Golaha Midowga Qurbajoogta Soomaaliyeed oo Hambalyo U Diraya Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xassan SH Maxamuud


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hambalyo iyo Taageero ku Socota Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xassan SH Maxamuud

WARSAXAAFADEED

Golaha Midowga Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa waxa ay hanbalyo iyo Taageero Buuxda u direyaan Xassan SH Maxamuud kadib Doorashadii Madaxweynenimo ee loogu doortay  Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Mudane Xassan SHeekh Maxamuud.

Xoghayaha Guud ee Ururka Midowga Qurbajoogta Soomaaliyeed  Mudane Cumar Sowjar ayaa ugu baaqay shacabweynaha Soomaaliyeed  in ay is garab taagaan lana shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xussan SH Maxamuud.

“Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya waxay bahda Midowga Qurbajoogta Soomaaliyeed  si kal iyo lab leh u soo dhaweynayaan waxa ayna eebe uga baryayaan in uu u fududeeyo masuuliyada adag ee uu istaagay.

Mudane Cumar Sowjar ayaa waxa uu kamid ahaa Musharaxiintii u tartamayey xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya kadibna uu ka tanaasulay.

Golaha Midowga Qurbajoogta Soomaaliya waxa uu xaruntiisa weyn ku taal Magaalada Denver Colorado ee Dalkaas Mareykanka, waxay kaloo xarumo ku leeyihiin wadamo badan oo Qurbajoogta Soomaaliya ku nooshahay.

Xoghayaha Guud ee Golaha Midowga Qurbajoogta Soomaaliyeed 
Mudane Cumar Sowjar
Sowjar1@Gmail.com

Share

Tags:

Leave a Reply