Guddoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Bariga Afrika Proff Cabdirisaaq Hiirad Maxamed oo Xilka La Wareegay [Sawirro+Dhagayso]
Boosaaso[RBC Radio] Golaha Aasaasayaasha Jaamacadda Bariga Afrika oo horay ugu Magacaabay Guddiga Fulinta Jaamacadda Proff Cabdirisaaq Hiirad Maxamed iyadoona Guddoomiye kuxigeen laga dhigay Shiikh Maxamed Macalin Axmed ayaa Munaasabad lagu qabtay Faraceeda Boosaaso si rasmi ah loogu Wareejiyey Guud ahaanba haykalka Maamul ee Jaamacadda.
Munaasabadda oo ay kasoo qeybgaleen Mas’uuliyiin kala duwan,Aqoonyahano,Culuma’udiin,Ganac sato,Ardeyda wax ka barata Jaamacadda iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay Xarunta Jaamacadda ee magaalada Boosaaso.
Guddoomiyaha Guddiga Aasaasayaasha Jaamacadda Bariga Afrika Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in looga baahanyahay Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa reer Puntland iney hiil iyo hooba ay u garabgalaan Jaamacadda Bariga Afrika.
Dhagayso Hadalkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax Guji Halkan
...”"Waxaan usoo Jeedinayaa kuna dhawaaqayaa cid allaale cidii Ummadda kamid ah oo wax garaneysa in Jaamacadda lala shaqeeyo oo laga shaqeeyo horumarkeeda,baahideeda,maaligelinte eda,Intaas haddaan iraahdo Mas’uuliyadaas waa in la tixgeliyaa qola walba waa iney tixgelisaa…”"ayuu yiri.
Waxa uu ku booriyey Ardeyda da’yarta ah wiilal iyo gabdhaba in ay Ogaadaan in ay yihiin Mustaqbalkii wax ka badeli lahaa dalka isla markaana noqon lahaa dadkiimabaa’diida iyo diinta xifdin lahaa.
Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Bariga Afrika Maxamed Cabdi Adam oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka Jeediyey Munaasabadda ayaa sheegay Mudadii ay hawsha Jaamacadda hayeen ay wax badan wax ka qabteen isla markaana hadda oo ay Wareejinayaana ka Codsanayaan in hawsha meesheeda laga sii wado,wuxuuna ka booriyey Shacabka in lala shaqeeyo Hoggaanka cusub ee Jaamacadda.
Dhagayso Hadalada Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Maxamed Cabdi Adam Guji Halkan
…”"” Sharaf weyn bey i tahay inaan maanta Xilkaan wareejiyo waana xil wareejintii labaad oo ka dhacda hoolkan Jaamacadda, ..”"Runtii dhihi maayo kaadaan usoo bacay meesha sida dadka qaarkood sheegaan laakiin Odayaashii baa noo jideeyey waa sunna rabaaniya,waxayna Jideeyeen meeshaan dhowrkii sanaba iney Isbadel uu ka dhaco,waxaana leeyahay hawsha adag hala garabgalo Maamulka cusub…”“ayuu yiri.
Dhagayso Hadalada Guddoomiyiha Cusub ee Jaamacadda Cabdirisaaq Hiirad Maxamed Guji Halkan
Guddoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Bariga Afrika Proff Cabdirisaaq Hiirad Maxamed oo si rasmi ah ula Wareegay Hoggaanka Jaamacadda Bariga Afrika ayaa sheegay in Jaamacaddu hadda ay marayso heer lagu faano isla markaana loo baahanyahay inta dhimana lagu dadaalo,wuxuuna mahadbalaaran usoo jeediyey Guddoomiyihii hore,Isagoo ku tilmaamay Aqoonyahan wax weyn ka badelay mudadii Xafiiska uu joogay.
Maareeyaha Shirkadda Isgaarsiinta GOLIS Cali Xaaji Warsame oo ku hadlaayey Magaca Ganacsatada ayaa tibaaxay in haddii ay yihiin Ganacsatada ay balanqaadayaan iney garab Istaagayaan Jaamacadda Bariga Afrika,wuxuuna ku amaanay in ay tahay laf-dhabarta ay kasoo baxaan Iftiinka Shirkadaha.
...”"” Dadka Shirkaddaha laf- dhabarta u ah khaastan kulliyadda Dhaqaalaha iyo Kulliyadda Computer Injineerinka iyo kuwa kaleba laf- dhabar bey u yihiin, Insha allaahu waxaan rajeyneynaa iney socoto dareenka ah Jaamacaddaan iney tahay Iftiinka Shirkaddaha Ganacsiga iyo Meelaha kaleba,waxaan ku dadaaleynaa haddaan nahay Ganacsatada iyo Shirkaddaha gaarga ah inaan ka dhabeyno inaan Jaamacadda garab Istaagno….”“ayuu yiri.
Dhagayso Hadalada Maareeyaha GOLIS oo Ku hadlaya Magaca Ganacsatada Cali Xaaji Warsame Guji Halkan
Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Proff Cabdirisaaq Hiirad Maxamed ayaa waxa uu yahay Aqoonyahan shahaadaha PHD ka haysta Cilmiga Waxbarashada”Education”,wuxuuna Macalin kasoo noqday Jaamacaddii Ummada ee GAHAYR isla mar ahaantaana waxa uu kasoo shaqeeyey goobo badan oo waxbarasho oo kuyaala Yemen,UK iyo Denmark.
- Maareeyaha Shirkadda Isgaarsiinta GOLIS Cali Cabdillaahi Warsame
- Guddoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Bariga Afrika Proff Cabdirisaaq Hiirad Maxamed
- Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Bariga Afrika Maxamed Cabdi Adam
_______________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com








































[...] Excerpt from: Guddoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Bariga Afrika Pof Cabdirisaaq Hiirad Maxamed oo Xilka La Wareegay [... [...]
[...] View the original here: Guddoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Bariga Afrika Proff Cabdirisaaq Hiirad Maxamed oo Xilka La Wareegay… [...]
habalyo. horay haloo socdo.