Gacmo Wadajirbay Wax ku Gooyaan. W/Q Abukar Awale
Gacmo Wadajirbay Wax ku Gooyaan (Tilaabo kudayasho Mudan)
Abukar Awale
Abukar_Aw@yahoo.co.uk
Sabteembar 04 2012
Tan iyo 1991 markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa wadanka soo foodsaaray burbur dhinackastaa waxaana halmar meesha kabaxay adeegii ay dowladu u qaban jirtay shacabka .
Waxuu shacabka soomaaliyeed soomaray waqtiyo aad u adag oo ay la kulmeen abaaro dowlad la,aan iyo colaado kala nooca oo isdabajooga, arimahaas marka meel laysugu geeyo ayaa waxaa lagu timaami karaa arin ay dadban oo aduunka joogaa manta aanay kabadbaadeen dhibaatoo yinka ay soomaali kasoo badbaaday 30 sanoo lasoo dhaafay doorka qurba jooga ayaa lagu tilmaai karaa wadnihii badbaadiyey ummada soomaaliyeed ( Ilaaheybaa wax badbaadshee ) kuwaasoo si isdaba jooga ku kaalmaynayey eheladooda iyo asxaabtoo intaba
1999 Ayaa magaalada London waxaa laga aas aasay hay’ada Read Horn of Africa Hay’adaas oo ahmiyadeedu tehay in lahormariyo oo wax maguuraanana loo qabto dadka soomaaliyeed ee kudhaqan magaalada bursaalax iyo nawaaxigeeda Taasoo qurba joogta kukala nool afarta gees ee aduunka ee kasoo jeeda magaalada Bursaalax ay dhexda u guntadeen samaysteena maamul ama gudi fuliya howlahaas balaaran gudaha iyo dibedaba , hogaan wanaagsan ,dhowrto yar oo joogtaa wadashaqayn daacada iyo 12 sano kadib markii la’aasaasay ha’adaan maanta waxaa iskuul hoose dhexe iyo dugsi sare kadhigata arday aad ufarabadan oo gaaraya kumanaan magaalada bursaalax waxaa kuyaala ceellal waawey oo matooro leh magaaladu waxay leedahay koronto ,internet, dukaamo waa weyn iyo iftin express oo aan meesha kamaqnayn iyo ciidamo ilaaliya nabadgelyada ,masaajidyo waxay kaloo magaalada bursaalax u gurmataa magaalooyinka udhow dhow xiliga abaarraha, waxaa hada gacanya laguhayaa kasocdo dhismayaal balaaran oo laga dhisayo magaalada isbitaal iyo iyo meel lagu tababaro umulisooyinka.
Waxaa la oran karaa wixii dowladi qaban lahayd waxaa qabtay dad isu tagay oo dhowrto ama qaaraan yar oo joogtaa iska aruuriyey , Magaaladu xiligan waa magaalo weyn oo taraafigu kubadan yahay.
Waxaan aaaminsanahay in arintaani tahay tilaabo kudasho mudan hay’adauna waxay noosheegtay inay diyaar utahay inay tababaro talo iyo tusaaleynba siiso cidii tuulootionka nawaaxiga bursaalax si ay arintaan ugu daydaan ,waxaana u horeeya magaalda Daarulsalaamoo iyaduna haysa wadadii horumarka u horseeday bursaalax, waxa kaliya oo dhib lagu timaami karo oo magaalda soo foodsaaray waa taraafiga oo kubatay oo ay mar mar kadhacdo (Traffic jam ).
Hadaad rabtid hay’adaan fadlan booqo WWW.REASHORNOFAFRICA.COM
Waxaa Qoray
Abukar Awale
===========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












[...] Visit site: Gacmo Wadajirbay Wax ku Gooyaan. W/Q Abukar Awale [...]
Orod Faroole u sheeg Kumannaan ardeybaa Bursaalax wax ka barata. Halkee ka yimaadeen kumannaanka tuuladaas degan oo wax ka baranaysa? Tuuladuse ma qaaddaa tirada intaas le’eg?
Qabiilka tuuladaas dega oo dhan hadey Dal iyo Dibad isaga yimaadaan xitaa intaasoo arday kama soo xaadiri karto. Awalba iyadoo tiradoodu yareyd bay hadana u qaybsameen Burcad Badeed iyo Burcad Dhuleed.
Wariye Abubakar markhaati ayaan ka ahay horumarka Magaalada bursalax ee gobalka mudug ka dhacay ee allaha kaa siiyo ajar qoraalka aad runta ku cabidhay kuwii isku xilqaamayna sidoo kale allaha xasanaadka ha ugu daro.
Adaan kugu tageersanahay mudane fikirkaaga saliimkaa adoo kalaa na dhisi karaya.
@samadoon sxb xasad iyo wax quurid la’aan baa asaagaa kaa reebtay 24/7 waxaad ku mashquulsan tahay comment xun oo caata ahoo caro iyo xiqdi ka buuxdo oo puntland warkii laga sheegaba aad ka bixisid orod adigu dhulkaaga khaatumo wax u tar bal haddaad in yar oo dadnima ah leedahay ha ku mashquulin umadda ilaahay inta dawersiga iyo majarafada maran ee aad la wareegeysid iska dhaaftid bil ixsaanak
Abukar Awale in dadku isku tago oo uu wax qabsado ma xumo laakiin tuulada dadka wax u qabtay ma dad iyada markeedii hore ka yimid baa mise qaaraanka somali oo dhan ayaad dhaxda ka soo dhigtay oo qaab soomaalinimo ah ayaad tuulada wax ugu ugu ururiseen?si kasto ey ahaataba Abukar Awale ma is tiri qoraalkaadu xiligaan adag ee doorashada wuu nagu soo batay oo weliba siyaasada ayaadba ku milan tahay? Abukar Awale ceeb soow kuuguma ahan adigoo TVga ka soo muuqdo oo nin qaab qabiil ku taageeraayo?tuulada iyo dadka kunool guul iyo nolol ayaan u rajeeyey laakiin adiga oo qaad ku mushquulsan gacantaada ilaah uma baahsho:D