Gacmihiina ha isku gawricina. W/Q Dr. C/fataax Warsame Maxamed
Gacmihiina ha isku gawricina
Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle)
Agole205@hotmail.com
Sabteembar 10 2012
Dhaman ummadda soomaliyeed iyo caalmka oo dhan ayaa waxa ay indhaha ku hayaan Magaalda Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya, waxay sugayaan natiijada ka soo bixi doomnta doorshada Madaxwaynaha dalka oo ku aadan 10-sep-2012ka.
Waxay haboonayad in ummadda soomaaliyeed oo dhan ay doorato meelkasta oo ay joogto oo qof kasta uu codkiisa ka dhiibto, taasina ma suuro galikarto dhibaatooyin iyo colaad iyo amini daro awgeed, waxaana awooda oo dhan gacanta loo galiyay baarlamaanka dhawaanta la soo doortay oo ka kooban 275-xubnood.
Baarlamaanka.
Barlamaanka cusub ayaa wax uu ka duwan yahay kii hore, waxa ka kooban yahay xubno qiyaastii 50% la oran karo waa dhalinyaro, waxaa kale oo la oran karaa 70% waa dad aqoon leh aqoontooduna ay ka sarayso sagandari gaarsiisan tahayna ilaa jaamcad lagana helayo xubno haysta aqoon jaamcad ka saraysa.
Waxaa kale oo dastuurka dalku siiyay xubnaha baarlamaanka awood buuxda oo ay ku soo dooran karan madaxwaynha dalka iyo in la dhawro sharaftooda oo aysn cidina ku xad gubi karin.
Waxaa kale oo ay dhamaan ummadda Soomaaliyeed siiyeen codkoodii oo ay ayagu matalayaan, dhamaan ismadii iyo waxgardkii ay soomaali lahayad ayaa u soo idmaday inay aygu u codeeyaan oo doortaan madaxwaynaha dalka soomaaliyeed.
Gacmihiina.
Waxaa gacmaha xubnaha baarlamaanka ku jira maanta amingooda, sharftooda iyo dhamaan amniga iyo sharfta ummadda soomaaliyeed oo dhan.
Taas waxaan uga jeedaa haddii ay noo doorman madaxwayne ay dhamaan umadda soomaaliyeed ku qancdo oo awood iyo karti u leh inuu badbaadiyo dadka iyo dalka soomaaliyee, xubnaha baarlamaanku iyo dhamaan ummadda soomaaliyeed oo dhan way badbaadayaan.
Laakiin haddii ay noo doortaa mid aan karti iyo awood lahayan oo aan dalka iyo dadkaba badbaadin karin. Waxaa ugu horeeya ee dhumayaa waa xubnaha baarlamaanka, waxay wayn doonaan sharfta iyo awooda ay maanta haystaan, waxa ay wayn doonaa nabda iyo nolo, runtiina soomaali oo dhan ayaa wayn doonta nabad iyo nolol, ayaguna way ugu horayan doonaan, oo waliba ayaga ayaa noqon doona meesha la beegsado, waayo baryahan danbe waxaa Somaliya ka jirtay qaacido ah, ninkaan waa aqoon yahan, waan caaqil, waa shiikh, waa maalqabeen, waa ninka reer hebel laga dilo.
Gunaanad.
Maqaalkan oo kooban si toos ahna u abaaraya xubna sharfta iyo karaamada leh ee baarlamaanka ummadda soomaaliyeed waxaan ku soo koobayyaa mudanayaal iyo marwooyin sharftiina ilaah ayaa dhawray, umadda soomaaliyeed ayaa awood idin siisay, dastuurka ayaa xuquuq gaar ah idin siiyay, nooga faa’iideeya fursada aad maanta haysataan, gacmihiina ha isku gawricina.
By. Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle).
Agole205@hotmail.com
Tel. 254713521856 Nairobi Kenya.
==================================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












[...] Taken from: Gacmihiina ha isku gawricina. W/Q Dr. C/fataax Warsame Maxamed [...]
Dr c/fitaaxow imminka waxa muuqata in ay xubnaha barakeysan ee Barlamaanka Soomaaliya ay inoo doorteen Xasan Sh Max’ud oo u muuqda Madaxweyne wax weyn ka qaban kara xaaladaha ka aloosan arlada Soomaaliya. Allow u gargaar Madaxweynaha FJS.
dr c fatax xildhibaanada soomaliya waay inoo dooreen madaxweyne ee illaah asagaa casiis ah ee ha inooga dhigo mid kitaabka inagu maamulo (AAMIIN)