IN SECURIGA QARANKA LAGU AAMINO.

    WAA IN MADAX WAYNAHA CUSUB MAGACII HORE SOO CELIYAA CIIDANKA NABASUGIDA QARANKA NOT HAY ADDA NABADSUGIDA (OO HABARKASTA ISKA SOO GALAYSO)
    CIIDAN MARKAAD U SHAQEYNETSID WAA INAAD CIIDAN TAHAY NIN SHICIB AH MUXUU NABAD SUGID KA GARANYAA

  18. Dr . Ali Warsame says:

    ” Allow Ceebteena Astur ”

    Waligoodba Somali Ishooda Kaliya Ayey wax Ku Eegi jireen Kuna Eegtaa , Hadey Xisaabta Galin Lahayeen War Amuu Caalamku nala Yaaba Hadaanu Sidaas Sameyno , Oo Sidaas U Fakari Lahayeen , Caalamku Suurad Xun Kama Qateen Somalida , Waxaas Oo Khalad Ah Iyo Ka Badan Ayaa Dowlada Somaliya Ka Muuqda Xafiisyadeeda Iyo Baratakoolxumada Heysata Madaxda Somaliyeed , Taasina Waxa Ay Dhalisay In Caalamku Uu U Arko Somalida dad Cawaan Ah , Oo Reer Miyi Ah , Oo Aan Haba yaraate Wax yar Oo ilbaxnimo Ah Aysan Soo marin , Yihiina dad Aan Dowlad Waxba Ka Aqoonin !!

    Bal Ila Eega Dhamaan Qalabeyta Xasiisyada Dowlada , Bal Ila Eega Dikoorxumada Ka Muuqata , Hadey Ahaan Lahayd Airpoorka Iyo Hoolasha Wax lagu Soo Dhaweeyo Iyo Fadhiyada Yaal Iyo Iftiin xumada Ka Muuqata , Bal Ila Eega Meesha Salaanta Lagu Qaato airporka Dhexdiisa Qeybna Roog Cas Ayaa Yaal Qeybna Maya , Bal ila Eega Meelaha Shirka Saxafada Lagu Sameeyo Iyo Sida Madaxda Loo Daba Rooro Ama Loo Daba Istaago , Bal Ila Eega Goobtii Shirka Caleema Saarka Lagu Dhigay Oo Ahayd Meel Dadka Iyo Bandhig Faneedkii Aan U Qeybsami Karinin , Waxaana Ay Aheyd Goob Cadaab Ku Dhaqotay Madaxdii Timid , Bal ma Ila Aragteen Qeyladii iyo sawaxankii Meesha Ka Muuqday , War Ma ila Aragteen Ciladii Codka Ee faraha Badneyd , Waad Ila Aragteen , Sida Kuraasta Loola kala cararayey , Si Loo hagaajiyo Googta Iyagoo Dhameystiri Waayey Hawshii Inteysan Iman Martida Ka Hor , War Ma ila Aragteen Sida Isdhexyaaca Iyo Fowdada Meesha Uga Muuqaneysey !!

    ” Hadaba Maxaa La Gudboona ”

    Waxaa La Gudboona In Ay Ku Dhigaan Xaflada Meel Banaan Oo Doog Iyo Qurux dabiici Ah Ka Muuqato , Waana Ay fara Badan yihiin Meelo Sidaas Ah , Oo xata Waxa Lagu Dhigi karay Isbitaalka Sos , Oo Leh Beero Qurux Badan Iyo Baaxad Ay Fariisan Karaan Boqolaal Qof , Waana Meel Aad U Qurux badan , Oo Cagaar Ah Lehna Fiyoore yaal Kala Nooc Nooc Ah , Waxaana Banaanku Faa’iido Ku Lee Yahay Waa Qabow Ee Maaha Kuleel Iyo Meel Madaxda Ay Ku Dhididayaan , Teeda Kale Banaanku Waxa Uu Qarinayaa Qeylada Iyo sawaxankii Kasoo Baxayey dadweynihii Meesha fadhiyey , Waana Meel Hilmaamsiineysay waqtiga dadka Fadhiya Meesha , Oo waxa Ay Ku Mashquuli Lahayeen Quruxda Meesha Ka Muuqata , Waxaana Loo Sameyn Lahaa Istaaj Ay Ku Heesaan Fanaaniinta , Oo Qurux Badan , Halkaas Oo Lagu Xardhi Lahaa Labo Midab Cadaan Iyo Buluug , Loomana Baahna Iftiin badan Iyo nalal Saad Og Tihiin Qorax Fiican Ayay Lee dahay Somaliya Iydaana Iftiimin Laheyd Goobta , Sidaas Darteedna Waa Ay fashilmeen Kuwii Dhigay Xaflada Caleemo saarka , Waxaana Ceeb Ay Ku Tahay Umada Somaliyeed , Oo aan lagala Tashanin Hawshan , sababtoo Ahi waxa Jira dad Badan Oo Wax ka Yaqaan Sharaxaada Iyo Dikoorka Iyo baratakoolka !!

    Anigu Haba Yaraate Wax Rajo Ah Kuma Qabo Isbadalkan ka Dhacay Somaliya , sababo Badan Awgeed , Oo Aan Mustaqbalka wax Badan Ka Qori Doono , Qaar Badana Waxaan U Maleynayaa In Laga Arkay Barnaamij Xumada Heysata Ninka Hada Somaliya Madaxweynaha Ka Ah , Oo Aan Laheyn Haba Yaraate Garaad Siyaasadeed , Waa Sax Waa Aqoon yahan , Lakiin aqoon Aan La Soconin garaad Siyaasadeed Waxba ma Soo Kordhineyso , Waa Nin Dhoole Cadeyn Badan , Lakiin Dhoola Cadeyni Kaligeed U Maleyn Maayo In Ay naga Saarayso dhibta Aan Ku Jirno !!!

    Ugu Danbeytiina Waxaan Soo bandhigi Doona sababaha Aan Ku Dhaliilayo Ninka Maanta Madaxweynaha Ka Ah , Oo Aan Cadeymo Iyo Xujaj U sameyn Doono , Waxaana Kusoo Bandhigi Doona Silsilado Maqaalo Ah , Oo Gaaraya 10 Maqaal Insha Allah Dhwaan …

    Dr . Ali Warsame

  19. Bootaan haashi mohamed says:

    Dhib malahan waxaan socod barad wa
    Wana kabaxayna hadii alla idhmo

  20. Waxay ila tahay ma ahan wax aad loo buun buuniyo in farsama Xuno ay dhacday waxa ay arintaas ku dhacdayna dad weynahaa sheegay inta wax garadka ahna waa fahmaysaa arintaani waxaa ay ahayd arin aad iyo aad u weyn oo qiira leh oo sharafle oo laga dheehan karo midnimo iyo dibisoo celintii somalia

  21. Salalmu Calaykum,
    Runtii waa jeclahay sidda Raxanreeb.com uggu shaqayso qaabka saxaafadda dunidda hormartay. Anigga waxaan kaloo aad ogga yaabay markii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda oo taagan meeshii khudbadda uu mid kale afka iska furtay ilaa qurba joogtii baarlamaanku afka furteen. Marka insha Allah waa lagga gudbayaa khaladaadka yar yar. Soomaaliya guul.

  22. Mohamed says:

    waa sax in ay arintaas dhaco sababtoo ah waxaan ka yaabameyn sida max waynuhu ku soo baxay isna waxa uu kayaabey marti sharaftan iska timid waxaas oo dhan waxaan ku tilmaami karnaaa in alle albaabadii khayrka inoo furey dawlado waa wayn ayaa qaladkaas sameeya ee ceebta dawlada hala qar qariyo
    guuleyso jalle madaxwayne

  23. qarxiye says:

    Fashilka dhabta ah waa in FAROOLE iyo KENYA aysan ka soo qayb gelin kadib markay ku hungoobeen madaxweynaha cusub iyagoo u maleeyey in kanna SHRIIF oo kale yahay.taasaa fashilka dhabta ah anigu garan maayo waxa Raxanreeb ay uga hadli weyday. Maalmahanba waan shaki sanaaye mala Raxanreeb suntii baa soo gaadhay.

  24. aloow nabad says:

    Asc dhamaantiin aniga was igu soon dhacday markii kuraasta la diyaarinayay iyadoo martida fadhisa, ma aha markii iigu horeesa a an Arko nidaan la’aan dowladda dhexdeeda ah a style aan fiicnayn oo is dhexdaadsan dhinaca sharaxaada iyo organzation…rinjiga, daahyada, uabxyadda uma eko aqal dal la ga maamulo calaa kulixaal 22 Sano dagaalka dadka way ka muuqataa bal u fiirso baarlamaanka caagado kurasta bal u fiirso hobaladda qaranka waxaa labis u noqday baati gabagabadii Allah waxaa rajaynayaa nabadgalyo I yo kala dambayn

  25. NIN YAABAN says:

    WAXAA ISKA CAD IS AAMIN LA,AANTA SOMAALIDA DHEX TAALA OO LA DAAWAN KARO WAAYO WAXAA IMAN LAHAA HADII LAYS AAMINSNYH HAL KOOX OO AMNIGA QAABILSAN IYO HAL KOOX OO PROTOCOL KA QAABILSAN LAAKIIN WAXA LAGA BAQAYAA HADII QOLO LOO DAAYO IN AY SI ULA KAC AH U FUDUDEYAN AMAANKA HALKAASNA AY DHIBAATO DHACDO IYADOO FASHIL LOOLA JEEDO, HADII PROTOCOL KANA QOLO LOO DAAYO AY WAX KHALDAAN IYADOO WAX FASHILIN LOOLA JEEDO,

    HADABA WAA CASHAR MUHIIMA U AH MADAXWAYNUHU OO LA RABO INUU SI DHAB AH U AKHRYO, LOOGANA FADHIYO INUU DADKAAS MADAXDOODUBA SAAS UKALA AAMIN BAXSANTAHY UU RAADIYO ISAGOO ALLE WAYDIISANAYA INUU LA GARAB GALO HAWASHAAS SIDII UU U RAADIN LAHAA SAY KALSOONIDOODII ISUGU SOO NOQON LAHAYD .

  26. soomaali says:

    Adeerayaal inta aad aragteen kursi la wado oo aad xumaan iyo meelkadhac aad ka muujinaysaan muwaadiniintii shaqaysay ma arki weydeen wanaagii iyo soo dhoweyntii quruxda badnayd ee loo sameeyey mise xumaan raadis ayaa heer ka gaadheen xayawaanyahow aan damiirka lahayni.
    maanta Soomaali adoo kale uma baahna ee waxa ay u baahantahay soomaali qalin,maskax iyo muruq ugu adeega ummada soomaaliyeed ee daalan kana shaqeeya horumarkeeda ee aan daba gelin ceebaheeda,Ogsoonow oo xasuuso xadiiskii nebiga NNKH qofkii qof muslim ah ceebiiisa daba gala ilaah baa tiisa dabagala. war is jir oo ka shaqay wanaaga.

  27. hussein ali says:

    mara hore hambalyo madaxweyne xassan shiikh maxamud mudane madax wayne somali wey ku sugee weyna kuu han weyntahay waxayna kuu gubaalee ganuun ay dooneysoso in aad ku godlato go,aankana adiga ayaa iskaleh ee kaasho ILAAH caqligaaga iyo cilmigaaga talo dhamaanteedna waxey isugu tegee aniga wax iga dhig wabilaahi towfiiq

  28. SOOMAALIA says:

    sc waxaan rabaa inaan in yar ka dhiibto ra,yi gayga taasoo ku aadan kala daad sanaanta nidaamki loo soo dhaweeyay madaxdi caalamka, anuga waxy ila tahay waxaa soo dhawaynta lahaay maamulki hore iyo Raisul wasaare cabdi weli, ayagay ahaayeen inay ilaa caleema saarka ka dhamaado ay hawshaas maamulaan maxaa yeelay raga uu wato madaxweynaha cusu waa sax way ku qaldami karaan madax da dawladaha kale sabab too ah wali wax ma dhex marin mana garanayaan sidoo kale dawladii hore bay ahayd inay ogaadaan inta ka soo qayb galaysa,Intaas Hadaan ooga gudbo Walaalyaa NINka Isku magacaabay WANKAMUDUG,waxaan umaly nayaa inay wax badan ka qar soon yihiin maxaa yeelay wax uu mugdi galinayaa 21 kacaanki na soo maray oo uu xitaa asagu manfaciisi haysto asagoo qoraayo soomaaliga ayuuyiri waxaa na soo maray 21 sano oo milateri ah sorry sorry,,

  29. omar says:

    waliba waxad idiin shegayaa in protocolka ay gacanta ku haysay wadanka jabuuti ,
    ee maxaad u malayn lahaydeen hadii soomali loo dhiibi lahaa ,soomaliya hada waa caruur socod baraad ah oo kale wax ceeb ah madhicin.

  30. LIBAN SHERIFF ABDIRAHMAAN 'LIBAN DOOB' says:

    WIXII LA QARIYO WAA QURMAAN AMA WAA QUBTAAN

    WAA RUN DHACDADA MANA AHA FASHILAAD OO MEEL BEEN IN LAYSUGU SHEEGO LA RABAY MA AHA ,
    1- WAA LOO BAAHNAA IN AY ARKAAN QALAB LA’AANTA HEEYSATO DOWLADA LA UMULINAYO, IYO DAWLADA DHASHA AH QALAB LA’AANTA AY KALA DHAXLEEN IYO SIDA LOOGU BAAHAN YAHAY QALABEEYNTA XAFIISYADA IYO GURYAHA DOWLADA.
    2-THOSE DIPLOMATIC THEY KNOW FACILITATING, WAXAA UUN MUUQANEEYSO MILKIILAYAASHA IYO FARSAMO YAQAANADA QALABEEYNTA XAFIISYADA IYO GURYAHA INEEY DANEEYNEEYNIN KUNTURAADYADA QALABEEYNTA SIIBA QANDALADA BAKAARO.
    MARKAA KUWAN YIMID WAY KA FAAIIDEEYSANAAYAAN KUNTURAADYADA UNITED NATIONS -KA EE QALABEEYNTA SOMALIYA WAXEEYNA U BANDHIGAAYAAN GANACSATADA WADAMADOODA WAANA WANAAG IN WAX LAGUU QABTO HADAADAN QABSAN AQOONIN.
    THANK YOU
    ALLE[GOD] BLESS SOMALIA.

  31. cabuwaaq says:

    waxaan kadaawanyne anagoo badan magaalada cabudwaaq ee gobolka galgaduud. aniga waxaa igula naxdin badneyd marka quraanka lagu furahyay oo ninkii quraanka aqrinayay wajigiisa la arki waayay calan weyn inta lahor dhigay kadibna mid baa intuu yimid ayuu calankii oo dhan meesh kafujiyay. tan kale mid ayaa iska qeylinayay oo mar walba dhahayey protocol ka protocol ka ayadoo caalamkoo dhan maqlayaan!!!!!!!! runtii markii waxyar qaldamaan waan naxayey oo marabin in aan ceebowno in kastoo dadkii ay wada ooyeen markii labada madaxweyne xilka kala wareegsanayeen qiiro daraadeed waxaan rajeynayaa in uusan kan cusub nagu noqon cabdiqaasim salaad oo kale oo ugu yaraan shariif uusan kasii xumaan insha alaah

  32. muuse says:

    war waa caadi waxaasi waayo somalia waa wadan burburay marka hadaan qarax ka dhicin ayay nasiib leeyihiin .

  33. MANAXE says:

    wan salamayaa bahda saxaafada raxanreeb sida aad inoogu soo gudbisan waxa wadanka ka dhacaya ee aanan ogaan karin kana soo fognahay. markan halkaa u soo noqdo waxanba la yaabay kuraasta foolxumadooda ma islaamihii qararafkaa laga soo iibshay ee china bayacmushtariga ahaa ,meel fiican ayeydan bayacmushtar u doonanin dheh ,askariga catada ah ee surwalka ka dhacaya maxuu ahaa yaa ku qasbay inuu kursigaa culayskaa qaado ceeb alaha asturokkkkkkkk

  34. Barkhadle says:

    Walax sheeg sheeg walax sheel sheel baa ka fiican

    Wa billahi tawfiiq

  35. nasiina says:

    waxa mahad celin mudan sh shariif oo ka shaqeyey farxadan iyo madaxweynahena hasan sh mahamud illahay waxa ka baryeyna kii noo hagaagee noqda loo han weyn yahay,,,raxan reeb idinka kuwii wanaaga ka hadla inaa noqotaan allaha idinku duwo oo qaladaadka yaryar aan u fiirsan ,,ila soco :(

  36. Osman kofiro says:

    Waxay ahayd in karbad wayn loo fidiyo
    Meesha ku raasta laysku mashquulshay

  37. Rooraaye says:

    Anigu waxay ila tahay marka loo eego xaalidii ay soo martey soomaaliya waa ok lakiin dadka qaarkood wey fahmayaan soomaalidu wax sheega weyku dheeraysaa laakiin isma weydiiyaan sidee waxan lagu soo abuubulay we time to restore what we done last 40years so wait inshaa allah

  38. Mo says:

    Waxaas ceebma ahan waa Iska caadi wadamada reer galbeedka ayeey maalinkasta ka dhacaan. Madaxda qaarkeed ayaa waxaa dhacda in albaabda loo diido

  39. deqa says:

    runtii ayaguba wadaremikaran meshan siday ahayd kuras ayadkahadlin war haday badbaden oo ayagoo nool baxeen waaba alxamdulilah inakstoo ay joogen ragi wax qarxinjirayba qarkod logamabaran mel ay jogan inay qarxiyan xafladaha aykamaqanyihin balayska ilalshaa

  40. Runtiin waa jireen qaldaad badan oo ka jirey xaflada dhexdeeda..
    waase dhibaato ka jirta dalka oo dhan oo mudo dheer ku jirey
    dhibaato fara badan..

  41. ariboowe yaa isgaaray qaarbaaba dadka qarxinayee kuwa kuraasta loo dhigayo horayna u qarxiyay wadankuna waa ilmaha oo kale sidii loo carbiyo buu u saanqaadaa

  42. axmed yuusuf says:

    maha in la can baareeyo qaabka ay u dhacday xafladu iyo madaxda soo agaasimtay xaflada
    waayo waxa la soomaray 21 sano oo ah xukun militari iyo 21 sano oo aha burbur xoogan
    opo taabanaya dhinacyada bulshada rayidka ah waynu kawar qabnaa amaan ka magaalada muqdhisho iyo sida uu ahaa waa ale mahadii hadiii ay maanta ka dhac day doorosho xalaal ah
    iyo caleemo saar ay labaduba ku dheceen si amaan ah waana ale mahadii raxanreeb eidia

  43. Qaran doon says:

    inay wax la wanaajiyo waxaa ka horreeyo in la tashado oo la isweydiiyo sidii wax loo qaban lahaa oo wax loo wanaajin lahaa, arrintaas waxaan ogolayn oo markaste ka soo horjeeddo hawiye, marka waxaan ka rajaynaynaa madaxweynaha cusub in uu wax ka badalo dhaqankaas xun ee hawiye lagu bartay, waana taas midda soomaaliya uga fadhido in uu wax ka badalo madaxweynaha cusub

  44. wiilgedo says:

    Ceeb waa 2bo afmaroojis caalamkana asagaa danaynayo wadakaan dihanee anagu dantanadii waan gaarnay oo ahayd in maskiin kaan lacaleema saaro waa madaxwaynahee waa dhacday ee raxan reeb hanoolaato waxasna nothing at all

  45. hibbo says:

    ascww walla yaal waa lays wada ogyahaye ma qaraar baa idinka keenay hadal aflagaadada ah isku xishooda hadaad tihiin wab sidka raxan reeb meewalba waad ka hadashaane tiina uu meel u hela waa wallashiina muslimd ah oo ka dhalatay somalia weyn waana i garanaysiin gaar ahaan kuwa ka shaqeeyo raxan reeb wcwww

  46. faiza says:

    layaab maha waa meel 20 sano dagaal iyo boob ka jirey marka hadii martidii ku badbaadey waa nasiib waxaa kaloo jirey telephone ka la isaga hadlayo dadka joogeyna ay dibadaha ka yimaadeen`qofkii oo qudbadeynayo baa layska hadlayaa marka nidaamku waa qaldanaa laakiin hada kadib waan ka fiirsan doonaa hadii ilaah yiraahdo .

  47. Waaa arin yaaab leh madaxdii qaran hortoooda kuraaas lagu raaadiyo laakin waqtiga ayaaa ka dhigay

  48. fakrada ku aadan kismaayo waa howl adag baa lagud boon

  49. Omar says:

    WAA ISKA CAADI WAXAS ALXMDULILAH MAR HADAYSAN DHIBI DHICIN 40 SANO OO JAHWARER AH BAYNU KU JIRNAYE!.

  50. puntlander says:

    wab kan waxaa u sheegayaa inaysan waxaas isku mashquul micno darada ah

Leave a Reply