Isimada,Nabadoonada iyo Shacabka Puntland oo Soo Dhaweeyey Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya [Sawirro+Codad]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Ibraahim Xarago

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Boosaaso [RBC Radio] Iyadoo dalka Soomaliya Madaxweyne cusub loo doortay Xassan Shiikh Maxamuud isla markaana laga soo dhaweeyey meelo badan oo Caalamka kamid ah ayaa maanta Isimada, Nabadoonada iyo Shacabka Puntland si isku mid ah ugu hambalyeeyeen Madaxweynaha cusub.

Hoggaanka Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Ibraahim Xarago oo Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Boosaaso ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ay hambalyo iyo boggaadin u dirayaan isla markaana waxa uu xusay in dhibaatada dalka hadda ka jirta uu yahay mid ka saari kara.

..”"Haddaanu Odayaasha dhaqanka nahay Puntland gaar ahaana kuwa gobolka Bari,waxaan hambalyo iyo boggaadin usoo Jeedineynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud,waana nin dhibaatada hadda dalka ka jirta ka saari
kara…”"ayuu yiri.

Sidoo kale Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago ayaa tilmaamay Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay mid kasoo baxay hawshii shacaku u igmaday,iyagoo ugu danbeyntii doortay Madaxweyne loo baahnaa oo wax ka badeli kara Xaaladda dalka.

Qaar kamid ah Nabadoonada gobolka Bari iyo Shacabka ku dhaqan magaalada ayaa iyaguna soo dhaweeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud,iyagoona EEBE uga baryey in xilka adag uu la garabgalo.

Aqoonyahan Mustafe Siciid Shabac

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!


Mustafe Siciid Shabac oo kamid ah Aqoonyahanada Puntland gaar ahaana kuwa gobolka Bari oo la hadlay RBC Radio ayaa sheegay in uu isagu horey u saadaaliyey in Jagadda Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu kusoo bixi doono Mudane Xassan Shiikh Maxamuud taasina EEBE galadiisa ay rumowday.

Dhinaca kale Afhayeenka Isimada Puntland Garaada Cabdillaahi Cali Ciid oo isna ka hadlay Madaxweynaha cusub ee la doortay Xassan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in uusan aqoon fiican u lahayn balse sida muuqata uu yahay Shakhsi tacliin leh oo soo qabtay shaqooyin kala
duwan muddana aan ka bixin dalka.

Mid kamid ah Cuqaasha gobolka Bari

…”"Aniga runtii nin ahaan runtii uma aqaano laakiin sida muuqata nin fahmad leh oo tacliin leh oo soo shaqeeyey oo wadanka joogay oo ninka wadanka joogay nin kastoo dibada ku maqnaa tallada dalka iyo Xogtaba uga ayaan roon.

Garaadka ayaa tilmaamay in Caqabaha hortaagan Madaxweynaha la doortay ay badan yihiin balse uu isagu kula talinayo in Cadaaladda uu ku dadaal taasina ay Ummada u noqoneyso kefad qaada.

Qaar kamid ah Dadweynaha Boosaaso

…”"Tan ku xigta waxa weeyaan daruufta dalka jirta nin kasta oo fiican oo wadani ah daruuf u sahleysa in uu wax qabto maahan ilaa iyo Xaalka hadda wadanku ku suganyahay oo ah hubka iyo Colaada loo helo farsamo aad iyo aad bey u adagtahay, Waxaan Isaga leenahay ninyahow dadaal wadanimo ku dadaal, waxaan kale oon leenahay Cadaalad ku dadaal maxaa yeelaya Cadaaladu kefeda haddii la helo Ummada oo dhan qaada weeyaan ku dadaal..”"ayuu yiri.

Ragga ka hadlaya Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

__________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Share

4 Responses for “Isimada,Nabadoonada iyo Shacabka Puntland oo Soo Dhaweeyey Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya [Sawirro+Codad]”

  1. [...] Read the article: Isimada,Nabadoonada iyo Shacabka Puntland oo Soo Dhaweeyey Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Feder… [...]

  2. Ali says:

    KKK waxaan idinka sugayaa waa mucaarad nimo maalmaha soo socda, markaad helo waydaan waxyaalaha aad uga barateen Shkiekh Shariif.

    Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu qudbadiisii ugu horeysay yiraahday ” Sheikh Shariif waa walaalkey’ waa saaxiibkey shaly waana Saaxiibkeyga beri, Taariikhda ayaa qori doonta meesha uu maanta keeney Soomaalia iyo meesha ay aheyd maalintii uu isagoo madaxwayne ah kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Muqdisha.

    Hadana markii nin qabiilkiina ah waayey in uu cod helo, bilaaba mucaarad nimo, waa wax iska caadi ah layaabmaleh laakiin, wadaadada yaan qalad laga galin, waa hubaal xildhibaanada cusub oo waliba sigaar ku cabaayey soonkii meesha ay wax ka socdaan hada in aysan wadaad u codee shaqo kulaheyn ee waxay ehayd mar sheikh shariif mucaarad maadaama ay ogaadeen in aysan waxba meesha ka heleyn kuwoodii.

    Madaxwaynaha cusub waxaa u codeeyey intii mucaaraday Sheikh Shariif oo ay ugu horeeyaan pintland, waxa ay u codeeyeen codkiina siiyeen Sheikh sheriif walaalkiis Iyagoo mucaaradaaya Sheikh Sheriif

    Sheikh shariif waxa keenay in dadbadan oo webside kan ahi mucaaradaan waa qabiil,

    Sheikh Shariif oo loo yaqaan ” MR haye” aan qabyaalad aqoon waligiisna waxba u qaban dhulkiisiisa ama qabiilkiisa ayuu pintiland u fasaxay in ay shidaalka ay qarinaayeen uu u saxiixo ayna qotaan , waa ninkii Irir ee ugu horeeyey ee madaxwayne asagoo ah oo taga pintiland, waxkastoo ay rabeen u ogolaaday, siiyeyna Soomaaliya wixii UNka ugu talagashay afarmeelood Sadex waxaa qaadanjirtay pintland.

    Marka waxaan hada u joognaa meesha ay ka helayaan wixii ay horey uga parteen Shikh Shariif, dadka tabi doona waxaa ugu horeeya ilmo faroole,
    Xasan Sheekh Maxamuud pintland waxba kama heli doonaan kaligood wixii Soomaali loogu dhiibo Soomaali oo idil ayaa qeybsan doonta.

  3. kaafi yare says:

    babaanbax aayaa ka dhacay shalay gobolada puntland oo lagu taageeraayo madaxweyne xasan maxaa u soo qori weyseeeeen raxanreeeeeeeeeb maxaa damacsantihiin waadba fiicneedeenee yaaayaah ,

  4. Somalijecel says:

    Waa wax fiican hadalada ismadeena laakin ismada waa la haystaa faroole illahay haka dulqaado ismadu karaamo ayay inaga mudan yihiin faroole iska dul qaada

Leave a Reply