Gudoomiye Tarsan Oo Labo Arimood kala Dooranaya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo dhowaan gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan mudo 30-maalmood ah loo qabtay in uu baarlamaanka ku hor yimaado xila markaana uu u dhaarto in uu ka miod noqdo baarlamaanka Soomaaliy, ayaa arintaasi waxaa wax laga waydiiyay gudoomiyaha gobalka Banaadir.

 

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa wuxuu ka gaabsaday in uu ka jawaabo hadalkaasi ka soo yeeray gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

 

Sdioo kale gudoomiyaha gobalka ayaa wuxuu ka gaabsaday in uu ka hadlo waxyaabaha keenay in uusan wali uusan dhaaran maadaama uu ka mid yahay xildhibaanada baarlamaanka ee Soomaaliya.

 

“anigu kama hadlayo arintaasi mana ahan mid aan ugu talagalay in aan warbaahinta ku soo bandhigo waqtiga aan dhaaranayo iyo waliba sababta jirta” sidaa waxaa yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

 

Tarsan ayaa haatan aah gudoomiyaha gobalka Banaadir waxaana sidoo kale uu magaciisa ku jiraa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee cusub, waxaana dastuurka Soomaaliya uu qorayaa qofka Xildhibaanka ah in uusan qaban karin xil aanan ka ahayn wasiir.

 

Gudoomiye Tarsan ayaa haatan wuxuu kala dooranayaa labo arimood oo kala ah in uu sii joogayo gobalka Banaadir iyo inuu ku soo biiro baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo uu dhaarto.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Share

13 Responses for “Gudoomiye Tarsan Oo Labo Arimood kala Dooranaya”

  1. Birqalax says:

    Waxaa haysata Lagga jecli, Lugta jecli. Wuxuu sugayaa inta Raysal Wasaaraha la magacaabayo. Hadii nin aysan isku fiicneyn RW loo magacaabo wuxuu aadayaa Baarlamaanka, hadiise nin ay isku fiicanyihiin la magacaabo wuxuu rabaa inuu sii xagsado booskiisa oo uu oga bartay dhadhan yaroo aysan ciduna kula xisaabtameyn.

    Kuwa ku cadaadinaya inuu dhaarto waxay rabaan inay tuubada yar afka la helaan. kkkk

    Rag isgurahaye!

  2. axmed says:

    Tarsan Gobolka Banaadir wuxuu ka qabtay hawlo culus waxaanu markhaanti ka wadanahay in uu yahay nin karti u leh in uu umadiisa badbaadiyo waayo xamar maanta waxaa ka muuqda rajo cusub iyo in siday ahaanjirtay in ay ku soo noqoto “xamar cadde”,Gudoomiye Tarsan waad haysaa hawshii aad umaddaada ku badbaadinlahayd kuna anfici lahayd aduun iyo aakhiroba”Tarsan waa gudoomiye ku dayasho mudan,qof kasta mas’uul ahna waa in lagu qiimeeyo umadiisa wuxuu u qabto”.

  3. Banaadir boy says:

    Tarsan waa qof funny ah duqa magalada muqdishana uma baahna tarsan oo kale inkastoo uu yahay qof hool kar ah

  4. Abdulkadir Mohamed Nur says:

    Waxaan ka baqayaa Mudane Tarsan in uu waayo labadaba marka waxaan ku talinayaa in Baarlamaanka u dhaarto taasaa la hubaayo, waayo waxaa laga yaaba in laga qaado xilka Gudoomiyaha Gobolka, maaadaama aan nqaan in maamul walba oo cusub uu wax kala badalo.

  5. warsame says:

    shariif xasan, shiikhshariif, gaas, farmaajo, tarsan waa inay iswada raacaan oo daadku qaado hadii kale sheekadu waa nin jeclaysi iyo sheeko beraleey.

  6. guriceel says:

    Guddoomiye ka fiican ma soo marin xamar. tarsan waxaa kuu baahan magaalada Muqdishu ee xildhimaanimada iska casil.

  7. prof piccolo says:

    Tarzan oo ka danbeyey qaraxyada isdab joogta ah ee ka dhacya Muqdishow si uu xilka ku sii heysto haddba ninkani maxuu ugu dhagan yahey meesha? dawaco meeshay macal idaad ogabarato ayey ku dhimataa marka malagiisa ayaa ku galey Banadir,mooryaankan oo ah nin aan aqoon u laheen maamul oo ahaa nin London oga yimid qabiil inuu ku gashanto marka somaliya Tarzan uma baahna ee hala toogto sida ugu dhaqsaha badan mooryanakan

  8. nuur cadde says:

    Tarsan Raiisul wazare & madaxwayne midna sharci umalaha xilkaqaadistiisa wuxuu lamid yahay madaxda maamul goboleedyadakale ee soomaaleed.

  9. deqa says:

    TARSAN AA XILDHIBAN NOQONAYA ALAA UMAQAN SOOMALIYA XABADII AMXARADA OO QAARRAYD IYO TII AMISON OO MACANAYD TARSAN OO LAGUYAQAN XAMAR WALAGUSOODULAY BILICDEDI WALOTASHADAY XAMAR NIN AN UDHALAN MADAXWAYNE KAMANOQONAYO IYO NAC NAC LAMIDA BARLAMANKANA WA SUMAYANAYA UU GUDOOMIYAHAGA ISKA JOOG TARXANOOS BARLAMANKA HANAGASOO ADIN ALOOW NAGAQABO RAJAYARAN KALENAHAY SOOMALIYA OO TAR TIIB TARTIIB ISKAGA SOO BADANDOONTEE QABYALADA QAAWAN ALOOW NAGA QABO

  10. WAAHADAL says:

    WAXAAN SALAAMAYAA GUDOOMIYE TARSAN ……………………………………………………………..SALAANKADIB ANIGA AHAAN AAD AYAAN KUUGU MAHAD CELINAYAA SIDA HAGARLA AANTA AAD WADANKAAGA UGUDADAASHAY BASE SOMAALIDA WAXAAN LEEYAHAY AMA KUWA ISKA HADLAAYA OON AQOONIN NINKA WAX TARKA LE IYO KAN AAN WAXTARKA AHEYN WAALOOMAHAD CELIYAA QOFKA WAX QABTAY SI UU UGA NIYAD JABIN HOLAHA UU UMADA U HAYO …………………………………………………………………MIDAKALE WAXAAN GUDOOMIYAHA KULA TALIN LAHAA SOMAALI USABIR AMA KASABAR WAXAY RABAAN IN AY BILILIQADII DIB UGU LAABTAAN

    WABILAAHI TOWFIIQ

  11. Rooraaye says:

    Labada jago ma istaahilo hana dhaafo aabihii ha raaco qabiil iyo qurun baa ka buuxa tuugadii ha raaco

  12. farxaan says:

    tarsan hadii uu fiicanyahay soo xamar majoogo oo wiilkiisa curad madili doono yuu wax usheegaya

  13. asc dhamaan akhyaarta sxb yaal anigu waxan ahay nin reer somaliland ah laakiin hadaa rayi ka dhiibto mudane tarsan wuxu ku jiraa afar nin oo aan isleeyahay waxqabad fiican ayay somalia u keenee
    oo kala ah 1. eny yariiso wasiirkii warfaafinta dawladaii cumar abdirashii
    2. muungaab taliha ciidamada somalia
    3. dhagabadan gudoomiyaha maxkamada wareegta
    4. mohamud ahmed tarsan gudoomiyaha gobolka banaadir
    waxan aaminsanahay inb ay afartaa mudane yihiin dad wax qabtay waxna qabanaya hadii la helo dad ay wax la qabta waad mahadsantihii ilaahayna somalila ha dajiyo
    guulena somali baa leh galadna ilaahay

Leave a Reply