Hailemariam Desalegn Oo Loo Dhaariyay Xilka Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Muxuu Ka Badalnaan Karaa Ninkii Ka Horreeyay Meles Zenawi ? [Warbixin]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hailemariam Desalegn oo doonaya in uusan wax ka badallin siyaasadda uu jeexay Meles Zenawi

Hailemariam Desalegn oo doonaya in uusan wax ka badallin siyaasadda uu jeexay Meles Zenawi

Addis Ababa [RBC Radio] Hoggaamiyaha cusub ee dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa shaley la dhaariyay kaddib markii uu geeriyooday hoggaamiyihii mudada dheer ka arriminaayay dalkaas Meles Zenawi bishii August.

Mr Hailemariam, oo ah 47-sano jir ayaa lagu hor dhaariyay fadhi baarlamaanka dalka Ethiopia ku yeesheen magaalada Addis Ababa sida ay soo warisay wakaaladda wararka  AFP .

Mr Hailemariam ayaa waxa uu ahaa ra’iisal wasaare ku-xgeenka iyo wasiirka arrimaha dibedda dalka Ethiopia.

Mr Meles ayaa ku geeriyooday bishii la soo dhaafay isbitaal ku yaallo Brussels kaddib 21-sano oo uu awooda dalkaas hayay.

Mr, Meles ayaa intii uu awooda hayay waxa uu hormariyay dhaqaalaha dalkiisa, laakin waxa lagu eedeen jiray in uu cadaadis saaray mucaaradka.

Waxa kaloo uu ahaa nin saaxib dhow  la ahaa wadamada reer galbeedka, labo jeer ayuu ciidan u diray dalka ay dariska yihiin ee Soomaaliya halkaasoo ay ku xooggan yihiin kooxo xiriir la leh Al-Qaacidda.

Mr Hailemariam ayaa toddobaadkii hore waxa loo doortay hoggaamiyaha xisbiga taladda dalkaas haya ee (EPRDF).

Waxa uu wacad ku maray in uu waxba ka badali doonin qorshihii uu horrey u jeexay ninkii isaga ka horeeyay ee Mr Meles.

Lama fileynin in uu noqdo hoggaamiyaha dalka Ethiopia sidaas waxa leh wariyaha BBC-da  ee ka faalooda ammuuraha Africa ee Martin Plaut.

Waxa uu ka soo jeeda qoomiyada yar oo la yiraahdo  Wolayta oo degga dhinaca koonfureed, marka loo barbardhigo kuwa kale ee ka soo jeeda waqooyiga oo inta badan awooda dalka isku badbadalay.

Muxuu ka badalan yahay Mr Hailemariam ninkii isaga ka horreeyay?

Hoggaamiyaha cusub ee dalka Ethiopia ma ahan nin ku caan baxay dagaal, marka loo barbardhigo Mr. Meles sida uu lee yahay wariyaha warbixintan qoray.

Waa Ingineer , waxa uu Mr Hailemariam wax barashadii ugu dambeesay ku soo qaaday dalka Maraykanka.

Waxa uu madax ka soo noqday Jaamacad ka hor inta uusan gallin siyaasadda, waxa uu noqday madaxweynaha jabhadda la yiraahdo Southern Nations, Nationalities and Peoples Region.

Mr Hailemariam waxa uu hoggaaminaayay koox ka tirsan xisbiga talada haya ee EPRDF. Laakin waxa u yaala shaqooyin adag.

Isbadal ma ku immaan kartaa siyaasadda Ethiopia ee ku wajahan Soomaaliya?

Sida uu sheegay toddobaadkii hore ra’iisal wasaare Hailemariam oo ka qeybgalay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu hoosta ka xariiqay in siyaasadda dalkiisa ee ku wajahan Soomaaliya aaney waxbo iska badalli doonin qorshihii uu jeexay Meles.

Ethiopia waxa hadda ka jooga dalka Soomaaliya ciidamo kuwaasoo dagaallo kula jira Al-Shabaab, laakin wali ciidankooda waxba iskama badallin qorshahooda ku aadan dalka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Mr. Hailemariam ayaa la sheegayaa in ka dabacsan yahay ninii isaga ka horeeyay.

Ethiopia waxa ay ugu horreysaa dalalka gobalka ku yaala ee galaangalka ku leh arrimaha Soomaaliya, waayo madaxweyne ama masuul kasta waxa uu tagaa magaalada Addis Ababa halkaasoo noqotay meelaha lagu dajiyo siyaasadda Soomaaliya.

Haddaba Soomaaliya oo hadda ka baxday xilliga KMG ah oo ay ku jiray 21-kii sano ee la soo dhaafay, isla markaana ay yeelatay madaxweyne cusub, ayaa waxa isna dalka Ethiopia uu yeeshay hoggaamiye cusub oo shaqo badan ay dalkiisa ugu yaalaan.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Share

Tags:

3 Responses for “Hailemariam Desalegn Oo Loo Dhaariyay Xilka Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Muxuu Ka Badalnaan Karaa Ninkii Ka Horreeyay Meles Zenawi ? [Warbixin]”

  1. Dahabi says:

    Pm haile mariam wuxuu aaminsanyahy in soomali gacanta ay ku hayaan beesha caalamka maadaama ayna dawlad quman. Noqon Kari n,sababtuna ay tahay qabiilo yar yar oo soo kala jeeda dawlad ma noqdaan wuxuuna marar badan ku kaftamaa in hargeysa lagu soo daro Ogaden region si itoobiya u hesho meel ay waxkala soo degto iyo weliba bosaaso

  2. bandarqasimi says:

    kkkkkk taasi waa riyo boowe !!!! dhici mayso abid inta aan noolahay naftuna igu jirto arintaa !!

  3. Sodo says:

    Who is the current Prime Minster of Ethiopia before he stole Hailemariam Desalegn’s identity . The Ethiopian ruling party (EPRDF) is known to be full of nothing but identity thieves. Hailemariam Desalegn is not the person we see now on the news. So who was he before he became Hailemariam Desalegn?Identity is stolen by politicians in Ethiopia with noone asking them much about it by fearing for their life. For example identity thief. Legesse Zenawi (former prime minster of Ethiopia) stole Meles’s identity but was exposed later.
    Mebratu G/hiywot was a close aide of former prime minister Meles Zenawi since their university days and currently the close aide of Hailemariam Desalegn’s stole Bereket Simon’s identity the real Bereket Simon was last heard to be residing is in Paris, France
    Taye Teklemariam (Currently The Mayor of the capital city of Ethiopia, Addis Ababa) stole Kuma Demekssa’s identity and the list is endless AMONG THE POLITICIANS .
    The list is endless around EPRDF . Which brings us back to the question
    Who is or was the current Prime Minster of Ethiopia that is going by the name of Hailemariam Desalegn?

Leave a Reply