Guddoomiyaha Guurtida Somaliland oo ka hadlay muhiimadda Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
Hargeysa(RBC):- Iyada oo ay Xukuumadda Somaliland hore u soo dhawaysay hadal Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud kaga hadlay sii waddida wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidoo kale jidka uu u mari doono arrinta midnimada oo uu ku tilmaamay mid aan qasab iyo jujuub diblamaasiyadeed ku salaysnaan doonin, ayaa Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal) maanta ka hadlay.
Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan-gaal, waxa uu ku tilmaamay hadalka Madaxweynaha Soomaaliya mid fiican oo odaytinnimo, isla markaana mudan in la soo dhaweeyo, waxaanu ballan-qaaday inay Somaliland sida fiican ee uu u hadlay wax ula bilaabi doonto.
“Wadahadal dhexmara Somaliland iyo Somaliya. Nimankii reer Soomaaliya waa kuwaa doorashada qabsaday, Madaxweyne cusubna way doorteen, wadahadallana way innoo socdeen ay hormood ka ahaayeen labada Xukuuumadood, hadal fiican buu ku hadlay Madaxweynaha Soomaaliya.” Sidaa ayuu yiri Guddoomiyaha Guurtida Soomaaliya.
Guddoomiye Saleebaan-gaal oo maanta hadal ka jeediyey furitaanka kal-fadhigga 48-aad ee Guurtida oo ay maanta isugu yimaaddeen Xildhibaannada golahaasi xaruntooda magaalada Hargeysa, waxaanu isaga oo sii wata hadalkiisa intaa ku laray oo uu yiri Guddoomiyuhu; “Aragtidayda, hadal kooban, hufan oo odhanaya Somalialnd waxaannu ku wada dhaqmaynaa siyaasad iyo wadahadal, dhibaatooyin loo geystayna waa jireen, wax shiddo ahina jiri maayaan, waa hadal Odaynimo Innaguna waynu la wadaynaa.”
“Waynu soo dhawaynaynaa, waa nin cusub waxa la lahaa Xasan Sheekh Maxamuud siyaasi maaha, Siyaasi haddaanu ahayn muxuu ka soo doonay? Waxaa iigu horraysay markii liiska la yeedhinayay, nin aan maqli jirayna maaha, laakiin markii danbe ee taariikhdiisa laga sheekeeyey waxa la sheegay inuu yahay Muwaaddin Soomaaliyeed oo aan dalka ka bixin.” Sidaa ayuu yiri Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.
Geesta kale, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan-Gaal waxa uu u soo jeediyey Xildhibaannada golaha Guurtidu Mudanayaasha in loo baahan yahay inay Mudanayaasha golahaasi u diyaar-garoobaan doorka ay ku leeyihiin hirgelinta doorashada golayaasha deegaanka Somaliland oo qabsoomaysa 28-ka bisha November 2012.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.












[...] Read More: Guddoomiyaha Guurtida Somaliland oo ka hadlay muhiimadda Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya [...]
Somali way soo dhaaftay wakhtigii jujuubka iyo dagaalka wax lagu dhamayn jiray…..waxa lagu kala baxayaa waa wada hadal iyo maxaa inoo dan ah.
Waanu soo dhawaynaynaa M/wayne Hasan Sheekh Maxamoud , ILAAHAY ha la qabto oo haw fudaydiyo xilka uu qaaday…