Gaarisa: Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Qarax Maanta Lagu Weeraray Ciidamo Kenyan ah Iyo Digniin Lasoo Saaray


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Ugu yaraan toddoba ruux oo ay ku jiraan shan sarkaal oo booliska Kenya ka mid ah ayaa ku dhaawacmay qarax miino loo adeegsaday oo maanta duhurnimadii lala beegsaday ciidamo ka tirsan booliska wadanka Kenya.

Qaraxan ayaa ka dhacay magaalada Gaarisa waxaana weerarka qaraxa ah uu ku dhacay baabuur ay wateen ciidamada Kenya.  Illaa labo ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa sida ay sheegtay warbaahinta Kenya.

Qaraxan ma jirin cid sheegatay illaa hadda inkastoo ururka Al-Shabaab ay horey ugu hanjabeen inay weeraro ku qaadi doonaan goobaha muhimka ee ku yaalla wadanka Kenya.

Qaraxyada iyo weerarada dilka ah ayaa ku badnaa gudaha magaalooyinka ay maamulaan Kenyanka tan iyo markii ciidamada Kenya ay toos u soo galeen Soomaaliya sanadkii hore.

Digniin soo baxday

Dhanka kale booliska Kenya ayaa galabta soo saaray digniin ku wajahan dadka Kenyanka ah oo ay u sheegeen inay feejignaadaan kadib markii ay ka warheleen warar sheegaya in shan ruux oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay gudaha u soo galeen Kenya iyagoo qorsheynaya weeraro waaweyn oo lagu qaadi doono goobo muhim ah oo dadku ay ku badan yihiin.

Digniintan oo loo diray warbaahinta ayaa lagu sheegay in shanta nin oo dhalasho ahaan ka soo kala jeeda wadamada Masar, Morooko iyo Faransiiska ay ka soo bexeen magaalada Kismaayo usbuucii labaad ee bishan Sebtembar ayna soo galeen Kenya si ay weeraro uga fuliyaan magaalooyinka Kenya.

 

RBC Radio

Share

1 Response for “Gaarisa: Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Qarax Maanta Lagu Weeraray Ciidamo Kenyan ah Iyo Digniin Lasoo Saaray”

  1. Dahabi says:

    Al shabaab waa dadkii aduunka laga nacay oo dhan bal eeg inta qoloee kamida

Leave a Reply