Hillary Clinton Oo Ka Hadashay Arrimaha Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hillary Clinton Oo Ka Hadashay Arrimaha Soomaaliya

Hillary Clinton Oo Ka Hadashay Arrimaha Soomaaliya

New York [RBC Radio] Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Hillary Clinton oo ka mid ahayd madaxdii ka qeybgashay shirka looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay New York, ayaa sheegtay in loo baahan yahay  Soomaaliya in laga caawiyo  arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo xuquuqda aadanaha.

Mrs. Clinton ayaa goobta ka sheegtay in  Soomaaliya ay diirada saarto seddax arrimood oo muhiim ah kuwaasoo kala ah :- In la hormariyo ammaanka ,xasiloonida iyo adeegyada lagu caawinaayo dadka u baahan howlaha gargaarka iyo in dib loogu soo celiyo qoxootiga Soomaalida dalkooda.

Waxa ay tiri “Waxa loo baahan yahay siddii dedaalada caalamiga ah la isugu geeyn lahaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay ka jirto dhibaatootin waaweyn.

Ii ogolaada in aan ka hadlo seddax arrin oo muhiim ah:

1- Waa in la sii wadaa horrumarinta ammaanka, Maraykanka waxa uu si weyn u taareeyaa AMISOM iyo ciidanka Qaranka Soomaaliya, waxa aan si weyn ula shaqeyn doonaa dowladda cusub si ay wax badan u qabato, waa in meelaha laga xoreeyay Al-Shababa dowladda Soomaaliya ay geesaa ciidamo Boolis ah isla markaana laga dhisaa maxkamad.

2 : Dedaalada xasiloonida  waa in la sii wadaa si dalka oo dhan looga hirgalin lahaa, labo Milyan oo qof ayaa u baahan gargaar, waxa jira kuwa gaajo iyo macaluul heesato, gaar ahaan meelaha Al-Shabaab ay wali maamusho.

Waxa ay intaas ku dartay in loo baahan siddii dib loogu soo celin lahaa qoxootiga ku sugan dalalka dariska sida Kenya, iyo in la sameeyo goob ammaan ah oo lagu celiyo dadkaas oo ku yaala dalkooda.

3- Ugu dambeyn waxa ay tiri  Waxa looga baahan yahay dowladda cusub in ay la timaado wax cad isla markaana la isla xisaabtamo, waxa aan ugu baaqeynaa madaxweynaha cusub in uu soo magacaabo ra’iisal wasaare soo dhisa gole wasiiro ah oo ka shaqeeya danaha shacabka Soomaaliyeed, si wax yaaba loo baahan si kalsooni ah ay u dhibaab deeq bixiyaasha.

Sidaa darted waxa aan eegi doonaa dowlada cusub ee la soo dhisi doono taasoo ku timaada qaab caddaalad ah isla markaana la timaada hey’addo lala xisaabtami karo.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

1 Response for “Hillary Clinton Oo Ka Hadashay Arrimaha Soomaaliya”

  1. [...] Read this article: Hillary Clinton Oo Ka Hadashay Arrimaha Soomaaliya [...]

Leave a Reply