Guddiga Doorshadda Oo Bilaabay Qabashada Araajida Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya
Muqdisho [Radio RBC] Guddiga doorashadda madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay in ay qabtaan araajida musharrixiinta dooneysa in ay ka qeybgalaan doorashadda madaxweynaha oo dhawaan Muqdisho ka dhaceysa.
Afhayeenka guddigaas Cismaan Libaax Ibraahim oo saxaafadda la hadlaayay ayaa sheegay in la billaabay qabashada araajida musharraxiinta u taagan xilka madaxtinimadda Soomaaliya.
Xildhibaan Cismaan Libaax ayaa sidoo kale sheegay in qabshada codsiyada ay socon doonto ilaa Lixda bishan September, taasoo wixii ka dambeeya la joojin doono.
Wuxuu kaloo sheegya in maanta oo keliya qabteen ilaa 20 arji oo ka timid musharrixiinta dooneysa in ay ka qeybgalaan doorashadda madaxweynaha Soomaaliya.
Shalay xubnaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay ansixiyeen shuruudaha looga baahan yahay inay soo buuxiyaan musharrixiinta u tartamaya madaxtinimada Soomaaliya.
Musharrixiinta dooneysa in ay ka qeybgalaan doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa laga rabaa in ay dhiibaan midkiiba 10-kun oo dollarka Mareykanka, taasoo ka mid ah shuruudaha ay soo bandhigeyn guddiga doorashadda.
Ku dhawaad 60-musharrax ayaa doonaya in ay qaybgalaan doorashadda madaxweynaha dalka Soomaaliya,, iyadoo la filayo in 10 bishan ay dhacdo doorashada.
Magaalada waxa ka socda olole ay wadaan musharrixiinta dooneysa in ay ka qeybgalaan doorashadda, waxana maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku dhawaad 12-musharrax waxa ay ku shaaciyeen in ay doorashadda uu uga qeybgali doono hal musharrax oo ah Xaaji Maxamed Yaasiin.
RBC Radio
=============
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] Visit link: Guddiga Doorshadda Oo Bilaabay Qabashada Araajida Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya [...]