Hambalyo Shacabka Soomaaliyeeed. W/Q Cabdulqaadir Xaaji Masale


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hambalyo Shacabka Soomaaliyeeed
Cabdulqaadir Xaaji Masale
Sabteembar 9 2012

ASC,DHAMAAN UMADDA SOMALIYED DALKA GUDIHIISA IYO DIBEDIISABA.

Ugu horayn waxaa illa habboon inaan hambalyo ma guurta ah oo qalbiga ka timid inaan u soo gudbiyo shacbiga soomaaliyeed iyo sidoo kale halganka ay umaddu ugu jirto inay soo ceshadaan Madaxbanaanidoodii iyo karaamadoodii oo muddo dheer marxalad adag oo khatar ah ku sugnayd.

Waxaa mahad alle ah in lagu gulaystay xulidii xubnahii golaha shacbiga iyo guddoonkiisa aan isleeyahay waa tilaabo horumar leh oo qadarin mudan.

Waxaan halkan u soo jeedinayaa odaydhaqmeedadii isku dayey inay soo xulaan xubnaha golaha shacbiga ee hadda jooga kuna guulaystay illaa xad iyadana loo garan karo talaabo kale oo horay loo qaaday.

Hambalyo kale waxaan u soo jeedinayaa guddoonkii meel ku gaarka ahaa oo maamulka guddoonka u hayey golahii shacbiga ee la soo xulay

Waxaa sidoo kale bogaadin iyo qadarin mudan golahii shacbiga oo awood u Yeeshay inay doortaan guddoon rasmi ah aan isleeyahay marxaladda cusub wax weyn ayuu ka tari karaa.

Taas iyada ahi waxaa laga arki karaa sida ay hadda golaha shacbiga iyo guddoonka ay isagu duuban yihiiin.

Gabagabo iyo Gunaanad.

Waxaa la yiraahdaa falsafad ahaan shacbi walba hogaankiisa isaga ayaa dhala oo ah mid shaqsi ahaaneed iyo dareenba.

Miraha hadda muuqda oo aan hambalyeynayo laga bilaabo oday dhaqmadeedadii soo xulay xubanaha iyo guddoonka golaha shacbiga oo ay daba joogeen dareenka shacbiga oo dhaliyey xubnahaas iyo dareenkooda.

Waxaa halkan ka muuqan karta dhibaatadii shacbiga uu soo maray abaar, qax, colaad, dagaal joogta ah,iyo amaan darro, taasoo dhalisay in uu shacbigu dareemay in ay lagama maarmaan tahay in la gudbo marxalladan Khatarta ah.

Waxaan ku rajawaynahay ku gulaysigaas talaabooyinkaas hore inay dhali karaan maamul hagaagsan nidaam iyo kal dambayn leh kana faaiidaysanaya heerka wanaagsan ee dareen shacbiga haatan taagan yahay.

GUUL GUUL IYO HAMBALYO HAMBALYO.

MUDANE ABDULQADIR HAJI MASALE.

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

10 Responses for “Hambalyo Shacabka Soomaaliyeeed. W/Q Cabdulqaadir Xaaji Masale”

  1. [...] See more here: Hambalyo Shacabka Soomaaliyeeed. W/Q Cabdulqaadir Xaaji Masale [...]

  2. Guul says:

    Guul Mudane Cabdulqaadir.

    21 sano oo dalkeennu ku jiray burbur iyo baaba’ maanaan arag cid noo hambalyaysa cid noo hanjabta mooyee. Aad baad ugu mahadsantahay Mudane hambalyada iyo dhiirro galinta aad noo sameysay Dal ahaan iyo dad ahaanba. Taasi waxay muujinaysaa sida Eebe (swt) raxmadiisa iyo nicmadiisu noo sii hareynaynayaan maalinba maalinta ka dambeysa.

    Aadbaad u mahadsantahay Markale Mudane C/qaadir Xaaji Masale.

    Wasalaamu Caleykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu!

  3. Yasin says:

    Abdikaddir xaaji waa mahadsantahay, hanbalyada,aad uhanbalyaysay umada soomaaliyeed kuwa kale ee masuuliyiinta ah ee iyagu umada hanjabaadaha, u mariya idaacadaha, waxaan leenahay waa dhamaaday waqtigii , qabyaalada, iyo anaa hubeysan, ee taariiqdu yaysan meel idinku xun ee wax iskulahara.

  4. Fiqi Xaaji says:

    Mudane Abdiqadir Xaaji Masale, aad iyo aad baad u mahadsan tahay. Waxaad ka hartay dadkii sharafta lahaa ee MAS’UUL in loogu yeero mudan. Guul iyo Hambalyo baan ku leeyahay !

  5. sirmaqabe says:

    Mudane C/qaadir Xaaji Masale mahadsanid oday somaliyeedna waa inuu nabada ka shaqeeyaa laakiin Reer xaaji Masale magaca waxaa u sameeyey Cumar Xaaji Masale ee xagee ayuu ku dambeeyey?somali xalaal ah ayuu ahaa hadii tiisa la raacana wixii somali kala gaaray kalama gaareen,ee hadii uu weli nool yahay somali ayaa u baahan oo waxaan qabaa inuu Muqdisho ku laabto kana qeyb qaato dib u dhiska ciidamka xooga dalka oo wixii karaankiisa ah uu u qabto umada somaliyeed dhamaanteed.

  6. Atoore23 says:

    KU.Cabdulqaadir Xaaji Masale.

    Cabdulqaadir Xaaji Masaloow waanadaadu waxay wax tari lahayd markaad wasiirka sare ahayd.
    Maanta waxaad sheegtaa kama duwana waxa an anigu sheeegay.Macnaha qof shacabka ka mida waxuu sheegaa meel dheer lagama maqlo.Anigu waxaan qabaa in uu Cabdulqaadir ka mid yahay raggii soomaaliya iyo soomaaliba bur-buriyey dhankastaba.Cabudlqaadir Xaaji Masale iyo inta la dambiga ah waa in la soo taagaa maxkamad an loo kala harin.Cabdulqaadir soomaaliweeyn meel ah ku sheego.Waxba maanta loogama baahna hambalyo iyo hadalo raqiisa.

  7. nabadon says:

    C/qadir x masale ma Janankii ka tirsanaa xukuumadii kacaankaa, mise waa qof ay iskumagac yihiin? hadaad janankii tahey maxaad waxnoogu hanbeynweydeen markaad mindida daabkeeda heyseen (madaxnimada heyseen) intaad hada somali u hanbalyeyneyso, meelbaad koley Qaxooti ku tahey oo pc yar iyo qolyar ood seexato ayaa wehel kuu ah, laakiin walaalkale iyo qaraabo kale midna ma heysatid anagana sidiinoo kalaad naga dhigteen (shacabkii somaliyeed)

  8. nabadon says:

    C/qadir x masale-low
    warkaagu wuxuu la mid yahey ninkii yidhi markaan tamar hayeyna talo ma heyn hada oonan tamarheyna talo ayaan hayaa, mays laheyd qolyar baa kugu soo xidhmidoona iyo pc yar iyo adigoo da,daasa ayaad nin iyo naagba isu noqondoontaa? koley waanu idin tuhunsanhey (shacabka somaliyed) inaad dhibka maanta jira sababtiisa laheydeen madaxdiinii hore, ILAAHEY-baana wax kastasba lasocda ee ILAAHEY hanoo denbi dhaafo

  9. soomaali jecel says:

    Mudane aad iyo aad ayaad u mahadsantahay hambalyada aad dhamaanteen noo soo dirtay. Alle ayaan ka baryaynaa kuwii fursadaan qaaliga ah ka faa’iidaysto oo taageero qof walba oo uu baarlamanka soo doorta .Guul soomaaliya Aamiin Aamiin Aamiin

  10. Mohamed53 says:

    ASC. Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Mudane Cabdilqaadir Xaaji Masale talada qiimaha iyo qaayaha leh ee u soo jeediyey masuuuliyiinta cusub ee ummadda soomaaliyeed doorteen. Cabdilqaadir waa nin xil ka soo qabtay QARANKA SOOMAALIYEED iyadoo ummadu miyir qabto. Xilgii wanaagsanaa waxaa ka dambeeyey colaaad sokeeye, abaaro.. dad iyo duunyoba halaagay , ciidamo shisheeye oo dalkeeniii hooyo ku soo duulay iyagoo sabab ka dhiganaya :- 1) inay ina kala badbaadinayaan innaga dhexdeenna si aynaan u dabargo’n iyo 2) inay gargaarka adduunku inoogu deeqay inoo qaybiyaan taaasoo macnaheedu yahay ..adigu ..you are nothing,, waxba ma qaybsankartaan. 3)Inay inoo sameeyaaan maamul iyagoo aaminsan in aynaan ismaaamulikarin weliba ..weliba … maamulkaasi waa maxay? waa maamul ku-meelgaar… kaaasoo ah mid aan talo gacantaada ku jirin hase yeeshee ay ku maamulayaan kARAANIYIIN(officers from united nations) QARAMADA MIDOOBAY. Waxaan Oday Abdulqaadir leeyahay hakala saluugina talooyinka Madaxweynaha Cusub Mr. Xasan Sh. Maxamuud. Waxaan madaxwenaha leeyahay:- Soomaaliya waa isbaratay…. Soomaali waxay baratay ninkii kala jar-jaraya, Soomaaliyi waxay baratay dilaalka iibinaya badahooda, khayraaadka dabiiciga ah sida Baadhista Patroolka iyo macadanaha qaaligta ah.
    Ugu dambayntii,Mudane Madaxweyne , Soomaali oo dhan waxay baratay oo ogaatay in Maaamulka Khaatumo State of Somalia uu yahay hormoodka, taageeraha koowaad ee midnimo Soomaaliyeed.
    Soomaaliya Ha noolaato ……Madaxwenaheena cusubna ha noolaado

Leave a Reply