Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo Raxanreeb Uga Mahadceliyey Sirtii La Kashifay Ee Musuqmaasuqa Baarlamaanka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Guddoonka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa caawa ugu hambalyeeyey shabakada Raxanreeb warbixintii sirta ahayd ee shalay lagu daabacay Raxanreeb taasoo shaaca ka qaaday qorshe musuqmaasuq ah oo lala damacsanaa in lagu sameeyo doorashada madaxtinimada dalka ee caawa ka dhacday magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah masuuliyiinta gudoonka baarlamaanka oo si gaar ah u codsaday inaan la maghacaabin ayaa Raxanreeb ku tilmaamay il wareed aad u muhim ah oo ka diga dhacdooyin badan isagoo sheegay in Raxanreeb baarlamaanka Soomaaliya ka caawisay in la ogaado qorshayaal ku soo fool lahaa baarlamaanka.

“Runtii saxaafada markay si fiican u shaqeyso waxay noqon kartaa mid khataraha ka digta isla markaana saadaalisa wixii mushkilad ku ah ummada aayahadeeda, sii wada shaqada wanaagsan” ayuu yiri masuulka.

Qorshahan sirta ahaa ayaa yimid kadib markii Shariif Axmed uu walaac ka muujiyey in xildhibaanada lacagaha faraha badan ka qaatay ay dhici karto inay musharixiin kale u codeeyaan maadaama codeynta ay tahay qarsoodi, si taasi ay u dhicina loo baahan yahay wax looga hortago.

Shariif Xasan oo hadda hogaanka u haya ololaha Shariif Axmed ayaa dejiyey qorshe halis ku ah xildhibaanada baarlamaanka, Waxaana Raxanreeb u suurtagashay in ilo xogaal ah ay u soo gudbiyaan tallaabooyinka la dejiyey ee la damacsanaa in maalinta Isniinta [masanta]  laga fuliyo baarlamaanka dhexdiisa inta ay scoto doorashada. Halkan ka akhri warbixinta

Qorshaha fashilmay ee musuqmaasuqa ahaa oo la fasdhiliyey

Waxaa nasiib weyn ahaa in gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ay noo sheegeen in warbixintii lagu daabacay bogga Raxanreeb loo adeegsaday si wargelin ah isla markaana la qaatay tallaabooyin looga hortagayo qorshayaasha musuqmaasuqa.

Gudoonka baarlamaanka waxay si xirfad leh u joojiyeen saddex arimood oo waaweyn oo la damacsanaa in baarlamaanka dhexdiisa ay ka geystaan taageerayaasha labada Shariif, waxayna arimahaasi ahaayeen sidan;-

1- In xildhibaan kasta oo labada Shariif ay wataan lagula ballamo in SAWIR ka soo qaado warqadiisa codeynta isla marka uu ku jiro qolka yar ee codkiisa uu ku soo xariiqayo, waxaana sawirka uu ku soo qaadayaa telefoonkiisa/telefoonkeeda gacanta [mobile] si loo xaqiiqsado inuu u soo codeeyay SHARIIF. Balse waxaa nasiib wanaag ahayd in maanta doorashadii dhacday laga mamnuucay xildhibaanada waqtiga codeynta inay wax telefoon ah soo qaataan oo kursiga ayey kaga soo tagayeen.

2- Arinta labaad; Waxaa la diyaariyey waraaqo codeyn oo u dhigma tirada baarlamaanka “275? taasoo ay gaar u heystaan Labada Shariif iyadoo uusan ka warheyn gudoonka baarlamaanka.  Waxaa waraaqahan loogu talagalay in iyagoo diyaarsan la siiyo xildhibaanada taageerayaasha u ah labada Shariif si looga ilaaliyo in qaar ka mid ah xildhibaanada ay codkooda la dhuuntaan. Waxaase xusid mudan in qorshahan uu fashilmay kadib markii gudoomiyaha baarlamaanka uu keensaday SHAABAD u gaar ah iyo saxiix uu ku dhufanayo warqadaha codeynta si looga digtoonaado in waraaqo “been abuur ah” la soo geliyo.

3-Waxaa kaloo qorshuhu ahaa in labada Shariif ay soo geliyaan baarlamaanka gacan yarayaashooda faraha badan kuwaasoo soo sameystay kaarar aqoonsi oo qaarkood ay ku qoran yihiin marti, qarna ay ku qoran yihiin ciidamada amaanka si ay iyaguna uga qeybqaataan qorshaha lasoo maleegay ee baarlamaanka laga fulinayo maalinta doorashada. Gacan yarayaasha ayaa la rabay in loo adeegsado in xildhibaan kasta [kuwa lacagta qaatay] ay ka hubiyaan inay ballantii ka soo bexeen iyo in kale, hase yeeshee waa wax lala yaabo ahayd maanta in gudoonka baarlamaanka iyo guddida doorashada ay si adag ula dagaalameen in xid aan xildhibaan ahayn ay dhex fariisato baarlamaanka arintaasoo waqti iyo dadaal lagu bixiyey lagana hortagay.

Akhri warbixintii sirta ahayd

————————————————————————————————
RBC Radio

Share

Tags:

28 Responses for “Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo Raxanreeb Uga Mahadceliyey Sirtii La Kashifay Ee Musuqmaasuqa Baarlamaanka”

  1. abdulaahi says:

    Well done

  2. moo says:

    good job raxanreeb

  3. [...] Continue reading here: Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo Raxanreeb Uga Mahadceliyey Sirtii La Kashifay Ee Musuqmaasuqa Ba… [...]

  4. luley says:

    alxamdu lillaah hadiiba illahey naga qabtay waji madoowgii gaalada u shaqeyn jiray af yaanyo waa kuu dhamatay adiga iyo tuugadii kula jirtay waa dhacdeeeeeeeeeeen yuuuy sakiin laq nin cusub ayaa imaday waji cusub siyaasad cusub , masha allah sooo dhawaaaw madaxweyne xasan allaha kaa xijaabo tuugadan wadankeena gatay aaamiin

  5. Wadani Hiiraan says:

    SCW/ dhamaan marka xiga waxaan leeyahay kuwa wax qora ilaah ka cabsada marka xiga M/weyne sh sharif wax qabadkiisa waxaa ka markaati ah 43 sano ka dib in Caasimada lagu qabto ´doorasho xur ah
    Somalida inta badan guusha iskuma ogola laakin waxaa idin leehay baha Raxanreeb ka waan tooba Caadifada Qabiilka ogaadana waxa dib inoo dhigay waa Qabyaalad Fadlan xumaanta ku badala wanaag
    qabiilka kubadala somali nimo qoraalka waa in uu ahaado mid wax lagu tosinaayo
    Qabiriga marka lagu dhigo qabiil wax mataraayo ee walaalayaal inta aad nooshahay ka fogaada
    hadii qalad ii fahanteen walaalayaal kla raali noqda
    waa MAHASANTIHIIN

  6. Allow na Badbaadi says:

    Well done RAXANREEB. wallaahi mu’ayad iyo mucaaradba adinkay idiin soo arooraan ooo warka u soo raadsadaan.

    Keep the good job

  7. Mursalow says:

    Labadii shariif ilaahay waa naga qabtay oo ducadayadii waa naga aqbalay. halka CADOW ee haray waa Universal TV. Waa TV aan dhexdhexaad ahayn. Alla maxuu somaali belaayo u maleegay ilaah baa na badbaadshay.

  8. Jeeska says:

    Raxanreeb waad salaamantihiin shaqo fiicana waa qabateen , laakiin suaashu waxay tahay musuqmaasuq inuu jiray oo aad kashifteen cadeynteeda maydaan soo bandhigin markaa lama qaadan karo inuu jiray musuqmaasuq , ta labaad gudoonka baarlamaanku ma qoraal buu idiinku mahad celiyey mise cod midna maydaan soo bandhigin. Inta aad soo bandhigaysaan lama qaadan karo taasna , markaa faanka yareeya akhristayaashaa idiin ogol inaad shaqo fiican qabateen haddii kale Daahir calasow.com ayaad noqonaysaan.

  9. Ceelbooc says:

    Hanbalyo raxanreeb horaan u iri RAXANREEB waa ilaaliyaha danta shacabka aadbaadna u mahadsan tihiin

  10. Bahdoon says:

    Waxaan maqli jiray, “Habartii indho la’aan ma ku ogayd, dad cun-nimoy ku darsatay” RBC-na waxii aan ku ogayn haday isu camirid ku darsatay. War ileyn tanoo kale, iyagaaba isu carimaya. Anigu waxaan idin ku waaninayaa ordayaa ku noqda kuliyaha Saxaafadaha.

  11. hogol says:

    mansha lah anigu raxanreeb waxan ku jeclahay cidna uma joojiso runta lee taqaanin waan idin hanbalyaynaya doorka aad ka qaadateen soo bandhigita waxkastoo oo ummada sharaf dhac ku riddi karay balse is ilaaliya yaan la idin ugaarsan mr sakiin iska ilaaliya iyo missionkiisa runta ma jeclee

  12. abdul says:

    waxaan marqaati iyo marag ka ahay in ay raxanreeb wadaniyiin yihiin malintii qof warbahintiina ka mid ah u madaxweeno isu soo sharaxo sida xasan sheikh mohamuud oo kale ayaa caqlibiyad la idin ku doonaa waadna mahadsantihiin sirta aad ka shifteen

  13. Puntland boy says:

    Conguratulaion mr President Ilaaheey hakuu fudu deeyo shaqadaan culus, Anagana ilaahey hanaga dhigo Kuwa kula shaqeeya , Shiiq shariif ,Gaas & Dhamaan galahiisi Wasiirada idinkana Thank you Shaqadaad Uqabateen Soomalia, Raxanreen Waxii larabo hala idinka sheego Shaqo fiican baad u Haysaan Soomaaliya , Good media waxay keenta best civilian government that is fact , Raxanreen keep it up & thank you

  14. Puntland boy says:

    Conguratulaion mr President Ilaaheey hakuu fudu deeyo shaqadaan culus, Anagana ilaahey hanaga dhigo Kuwa kula shaqeeya , Shiiq shariif ,Gaas & Dhamaan galahiisi Wasiirada idinkana Thank you Shaqadaad Uqabateen Soomalia, Raxanreen Waxii larabo hala idinka sheego Shaqo fiican baad u Haysaan Soomaaliya , Good media waxay keenta best civilian government that is fact , Raxanreen keep it up & thank you ,Viva Puntland & Soomaalia

  15. cadaalah says:

    mashallah RBC warbaahin cod dheer oo meel walba gaartay!

  16. Quman says:

    aad ayaan ugu mshaf clinaya shabakada wararka ee rsxan reeb oo runtii intii doorashadu socotay aan mar walba kala socday wararka sirta ahaa ee sy soo gudbinayeen xitaa anigoo doorashadan luve u daawanaysy ayaan hadana egayay wararka raxanreeb.com waad ku mahadsanyiin inaad fashilisaan siro badan oo somaliya lugoon lahaa…mahadsanidiin raxanreer.

  17. Horta ugu horayn i laah baa mahadleh oo naga qabtay sh sakiin wadaadkana waa soo shaqeeyey ilaahayna haga abaal mariyo howshiisa waxaan aad u nebcaa sh sakiin sh axmedna call box ayuu ahaa hadba ninkii doona ayaa wax kushuban jiray eedaa ayaan u hayaa wadaadka xalayna sifiican oo diiran ayaan u seexday wellcome president hassan…. Ilma adeeryaaloow laakiin k k k farmaajo maxaa kudhacay?

  18. runta says:

    Raxanreeb waa wargayska ugu runta badan uguna xog ogaalsan shabakadaha soomaaliyeed aad baan ugu faraxsanahay dadaalkiina sirtaas markaan ka aqriyey boggiinna isla markiiba baarlamaanka daacadda qaar ka. Mida ayaan wacay oo kawaraystay amuurtan dabcan qofwalbaana waa sidaasoo kaloo warka raxanreeb xiddig iyo billad bay ku qaateen
    Mahadsanidin

  19. ilaaliye says:

    doorweyn buu jawaari ka ciyaaray in aan musuqmaasuq dhicin

  20. garsoor says:

    waaa mhadsantihiin sida aad u shaqayseen oo wanaagsan saas oo kale waxa waagsan inaad ka shaqaysaan iska daayaa waxyaalaa wax iddiin dhimaya ok

  21. bin xusseen says:

    luley;

    waad hagaajisay…..!

    Mahadsanid

  22. bosaso city says:

    sheeka xumo waa tan iyo mid aan jirin

  23. Ahmed says:

    Doqon la ciifka ah siduu doono ayuu u hadlaa, waxmagaratadda waxa ay faalo ka bixiyaan wax aysan ogeeyn dhab ahaantoodda sidaa darteed la yaab malahan in aad dacaayad ka abuurtaan ninki somaliya soo gaarsiiyay meel caalimkii oo dhan ka yaabeen, haday tahay xaga horumarka iyo dib u soo celinta haykalkii dowladnimo. Raxan reeb web been baddan maxaad kashifteen ee dan ah? Ma waxad iloowdeen in xitaa doorashadi Gudoomiyaha baarlamanka aan loo ogolayn in Mobilka la la galo qolka codaynta. Ninkani waxa uu ku soo baxay sibahaysiyo uu codad ka helay, laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay somaalidda caqliga leh wey ogtahay ruuxii wax qabtay ee taariikhdda galay. Ogoowna somali maryooley, damiir laay, garaad laay, ruuxa ay maana amaanayaa berrina wey caynayaan, hambalyo dira ama iska daayo waxan arki doonaa sanad ka dib sidad isku bedeshaan ileyn caqli wax kuma cabirtaane.

  24. Mimi says:

    Maasha’laah Great, Allah ayaa kaa qabtay umadda somaliyeed la shaydaan oo Shariifyo la baxay, Hasbiya laahu wanicmal wakiil fiihim.

  25. wadani antsharifs says:

    two shariifis you will pay back the 130 million dollars you have stolen from the umada dhibaataysan, two shaydaamiin sharifis, back our money.

  26. A.Abanur says:

    Waxaad tihii dad WUXUUSH ah.

  27. car says:

    @bosaso city. afkaaga caano lagu qabay, sheeko caruureed waa tan iyo midaan ka damayn. KKKKK.

  28. wiil garsoor says:

    waan salaamay raxanreeb shaqo fiican ayaad haysaan hadii wax talo aad u baahantihiin ila soo xiriira dadkii hore idinkaa ka haray oo ladhihi jiray waa soomaali runta adaa ku nool ee ayadu kuguma noola

Leave a Reply