In Ka Badan 30-Musharrax Oo Araajidooda U Gudbiyay Guddiga Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya
Muqdisho [Radio RBC] Maalintii labaad waxa magaalada Muqdisho ka socota qabshada araajida shaqsiyaadka doonaya in ay ka qeybgalaan doorashadda madaxweynaha dalka Soomaaliya oo dhaceysa 10-ka bishan September.
Afhayeenka guddiga doorashada xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ilaa hadda xafiiskooda uu diiwangaliyay 31-musharrax, kuwaasoo dhammaantood doonaya in ay ka qeybgalaan doorashadda.
Wuxuu sheegay Cismaan Libaax in musharrixiinta hadda is diiwangaliyay la siiyay Foomamka iyo waraaqado la doonayo in ay ku soo buuxiyaan taarikhdooda iyo wax yaabaha ay soo qabteen, isagoona intaas ku daray in musharrixiinta ha is daawangaliyay ay bixiyeen midkiiba 10,000 oo dollarka Mareykanka.
Wuxuu kaloo sheegay in qabashada araajida musharrixiinta dooneysa in ay ka mid noqdaan doorashada ay socon doonto ilaa 6-da bisha September.
Xafiiska Guddiga doorashada madaxtinimada Soomaaliya, ayaa tan iyo shaley mashquul ahaa, waxana la arkaayay iyagoo shaqeenaayay saacado badan.
‘’Waxa tan iyo shaley foomaam aan siinay 31- musharrax oo u taagan doorashadda madaxweynanimada Soomaaliya, foomkaas ayeey soo buuxinayaan, kaddibna waxa aan u sheegnay Acoun aan bandhiga dhexe ka sameynay oo lacagta ayeey ku shubayaan, dabadeedna dib ayey noogu soo celinayaan foomka oo ay soo buuxiyeen iyo ’’ ayuu yiri Cismaan Libaax.
Muqdisho ayaa isku diyaarineysa qabashada doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya, markii ugu horreysay 21-sano, waxana magaalada maalmahan ka socota olale ay wadaan musharrixiinta, taasoo laga dareemayo wadooyinka ku yaala caasimada iyo gawaarida oo lagu xardhay sawirrada musharrixiinta.
Guddiga doorashadda madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada la qaban doono 10-ka bisha September.
Shuruudaha ay soo saaren guddiga doorashadda ayaa la sheegay in caqabado ku noqon doonaan musharrixiin badan oo damac uu ugu jiray in ay ka qeybgalaan doorashadda.
Radio RBC
===================
Xafiiska Wararka Muqdisho











