Garoowe oo Lagu Qabtay Kulan Lagu Daahfurayo Nidaamka Diiwaangelinta Asxaabta Puntland iyo Faroole oo Sheegay inay Xisbi Siyaasadeed Furanayaan [Sawirro+Dhagaysi]
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Madasha kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole,kuxigeenkiisa,Wasiiro kamid ah Xukuumadda,Madaxda laamaha amniga,Arrimaha gudaha,Guddoomiyaasha/duqeyda degmooyinka Puntland iyo Saraakiisha Guddiga KMG ah ee Doorashayooyinka Puntland iyo marti sharaf kale oo ka tirsan Hay’adda PDRC.
Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga Doorashooyinka Puntland Dr Maxamed Xassan Barre oo daah-furay khudbadaha ayaa faah-faahin ka bixiyey Ujeedada ay Isugu keeneen Madaxda Guddoomiyaasha/duqeyda degmooyinka,laamaha amniga kuwa arrimaha gudaha ee Puntland.
Wuxuu tibaaxay in Geedi socodkii dheeraa ee loo soo galay Dimuqraadiyada Puntland ee kasoo bilaabatay balanqaadkii Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole uu ahaa in lagu soo dabaalo Puntland Nidaamka Asxaabta Siyaasadda iyo Doorashooyinka si taasina looga mira dhaliyo buu yiri waxaa loo qaaday talaabooyin badan.
Dr Maxamed Xassan Barre ayaa tilmaamay in Guddoomiyaasha/duqeyda degmooyinka Puntland ay kala hadli doonaan una qeybin doonaan mudada maalinta ah ee kulankan uu socodo:
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
02. Hannaanka iyo qaabka loo diiwaangelinayo ururada Siyaasadda iyo waxa looga baahanyahay.
03. Foomamka looga baahanyahay iney soo buuxiyaan ururada Siyaasadeed si Guddigu u tixgeliyo in loo diiwaangeliyo.
Wasiir kuxigeenka amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil oo isna kamid ahaa Madaxdii kasoo qeygashay kulanka ayaa sheegay in ay balanqaadayaan ka Wasaarad ahaan ilaalinta dhanka amniga siiba inta ay socoto hawsha diiwaangelinta iyo Doorashooyinka la filaayo in ay ka qabsoomaan Puntland.
..”"Waxaan balanqaadeynaa Wasaaradda amniga haddaanu nahay inaanu ka qeybqaadano inta xaq naloogu leeyahay oo ah inaanu ilaalino amniga dalka,diinta,duunyada iyo deegaankaba ee Puntland,Wasaaradda amnigu waxay balanqaadeysaa in ay si buuxda u ilaalineyso iyada oo ay
joogaan mas’uuliyiintii gobolada,kuwii degmooyinkana aynu gaarsiineyno inaanu goob kasta oo codbixineed aanu amaankeeda sugeyno haddii ilaahay idmo..”ayuu yiri.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Md.Faroole ayaa xusay in degmo iyo tuulo kasta oo ka tirsan deegaanada Puntland laga tartami doono isla mar ahaantaana waxa uu sheegay cidii lagaga guuleysto taratnka aysan qofna ku eedeyn.
Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in qofkii qaba kalsooni xumo aysan maraba u ahayn meelna iyadoona uu intaas ku daray in ay soo dhaweynayaan cidii furanaysa Xisbi Siyaasadeed oon Isku bahaysan hab qabiileed.
Gabagabadii Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay dhawaan ku dhawaaqi doonto Xisbi Siyaasadeed oo ka qeybqaata Doorashooyinka iyadoona ay dadka Xuquuqdooda dib ugu soo celinayaan.
___________________________
RBC Radio
Xafiiska Garoowe


























[...] Visit link: Garoowe oo Lagu Qabtay Kulan Lagu Daahfurayo Nidaamka Diiwaangelinta Asxaabta Puntland iyo Faroole o… [...]
Madaxweynihii ugu xumaa ee Puntland soo mara inuu yahaa la isku raacay . oo si ciyaal suuqnimo ah uu u caayo xildhibaanada parlamaanka puntland markii ay suaal waajib ah weydiiyaan
“DOQON MUCAARAD AH BAA TAHAY”
Groowe imisa xisbi bay qaadi kartaa?
waa arin wanagsan in puntland waqtigan dimoqoradi ku tilabsato,waana wax lagu farxo,sidas dareed cidii rabta in aay xil kaqabato mamulkas puntland in aay sameystan xisbi siyasi ah oo utartama awoda goboladan puntland,qofkii an awodin usan la’iman mucaradnimo qayaxan.
froole iyo wiilashaada ha u horseedina bubur iyo dagaal puntland. afar sano oo lagu doortay haku ekaado xukuumadaada, wa hadaa cagliga siliimka ah adeegsaneyso, xisbi ayaan furanayaa oo wiilkeyga ayaan xilka ku wareejinayaa , wa wax inaba hayaraate aan shacabka puntland aqbaleyn . waxaad ku tumatay dastuurkii iyo shuruucdii puntland, DASTUURKA PUNTLAND QODOBKA 138- AAD FARQADIISA 2 AAD xeer, xeer hoosaad iyo wareegto kasta ee fulineed oo ka soo horjeeda shareecada islaamka iyo dastuurka puntland waa waxba kama jiraan.
waxaad kaloo jabisay, DASTUURKA PUNTLAND QODOBKA 54 FARQADIISA 1 AAD,
waxa is weydiin mudan maxaa keenay in qorshahaan la dedejiyo??
ARINTU XISBIYO KA WEYN,
sida waxgarad badan aaminsanyihiin ama ay xukuuda uu garwadeenka ka yahay faroole ku eedeyeen siyasiin badan dant uga weyn ee xukuumada ka leedahay qorshahaan waa in ay ku meel mArsato halka sano ee xaqdarada oo ay ku darsatay isla markassna ay ku hesho marmarsiiyo ay xafiiska ku sii jogaan
dhamaan pulshada reer puntland waxey soo jedinayaan , in afar sano lagu doortay, ilaah hadaa taqaana codkagii ooduupan ba yaal,
puntland waxey mareysaa heerkii ugu xumaa , mushahar la,an dhoowr bilood ,
hantida umada oo aad ku takrifashay adiga iyo wiilashaada wa mid dadaka iyo dalkuba kugula xisaabtami lahaa, iyo beesha caalmka ,
ku socota beesha gardho degta
waxaan idiinku wargelinayaa in maxamed xassan bare shibiraale uu imaan doonio magaalada gardho
wax dan beesha gardho degan oo u wado majirto,,, maalinta talaada ah.
CODSI GAAR AH
waxaan dhamaan guurtida iyo nabadoonada jooga gardho in jiritaankiina iyo mustaqblka caruurtiina u daneysaan.
CODSIGA LABAAD
CABDULLAHI CALI QOOD IYO CAYDARUUS KHALIIF NUUR CALI QONOF ,si gaar ah ayaa reerku idiin tixgeliyaa, fadlan dal iyo dibadba han weyn ayaa la idiin hayaa,
khliif nuur cali qonof markale yaan lagu dagin
ASC M/EYNAHA
HA LADHAAFO
cid dhaanta mesha ma imaane
mucaarad ka iyo wadaniyada halakala
saaro
congratulation this is new Puntland , Viva Puntland & Soomalia
Xisbiyo loomaba baahna Puntland laga dhiso ee kuwo somaliweyn xooga ha la saaro , mida kale ma waxbaa lagu mucaaradayaa xiligaan ogalanshaha xisbiyada badan awalba ma jirin.
Waxaan ahay muwaadin somaliyeed u dhashey reer Puntland ku dhashey banaadir xagee gobolkeyga ah?
ma xaafad garowe kamida iyo dangoroyo ayu larabaa waxaan waa mar uu pintiland kala direy aawey khaatumo,maakhiir,rascaseyr,bari,galgala kkkkkkk
waa arin khilaf iyo burbur ku keeni karta puntland sida aniga igu muqato waayo umad wada jir waxba ku qabsan wayday umalan maayo inay uruuro wax kuqabasan doonaan. puntland oo dhan waxaa ku filan qof wadani ah dacad ah dareemi kara masuliyadu shacabkisa uhayo dantiisa danta guud ka hor marsha isku daya wanaaga iyo midnimada kashayeyo la dagaala ma musuq masuqa dadka ku wacaya galiya inaya iskod wax uqabsadan. qofko hadu caliga iyo awoda rabi u hibeyay uu arki wayo waa curyaan ka ugu daran.
anigu waxaan dhirgalinaya in la iska dhafo gabi dhacalanta oo qof walba uuka shaqeey walaal nimada iyo wax wada qab siga. asc wr wb
Maansha Allah waa wax loo baahan yahay in loo gudbo si deg deg ah. Faroole waxuu yahayba waxyaabo badan baa Puntland u qabsoontay, Insha Allah waa la gaari doonaa inta dhiman.