Hillary Clinton Oo Soo Dhaweysay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Washington (RBC Radio ) Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Rodham Clinton ayaa soo dhaweysay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii Isniinta doorasho ka dhacday Muqdisho uu cod aqlabiyad ah uu ku guuleestay.

War ay soo saartay Mrs. Clinton ayey hambalyo ugu dirtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxana ay tiri waxa u taallo shaqooyin adag oo ay ka mid tahay in uu soo dhiso dowlad karti leh oo wax ka qabata xaaladda Soomaaliya.

Waxa ay ku tilmaamtay doorashada ka dhacday Soomaaliya mid taarikhi ah oo soo gabagabeysay xilliga KMG ah ee ka jirtay dalka ku yaala geeska Africa.

Waxa ay tiri waxa shaqo adag qabtay Soomaaliya iyo beesha caalamka, waxa aan u mahadcelinayaa midowga Africa, QM iyo urur gobaleedka IGAD kuwaasoo soo maray waqti badan oo aad u adag.

Ugu dambeyn Mrs. Clinton ayaa hoosta ka xariiqday Mareykanka in ay ka go’antahay sididi ay u caawin lahaayeen dowladda cusub ee Soomaaliya, si loo hormariyo adeegyada muhiimka ah, kor u qaadida hormarka  iyo xasilinta si dadka Soomaalida ay u helaan wax yaabaha ay u doonayaan.

Radio RBC

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

1 Response for “Hillary Clinton Oo Soo Dhaweysay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud”

  1. [...] Visit link: Hillary Clinton Oo Soo Dhaweysay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud [...]

Leave a Reply