Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Si Cad u Sheegay In Ciidamada Dawlada Ay Dadka Dhacaan, Isbaarooyinkana Ay Iyaga u Yaallaan!
Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo maanta booqday xarumo loogu talagalay in canshuuraha degmooyinka lagu qaado ayaa si cad oo aan ka leexad lahayn u sheegay in ciidamada dawlada ay yihiin kuwa dadka dhaca, isla markaana isbaarooyinka dhigtay gudaha caasimada iyo hareeraha magaalada.
Gudoomiye Tarsan oo hadal wariyaasha ku siiyey xarun ku taalla xaafada suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in indhihiisa uu ku arkay ciidan ka tiran guutada 12aad ee ciidamada dawlada oo ku lebisan dharka tuutaha oo isbaaro ay lacag baad ah ku qaataan u taallo wadada warshadaha ee tagta xaafada Suuqa Xoolaha.
“Anigaa indhahayga ku arkay, waan u dagay oo waan la hadlay, waxay ahaayeen ciidamada guutada 12aad” ayuu yiri Tarsan oo wax aan suurtagali karin ku tilmaamay in amaanka caasimada uu hagaago inta ciidankaasi ay jidadka joogaan.
“Labo mid unbey noqoneysaa; sarkaalka ciidankaasi wata inuu dhaho kama warqbi oo uu kheyrul masuul yahay oo uu dhaho masuuliyad ma qaadi karo, ama inuu wax ka og yahay oo lacagta ay soo ururiyaan ay wax uga keenaan mid saddexaad ma jiri karto..” ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyaha gobolka oo si kulul uga hadlay jid gooyooyinka sharci darrada ee ay dhigteen ciidamada dawlada.
Waa imisa isbaarooyinka yaalla Muqdisho?
Gudoomiye Tarsan ayaa sheegay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad illaa laga soo galo bartamaha caasimada ay yaallaan 14 isbaaro oo dhamaantood lacago qasab ah looga qaato baabuurta dadweynaha, inta ay arintaasi jirtana aaanu jiri karin nidaam dawladeed oo shaqeynaya.
“Haddaan wadadaasi waxlaga qaban ma sii shaqeyn doonto dadkuna ma mari doonaan” ayuu sheegay gudoomiyaha. “Waa in ciidankaasi jidadka taagan laga xareeyaa si deg deg ah” ayuu sii raaciyey.
Hadalka gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa soo baxay xilli dadka ku nool Muqdisho iyo magaalooyinka Afgooye iyo Baslcad ay qaati ka taagan yihiin isbaarooyinka xadka dhaafay ee ku soo laabtay waddooyinka isku xira magaalooyinkaasi kuwaasoo ay taagan yihiin rag katirsan askarta dawlada oo tuutahaciidanka kyu lebisan arintaasoo dadweynuhu si weyn uga niyadjabeen.
Ka sokow isbaarooyinka yaalla waddooyinka u baxa Afgooye iyo Balcad oo guud ahaan 24 jidgooyo ah waxaa dheer isbaarooyin ay dhigteen maamulada degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley oo gaaraya 7 isbaaro kuwaasoo dhamaantood lacag xoog ah baabuurta looga qaado.
Si la mid ah dhawaaqa maanta ka soo baxay gudoomiyaha gobolka Banaadir ayey shacabka ku nool Muqdisho maalin kasta isweydiiyaan goorta isbaarooyinka laga nadiifin doono xaafadaha caasimadan bahala galeenka noqotay labaatameeyada sano.
RBC Radio












Haddii ay Askartu dhigtaan Isbaarooyin maxaa ka micne ah?
Awlba way dhigan jireene.Waa shaqadii ay iska lahaayeen.Waatay ku soo koreen.Waana tay caruuraha ku soo korsadeen.Askarta la sheegayaa waa MOORYAANTII Xamar oo Tuute loo galiyey.
MAXAAD ula yaabaysaan nimanka haysta shaqdoodii ay u barteen.
isbaaradu waa wixii sharaf tiray kaddibna diley Dawladihii tan ka horreeyey.Kontoroolladu waa lagama maarmaan xilligan laakiin waxaa iga talo ah in la joojiyo lacagaha lagu qaadayo meelo aan hore Dawladdu dadka si cad ugu sheegin.Dhaawac weyn ayey dawladda u geysanayaan isbaarooyinka lacagaha sharci darrada ah lagu qaadaa.
Yaa Mooryaan ciidan nooga dhigay? Tarsan wuu ku mahadsan yahay run ka hadalkiisa. Waa yaab.
Tarsan Raiisul wazare & madaxwayne midna sharci umalaha xilkaqaadistiisa wuxuu lamid yahay madaxda maamul goboleedyadakale ee soomaaleed.
NINKAAN TAAGEERIN TARSAMAW ADOOTAKOORAMAA TAGEE.
NINKAAN TAAGEERIN TARSAMAW ADOOTAKOORAMAA TAGEE.
NINKAAN TAAGEERIN TARSAMAW ADOOTAKOORAMAA TAGEE.
NINKAAN TAAGEERIN TARSAMAW ADOOTAKOORAMAA TAGEE.
Gudomiye tarsan sheg sheg waxba matarayo adiga gudomiyaha gobolka arintana wax wad ka qaban karta waayo gudomiyeyasha degmoyinka adiga madax u ah arintana gudomiyeyasha degmoyinka wax ka og maxa yelay degma walbo cidanka joga waxey hos tagan gudomiyaha de
Ciidamada nadiif waa la helaya hadii lacagtooda mel la iskaa saro askari lacag la siin dadka Kama nabadhelayo ee dawladan hada dhalatay askarta iyo cafiimadka iyo waxbarashada haday xooga sarto oo lacagtii looga tala galay u siiso una dhiibto dad dacat ah soomali oo dhan way hagagayiin lona dhiibo dadka laga tirada badanyahay masuliyada xaaga maliiyada Ayaka aya dacat ah
Tarsan nin waashay Ayaan u arkaa sababtoo ah s
Awal muxuu uga hadli waayay mida asaga isbaarada Utaalo ma arko Miyaa oo laba jogo ayuu isku haystaa baarlamaan iyo duqa magaalada mida kale ciidan aan mushaar qaadan soo isbaaro madhiganayaan qofkuna si kastuu sharaf uleeyahay hadii aan mushaar lasiin sidii uu wax ku raadsan karo ayuu wax ku raadsan ee yaan lala yaabin inta mushaarkooda joogto loo siinayn sidaan ayay ku jirayaan by
Nina caadadii ma dhaafo Bahalna Ceyriin ma daayo. dad dhan baa la’anaya hadii isbarada la cirib tiro kii ku dhashay bay manta camalkiisa tahay.
Tarzan maxaa u diiday inuu Ra’iisula wasaare noqdo? 4.5 formula ayaa u diidadaya ayaa la yiri. TARZAN FOR PRESIDENT THEN.