Geeddiga waa ha socdo ilaa rugtii qaranimmada la gaaro! (Qaybtii III) W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
Geeddiga waa ha socdo ilaa rugtii qaranimmada la gaaro! (Qaybtii III)
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
Alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Sabteembar 03 2012
Waxaa intaas dheeraa ergooyinka dalalka SHiinaha iyo Jabaan oo iyagu aan run ahaantii shirarka ka soo qayb geli jirin mararka keliya ee ay yimaadaan ay ahayd maalmaha ay jiraan munaasabado go’aanno lagu saxiixayo, ama uu shirka ka baxo marxalad una gudbo mid cusub, ama ay jiraan arrimo ay tahay inay ka wada hadlaan ama ay ka wada qayb qaataan ergooyinka shisheeyaha ee danayniya arrimaha Soomaliyo oo loo yeero, mana jirin saamaynay shirka gudihiisa ku lahaayeen waxayna muuqdeen kuwo diyaar u ah inay taageeran natiijada ka soo baxda shirka, walbia SHiinaha dhaqaale ahaan shirka waa uu taageeray.
NImanka ergeda shisheeyaha ahaa waxay waqti kooban oo aad u yar ku barteen kuna fahmeen sida uu u fekero qofka Soomaaliga ee shirka fadhiya, waxy dareemeen inkalsoonida ay iyaga ku qabeen aysan dhexdooda oolin, waxay arkeen inay burburka soo gaaray uusan ahayn mid isyaasdeed iyo awoodeed oo keliya laakiin uu yahay uu jiro burbur caam ah oo dilay dhismihii guud ee ummadeed, sidaas daraadeedna ay suuro gal tahay wax kasta in laga dhex fuliyo dadka shirka fadhiya wax kasta oo looga baahanyahay.
Waxaa taas gacan siiyay oo dadka shirka fadhiya dhex galay dad badan oo ay shirku ku soo dareen dowladihii dhirka marti geliyay oo la siiyay magaca Bulshada Rayadka ah (Civil Society), kuwaasoo markii dambe noqday culays weyn oo ku soo biiray shirka, isla markaasna ergeda shisheeyaha u noqday marin sahlan ee fududeeya dhex galka ergada shirka fadhida.
Talaabadaas waxay suuro gelisay waxyaabo badan oo markii hore ku adkaa ergeda shisheeyaha inay shirka ka dhex sameeyaan, shirkiina wuxuu noqday mid jahwreer oo boqalaal qof maamulaan, ergay kasta oo shisheey ahna wuxuu samaystay qof ka tirsan ergeda bulshada rayadka ah ku magaacaban ee u suura geliya siduu ugu xirmi lahaa ergeda inteeda kale, waxaad garan karaysaa sida xaaladda gacanta uga baxday marka laga eego kala daadsanaanta iyo khilaafka ku dhex jira ergada shirka loo qabtay, waxaana kor u kacay xiriirada ay yeesheen hoggaamiyeyaashii siyaasadda ee shirkaas hor boodayay iyo ergooyinkii shisheeyaha ahaa ee shirka fadhiyay.
Iyadu mid muran kuma jiro in nin kasta oo rabay in la doorto uu lacag ku ololeeyay isago siinaya xubnihii barlamanka noqday si ay isaga ugu codeeyaan, waxaana xusid mudan in Xirsi Bulxan oo ahaa guddoomiyihii da’ weynaanta lagu soo xulay uu ku dadaalay inaan wax musuqmaasuq ah soo dhex gelin doorashadii guddoomiyaha barlamanka oo uu ku gulaystay SHariif Xasan SHiikh Aadan, isagoo meesha ka saaray walaac badan oo ay muujinayeen cod-bixiyeyaasha qaarkood oo ahaa in magacyadooda la khalday ama lays daba mariyay,ama kas looga tegay si looga hor joogsado inay codeeyaan.
Lacag kasta ha la bixiyo ama ha la kala qaato natiijada barlamanka ka soo baxday ma ahayn mid muujinaysay in qofka xilka ku soo baxay uu ku gaaray lacagtiisa, waxayse u muuqatay in xil-dhibaannadu ay tix geliyeen xal u helista dhibaatooyinkii ay guryahooda uga soo tageen iyo cidda ay qiyaasiyeen inay xal ka keeni karto, mararka qaarkoodna waxay is weydiin ka imaan karaysaa ninka raba in la doorto sababta uu lacagta u bixinayo, maxaa yeelay ninka xil-dhibaanka ah cid kasta wixii ay siiso waa ka qaadanayay, taasna ma ahayn mid lagu ceebayn karayay marka la firiyo xaaladaha iyo duruufta nololeed ee ay ku jireen.
Inta aan ka war hayno murashaxiintii xilligaas tartamayay seddex ka mid ahaa ayaa sida lay xaqiijiyay lacag badan ay ka baxday iyagoo u ololeeyniyay in xilka madax-weynenimada loo doorto; Cabdullaahi Yuusuf Axmed, intii uu tartanka ku jiray waxaa ololihiisii doorasha kaga baxday lacag ka badan 900kun oo dollar, waxaa ku soo xigay Faarax Wehliye Cadow (Faarax-sindiko) oo isna sida la sheegay ay ka baxday lacag kor u dhaafaysa 600kun oo dollar, iyo ninka la yiraahdo Jeylaani Cali Kediye oo ahaa ganacsade Soomaaliyeed oo degganaa dalka Kenya oo sida la sheegay ay ololihiisa doorashada kaga baxday ilaa 320kun oo dollar, isu geyn waa lacag aan dhamayn 2milion oo dollar, loona qaybiyay 275xubnood oo barlamanka ahaa.
Waxa lagu dhaleecayniyay golihii baarlamankii hore waxaa ugu badnaa lacagihii ay siiyeen nimankii ku tartamayay xilka madax-weynaha, waxaadna arkaysaa hadana inaysan shaqayn lacagahaas laakiin qof kasta u codeeyay sidii uu markiisii hore qorshaystay sabab kastaba ha ku saleeyee, hasa ahaatee ay lacagta ay u qaateen duruufihii nololeed ee ay ku jireen, habkaas ayaa qofkii dan ka leh barlamanka ama Soomaali ha ahaado ama diplomat-siyiin aan anshax wanaagsaneyn oo shisheeye ahee ay mar kasta isku dayayeen inay danahooda guracan kaga dhamaystaan xubanaha barlamanka, oo si taas looga fushadana markii horaba la gaajaysiiyay.
===========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











[...] Read More: Geeddiga waa ha socdo ilaa rugtii qaranimmada la gaaro! (Qaybtii III) W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Soo… [...]