Guuguule. W/Q Cabdirisaaq Jaamac Cali


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Guuguule
Cabdirisaaq Jaamac Cali
Abdihaaji@hotmail.com
Sabteembar 16 2012

Waxaa la yiraahdaa Cabdirisaaq Jaamac Cali dagan dalka Sweden. ah political scientist. jecel taariikhda iyo gabayda somalida. rabah in uu la qaybsado dadka soo maaliyeed. waydiisanaya in lagu soo daabaco qoraaladiisa bogiina sharafta badan raxanreeb.com wax yaalaha aan rabo in aan wax ka qoro tusaale.

Waxaan rabaah in aan idin la qaybsado maanta kalmad soo noqnoqata. kalmaadaas oo ah somalidu taariikh qoran ma leedahay. hadaba waxaan raadiyay jawaab ku adaan su aashaas waxana soo helay in jawaabtu haa tahay haa. maxaan ku sabababeeyay.

Maalin dhawayd ayaan anigoo wax eeg eegaya waxaan ka dul dhacay gabay uu tiriyay  Ismail Mire . gabaygaas waxuu qamaan ku faalaynayaa gayigii sooliyeed suu ahaa ayaan taas. gabayga markaan akhriyay ayaaan waxaan isticmaalay qaabka ay wax u baaraan dadka la yiraahdo “archaiologia” kalmadaas waa kalmad griig ah macneheediina yahay wax ka ogaansha waxii hore u dhacay oo umadihii hore sameeyeen.

Qaabkee u shaqageeyaa dadka archaiologia ka shaqeeya. hadaan soo gaabiyo dadkaasi waxbay helayaan ama qof ama walax. walxaha ay helaan ayaa waxaa laga diyaarinayaa sheeko sida lafaha qof mar hore dhinta . lafaha maydkaasi waxaa laga ogaan karyaa qaabkii uu u dhintay. in la dilay. iyo in uu iskii u dhintay. hadii la dilay qaabka loo dilay. waxa lagu dilay. in uu ahaa qof sare iyo in uu ahaa qof caadi ah.

Hadaan u soo laabto sheekadayda iyo gabaygi  Ismail Mire waxaan gabaygaan ka baranaynaa arimo fara badan oo laba dhinac yeelan kara. si hadalku uu u soo gaabto ila dhuuxa gabayga. gabayga magaciise waxaa la dhahaa “guuguule” waana kan.

Guuguulayahow haddaad guga u ooyeyso,
Oo aad moodday keligaa inuu gubayo jiilaalku,
Oo aad gamoorahakan madhan gama’ la’aan diiday,

Ayna gocosho awgeed ilmadu kaaga gobo’laysay,
Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaadhsiiyo,
Gartaa maaha keligaa inaad gaar u cabataaye,

Giddigood addoomaha waxaa gaadhay nabar weyne,
Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale e,
Geelii adduunka u adkaa gobollo waydowye,

Golihii ka kici waa raggii gaydho hayn jiraye,
Tuuladay ilgabadlaynayaan gobol barbaartiiye,
Ninkii timirta goob dhigi lahaa jiingaduu geline,

Ninna uma garaabeen haddaan gaadhka laga hayne,
Gammaankii ka maray dhoodi iyo galaxyadeediiye,
Gumburigii badh baa joogsadiyo goroyo cawshiiye,

Saryankii garbaha weyn lahaa geed ka kici waaye,
Wuxuu gooni daaqii habsaday gubaddadii Hawde,
Garanuugti iyo deeradii gaag yar baa hadhaye,

Gobay iyo askari geyfan baa goodirkii jaraye,
Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene,
Kama guuxo aar goonlihii geliga toomoode,

Shabeelkii gabraar lagu idlee giiro layn jiraye,
Oo gododka kama soo ciyaan gabannadiisiiye,
Hargihiisa nimankii gataa guuldarraw sidaye,

Gaadiidkii la dhaansanahayiyo giindhaygii madhaye
Ahmingii la gawrici jiriyo gaabay adhigiiye
Goggii subagga laga buuxin jirey hataan gorofaadye

Basaas bay timihii uga go’een gaaridii dumare
Galowga iyo fiintii naf bay giida la hayaane
Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad galayax mooddaaye

Cood kama gurxamo dooxadii garada fiicnayde,
Garoowe iyo Bookh bay harraad qaar u go’ayaane

Gaajiyo rafaad bay qabaan garow la’aaneede
Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saarye
Gubniyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada e

Geedaha sun baa loogu daray geerinaw badaye
Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsadaye
Adigaaba lagu gaadayaa waadan garanayne

Guuxiyo cabaadkiyo haddaad gooha damin waydo
Quruumahakan wada geyfan baa baalka kaa guriye
Gaagaabso oo joog ayaa gaadh lagaa qabane.

Gabaygan cajiibkaa waxuu ka sheekaynayaa arin mucjisaleh oo dhacay waqti imin qarniyo la ga joogo. arintaas oo ah masiibo ay sababeen dabeecada iyo aadamuhu. mida koobaad waxa dhacday abaar xun oo saamaysay dad iyo duunyo tan labaad waa tu ay aadanhu kasbeen oo ah in la ugaarsay shabeelkii iyo libaaxii. taasoo loogu yeero “Illegal Hunting” waxaana taa cadaynaysa waa kan abwaanku lee yahay.

“Shabeelkii gabraar lagu idlee giiro layn jiraye,
Oo gododka kama soo ciyaan gabannadiisiiye,
Hargihiisa nimankii gataa guuldarraw sidaye,”

Waxaa kaloo jiray olole lagula dagaalamo ayaxa oo waa kan abwaanku lee yahay
“Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saarye
Gubniyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada e
Geedaha sun baa loogu daray geerinaw badaye
Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsadaye”

Hadaba markii aan intaa ogaanay waxa soo booday tixda oogu danbaysa gabayga. tixdaasi oo badali karta fahankii aan ka qaadanay markii hore gabayga oo ahaa in uu gabayga yahay mid ka sheekaynaya musiiba dhacday qarnigii qamaan bulxan oo ahayd musiibo dabiici ah iyo mid dadku ay sameeyeen waana meesha ay ka soo galayso sheekada qaab fasireedka dadka ka shaqeeya archaiologia. hadaba waa tan tixda.

Guuxiyo cabaadkiyo haddaad gooha damin waydo
Quruumahakan wada geyfan baa baalka kaa guriye
Gaagaabso oo joog ayaa gaadh lagaa qabane.

Macnaha ay yeelan karto iyo in ay sax tahay garayso la soco qaybta danbe wabilaahi towfiiq.

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

11 Responses for “Guuguule. W/Q Cabdirisaaq Jaamac Cali”

  1. Abdi says:

    yaa tireyey Gabaygaas?

  2. Oday-biiq says:

    Gabayga ma tirin Qamaan Bulxan. Waxaa tiriyey Ismaaciil Mire.

  3. HARGEYSA.COM says:

    kkkk walaahi waa yaab , ma gabaygiiii Ismaaciil mire ayaa qamaan bulxan lagu sheegay, sxb intaanad wax soo qoribn iska hubso gabaygani waa caan waxaanu ku jiraty manhajkii dugfsiga sare gaar ahaan afka soomaaliga, waxana tiriyay ISmaaciil Mire.wax layskama qoree waa la hubsadaa.

  4. Abdalla says:

    Asc wr wb. Gabayga Guuguule waxaa tiriyey halyey, halgamaa Ismaaciil Mire. Qamaan Bulxan ma tirin gabayga ee sidaa u ogow qoraagaw. was wr.

  5. mhamed says:

    ismaacill mire iyo qamaan bulxan toona kama soo wareegin dhimashadoodii qarniyaal sxb wax ka yar boqol sano ayaa ka soo wareegtay saxib oo dadkii soo gaaray ee wax cunay ayaa wali nool markaa saxib ha hilmaamin taariikhda soomiladana kaad u aqri wax badan ka baro intaanad wax ka qorin

  6. Jaamac says:

    Arkeology waxaa DEGELBAAR. waxa la baaraana waa degaannadii iyo degelkii ay ka tageen dadkii hore.

  7. cawo says:

    gabaygaan waxaa tiriyay ismail mire anigaa schoolkii xamar la iigu soo dhigay ninka meesha soo galiyayna wuxuu ku sheegay in ismail mire tiriyaye halkee ka keenteen idinku qamaan bulxan .

  8. hassan says:

    war waxa waa doqon….muu google weydiiyo gabayga ninka tiriyay halka uu rag dhintay DHAXALKOODA rag kale siinaayo waxaa jira aduunka wax la yiraahdo COPYRIGHT…guud ahaan falanqeyna uu sameenayo waa mid been ku dhisan…..waa nin yiri sida BERBERA ayaan idiinkaga sheekaynayaa oo BULAXAAR jidadkeedii kaaga sheekeynaya “OUT OF CONTEXT” wuxuu yiri waxaan soo bartay cilmiga siyaasada…..war POLITICAL SUICIDE ayaad isku sameyneysaaye siyaasad faraha ha la gelin maadaama aad ismaaciil mire godob ka gashay

  9. Prof. Abdulkadir Nur Salad says:

    Cabdirisaaq Jaamac Gabayga waxaa tiriyey sida nin kaleba u sheegay gabyaagii caanka ahaa ee Ismaaciil Mire. Mana aha goor laga joogo qarniyaal ee waa bartamihii qarnigii dhammaaday. Ma hubo in aan soo gaarey illowse waan soo gaari karey maxaa yeelay hubaal wuxuu soo gaarey soddomeeyihii. Waxay isku waqti ahaayeen waqti dhalashona isku dhowaayeen gabyaa kale oo ay isku reer ahaayeen Cali-dhuux Aaden-goroyo.
    Cali-dhuux waxaan filayaa in uu geeryoodey 1962.
    Marka sidaas ula soco.
    DSeri Gurey Jafle

  10. Maxamed Deeq says:

    Mudane Cabdirisaaq, horta soo dhowoow. Waa aan jecel nahay suugaanta. Labada Abwaan ee aad xustay isku si baan u qaddarinnaa. Laakiin, haddii qormadaada loo fiirsado waxa aad mooddaa in aad Abwaan Qamaan Bulxan dhexMaquufinayso tixdii “Guuguule” ee Abwaan Abaanduulle Ismaaciil Mire caanka ku ahaa. Waxa aan is lee yahay, qormooyinkaaga dambe ayaad wax badan noogu bikaacin doontaa. Akhriste ahaan, iyo shakhsiyan, waxa aan aad u xiisaynayaa sida aad ugu malaysay in gabaygaan uu ka jawaabayo su’aalo ay archaeologists-ku qarniyo ka hor is weyddiiyeen.

    Adeer, noo wad sheekada iyo qaybta labaad, laakiin, billaa calayk, ha isku khaldin magacyada labada Abwaan.

    WaBillaahiTowfiiq,
    Maxamed Deeq

  11. Ahmed Dhegaweyne says:

    Qoraaga Cabdirisaaq wuu ku mahadsanyahay taariikhda uu sidii uu u maqlay u tabiyay. Waxaanse odhan lahaa Qamaan ma tirine waxaa tiriyey Ismaaciil mire oo Darwiish ahaa. Ka dib markii Daraawiish laga adkaaday oo ahayd qarnigii hadda 12 sano ka hor dhammaaday ayuu Ingiriis isu soo dhiibay oo uu noqday nin xoolo dhaqato ah. Gabayadii uu tiriyay ayuu ka mid ahaa qarniyana lagama joogo’e waxaan anigu nolol ku soo gaadhay raggii uu dhalay oo laga yaabo inay maanta xay yihiin. Ismaaciil sebenkan aan fogeyn ee raggii soo gaadhay nool yihiin ayuu tiriyay gabayadan kale ee ay ka mid yihiin Kii wananka lagaga iibsaday Burco isagoo aan ogeyn qiimaha Gacmaha lagu kala iibsaday ee erayadiisa ay ka mid ahaayeen :
    Nimanyahow intaan joogay iyo Abkaan sheegtay
    Awow iyo awow hore ma arag iibsi lacageede
    afka reermagaaluhu yaqaan waan ka oodnahaye
    anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye

    IWM
    inaan gabayga isdaba mariyay baan filayaa laakiin nuxurkii saasuu ahaa
    waxaa kaloo ka mid ahaa gabaygii qiimaha badnaa ee Kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado.
    waa gabayaaga geyiga soomaalida aan murtidooda ugu jecelahay oo gabaygu wuxuu u ahaa sida
    diiwaanka maalmeed ama waxa ay afka ingriiisida ugu yeedhaan diary or dayly journal.

Leave a Reply