Garoowe: Waxqabadka Barnaamijka Joint Program Local Governance ee Degmooyinka Puntland oo Lagu Kordhiyey 5-sanoo dheeri ah(2013-2017)
Garoowe[RBC Radio] Joint Program Local Governance oo muddo Shan-sano ah laga wadey degmooyinka Puntland gaar ahaana Boosaaso,Qardho,Garoowe,Gaalkacyo,Garacad,Eyl iyo Bander-bayla ayey sheegtay Dawladdu in kordhin lagu sameeyey muddo 5-sano oo kale taasi oo ka bilaabaneysa 20,2013 ilaa 20,2017.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cabdilaahi Axmed Jaamac oo ka hadlay kulan dib u eegis loogu sameynaayey barnaamijka lagu hormarinaayo 7-degmo ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyey muddo 5-sano ah taasi oo ka bilaabaneysa 20,2013 ilaa 20,2017.
Mudane Ilkajiir ayaa sheegay in Shanta sano ee dheeriga ah horumarka Barnaamijka JPLG ay timid ka dib markii la arkay guusha laga gaaray Wejigii koowaad ayaa la go’aansaday in muddo kale lagu daro.
…”"”JPLG-gu maahan wax inagu cusub waxa weeye wax Shantii sanadood oo dhan soo wadnay,waxaa lagu guuleystay i markaa la kordhiyo Shan Sanadood oo ka bilaabanaysa 20,2013 ilaa 20,2017,Taa waxaa lagu gaaray markii la arkay JPLG-wejigiisii kowaad in guulo wax ku ool ah laga gaaray,horumar la taaban karona laga gaaray ayaa la go’aansaday in la kordhiyo 5-sano oo kale anaguna codsanay….”“ayuu Ilkajiir.
Barnaamijkan ka Hadalkiisa oo lagu soo bandhigay magaalada Garoowe ayna kasoo qeybgaleen Madaxweyne Cabdirixmaan,Kuxigeenkiisa,Gollaha Xukuumadda,Xubno QM ka socday iyo Duqeyda degmooyinka ayaa waxaa ka qeybqaadashadiisa Isku bahaystay ilaa Shan hay’adood sida UNICEF,ILO,UNDP,UN-HABITAT iyo UNCDF.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Farole oo isna kalmado ka yiri madasha ayaa sheegay in Barnaamijkan JPLG(Joint Program Local Governance) uu hirgeliyey 70-mashruuc kuwaasi oo kala ah Wadooyin,tuulooyinka oo laga hirgeliyey xarumo Caafimaad,goobo waxbarasho iyo biyaha oo laga qeybqaatay in la gaarsiiyo tuulooyinka iyo magaalooyinka qaar kamid ah.
..”"Progaram-kan Shantii sano ee lasoo dhaafay,wuxuu hirgeliyey 70-mashruuc oo Isugu jira Wadooyin,tuulooyinka oo laga hirgeliyey xarumo Caafimaad,goobo waxbarasho,biyaha oo tuulooyinka iyo magaalooyinka laga qeybqaatay sidii loo gaarsiin lahaa dadka iyo Mashaariic kale oo tiro badan oo u ka qeybqaatay barnaamijkan…”"ayuu yiri Farole.
Waxa uu sheegay in Barnaamijkan uu amaanayo,iyadoona uu ku sifeeyey inuu yahay mid ka badalan in badan Barnaamijkyada kale ee laga ilaaliyo dawladda Puntland gacanteeda,waa Barnaamij buu yiri ay dawladu si weyn uga qeybqaadatay juhdigii lagu baxshay.
Madaxweynuhu waxa uu ku amaanay Wasaaraddaha sida joogtada uga qeybqaatay,wuxuuna sheegay in taasi ka marag kacayso balanqaadkii Dawladda iyo hay’adaha kale ay kasoo baxeen,sidoo kalena waxa uu ka codsaday Madaxda Barnaamijka JPLG-ga in adeegaan la gaarsiiyo gobolada Soo,Sanaag iyo Cayn.
..”"Dawladda Puntland balanqaadkeedii ahaa iney ka qeybqaadaneyso Progaram-kaan ooy lacag ku darayso oo daladdu Wasaaradda Maaliyadu ku darayso 10%,dawladaha hoosena 5% waa la hirgeliyey si fiican baana loo dhamaystiray iyadoon kala dhinayn,gaarsiiyo gobolada Sool,Cayn iyo Sanaag,..”"ayuu yiri sidoo kale.
Madaxa Barnaamijka Joint Program Local Governance(JPLG) pATRICK Doung ayaa isna shaaca ka qaaday in Qaramada Midoobey ay u balanqaadeyso Shacabka Puntland iney laba jibaareyso Barnaamijkan isla markaana waxa uu sheegay in guulo laga gaaray mudadii la wadey hawsha JPLG.
_______________________________
RBC Radio
Xafiiska Garoowe
















boowe in malaayiin doolaar degmooyin lagaliyo kuwana la inkiro sow cadallad daro maha? waxasu shacabka puntland ma qabtaan ee degmooyinka la iska indha-tirayo hala joojiyo hadi wax lawada leeyahay
[...] Radio) Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa soo gaaray degmada Eyl ee gobalka Nugaal , kaddib markii uu maanta isaga iyo wefdi uu hoggaaminaayo ka soo ambabaxeeyn magaalada Garowe ee [...]
aniga oo ah watar cabdi hureese marka hore waxaan sal;aameya dhamaan shacabka rer puntland salaan kadib mel kasta ay jooga na aduunka gaar ahaan waxaan si qaas ah u salaameya madexweynaha xilka heya ee c/raxmaan maxaamuud maxamed (faroole)