Hay’ada Nabad Sugida Gobalka Banaadir Oo Soo Bandhigtay Dhalinyaro Ay Ciidamada Dowlada Ay Howlgalo ay Ku Soo Qabteen (SAWIRO)
Muqdisho (RBC Radio) Hay’ada nabad Sugidagobalka Banaadir ayaa maanta soo bandhigtay ilaa iyo sada wiil oo dhalinyaro ah kuwaasi oo lala xariiniyo in ay ka tirsanaayeen AL-Shabaab.
Dhalinyaradaan ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay ciidanka dowlada Soomaaliya xili la sheegay in ay ku jireen falal amaanka ka soo horjeeda isla markaana ay wadeen walxaha Qarxa.
Sadaxdaan Dhalinyarada ah ee lagu soo qabtay howlgalka ayaa waxaa saxaafadda u soo bandhigay taliyaha ciidanka nabadsugida ee gobolka Banaadir Khaliif Axmed Erag waxa uuna tilmaamay in ciidamada howlgal ay xalay ka sameeyeen xaafadda Kookakoola ee dagmada Yaaqshiid ay ku soo qabteen ragan iyagoo ku howlan aasida miino.
Sidoo kale Taliya ayaa sheegay dhalinyaradii ay soo qabteen ay yihiin kuwo la qalday oo aad u da’yar aana jecleen in ay dhibaateeyaan dadkooda sidaa daraadeed ay kooxda shabaab ku qasbeen in ay geystaan dhibaato.
Hay’ada nabad sugida ayaa maalmihii ugu danbaysay waxay soo bandhigaysay dad lala xariirinayo in ay ka tirsanyihiin Al-Shabaab oo ay soo qabteen ciidanka dowlada.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheesan iyo waliba Qaraxyo kuwaasi oo ay qaarkood sheegteen in ay ka danbeeyeen kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho


















kuwani waa mooryaan oo guryo islaameed oo xaaran ah ku soowada korey oo tuugo ah oo lagu yiri hadey somaliya nabad noqoto guryaha xaaranta ah ayaad ka baxeysaan oo waxaad ku noqoneysaan gobolada dhexe oo gaajo ayaa idin dileysa haddba somaliya qaraxyada ka dhacya waxaa geysta kuwa guryaha xaaranta ah ku jira cid ka hadli kartaa majirto ee dhamaan somalida xalaasha ah ee guryaha laga heysto waa iney afka furtaan ee si looga baxiyo mooryanta iswada qarxineysa ragga guriga hooyinka isku qarxiyey waa mooryaan guryo xaaran ah kusoowada korey haddba sidey ku dhacdey in nin mooryaan ah oo London ka tagey guriga hooyinka ooga furtey Bar Villeg uu ku gacaabey haddba ninkani waa ninka ka danbeyey qaraxyada xamar ka dhacaya ee hala toogto sida ugu dhaqsaha badan somaliya xalaal noqonmeyso inta guryo xaaran ah laguwada jiro
[...] View the original here: Hay’ada Nabad Sugida Gobalka Banaadir Oo Soo Bandhigtay Dhalinyaro Ay Ciidamada Dowlada Ay Howlgal… [...]
Waa wax aad looga naxo hadii sida lashesgayo aay run tahay In ilmahaan dhibka noocaasaa gacanta kula Jireen , Soomalia in Dadkeeda & Dalkeena la badbaadiyo baadiyo waa howl aad u culus, Hadaan fiiriyay dhaqanka & Maan gaabnimada Soomalida qaarkeed waa arin heavy lift u baahan Mana Aqaan
Dad noocaasa ineey Soomali laga helayo , Ilmahaan waa in loo arkaa ineey Soomali yihiin inteey dhibka noocaasa wadaana nabad & Kala danbeyn waligeen heli mayno , Kafagoow Qabyaad plz, Viva Puntland & Soomaalia
war dadkan wax qora magaca dhalinyaro maxey u yaqaanaan, ciyaalkan xaafadahoodii ha lagu celiyo waayo dawladoodii iyo dadkoodii ayaa dayacey wax sharci ah oo qaban karana maba jiro waayo qanqaadh ma ahan, waligeen boogta ma daweyno kuwa baarlamaanka xooga lagu soo galinayey ee ay aheyd in maxkamad lasoo saaro ayaa mudan inaad soo xidhaan,
ASC. wallahi waa naxdin wilashan yar yar soo malaha Aabe ama Hooyo Ader Abti ama Habar yar Eedo mise intaa hadii loo wayay xitaa Khabiil ceshado mala wayay wallahi waxaa ka masuul reerkii dhalay wey ogyihiin shacabka muqdisho jogana nabad diyaar uma ah waa les ogyahay driska iyo dadka xafada dagan waa les yaqanaa ee walidiin badan oo muqdisho jogo ayaa nabada dan u eheen oo xoolo ioslameed heysto ee hadii aan les dawa qaban midan mid ka fool xun ayaa na sugeyso maxaa mali alle keno muqdisho dhibka uga dhacaa waa xaq darada laga galay shacabka rer muqdisho hadaan laga toobad keen halis ka ween fishada rer muqdisho nabadey
walaahi waa wax lagoo naxo aniga waxan aqaanaa labo kamaida caruurta la qalday, xaqiiqdii waxaa dhalay dad aad u wanaagsan xaraan laguma korin ee caruurta maanta ayaa laga xaday, waxaan kor ka aqriyay qof kamida aqristayaasha o leh waxa lagu so koriyay xaaraan anaa xaqiijinaayo inay kaso jeedaan dad fiican xitaa waalidkood waxan kuma oge, dadoooow caruurtiina ilaalshada hadii kale dabka ayaa lagalinaa….
u fiirso waa caruur qalbadooda la rogay waxaaba laga yaabaa kuwii dhalay inay aaminsan yihiin fikirka al shebaab una badi mida kale waxaan habeen hore daawaday caruurtaan oo 7 ah lagna baahiyey tvga afka dowlada ku hadla ee sntv kuwaaso la waydiinayey waxyaabo aqlaaqda saxaafada aan ku wanaagsaneyn kuwaasoo lahaa imisaad dishey adiga iyo waxaan diley 5 adigana 3 adigan 2 halkee ku dishey adiga suuqa xoolaha baar ubax bakaaraha iyo buuko xuubeey waa cajiib waxaana laga yaaba in la sii daayi sidii dhacday ciidii hore ee soonka dabadii
ASC, @ Puntland boy si fiican ayaad u sheegtay in howsha Somali maryooley sugayso eey tahay howl culus. Waxaana howshaas ka mid ah in runta loo sheego dadka maangaabka sida ninka kaa horeeyay commentiga ee Liibaan Geedoon la baxay in guryo laga heeysto oo eey ilmahaan guryo eey asaga iyo dad lamid ah ka dhaceen kusoo koreen. Allow yaa ogaada Liibaan waxaad tahay faqiir gaaja ah, markaasaad leedahay guri ayaa la iga heeystaa,
lol.
Waxeey ila tahay in ciyaalkaan bartooda lagu dilo, maxaa yeelay waa nijaaso argagixiso ah, sida kaliya ee looga adkaan karana waa in aan wax naxariis la tusin maadaama ayaga eey umada isku qarxinayaan. Taas hadaan la sameeyn waxeey ila tahay in argagixisada alshabaab aan larabin in laga adkaado oo la cirib tiro. Sidee baa xeryo iyo xabsi loogu heeyn karaa kuwa rabay in eey dadka isku qarxiyaan, horeeyna u sameeyay qaraxyo?
Sidoo kale waa in la dilaa dadka “abating and assisting terrorist alshabaab” sida kan Daljir la baxay oo afkiisa ku cadeeynaya in la dhaafo tuugtaan si eey bari iyo markale wax u qarxiyaan. Waliba ciyaalkaan inta la raadiyo waalidkii dhalay oo ayaga la dhaho noo geeya waalidkoodna hala dilo maadaama eey dhaleen argagixiso qatar ku ah jiritaanka umada Somaliyeed, dambiga waxbeey ku leeyihiin oo ciyaalkooda dambigooda waa in ayaka iyo dhamaantood “collective punishment” lagu sameeyaa sida eey ciidamada Ethopia sameeyaan markii la qarxiyo. Thanks
WAA ARIN MURUGO LEH ILMO SAQIRA INAA LILAHI WA INAA ILAHYHI RAJICUUN ILAAHOOW CIYALKA SOMALIYED UMICIIN