Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Ku Dhawaaqay in la furan karo Ururo Siyaasadeed


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe [RBC Radio] Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta kaga dhawaaqay gudaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland in cid kasta oo furan karta Ururo Siyaasadeed loo Ogloyahay in ay Isu diiwaangeliyaan sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xassan Barre oo Saxaafadda kula hadlay gudaha xarunta PDRC ayaa sheegay in Guddigu ku dhawaaqay laga bilaabo maanta oo taariikhdu ku beegantahay 11.Sebtember.2012 la furan karo Ururo Siyaasadeed si loo daadihiyo buu yiri farsamo ahaan geedi socodka Dimuqraadiyadda Puntland.

…”"‘Maanta halkan waxan Isugu nimid Guddiga Doorashada Puntland haddaanu nahay inaanu ku dhawaaqno arrin la sugaayey oo muddo laga sugaayey Guddiga Doorashada oo u Igmanaa inuu daadihiyo farsamo ahaan geedi socodka Dimuqraadiyada Puntland,haddana iyada oo laga ambo qaadayo geedi socodka dimuqraadiyeynta Puntland oo waafaqsan Dastuurka dawladda.” ayuu yiri.

Cabdirisaaq Shoola oo Isugna kamid ah Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa Faah-faahin kooban ka bixiyey Hannaanka iyo Nidaamka ay raacayaan Ururada Siyaasadeed ee Puntland,waxaana uu yiri.”"Guddiga Doorashada Puntland markuu arkey qodobada Dastuurka oo u xilsaaraya ku dhawaaqida iyo fulinta geedi socodka abuurida nidaam iyo Asxaab Siyaasadeed, markii Shacbiga Puntland ansixiyey aftidii dastuurka, markii Xukuumadda iyo golaha Xeer dejinta ay dhameystireen Sharuucdii looga baahnaa guddiga doorashooyinka Puntland wuxuu ku dhawaaqayaa sida soo socota:

Hannaanka iyo Habraaca Diiwaangelinta Ururada Siyaasadeed ee Puntland.

1. Guddiga Doorashhooyinka ee KNIG ayaa ka masuul ah qabashada araaajida diiwaan-gelinta ee ururada siyaasada iyo xafidaada dukumantiyada ay U soo gudbiyaan ururradu.

2. Guddiga Doorashooyinka ee KMG waxay ku baahinaysaa Warbaahinta dalka bilowga muddada qabashada Codsiyada diiwaangelinta ururrada siyaasadeed oo ka bilaabanaysa 11Ka September 2012.

3. Wakhtiga kama danbeysta ah ee la qabaanyo araajida waa 05:00 Galabnimo ee maalinta ugu danbeysa qabashada araajida oo ah 10 December 2012.

4. Foomka qabashada araajida waa inuu saxiixo madaxa ururku waxana Iagu soo ridayaa labo bushqadood oo ay korka ka qoran yihiin Asal iyo nuqul.

5. Muddada Qabashada Codsiyada Diiwaan galintu waa saddex bilood oo ka bilaabanta maalinta 11 Seg 2012.

6. Urur kasta oo doonaya in loo diiwaangeliyo urur siyaasadeed waa inuu ku soo qortaa arji foomka Ioogu talagalay, kuna soo hagaajiyaa

Guddiga isagoo arjiga ku Iifaaqaya caddaymaha iyo qoraalada soo socda:-

a. 10 Nuqul oo daabacan oo ah xeerka

ururka . Liiska magacyada aassaasayaasha ururka.

C. Liiska Assaasayaasha Ururka iyo Xeerka ururka waa in Iagu soo hor

d. Liiska magacyada Golaha Dhexe ee Ururka.

e. Caddeyn maqal iyo muuqaal ah oo muujinaysa goortii iyo goobtii ururku

f. Liiska Magacyada Guddida fulinta ee Ururka

g. Qaab-dhismeedka ururka oo ay ku Caddahay magaca ururka oo dhan saxiixaa Nootaayo sharciyeysan. ku qabtay shirkii assaaska ururka ee ugu horeeyay iyo habka uu u qormayo marke la soo gaabiyo, calaamadaha ururka iyo hal-ku¬dheggiisa. ururka,|VVM.

h. Cinwaanka ururka oo dhamaystiran sida: Telephone, Emailka, Xafiiska

l. Caddeyn bixin deebaaji dhan 15,000 (shan iyo toban kun oo Dollar) oo aan Celis lahayn, Waxaana lagu shubayaa bangiga dhexe ee dawladda Puntland.

j. Nlagacyada 2 qof oo xirriiriyaal ah iyo Cinwaannadooda ( Telephone iyo Email)

7. Waxaa Iaga rabaa urur kasta inuu guddiga doorashooyinka ka hubiyo in magacaiyo astaanta uu Wato aan urur kale horey u qaadan.

8. Waxaa araajida Iagu soo hagaajinayaa xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ku taala Nlagaalada Garoowe ka soo horjeedka Xarunta Diakonia. Foomamka waa in la keeno xarunta dhexe ee Guddiga.

Waxa uu Guddigu siinayaa urur kasta markuu Keeno araajida Caddeyn muujinaysa ka qabashada arjiga. Waxaa kaloo ururka ku waajib ah inuu qaato Caddeynta.

9. Waxaa Iagu Wargelinayaa ururrada inay araajidooda ku keenaan muddada loo Cayimay.

10. Urur/xisbi kasta waa inuu xubin ka noqon Karo qof kasta oo ah muwaadin Puntland ah.

12. Urur/xisbi kasta waa in xeerarkiisu waafaqsan yahay shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka kale Puntland.

13. Araajida iyo Iifaaqyada la socoda waa dukumantyo ummadded ( Public document).

Guddigu wuxuu xaq u Ieeyahay inuu weydiisto madax aururka Wixii macuulmaad dheeraad ah ee uu u baahdo.

14. Xoghayaha Guud ee Guddiga, ama xubin ka tirsan GDPee oo Guddigu u idmado marke uu maqanyhay xoghayaha guud ayaa ka qabanaya ururrada araaajida.

15. Mudada u dhexaysa 11Dec 2012 ilaa 10 Feb 2013 Waxaa loo qondeeyayin guddigu sameeyo hubin ururku inuu buuxiyay shuruudaha ku qoran xeerka ururada/ xisbiyada siyaasadeed ee Dawladda Puntland. shuruudaha Iahubinayo waa:

a. Goortii iyo goobtii ururku ku qabtey shirkii golaha dhexe ee ugu horeeyay ururka. Caddeyn maqal iyo muuqal ah oo muujinaysa qabashada shirka golaha dhexe iyo qaabkii loo doortay hogaanka ururka.

b. Liiska Ciwaanada xarumaha ururka ee gobolada iyo degmooyinka dalka.

C. Liiska taageerayaasha ururka ee gobolada Puntland oo dhan, gobol walba Waxaa Iaga rabaa ugu yaraan 300 oo taageerayaal ah vvaana inay buuxiyaan shuruudaha Codbixinta.

16. Sida ku qoran Dastuurka Puntland Waxaa reeban ururada iyo xisbiyada Ieh muuqaal Ciidan ama qabiil.

Muddada ay socoto habsami u socodka Doorashooyinka gaar ahaana Ururada,waxaa jirta in Urur-Siyaasadeedka hela Codad gaaraya 300 uu u kamid noqon doono ama u tartami doono Sideeda Xisbi ee ugu codka badab Puntland.

______________________________

RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Share

Tags:

4 Responses for “Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Ku Dhawaaqay in la furan karo Ururo Siyaasadeed”

  1. [...] View article: Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Ku Dhawaaqay in la furan karo Ururo Siyaasadeed [...]

  2. Cilmisabce says:

    Waqtiga loo qabtay yaraan badanaa oo hawsha laga rabo ururada iyo shuruudaha ku xiran ad adagkaa. Guddigu waa in uu arrimahan dib u eego lana tashado cidii ay khuseyso.

  3. kayse says:

    MAASHA ALLAH WEEYE ALLE WAXAAN OOGA BARYIYAA GUUL IYO GOBANIMO SHACABKA REER PUNTLAND ANNIGOO KU HADLIYA MAGACA ISIMADA JUBBOOYINKA…………FADLAN WALIGIIN HA KA FUQININA MIDNIMADA SOMALIA OO AAD KU AMMAANANTIHIIN GUUUUUUUUUUUUUUUUUL PUNTLAND ADN ALL SOMALIWEYN

  4. afka xaaji says:

    waxaan filayaa in uu faroole wax aan jirin ku meeraysanayo qaab buu xukunka ku qabtay hortiisana rag baa ku qabtay waxaa fiicnaan laheyd in uu qaabkii uu ku tago ee uusan raadin wax kale oo ka dhigto xukun dheerisi danbe

Leave a Reply