Guddiga Difaaca Suxufiyiinta Adduunka CPJ Oo Cambaareeyay Weerarkii Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi [RBC Radio] Guddiga diaafaca suxufiyiinta adduunka ee loo soo gaabiyo CPJ ayaa ku biiray cambaareynta loo jeedinaayo kuwii ka dambeeyay weeraro is qarxin ah oo xaley ka dhacay maqaaxi lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Muqdisho.

CPJ ayaa sheegay in weerarkaas ay ku geeriyoodeen ilaa seddax wariye halka afar kalena ay ku dhaawacmeyn sida ay lee yihiin wariyaasha Soomaalida ee tagay goobta musiibada ka dhacday oo lagu magacaabo “The Village”.

Labo qof oo aan la garan ayaa la sheegay in ay soo galeyn goobta qaraxyada ay ka dhaceyn xilliga Muqdisho 5:30, kuwaasoo markii dambe is qarxiyay, waxana ku dhintay ugu yaraan 14-qof halka in ka badan 20 ay dhaawcmeyn.

Sida ay warisay wakaalada wararka AFP oo wareysi la yeelatay Cali Maxamed Raage “Cali Dheere qaraxaas waxa uu sheegay in ay fuliyeen kooxo iyaga taageersan.

“Annaga si toos ah uma armin in ay weerarkaas ay geestaan, laakin waxa jira kuwa badan oo careesan oo ku sugan Soomaaliya kuwaasoo taageersan dagaalkeena” ayey sheegtay in uu dhahay wakaalada wararka ay Agence France-Presse.

Sida uu lee yahay guddiga CPJ waxa maqaaxida la qarxiyay ahayd meel ay isugu yimaadaan wariyaasha magaalada iyo kuwa kale, halkaasoo wararka ay kula qaataan sidoo kale waxa yimaada dad caadi ah.

Wariyaasha ku dhintay qaraxyada waxa ka mid ah Cabdi Raxmaan Yaasin Cali oo ahaa aggaasimaha Radio Xmar VOD (“Voice of Democracy”); Cabdisatar Daahir Sabriye,madixii warar Idaacadda Radio Muqdisho iyo Liban Cali Nuur madaxii wararka Talafishanka Qaranka Soomaaliya sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan Muqdisho.

Waxa kaloo ku dhaawacmay Maxamed Xuseyn Gentalman oo ka tirsanaa Radio Muqdisho iyo seddax wariye oo ka tirsan Idaacadda Radio Kulmiye Cabdullahi Suldaan, Cabdirisaq Maxamed  iyo Nuure Maxamed Cali ayaa ku dhaawacmay.

Wariyaasha dhaawacmay ayaa la sheegay in lagu daweynayo isbitaalada magaalada , halkaasoo ay CPJ ku soo aragtay sida lagu sheegay warbixinta.

Lataliyaha CPJ ee bariga Africa Tom Rhodes ayaa sheegay in tacsi taaranyo leh ay u dirayaan wariyaasha seddaxda qoosaska iyo asxaabta ay ka geeriyoodeen.

Waxa kaloo ugu baaqay dowladda cusub in ay joojiso dilalka iyo weerarada lagu hayo wariyaasha Soomaalida.

Dhowr qof ayaa ku dhintay weerarkii ka dhacay golaha tiyaatarka Qaranka Soomaaliya bishii April, waxana ku jiray labo sarkaal oo ugu sareeyay ciyaaraha Soomaaliya iyo wariyaal, waxana sheegtay masuliyadooda ururka Al-Shabaab.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu daran Africa ee lagu waxyeeleeyo saxaafadda sida laga soo xigtay baaritaan ay sameesay CPJ iyadoo wariyaal kale ay u baxsadeen dal aan dalkooda ahayn.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

Leave a Reply