Hal cod ma loo waayay Dr Cadiraxmaan M.C. Xaashi? W/Q Liibaan Axmad


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hal cod ma loo waayay Dr Cadiraxmaan M.C. Xaashi?
Liibaan Axmad
libahm@gmail.com
Sabteembar 13 2012

Dr Cadbiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi

Doorashada Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay xilka madaxweynenimada waxay dad badan tustay in isbeddelku ka iman karo meelo aan la filayn. Su’aalo badan baa la iska weydiiyay sababta ay doorashda u geleen murashixiinta aan wax cod ah helin. Su’aasha ugu weyn waxay dul taallaa odayaasha iyo xildhibaannada maamulka la magac-baxay Khaatumo oo murashax Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi lagu xiriirinayay hayb ahaan. Maalintii uu Xamar yimid waxa soo dhoweeyay garaaddo iyo rag dhowaan Khaatumo uga mid noqday xildhibaannada barlamaanka cusub.

Xildhibaannada shanta ah oo Khaatumo u galay barlamaanka way siin kari lahaayeen cod ama codad Dr Cadbiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi wareegga kowaad, haddii uu hore u socdana nasiibkiis, haddii uu ku haro kan kowaadse ( sida dhacdayba) eedi xildhibaannada kama soo gaadhi lahayn. Ma jirto wax su’aal oo u taal garaaddada waayo cod may bixinayn; su’aashu waxay u taal xildhibaannada shanta oo Khaatumo ugu jira barlamaanka cusub. Su’aashu waa: Maxaad codka u siin waydeen Dr Maxamed cabdi Xaashi wareeggii hore? Sow xilkasnimo darro ma aha in murashax maamulka idin dirsaday lagu xidhiidhiyo inuu hal cod waayo, murashaxaas oo aqoon maaliyayadeed iyo mid maamulba leh, oo aan qaaraan idin weydiisan markii la weydiiyay inuu bixiyo $10,000 si uu u tartamo?

Garaaddadu waa inaysan ka aamusin xilkasnimo-darrada xildhibaaneed oo dhacday, oo waa inay faraan xildhibaannada inay ka warceliyaan su’aasha ku saabsan sababta ugu yaraan hal cod loogu waayay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

Liibaan Axmad
libahm@gmail.com_

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

54 Responses for “Hal cod ma loo waayay Dr Cadiraxmaan M.C. Xaashi? W/Q Liibaan Axmad”

  1. [...] Originally posted here: Hal cod ma loo waayay Dr Cadiraxmaan M.C. Xaashi? W/Q Liibaan Axmad [...]

  2. Omar says:

    He should be our next president of Puntland after the current president frole’s 2 term finishs.

  3. darwiish yare says:

    thnks aad ayaan lkuus lamaayaa weriyha qoray bayjkaan , waana fikir meesha kujira , anoo kasoo jeeda dhalinta reer khaatumo waxaan leeyahay xildhibaanadu kaalintoodii kagabeegnay amaba uu kamudnaa dr. cabdirahman abdi hashi waa gabeen oo waa kuceebaysan yihin ,,, intay ninkale u olalaynayaan may isga ugushubaan codka wereega hore , dr.abdirahman ceeb male lkn waxay ceebtu raacaday kuwan xildhibanada iskusheegay, darodisium oo dhan xildhibaanadoodii sidii larabay reeraha inaa umatashaan umaydaan matalin baan idin leeyahay , waayo musharixiintii darodisiumers oo dhan waxaa gabay waa xildhibaanadaa ,shariifka iyo dad aanu gararayn u codaynaya ,, meesha maxaa la idiin geeyay ma inaad nin kale ucodaysaan !!!! one chance beedaro weeye xaalkiinu… aanu aragno meeshaad wax kalasoodhacdaan

  4. Mohamed says:

    wax fiican ayay ahaan lahayd in la siiyo codadka waxaa muuqan lahaa in tolkiis rabo laakiin hada waxaa muuqatey tolkiis meel kale ayay ku mashquul sanaayeen kaligiisna ma ahayn ee waxaa la mid ahaa
    rag badan oo == ah maka wax ba tolka yaan la xag xaganin

    xamar war uma haysaan

  5. pasta ku quraacde says:

    sorry cali galayr oo diirata fadlan lacag ku shubo ah baa iibsadey codadkii uu xaqa u lahaa Drku, ku darso oo dewersigii khaatumo qaaraanka looga guran jirey haweenka masaakiinta ah si hotels loogu degona wuu socdaa laascaanoodna weli wey maqan tahay oo lama xorayn

  6. amiir-caruus says:

    sheekh shariif ayaa keensaday xildhibaanada khaatumo isaga ayeyna u codeeyen, guuldaro waxan ahayn masoo kordhin, marka tolku dib ha uxisaabtamo.

  7. Khaatumo says:

    Waa Burburki khaatumo Mar haddi Halyey dr abdirahman Maxamed Abdi xaashi == cod sin waaye waa gunimo ,, isaga laga dhigaye Raysalwasara Puntland wa ku qancaysa

  8. Hiray says:

    Arintaas edeeda waxaa leh Ali Galaydh Iyo Garradka Jamac Garrad Ali. Ragaan oo harubraca ayaa Halyeeygan guldaradan baday Rabaa umaqan shacabkan

  9. ebyan says:

    War murtiyeedku waa in uu hoos u dhac ku yimid qiimahaan lahayn mantanna la rabbo konfur Somalia in la idinka sifeeyo,oo ay cadow tinimaddii 1991 soo ceshaan maxaad ka hesheen tafaraaruqii.

  10. @ pasta ku quraacde

    Laascanood waxay ka baxday gacanta adeerka dr tagsiile anaku hadaan aheyn reer expuntland muxuu u difaaci waayey degaankiisii puntland ?????????

    Hada sxb aan war ku siiyo laascanood maanta waxaa jooga wiil reer laascanood ah dadkii deegaanka ayaa ka taliya

    Maamulkii khaatumo state waxyar ayaa uga hadhay intuu uu la wareegii lahaa laascanood waa simply.
    Xisaabtana ku darso qayb ka mid ah tuulada garoowe maamulka khaatumo ayaa leh yadana soon gacantaan ku dhigeynaa.
    Dooxada caanka ah ee nugaal soo khaatumo ma leh ??? Tusaale taas ayaa kugu filan tuulada garoowe qaybka mid ah in ay khaatumeysantahay.

    Mid maskaxda ku hays adeerka Gaas xamar way uga dhamaatay bye bye reer pintiland
    Raisalwasaaruhu waa khaatumo state ama farmaajo taas ku seexo kuna soo toos bal aan aragno faroole inuu la goosto tuulada barxada garoowe oo ay qayb khaatumo state leedahay.

    Viva khaatumo state and somalia

  11. nabadon says:

    Dr c/raxman m xaashi wadanka waxaa ugu danbeysey 1980kii isagoo mushraxana wuu kusoo laabtey waxaana laga yaabaa inaanu isaga laftiisu kuma xisaabtamin codka dhulooska xidhiidh buurana lama laheyn dhulooska joogey muqdisho sababtoo ah wuxuu isu arkayey nin heer qaran u socda, sidaas darteed ayuu labada dhinacba kuseegey

  12. jama says:

    Xildhibaanada waxaa keenay oo soo xulay garaadada. Xildhibaanadu hadii aanay arrinta u jeedin waxay ahayd inay garaadadu ku guubaabiyaan, mise waxaa loo cararay meeshii Cali maray?. Ceeb baa dhacday. Waa in reer Khaatumo kalsoonida kala noqdaan Garaadada iyo Xidhibaanada ay soo xuleen.

    bye jamac.

  13. darwiish says:

    markaa Somali oo dhan weeye ee lasocda sida maanta la soctaan maanta Somali waa ka back day burburkii cidi iskudaydan in ay dib u celoso waa u midoobaysaa sidiii jabhadihii dalkadoyey Somali guild danayste guuldaroguuullll

  14. qarxiye says:

    Salaan sare dhammaan. Salaanta ka dib waxaan rabaa in aan wax yar xusuustiina aan dib u celiyo intaa kadibna aan wax yar ka iraahdo maqaalkan. Marka hore cabdiraxmaan maxamed cabdi xaashi waan nin aad u qiimo badan, aqoon badan leh, waddankana wax u qaban kara waa hadii isagoo kale ay soomaali rabto! Horta anoon iska saareyn waxaan wada ognahay in cadawga — uu ==== yahaym cabdiraxmaan maxamed cabdi xaashi waad wada ogeydeen in aabihii u tartamay doorashadii @ puntland kadibna uu waayey codadkii == meesha ay == ugu shubeen isaga. Garaaddada hadda xamar jooga ayey ahaayeen raggIi codka u diiday. Tan kale cabdiraxmaan isaaga sababta guul darradiisa qayb ku leh waayo muusan ahayn nin saaxadda siyaasadda ka dhex muuqday haday tahay mid qabiil iyo mid qaranba. Siyaasigu waa in uu bulshada ka dhex muuqdaa waqti kasta. Dabataag iyo docmo ayuu ka soo jeedaa ceelna kama qodin.cabdiraxmaan wuxuu ahaa (anna way kan) laakiin markuu hal codna waayey waxay ku tusaysaa sida uu bulshada uga fogyahay oo uusan xataa saaxiibo hal cod u quura uusan ugu lahayn. Cabdiraxmaan cashar aad u wanaagsan ayuu ka baran karaa waa hadduu ka faa’iidaysanayo. Haddii kale Virginia ku noqo oo albaabka hoosta ha kasoo xirto siyaasadda waa in lagaa baqaa ama lagu jecel yahay ama saaxiibo iyo connection badan aad leedahay. Aabahaa sumcaddiisu way ku kabtaa ee wax aadan ahayn kaama dhigto..

  15. kacdon shacab says:

    soomalidu waxey ku maah maahda dabkii baxaya dab lagu qabsada codka lasiiya ninkan iyo gaas wa khsaaro waxbana maso kordhiyeen madaxweyne cusub ba la doortay dadkiina dhinac ka raaca docoshada joojiya nin walow ninka aad fahmeeso wax la qeebso waxa somali halka dhigay wa qabiil inyar kudawarsato somalina wey la fahantay arinka.. dad waxa jira dadkey shaley caayayeen maanta hoos fadhiya reesul wasaare imagacow iyo hanbalyo tira badan kaasa somali ugu liita maanta sida khaatumo state hadaf kaaga cadey aan aheen cey iyo amaan tira badan ba hawada marin

  16. Abdulkadir Afmaged says:

    I’m so sorry what happen to this great technograph man, I believe he is very useful to his country and his people at this time….

  17. Hilaadiye says:

    Salaan sare,
    Arrintani waa arrin la isweydiin karo laakiin waxaan is leeyahay hanka iyo siyaasadda in la fahmo ayaa kala duwan. Dr.Cabdiraxmaan wuxuu muujiyey han waxase meesha ku jirtey beesha caalamka oo wadatey in madaxweynuhu noqdo nin reer muqdisho ah, sida keliya ee beesha caalamka rabitaankeeda lagu beenaynkaraana waxay ahayd in == hal nin ku midaysanyihiin oo wada dhisaan taasna rajo lagama qabin waayo iyagaa ninba nin is dhaafinayey, haddii ay meesha ka baxday in rajo laga qabey in Dr, Cabdiraxmaan lasoo saari karo waxa keliya oo reer khaatumo u yaalley waxay ahayd in ay tol siyaasadeed samaystaan waxba kama jiraanna ka dhigaan hanka Gaas iyo hanjabaadda Faroole cidda soo baxdaana ay noqoto cid aanay wax cod ah siin Gaas iyo cawaankiisu wayna ku guuleysteen reer khaatumo takhdiidkii ay dhigeen. Midna hala ogaado haddii wareegga koowaad codka lasiin lahaa Dr, Cabdiraxmaan waxa soo bixi lahaa Gaas ama nin uu wato oo ay xilfi yihiin Faroole iyo cawaankiisa, kuwaas oo dhaar ku maray in khaatumo ay tirtiraan.
    Waxaan qabaa Dr. Cabdiraxmaan waa halyey reer khaatumo ah oo lagu xasuusto aabihii codka uu waayeyna waxba u dhimi maayo hankiisa siyaasadeed iyo halka uu kaga jiro khaatumo state.

    Guul iyo gobanimo!!!!!

  18. Garyaqaan says:

    qabyaalada iska daa , xildhibaanadu hadey arkeen in xilka looga haboonyahay , waa sax iney siiyaan codkooda ninka ay u arkaan inuu ku haboonyahay madexweyne .

  19. Fayod says:

    Nin reer Khaatumo ah oo ka midda kuwa RReeb wax ku qora ayaa maalintii ladooranayey Gudoomiyaha Baarlamaanka kuqoslay codkii yaraa ee Mudane Xasan A. Farah, isna barbardhigay beeshiisa iyo tanXasan Abshir iyo qadarinta ay kukala leeyihiin Xamar. Markaan taas akhriyey waxaa niyadayda gashay siday nimankaan uga hurdaan siyaasada maanta ee Soomaaliya. Hadeerna midkalaa qoraya Gaas waa u dhamaatay oo reer Khaatumaa Iska leh RW iyo Farmaajo! Nimankaan yaan

  20. jamaal says:

    war kuwan khatumo labaxay. ee puntland people ku hafay waxan leeyahay ina cabdi xashi idinka halka dhigay .2shariifna puntland aya lacag cayra siinaysa.kkk

  21. Fayod says:

    Nin reer Khaatumo ah oo ka midda kuwa RReeb wax ku qora ayaa maalintii ladooranayey Gudoomiyaha Baarlamaanka kuqoslay codkii yaraa ee Mudane Xasan A. Farah, isna barbardhigay beeshiisa iyo tanXasan Abshir iyo qadarinta ay kukala leeyihiin Xamar. Markaan taas akhriyey waxaa niyadayda gashay siday nimankaan uga hurdaan siyaasada maanta ee Soomaaliya. Hadeerna midkalaa qoraya Gaas waa u dhamaatay oo reer Khaatumaa Iska leh RW iyo Farmaajo! Nimankaan yaan lawaydiin halkay qorraxdu u dhacdo!

  22. Aar Gantaalan says:

    C/raxmaan keligii maaha waxa aan cod helin. Rag badan oo uu ka mid yahay Maslax Moxamed Siyaad ayaan waxba helin. Maslax wuxuu #2 u ahaa Sheriif doorashadii tan ka horaysay. Rag kale oo hal cod helayna codkay heleen waa kooda sababtoo ah Baarlamaanka ayay ka mid ahaayeen. Hadaba arinta meesha taalaa maaha maxay reer Khaatumo ugu codayn waayeen ninka iyaga ka soo jeeda. Siyaasadda taalay maanta meeshii doorashadu ka dhacaysay taa maaha.

    Arinkan anigu waxay iila muuqataa arin Khaatumo lagu colaadinayo laakiin Khaatumo waa qaan gaadhay waana dhaaftay in qoraal meel lagu soo qoray lagu maro habaabiyo dadka. Tan kale, Khaatumo 8 xildhibaan maa metelaya ee 5 ma matalyso. 3dex ka mid ah oo Faroole & ragii la socday ay dhaceen ka dhigi mayso in 3dexdaasi ayna matalin Khaatumo. Waa reer Khaatumo weliba ku quwad weyn. Dad Faroole isticmaalay weeye isaguna is lahaa waad isticmaali!

    Maalinta doorashada Soomaalidu gaarto “meritocracy” C/raxmaan iyo qof kasta oo Soomaali wax u qaban karaa ha yimaado. Maantose’ xeer jajab iyo gees garaac bay taagan tahay. Waqti aan munaasin ahayn ayuu C/raxmaan Soomaali wax u qabo is leeyahay.

    Khaatumo guul, Soomaaliya guul.

  23. Sugule1 says:

    rag shariif Axmed afka dufan u mariyay baa dadnimo laga sugayaa. War ma sidaas baanu idinka filaynay? xildhibaaniduunu waa kuwaas kkkkkk

  24. FORTMAC MAN says:

    sln ka dib ninka aqoon yahayn ka ah ee uu dhalay maxamed cabdi xaashi ma geyin in uu waayo hal cod laakiin waxaa gabay barlamanka uu u dhashay somali baa dooranaysa ar uun hadaanu ka caajisin

  25. Waraabe says:

    Cidna laguma eeday karo cod la’aanta Dr Xashi. Runtii khudbadii uu ka akhriyey parliament hortiisa may fiicnayn. Waa laga fiicnaa. Isaga iyo Mr Zakariya waa ka hoostay.

  26. ifrax says:

    NINKAAS WAXUU AHAA MUSHARAXA KALIYA EE KHAATUMO OO HAYSATAY 5 COD OO AY U MADAXBANAAN YIHIIN LAAKIIN WAA WAX LAGA NAXO IN HAL COD LOO QUURIWAYAY DR.KA 5TII COD EE KHATUMA WAXA LASIIYAY SHARIIFKA ,LAAKIIN DADKA ARINTAAS LAYABAN AYAAN LAYABAY WAXANA TAAS MARKHATI U AH , GARAAD JAMAC OO LOO HANWAYNAA INTUU XAMAR KA DHEXQAYLIYAY YIRI PUTLAND WAXAN U AQAAN PINTILAND, GALEYRNA WAXUU DOONTAY INUU DUMAALO KURSIGII SHARIIFXASAN UU KU DAALAY,HADABA RAG NOOCAAS AH MEEL AY HOGAMINAYAAN YAA KASUGAYAY INAY COD SIIYAAN FARMAAJO AMA DR.KA ,SAADO CALI OO FAROLE XOOG KU KEENAY BAA DHAANTA OO CODKEDII SIISAY FARMAAJO, === IYO === BARASHO AYAA ISUGU LAABAN OO MARKII SIYASADU KU XUMAATO OO ,LUUQ WALBA KASOO XIRO WAXAY KU DHAWAQIN BAAN NAHAY BALWAAN SUGAYNAA HADII KHATUMANA AY NOQONAYSO.

  27. SSC says:

    Waan ka xumahay arinta soo wajahday aqoonyahay Cabdiraxmaan Hashi. Iyadoo aan weliba ogahay in aabihi uu ka mid ahaay asaasayashii SSC, Khatumo, Usp iyo Puntlandba. isla markaan aaan ogahay in Garaad Jama iyo Galayrba ay abti u yihiin oo maskada Khatumo. Suashe waxay tahay Khatumo ma dano dan gaara ayaa loo asaasay mise dan guud? Waxay ila tahay codka uu helay mudane Xaashi ayaa u jawaab ah. Laakiin waxaar rajaynaa in madaxwayanaha cusubi igu faa’iideeyo ummada Soomaliyeed khabiirada sida Mr.Xaashi oo kaley iyo kuwa kale oo qarsoonba.
    SSC

  28. khatuma says:

    bro waxaan ku maydiiyay ma shan xildhibaan ayaa la beel ah drka ina abdi xaashi misse inta faroole uu magacaabay oo saddexda ah waa majeerteen waa nasiib daro in aad saas u fakirtid waana fikirka aad qabtaan mmajeerteen ahaan oo aad u talisaan ssc

  29. Gulaid says:

    Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi waa nin reer Khaatumo ah raalina wuxuu ku ahaa qorshaha reer Khaatumo ee kaga wajahnaa codaynta iyo madaxweynaha la dooranayay. Qorshihii Khaatumo ee codayntu mar hadduu guul ku dhamaaday isaguna wuu guulaystay ee waxaan weydiinayaa wixii Gaas ku dhacay muxuu ahaa? lacagtii Faroole bixin jiray ee ku caydhoobay xagay aaday?

  30. Kilwe says:

    Ninkan Liibaan la yidhaahdo ee maqaalka qoray Waxaan leeyahay Horta dr Abdirahman Abdi hashi Waa Nin mudan in codka lasiiyo balse adigu qoraalkaaga waxaad u la jeedaa munaafaqad iyo iska horkeen bulsha weynta Reer Khaatumo. Waxaana Taa marag u ah sida aad xildhibaanada Dhulbahante u galay baarlamaanka ee 8 xubnood ah aad 5na u eedaysay 3 dii Faroole qortayna ceeb ka saliin uga dhigtay.

    Hadaba wiilkaagan yaree Xaglatoosiye qoraalka ku tageera iyo maamulka ExPuntland wax macna leh maadan soo qorine next time waxan Wax dhaama oo kaa gadmaya keen ama wax uun layskama malmaluuqee sida wax looqoro soo baro.

  31. Qurbaawi says:

    Dadkii Khaatumo ka soo jeedey ee aan dooran Dr. Cabdiraxman waxay caqli san ku miisaameen cidda ugu mudan in la doorto balse kuma aysan miisaamin yaa dhalasho ahaan kuu xiga. Qoraaga qormada ayay malaha ku weyntahay qabyaaladdu iyo ina-adeerkay aan codka siiyo!!!! War ka gudba qurunka oo u gudba gobannimada. Cabdiraxman wuxuu ku gabood falay maamulkii aabbihiis Mudane M. A-Xashi wax ka dhisay oo dadkiisu wax ka dhisteen in badan oo reer Sool / sanaag ahna way weli ku qanacsanyihiin. Ogow reer Khaatumo weli waa laga soo dhawaynayaa Garoowe illayn waxbay ku leeyihiine!!!!! Aragtidayda dheh!!!!!!!!!

  32. Ninkan maqaalka qoray hore ayaan uga dignay kala qaybinta bulshada reer khaatumo ama darawiishta. Had iyo jeerna burush xaar leh ayuu bulshada khaatumo kula wareega.
    Hadaba aan ka fiirsano qoraaladiisa danbe oo yaan comments laga bixin

    Maamulka iyo shaqaalaha website raxanreeb waxaan ka codsanayaa in ay ka fiirsadaan maqaalada ay u soo diraan shakhsiyaadka sunta ku ah bulshada. Ma aha qoraalkiisii ugu horeeyey ee u soo malmaluudo isagoo bulshada khaatumo madaxa isku galinayaa. Hadii aynaan ka joojin wuxuu soo qoro ninkaas bulshada reer khaatumo waxay u qaadaneysaa in aad raali kaga tihiin burburinta masiirka bulsho iyo maamul soomaliyeed.

  33. NINA says:

    qoraaga liibaan adeer maqaalkan allsanaag baad ka soo amaahatay oo bilawgii bisha soo qoray waxaadna tahay dadka taleex net wa ku qora ee reer khaatumo burburkooda ka shaqeeya i wonder imisaad ku qaadatay maqaalkan qoridiisa waan hubaa in sarif yar lagugu siiyeye ta a/rixmaan m. abdi xaashi intaad qoraysid soo qor maslax maxamad siyaad ina oomaar iyo zakariya xaaji iyaba waxba ma helina miskiin qalinkiisa loo adeegsado dadkiisaad tahay hoosgale qalin wata qiimo ma leh iyadoo jawaabo kaafiya laga bixiyey sababta dr A/ raxmaan cadbi xaashi cod u heli waayey adeerayaal khaatumo 8 cod oy lahayd investment siyaasada jirta la jaanqaadayay gashatay dr cabdiraxmaan iyo khaatumona waa ka mabsuud habkay isu dabareen libinaanow cid aad qori dab leh isugu dhiibto khaatumo meel aan ahayn ka doono miskiin uurka hooyadii lagu ciilay oo hoos eegayaad u egtahay ALAA KARIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIM
    NOTE ; KHAATUMO IYADOO 8 COD LEH BAY MADAXWAYNAHA XASSAN SHEEKH MAXMUUD IYAGOO WATA 37 COD UGU RIDEEN FINAL kii ka akhriya waaga cusub.com EESH CALAA SIYAASAD P/LAND OO GAAS MAtALAYANA 27 LABAATAN COD BUU GAAS LA SOO SHIR TAGAY

    XATAA MAALINTII DOORASHADA GUDOOMIYAHA GALAYDH 77 COD BUU ISAGOON KUMI BIXIN UU HELAY WAAR BARTA BAHASHA SIYAASADA AH EE KHAATUMO JAANDHEERTA KU CIYAARTAY KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK yaa is gaadhayba

  34. Salahyare says:

    Cunugadan yare libaan ladhoho o maqalkan so qoray waxan umalenaya iney aqoonta kugu yartahay adan wax uso baran sida munasibka ah.mida 2ad waxa kugu jiro cadifad iyo maangabnimo hoose.tan 3d waxay mel kadhac kutahay webkan RRB in qof ado kale ah war nocan o kale ku qoro.waana iga talo inad marka hore BASE-ka iska so dhisto wana kugu qalad inad mudane ina xashi kaligis farta kufiqdo sababto ah kaligis mahelin 0 e niman kalo masraxa siyasada kaga so horeyey aya waxna helin wana lawada yaqana even kuwas waxay ka qeyb galen dorashoyin hore marka wa kugu qalad inad khaatumo ku ag waregto ado hadalkada wax micna ah iyo saamen kuyelanenin.marka waxan u arka waxada iney tahay afkada kalaqad an ilkahada tiriye.

  35. Cilmisabce says:

    Nimaan laaluush bixin yaa u codeynaya? Waxaaba u dhexeeya farqi weyn Ninkaan 10kun oo dolar la rafaaday iyo nimanka hoo lacagta iina codee ku qalqaalsanaya xildhibaanada. Hadda khaatumo xildhibaanis waa kuwaas lacageystay ee ka leexda ha baashaalaan hana niyad jabinina nacallaa qabyaaladiina ku yaalle.

  36. xogogaal says:

    waa iska cadeyd in 275 xildhibaan oo qabaa’ilka soomaliyed matalayey in wareega hore ay qolo walba musharaxeda marada ku celisnaysay sida sameyen 8 xildhiban oo \\ axmed ismacil samatar yey codki siiyeen warregii dambana ninba meshuu dan u arkayey,in badan yaan is wediiyaa maxa \ madaxwene iyo kuxigeenkis uga diiday somaliland ilen ]ka tagbiir ron ]].
    armaase araintu meelkale ka quruntay oo Dr.c/raxman lagu coladiyey aabihiis yaa mar puntland madax kasoo noqday taas oo oo ay maanta dhulosku puntland ku xajiimodan ooo riyawayadi wiilasha ”xagooda ka hirgashay .
    tartanki maxamed cabdi xaashi kursiga puntland ku waayey wuxuu helay 29 cod halka cade muuse oo ka guulaystayna helay 31 cod weliba wareegiii ugu dambeeyey yaa laga adkaday ogowna 29 cod 26 cod oo ka mid ahi waxay ahayeen ]]]kale oo rer puntland halka uu 17 cod oo [”uu 14 ka mid ahi ay cade muuse siiyeen codkoda waxanse aad ula yaabay markaan youtubeka ka fiirsaday maxamed cabdi xaashi oo leh waxaa iga eexday c/lahi yuusuf taasi waxay beenowday maanta ooo mesha wiilkisa ”dhigeen yaa beenisay.
    Dr.C/raxman hambalyo tolakaa waad baratay waxaan ku kalsoonahay inaad cashar ka qaadatay ee manta ka dib ma isku halayn wax khaatumo la dhaho iyo rer abtiga toona.
    guulayso .

  37. Gulaid says:

    waxaan leeyahay ina cabdi xaashi qabiilnimo waxba kuma doonayne idinkaa Gaas qabyaalad ku waday e xagee ku gayseen qabyaaladda Gaas?

    xilligii beerlaxawsigu waa dhamaaday

  38. Jeeska says:

    Reer kastaa xildhibaano iyo musharaxiinba wuu lahaaye maxaa kuwayaga looga hadlayaa inan gumeed aniga sharaf igu lahaa ayaa ooyaya maanta markuu arkay nimuu yahay Waar adkaystaa nimankaa aan Ka hadlayow oo marada xejista kala cirid cas.

  39. Fadli Cade says:

    Gulaid .
    waxaan ku leeyahay waxaad ka hadashay waqti aynaan gaadhi oo ah xili aynu qabyaalad ka madax banaanahay oo qofka Soomaaliyadeed ra,yigiisa wax ku doorto, taasna umaynaan bislaan , waxana markhaati ka ah sida aad Dr.Gaas qabiil ahaan umucaaradasid adigoon shaqsiyan aqoon u lahayn .
    Haddaba runta u dhaadhac,waxayu wada ognahay in Dr Gaas qabiilkiisa iyo xubno kaliba ay cod siiyeen, taasinay ay u suurtagelisay in uu natiijada doorashada saaman weyn ku yeesho uuna ahaa
    ninkii bedelay course of election. Gulaidow, nafta been ha ku maaweelin ee waxaan ku leeyahay ka kac siigada lagaag tegey oo dadkaaga dhic raac .dadkana hakala diline aynu gobanimo diriirno oo yeynaan gunimo diririn.

  40. Jicfe says:

    Badawnimadu ma wanaagsana. War oohinta dhaafa idinkaa shalay marba dhinac u carayay oo maantana jeebka u galay shariif oo laga badiyay. Sow Khaatumo ma noqon sida Puntland aad ka cabanaysaan, ninka maqaalka malmaluuqay waxaan odhan lahaa Khaatumo barasho wanaagsan mar kale.

  41. jilbis says:

    Asc, garaadada iyo xildhibaanada ssc waa ay dhaaftey arinkaa oo dagaal macna dara ah ayey ku jireen,oo miir ma laheyn.

  42. Dhoodimeer says:

    Waan garanay ninkan Liibaan waa Somaliland keligiise ma aha oo waan oganahay kuwo Khaatumo ah inay hoos kale shaqeeyaan rag uu ka mid yahay Mahad Cambaashe. Marka horta Khaatumo ha kala baxdo waayo kaad ogtahay baa dhaama kan isu kaa qariya markaa wax kuma raacsani Liibaan laakiin ima uu sirayo sida kuwo iska dhiga Khaatumo. Horta yaa huba in Cabdiraxmaan uu Khaatumo ka tirsanaa?

  43. garoweman says:

    asc marka hore mudane Dr cabdi raxmaan waa nin u qalma dhaqan ahaana ka soo jeeda reer talo soo jireena oo madax ka soo qabtay guud ahaan somaliya ka soo jeeda waxaan leenahay mudane puntland ayaa lagaaga baahanyahay kaalay oo madaxweyne nooga noqo good lucky

  44. U dooro prime minester...waayo maaha nin qabiil....waa soomaali says:

    halkee u socanay??Soomaalinimo..halkaan rabnay inaan ka guuro?qabyaalad.
    jaalle madaxwayne waxaa lagugu doortay si aan qabyaladi ku jirin …ina abdi xaashina waxaa looga teagay si aan qabyaaladi ku jirin…ku dooro aqoontiisa anigoo og in aan loogu imanayn hebeloow iyo hayb.
    waxaan jeclaan lahaa in ragii isi soo sharaxay rag badan oo wax gali ku jireen…ka xulo in ta wax qabankarta….
    Qabyaaldu ha dhacdo…

  45. Amina says:

    Xildhibaanadii Khaatumo ka yimi cododkoodii horeey Shariif uga iibsadeen!!! Marka wax ay mar hore gateen see ina Cabdi Xaashi u heleyaa?!

  46. jama says:

    Adeer ina Dr C/raxmaan waa la hagraday. qolyaha laga hadlayaa Cali bay jeebka ugu jireen, alla (naxdinweynaa), xitaa wareegii koobaad waxba siin waaye.

  47. xogogaal says:

    horta nin ka qoray maqaalkaan aad ayuu u mahadsanyahay waa halyay xaqiiqada og
    dr cabdiraxmaan maxamedna waa nin u qalma jagadaas madaxtinimo da ah lkn su aasha meesha taal waxay tahay maxaa sababay inuu xataa waayo 5 xildhibaan ee reer khaatumo ?
    jawaantu waxay noqonaysaa garaad jaamac oo ku xagafsanayay magaca garaadka guud ee khaatumo iyo cali khaliif ayaa ka hiiliyay iyagoo loo sababaynayo labo arimood galaydh oo ay siyaasad ahaan iska soo horjeedeen aabihiis maxamed cabdixashi oo maanta jaanis khaatumo ladhoho haystay iyo garaadka oo cali khaliif beel ahaan ka soo dhawaystay marka halkaa waxaa kacad in khaatumo ay tahay dano khaasa dr cabdiraxmaana waxaan leeyahay halyay ayaad tahay waad guuleysandoontaa taasina khibrad ha kuu ahaato

  48. NINA says:

    aamina
    baayo siyaasada baro khaatumo 32 cod oo ay haysatay hassan sheekh maxmud bay ugu shubtay ka akhre waaga cusub.com isagaana maanta madaxwayne ah waa maxay shariif iyo waxaad sheegaysaaa inader baxasha turubkeeda daawo kkkk

  49. [...] Hal cod ma loo waayay Dr Cadiraxmaan M.C. Xaashi? W/Q Liibaan Axmad Thursday, September 13th, 2012 at 12:57 pm / 46 Comments [...]

  50. NINA says:

    fadli cade
    ka akhri ninkii election ka dariiqiisa badalay iyo siduu u badalyba waaga cusub.com waana cali khaliif galaydh ninkaasi waa in ninkasta libtiisa loo qiro xataa hadaad kala fikir tihiin

  51. buhodlaawi says:

    Wiilkan danta Khaatumo kama uusan turjumaynin beesha khaatumo waxay doorbidaysaa wixii danta khaatumo ka turjumaya inay racdo marka cabdiwali gaas oo saxiibkii ah ayaa hawshan galiyey taladii rer khaatuma wa diiday

  52. mohamuud says:

    maxaa dhiba hadii aan hal cod lasiin , xildhibaano qaran weeyaan maaha sidaad u dhigaysaan , tan kale cbdiraxmaan siyaasada haduu soo galay waana markii iigu horeysay ee aan maqlo , inuu mar hore soo caan baxay ahayd ,,xisbi weyn samayso anagaa wax walba kugu taageeraynee, xataa hadii 8da cod ee dhulbahante lasiiyo maxay u tari lahaayeen , anigu waxaan u arkaa ninka waxan qoray waa reer pintland sidaa awgeed , macna inoo samayn mayso …. siyaasadu maalin maaha , cabdiraxmaan isagaa isa soo soo saari kara isagaana cod iyo xil wax walba samaysan kara waayo malayiin doolar buu haystaa siduu sheegay…..khatumostate way guulaysatey mar hadii soomaaliya guulaysatey , xiligii qabyaaladana waa laga gudbayaa, nin walba dookhiisa ayuu codka u siinayaa ,,loolan culus iyo rag hore ayaa meesha isku hayay ,,cabdiraxmaana maaha nin intaa ku niyad jabaya ,,,,siyaasad dhex gal cabdiraxmaanoow saaxiibo samayso,,,

  53. Amina says:

    @NINA Cali iyo Graadkii Shariif siyaasad u daba fadhiyey in muda ah iskuna Beel ahaa isyaasadiina ku fashilmay ayaa Ina Cabdi Xaashi wiilkiisii u qayilay ayagoo Aabihii ku colaadinaya oo,8dii xubnood ee Beesha la siiyey dhinac kala maray ayagoo jeebkooda eegaya ayey wiilkii keliya ee reerka ka socdey xataa hal cod siin waayeen wareegii kowaad , naxdin weynaa!!!waa Odayaal jeebka ugu jira 2 nin ee danahooda eegaya,C/raxmaan Ilaah buu leeyahay ka dibna Puntlad buu leeyahay waa in uu Dr Faroole ku khasbaa in R/wasaare laga dhigo waana wuxuu Odaygu xamar ugu soo socd.

  54. NINA says:

    aamina
    hadalkaagii hore uunbaad ku soo celisay maxamad cabdi xaashina markuu madaxwayne ku meel gaadhka ahaa dee reer khaatumo berigaa p/land bayba ahaayeen baayo cabdiraxman cabdi xaashi waa ka raali waxa tolkii isku raacay meeshuna waa siyaasad oo saaxiib joogto ah ma leh hadaad akhrido siyaasada waxaad ogaan kartaa xataa in faroole uusan gaas la rabin marna inuu madaxwayne ku fooso bal adba kkkk

Leave a Reply