HRW Oo Ugu Baaqday Dowladda Soomaaliya In Ay Sii Deyso Carruur Ay Ku Eedeesay Al-Shabaab


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

NAIROBI (RBC Radio) Hey’adda Xuquuqda Aadanaha HRW ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo Jimco ah, waxa ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya in la sii daayo seddax carruur ah kuwaasoo Muqdisho lagu xiray arbcadii la soo dhaafay.

Carruurta la soo xiray ayaa lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo dagallo kula jirta dowladda iyo AMISOM.

Kooxda HRW ayaa sidoo kale ugu baaqday dowladda in ay joojiso carruurta in ay u isticmaasho siddii ay warar uga heli lahayd. 

Kaddib markii labo qarax ay ka dhaceyn Muqdisho, oo mid ka mid lagu weeraray hotel uu daganaa madaxweynaha la doortay iyo mid kale oo ka dhacay maqaaxi laga shaaxeeyo bishan, waxa ay ciidanka dowladda ka bilaabeen magaalada baaritaano xooggan oo ay ku baadi goobeyso kooxaha falkaas geestay.

Cilmi baare ka tirsan HRW oo lagu magacaabo Laetitia Bader, ayaa sheegtay in dowladda cusub laga doonayo siddii ay carruurta ugu soo celin lahayd xaaladoodii hore.

Hey’adda ayaa sheegtay in arbacadii toddobaadkan ciidanka Soomaaliya ay seddax wiilal ah ka soo xireyn degmada Yaaqshid kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay sameenayeen qaraxyo. 

Saraakiisha ciidanka ammaanka ayaa soo bandhigay waxlo qaraxa iyo iskuu carruurta wax lagu baro kuwaasoo saxaafadda gudaha la tusay.

Seddaxda carruur ee la soo xiray ayaa la sheegay in hadda dowladda ay u adeegsaneyso siddii ay xog u siin lahaayeen, laakin loo baahan yahay in lagu soo celiyo bulshadda.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

2 Responses for “HRW Oo Ugu Baaqday Dowladda Soomaaliya In Ay Sii Deyso Carruur Ay Ku Eedeesay Al-Shabaab”

  1. Cadaado says:

    ASC, kooxdan human right watch isku magacowday waa kuwa “abating and assisting alshabaab terrorist” oo taageera alshabaab, marka yaan laga yeelin talooyinkooda iyo nacnacdooda, waliba haloo sheego in eey qatar ku yihiin somali national security, lana socdaa dhaqdhaqaaqooda iyo dadka u shaqeeyo. Hay’ada nabad sugida, ciidanka militariga, boolisaka iyo dhamaan dowlada Somaliyeed ha u fahmaan in HRW il gooni lagu haayo activities kooda iyo reportka beenta ah ee ey nairobi kasoo saaraan marwalba ayagoo ka mid ah cadowga Somaliyeed.

  2. Atoore23 says:

    HRW xaq bay u leeyahiin in ay u doodaan ciddii lagu xad gudbo danahooda.HRW haddii ay dhab ka tahay waxa ay sheegayaan wax ha ka qabteen caruuraha Siiriya,Jeejniya,Falastiin.Koongo iyo meelo kaloo badan.Kooxaha yiraahda xaq baan u doodnaa way ku shaqeystaan hadalada ay sheegaan.Haddii ay yiraahdaana cidu kama dhageeysato.

Leave a Reply