Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Sheegay Inaysan Saamayn ku Yeelan Doonin Dilalka Qorsheesan Ee Ka Dhaca Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Afhayeenka Baarlamanka Soomaaaliya Maxamad Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa wuxuu ka hadlay amaan darida xiligaan ka jirta magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya aysan howlahooda u hakin doonin Amaan darida ka jirta magaalada Muqdisho.
Maxamad Sheekh Cusmaan ayaa wuxuu sidoo kale uu sheegay in mudanayaash abaarlamaanka Soomaaliya ay diyaar u yihiin in shacabka Soomaaliyeed ay ugu adeegaan waajibaadka saaran.
Wuxuu sodo hadal qaaday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo dhowaan maleeshiyaadka ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya ee Al-Shabaab ay ku toogteen magaalada Muqdisho, Wuxuuna sheegay Prof. Jawaari Guddoomiyha Baarlamaanka Soomaaliya in haddii Xitaa la Dilo 275-ta Xildhibaan ee Baarlamaanka Soomaaliya ay imaanayaan 275 kale oo Cusub sida uu tilmaamay.
Sidoo kale Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ka hadlay is qab qabsiga ka dhex jira Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aadan Beelihii ay ka yimaadeen isagoo sheegay in ay arintaasi ku shaqo leeyihiin Guddiga Doorashooyinka ee la magacaabi doono.
Mudabnayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan waxay doorteen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horaysay ay ku doorteen magaalada Muqdisho mudo ka badan 40-sano.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho











