Gabay: Difaac. W/T Axmed Mire
Gabey Difaac Nabi
Ahmed Mire
Axmedrashiid72@hotmail.com
Sabteembar 15 2012
Salaan kadib waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa gabay aan ku difaacayo nabi Maxamed scw oo beryahan gaaladu caadaeysatay inay aflagaadeeyaan, walo aanay cusbayn in gaaladu wax ka sheegto nabiyada iyo rususha ilaahay caalamka u soo diray oo gaaladii Quraysheed ay nabi Maxamed scw ku sheegeen saaxir, faaliye, nin waalan iyo gabyaa, hadana waxaad moodaa in xilligan ay labanlaabeen aflagaadadii ay nabiga u gaysanayeen sababtuna waa taagdarrada ummmada islaamka iyo inaanay tallaabo ku habboon oo xad u yeesha daandaasigaas aanay qaadi karin.
Sidaa darteed anigoo aaminsan inaanay waxba yeeli karin aflagaadadaasi Nabi Maxamed scw, aniga oo aaminsan inaan gabaygani ku fillayn Difaaca iyo ammaanta nabi Maxmed scw mudan yahay, ayaan haddana waxaan ku gudanyaa xaqa nabi maxamed scw igu leeyahay qayb ka mid ah, ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu gaalada dhagartooba iyaga ku burburiyo, rasuulkiisana u aargudo. gabaygiina waa kan
da,da gabayga khadarow beryahan waanigaan dayine
cilmi dalab duruus aan akhriyo damaca lay saarye
ha yeeshe waxbaa igu dirqiyey deelka maansadae
dadkuba maqalye gaaladu waxay damacday waa yaabe
kitaabkii ilaah soo dejay dooro mariyeene
dad islaama oon daarin bay galab ku duuleene
danbaabudhaha ololkii ka kacay duunku amakaagye
dumar iyo dhalaan beri ah bay nac u duqeeyeene
markii ay dareemeen inaan cidina diiraynin
nabigii ilaah doortay bay duhur saloosheene
inuu dilay dadoo idil ayay dunida faafsheene
haween doora inuu guursadey dulum ku sheegeene
dacwaddooda aan jirin balaan deelka ka higaadsho
dulli weeye oo gaalo way dabagadoomeene
ninkii daacad nabiga u yaqaan ma aanu diideene
degdeg buu usoo geli lahaa diinta eebbahaye
waxa loo dagaalamahayaa waa damiinimo,e
bal dabeecadiisii wacnayd aan diirka ka caddeeyo
dulqaad iyo waxaa lagu yiqiin saamax daaimahe
dulmigii quraysh kula kacdiyo dakharki loo geystay
gaaladu darxumaday badeen kama dubaaqayne
dalka markuu qabsadey buu cafiyey daalimiin badane
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
deganaanta naxariista iyo debecsanaantiisu
dabci lagu yaqaan bay ahayd daaim abidkiiye
ducafada gargaarkooda iyo deris walaalaynta
maatada daryeelkeeda iyo dumar xanaaneynta
siirada ninkii dabagala way u daadegiye
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
duulaan haddii loo kacoo gaal la diriraayo
dib uma jeesan jirin suubanuhu daal kastuu qaboe
taariikhda daabacanina waa marag ma doonaane
dagaalkii xunayn iyo markii dabinka loo qoolay
saxaabaduna ay soo didoo deyrka soo jabisay
dacalki cadaawaha ayuu doontay kaligiiye
allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
deeqsinimada wuu kaga wacnaa roob guyoo da,aye
waligiina ruux soo dalbaday diiday muu orane
gacantiisa aan dib uxirnayn ee eebbe darajeyey
duul badan ayaa saas darteed diinta soo galaye
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
nabigana xaq baa loogu diray duunyadoo idile
mucjisooyin dooroo xaqana qaadir ugu deeqye
in samaawaatka loo duuliyuu darajo weyn gaadhay
dabaded quraysh uga waramay dawgu sii marayey
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
Quraan daahiroo wacan niyohow eebbe soo dajiye
dadoo dhami hadduu isugu tago oo dadaal bixiyo
inay suurad soo dumi karaan daawo laga waaye
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
dagaalkii axsaab markii dunidu ceeryoontay
dunjigoobda gaaladu markay duullan soo kicisay
dabayshii Allaah soo diray ee colkii didisay
iyana waa yaqiin daaimoo waa daliil dhab ahe
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
intii nabiga daardaartayee diinta la collowday
in la dilay darxumo ay muteen naari daba joogto
oy dacarta leefeenna waa midaan dahsoonayne
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












Maansha Allah Jisaka Allah.
Haduloowdo gaaladu kortood doorawaynyadedusha hawga dhoco cudur ay damag dhahaayaane diintana ilaahay hajiro daaimka ahaaye haduloowdo gaalada Iyo kuwii dabanashleeyaayee
Allaa yaa cizzak abwaanka qarniga, walaal Alle hakaa ajar siiyo sidaad ugu hiillisay nabigeenna suubban SCW, Cid kastoo wax ka sheegtana ALle ha baabi’iyo aduun iyo aakhirona ha hoojiyo aamiin.
mahadsanid abwaan
Suubanaha csw ninki cayay ee sinada ku tilmamay inu nabad ku sexan aan sadriga galino saqajanka naarta ka hor aan dunida ku silcino haday galado idil u suhdiyan inay difacan nagama surtowda inan sina ku daynaye bal aan samanka dhawrno halku ku si sugnado nabad waa ka si durge intu muslim adun saaranyahay ikhwani fil laah qof kan ximarkas gacan la garin ha habarto hana naclado ajir aya laga hela allamuma sadad baytu bacile wa ahlihi and wa asxabihi iyo qof kasto ku tagertay ficilkas aamin dhaha
maasha allah walaal runtii difaaca suubanaha(nnkh)waa arin fiican anaganah dareenkayaga kicisay adnah danbi dhaf allahakaaga dhigo