Horumarka ay Hiigsanayso Soomaaliland iyo Hagardaamada Qaadku Kuhayo. W/Q Abukar Awale (Qaad diid)
Horumarka ay Hiigsanayso Soomaaliland iyo Hagardaamada Qaadku Kuhayo.
Abukar Awale (Qaad diid)
Abukar_Aw@yahoo.co.uk
Sabteembar 30 2012
Halka ay maanta marayso iyo Horumarka ay hiigsanayso soomaaliland ayaa waxaa loosoo maray halgan dheer waxaa hubaal udaatay dhiig badan,waxaa asay uqaaday marwooyin badan, waxaa curadyadoodii kuwaayey hooyooyin badan, kuwaasoo xusid mudan hadii lasoo hadalqaado Soomaaliland.
Hadaba waxaa is weydiin mudan maxay ahayd himiladoodii iyo waxa ay ku hamiyi jireen dadkaas udhintay ( ALLE ha unaxariistee ) Soomaaliland shaki kuma jiro in hadii ay maanta qabuuraha kasoo baxaan aya arki lahaayeen wax yaalo badan oo ay kufarxaan oo katurjumaya hamigii ay uqabeen Soomaaliland.
Waxaa kaloon shaki kujirin inay ka xanaaqi lahaayeen kana dagaalami lahaayeen marka ay arkaan weerarka dhaqaale,caafimaad, buburinta bulshada iyo qoysasaska iyo dhalinyaradii Soomaaliland oo si ula kaca loogu dilayo loguna baabi’inayo iyadoo la adeegsanayo QAAD. Dadkana qaarbaa waxay dhahaan waar qaadkaaba FAQASHTII kadaran.
Markay arkaan in miisaaniyad Sanadeeddka Soomaaliland ee loogu talagalay in wadanka lagu maareeyo. Iyo sida ay ugabadantahay lacagta diyaaradaha lagu qaado sadexdii bilood ayaa kabadan Miisaaniyada Sanadeedka.
Markay arkaan burburka dhaqaale ee loogeysanayo Soomaaliland way kadagaalami lahaayeen ,markay arkaan gumeysiga dhaqaale iyo maskaxeed ee wadanka lagu hayo way kadagaalmi lahaayeen.
Markay ogaadaan in Itoobiya Soo dhoofsato in taasoo diyaaradood oo qaada wadan koodana aan loodhoofin Karin Cirbad ama harag, ama kaluun yeeli mayno ayay oran lahaayeen.
Ragaas dhinte ALLE ha unaxariistee Su’ aasha is weydiintelehise waxay tahay riyadoodii yaa fulinkara , majiraa Nin siyaasiya oo kadhiidhiyi kara dhibaatada Qaadka,Ma idinku hareen rag uguntankara inay ka hortagaan. CAR yaa JU dhaha.
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Horumarka ay Hiigsanayso Soomaaliland iyo Hagardaamada Qaadku Kuhayo.










Abukar Cawaale runtii qoraalkan halkaan aad ku soo qortay waa mid xaqiiqada ku salaysan hadaanu nahay dadweynaha ku nool Somaliland gaar ahaan dhalinta aqoonta leh ee hada jaamacada ka soo baxay ee garanaya khasaaraha uu bahalkaasu ku hayo dadweynaha, runtii qaadku dhibaatooyin fara badan ayuu ku hayaa bulshada, barnaamijyo badan oo qaadka ku salaysan iyo dhibaayooyinkiisa oo aad abukar cawaale ahaan Telefiishinada ka soo tabisaan aad ayaan uuga helay, waxaan jeclaan lahaa in aa barnaamijyadaas oo kale Somaliland ka hirgelisaan la dagaalanka qaadka.
Qaadku Soomaalia oo dhan buu dhibaato ku hayaa state Kaliya maaahan dhibaa tadiisu , Anigu waxaan oran lahaa Waa in meel kasta oo kamida Soomaalia dagaal looga qadaa cunista qaadka meeshuu ku haboon yahayna la dhigaa Qaad anigu macuno waligeeyna ma cunin Laakiin waxaa cad inuu yahay ( Daroogo) Waxaan u arkaa in lagala hadlo Kenya & Ethopia beerista qaadka & Dhibaatada uu kahayo Bulshadeena hadii aay naga diidaan iyagoo fiirsamaya Lacagta ka soo gasha markaas waa in loo loobi gareeyaa Caalamkana laga dhaadhiciyaa dhibaatada uu ku hayo East Africa & Yaman Si caalamku isugu raaco mamnuucista beerista ,Ka gacnacsiga & Cunista , Anagana iska Biloownaa Soomali ahaan ladagaalanka Qaadka , Qaadku waa daroogo Dowladkastana Dadkeeda waa ka ilaalisaa Waxii dhibaato ku haya , Viva Puntland & Soomaalia
Maxamed Siyaad Barre jabkiisa waxaa soo dedejiyey markuu Hargeysa qaadka ka mamnuucey.
Yaa ku dhici kara inuu qaadka ka joojiyo Gobollada Woqooyi ee Soomaaliya.
Car waa kaase Siilaanyo ha isku dayo . Maamulkiisa laba bilood ma sii jiraayo.
War dadkan boqollaal sano ayey cunaayeen maandooriyahaas, haddey waayaan waxaad arki doonta bulsho wada majaaniin ah.
Waa runoo bulsho jaad cunta, caafimaad iyo dhaqaaleba wey seegeysaa, hayeeshee nin doroogo bartey wuu waashaa hadduu waayo.
Idris Malaaq Waxaa Laga Yaaba In ay Hooyada Walaasha & naagtaduba ay Cunaan Qaadka Kiisa ugu Waalane GISAHA & MIIROGA
Sababta aan Sidaa Kuu leeyahay Waxa Weeye Imika Dadka Afsomaliga Ku hadla Waxaa Ugu Qaad un badan Waa Somalida Koonfurta Iyagaa Ugu Akhlaaq Xun Iyaga Ugu dhaqan Xun Iyagaa Ugu been badan
Markii aan Dad badan Oo odeyaal Wax Garada Waraystayna Waxay Igu Yidhaahdeen Waa
Talyaanigii Koonfurta Gumaysan Jiray Ayaa Waxakan Kaga Tagay Nacal Abu Umak
dadka oo lagu maaweeliyo sheeko baraley iyo qaadka iyo muqaadiradka oo sixun looga dhargo Hargeysa oo shaxaada uu yahey mid ay shacbka ku tuugsadan majin qaad ah igu soo raac iyo siilaanyo oo lacag uruursi bilaabey si uu shacbka uu cunaha ooga taaganyahey oo beenta uu wax ku cunayo aysan u fahmin uu qaad ka dharjiyo
asc asxaabta inta caafimaadka qabta horta ninkaas abukar cawaale la dhaho aad ayaan u tageera se wali jaanis uma helin in aan buugaadiyo anigu waxaan ahay nin ka yimi wadankaas uu sheegaayo ee somaliland magalo la dhaho burco horta waan aminsanahy ragigaaga oo ah in dhalain yarada laga badbaadiyo anigu waxan walalo nahay dhowr nin iyo abahayna midna ma cuni jirin waxii asxaabana wan ka waniyaa somaliyoo dhan wanan ku leeyahay 1000 jeer ayaan ku tageersanahay dadka ku falagadeeya dhug how dhigan waxaad leedahay tageero badan hadaad tagi karto hargaysa iyo magloo yinka somalida kalaba tag sida pland hadaa page facebook leedahay soo qor wanan baraa thanks
[...] 1 — Horumarka ay hiigsanayso Soomaaliland iyo Hagardaamada Qaadka [...]
[...] 1 — Horumarka ay hiigsanayso Soomaaliland iyo Hagardaamada Qaadka [...]