Heerarka marxaladaha Isbedelka Qofka! W/Q Mohamed Nour kuluu


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

HEERAARKA MAXLADAHA ISBEDELKA QOFKA!
Mohamed Nour kuluu
Kuluu22@hotmail.com
Sabteembar 01 2012

Mahad oodhan wax ay usugnaatay Illahay , Naxariis iyo nabad geliyona suubaneheena kurkiisa ha’ ahaato, Intaa kadib .

Waxaa jira afar marxaladood oo isbedelka qofku maro , waxayna kala yihiin sidatan :

1. Isbedel-Duleed ( Physical Change)
2. Isbedel-Aragtiyeed (Emotional Change)
3. Isbedel Hanaan-fikireed (Mental Change)

4. Isbedel nafeed (Spiritual Change)

Hadaba waxaan jecelahay inaan qormadaydan ku idleeyo sida ay u kala horeeyaan oo ay isugu xirinyihiin afartaas marxaladood iyo sida ay ukala muhiimsan yihiin.

Afartaas marxaladood waaxaa ugu muhiimsan isbedelka ruuxiga ah waayo naftu had iyo jeer wax’ay u bahantahay tamar iyo saad , sida jirku ugu baahanyahay cuno . Ruuxda amase nafta qofka waxaa tamar iyo xoogba u ah in illahay lagu xiro waayo Illahay quraankiisa wax uu ku leeyahay ( Alaa bidikri laahi tadma’inul quluub ).

Xasiloonida ruuxiga ah ee qofka waxaa kadhasha in qofku uu bedelo qaab-fikirkiisa oo uu noqdo qof Illahay ku xirin, una kala soocanyihiin waxa san iyo waxa xun. Marka qofku uu ka fiiriyo waxkasta dhanka wanaagsan waxaa uu had iyo goor raadiyaa wax wanaagsan oo naftiisa iyo bulshadaba faa’ido uleh.

Mustaqbalka qofka wax uu ku xirinyahay habka uu u fikiro , hanaan fikirkiisuna waxa uu ku xirin yahay hadba nooca dadka uu la kulmo .

Aqoonyahaniinta ku xeeldheer cilmiga Psychology-gaoo ah barashada qaab-dhismeedka maskaxda qofka iyo hanaanka fikirkiisa waxa’ay dhehaan hadii uu qofku badsado waxyalaha negative ka ah amase waxyaalaha xun iyo fikirka hooseeya , waxa’ay horseeda isbedel ku yimada qaab-fikirka qofka , waxaana uu aamina qofku inuusan waxba qabsan karin , balse hadii uu badsado la kulanka dadka hanka sare iyo himilada fog leh had iyo jeerna uu u fikiro dhanka wanaagsan wax’ay horseedaa in qofku uu gaaro himiladiisa , kuna talaabsado waxqabad waxtar u leh bulshada iyo naftiisa.

Markii uu isbedelo hanaanka fikirka qofka waxa isna garab socda oo isbedel ku dhacaa hanaanka – aragtida qofka waayo wax’ ay Soomalidu tiraahdaa ( Weel walba waxaa kujira buu dhididaa ) waxaana loola jeeda qof walba sida uu wax u arko wax’ay ku xirintahay habka uu u fikiro.

Aragtida qofka waxaa saldhig u ah waa hadba jawaabcelinta ay maskaxdu siiso , waana muga uu qofku wax ku halbeego oo uu wax ku cabiro , aragtidiisana ku salgooyo.

Hadii hanaan- fikirkiisu ahaa mid wanaagsan waxkasta wax’a uu u arkayaa wax wanaagsan . Hadii uu ahaa qof meel fog wax ka eega oo leh himilo sare waxyalaha waa weyn ayuu waxa uu ka sooqaadaa wax yar, balse hadii uu qofku yahay qof meel hoose wax ka eega oo had iyo jeer aragti gaaban waxyaalaha yar yar ka ah ayuu wax weyn ka dhigaa .
Isbedelka qaab dhismeedka qofka waxaa isagana saldhig u ah waa isbedelka ruuxiga ah ee qofka, waayo Soomalidu wax ay dhehaan (war dhafoorkuu kuyaala) , taas oo loola jeedo qofka wax kasta oo uu qarsanaayo wax aad ka dheehan karta wajigiisa oo aad ka akhrisan kartaa .

Isku soo wada duuboo hadii qofku uu hagaajiyo xiriirka isaga iyo Illahay kadhexeeya waxaa hubaal ah in noloshiisa oodhan ay hagaagayso. qofkuna uu noqonaayo mid aragti fog leh meel dheerna wax ka eega , waxkasta oo wanaagana taageera , oo ay u kala soocan yihiin wanaag iyo xumaanta , wajigiisana aad ka dheehan karto dhaqan wanaagsan iyo daacadnimo .

Mahadsanidiin
Mohamed Nour kuluu
Islamabad Pakistan

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

2 Responses for “Heerarka marxaladaha Isbedelka Qofka! W/Q Mohamed Nour kuluu”

  1. [...] More: Heerarka marxaladaha Isbedelka Qofka! W/Q Mohamed Nour kuluu [...]

  2. nabadon says:

    waad mahadsantahey waa tusaalooyin fiican, iyo hadal aqoonyahan ee dalka iyo dadka wax fiican usoo barta ILAAHEYNA ha idiinsoo fududeeyo waxbarashada islamabaad aad u joogtaan kuligiinba

Leave a Reply