Isutagii 1960kii ee Labadii Gobol ee Soomaliya iyo Isutagii Beelaha Puntland Usu Midab Ekaa. W/Q Daahir Yuusuf Alas


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Isu tagii 1960kii ee Labadii Gobol ee Soomaliya iyo Isutagii Beelaha Puntland Usu Midab Ekaa
Daahir yusuf Alas
daahir0088@hotmail.com
Sabteembar 30 2012

Daahir Yuusuf Alas

Sida Dad badani ogsoonyahay Taariikhdu ama dhacdoonyinka ama Dharaaraha aynu dheehanayno waa mid inbadan wax ina hogotusaalaynaysa oo sida Muraayaada oo kale Maalin walba ina hortaagan oo aan waxbadan ka barankarno,

hadii aan wax yar ka Iftiimino Dadka Soomalida ah ee ku nool Geeska Afrika waxaa soo maray Qarnigii ugu danbeyey gaar ahaan intii Xoriyada la qaatay waxa soo maray wakhti aan isleeyahay wax badan ayaan ka ogaan karnaa,

Sida ka muuqata Cinwaanka Qoraalkan waxaa Gumaystihii Saan cadaalaha ahaa uu ka huleelay oo uu ka baxay Dhulkii Soomaalida qayb ka mid ah oo ay ugu horeeyeen labadii Gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta,,,Xiligaas Dadka Soomalida ah waxaay isu hayeen hiloow iyo kalgacal aan qiyaas lahayn iyo rabitaan ay doonayeen in Soomaaliweyn la helo Oo Dadku midooobaan ,

Soomalidii xiligaas ku noolayd Waqooyiga Soomaliya ayaa nasiib wanaag waxay heleen 1960/26/jun xoriyad qiimo badan ugu fadhiday oo dhiig badani ku daatay,,,Taas oo ay si kal iyo laab ah ayey 4 casho ka dib ula soo deg degeen in ay la midoobana walaaalohoodii Koonfureed ee iyaguna xorayad helay 1960/1/julay. ee isla sanadkaas.

Madax dii labada dhinac ee Xiligaas hogaaminaysay ayaa waxay go’ aansadeen oo isla garteen in la isu keeno Soomaaliweyn waxayna isku waa faqeen in soomaaliya la mideeyo oo lahelo soomaali uu ka dhexeeyo hal Dawlad hal Calan iyo hal Caasimad iyo waliba hal u jeedo oo leh hal saaxiib iyo hal cadaw ,taasina waxaa amaan deeda leh ragii waagaas hogaaminayey oo howsha garwadeenka ka ahaa ,

In kasta oo la Oran karo Dadkii ka socday labada Gobol uma sinayn in Soomaaliya midoowdo oo wax la isu darsado, tusaale ahaan ragii xilgaas matalayey Reer Waqooyiga aayaa aad ugu firan fircoonaa oo aad ugu dadaalay in umadda Soomaaliyeed ee walalaha ah meel la isku keeno oo la mideeyo oo aan wax shuruud ah lagu xirin taasna waa ta saababtay in ay dhinac usu raacdo Caasimadii Wadanka Madaxweynihii iyo awoodihii Dawlad nimo oo dhan badankood in loo hibeeyey dadkii Reer Koonfurka ahaa,

hadii Dad ama laba Dawladood midoobayaan ama Dad wax isku darsadan Cadaaladu waxay ina baraysaa in si siman wax loo qaybsado oo ugu yaraan wax uun la qaybsado laakin taasi ma dhicin.oo hal dhinac ayey isu raaceen Dawladii dhamayd marka laga reebo wax yar oo faro guud kood ah.inkasta oo labadii dhinac midba si u qiimeeyey wax qaybsigaas Xiligaas ragii ka socday Reer Waqooyigu waxaa Halku dha goodu ahaa, Shantoo israacdaa wacnaydaa Calanka oo aan wadaagnaa wacnaydaa Soomaali oo aan walaalaynaa wacnaydaa inaga oo iswehelshanaa wacnaydaa, taasaan waa ta keentay inay aqbalaan heshiiskii qodabadiisa ay ma mid ahaayeen sidan,

1-  Caasimadu Jamuuriyada Soomaaliya waa Muqdisho Dalkuna waxa uu ka kooban yahay 8 Gobol lix Koonfur ah iyo labo waqooyi ah,

2-  In Mudanayaasha Baarlamaanku yahay 123 Mudane 90 Koonfur ah iyo 33 Waqooyi ah taasna waaxa la orankaraa sidii loogu liisay laguma hanbayn,

Dhisitaankii maamul Goboleedka Puntland iyo beelaha daga dhulkaas,sida dad badan ogsoon yahay waxa jiray hilow iyo xiiso loo qabay in beelaha degaankaasi ay midoobaan oo wax badan la isku darsado,inkasta oo ay waxbadan ku kala duwanaayeen dhaqan ahaan iyo deegaan ahaanba oo aysan jirin is dhexgal badan oo xiligaas ka horaysay,,

1998kii markii la dhisay maamulkaas waxaa dhacday dhacdo la mid ah tii dhacday 60kii ee isku darsadkii koonfur iyo waqooyi, oo waxaa dhacday in hal dhinac ay isu raacday Caasimadii madaxwaynihii iyo awoodii dawlada oodhan, uma baahna faahfaahin dheeri ah,in sidaas wax u dheceen ..,

la soco qayb danbe ooo xiiso badan oo aan ku dhamaystirayno qormadan cinwaankeedu ahaaa, Isu tagii 1960kii ee Labadii Gobol ee Soomaliya iyo Isutagii Beelaha Puntland Usu Midab Ekaa.

W/Q Daahir yusuf Alas
daahir0088@hotmail.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: , ,

22 Responses for “Isutagii 1960kii ee Labadii Gobol ee Soomaliya iyo Isutagii Beelaha Puntland Usu Midab Ekaa. W/Q Daahir Yuusuf Alas”

  1. mahamuud says:

    Walaal aad ayaad ugu mahadsantahay dadaalka aad sameysay iyo weliba taariikhda wanaagsan ee aad dib noo xasuusisay intaas kadib markii maqaal la qoraayo waxaan wax ku bartay inuu gaaro qoraagu ujeedka uu leeyahay oo ah inuu fikirkiisa ku gudbiyo maqaalkaas gudihiisa iyo inuusan wax suaal ah uuga tagin qofka akhristaha bal intaa dib u fiiriso maqaaalkaaga waxaa ka eegtaa inaa gudbisey aragtidaada oo dhameestiran?

  2. Laascaanood says:

    Puntland waxay aheyd maamul awood badan oo beelihii wada dhistay iyo Soomaali inteeda kaleba loo hanweynaa balse nasiib daro Hal beelihii kamid ah ayaa sad bursi iyo anigu aan noolaado bilaabay oo xitaa markii Puntland madaxweynaheedii Somalia loo doortay meeshii xilkii uu ka tagay ee pl beelaha kale loo dhiibi lahaa waxaa dhacday in isla jifidii ay sadbursigii sii wado taasoo sababtay in beelihii kale ka tashadaan aayahooda sidaana kaga baxaan maamulkaas sida Khaatumo State oo kale

  3. sakariye Indhocaad says:

    aqoon xumo ayaa ku haysa waxaad soo wadidna waan garanayaa waxaan soo xusuustay murtidii ahayd

  4. Axmed says:

    Mr Alas

    anoon ku maagayn maxaad kawadaa dadka Isutagii Beelaha Puntland Usu Midab Ekaa.

    ma wada dhalashadaad udiidan tahay waa iga suaal sxb loool

  5. Daacad doon says:

    Hadal xikmad la aan ah dheh Wax walba tariikh baan u daayay

  6. abdi says:

    asc asxaabta sxb waad mahadsantahy maanta putland waxa ka tashaday oo somaliland ku biiray ana hadaanahay lasanod waanu ka tashanay dadka inta kale aan aan ahayn waxaan leeyhahay ka tashada

  7. Run Sheeg says:

    Asc Mr Alasow sxb aad baad ugu mahadsan tahay wakhtiga badan ee aad gelisay Iyo Sida aaad U Asiibtay Xaqiiqda jirta Expuntland Iyo cida ay ersanaynso xog abdana waad naga siisay mahad sanid Waana K asugaynaa Qaybta labaad

  8. Cirka says:

    @Daahir yusuf Alas

    Waxaa wareer ka taaganayahay qof kasta waa isa soo sawirayaa, Cabdi-Rashiid Daad baan la yaabi jiray, isaga iyo midkaan wax soo qoray hal cudur oo isku id ah baa haya way calaacalayaan mana sheegan karaan waxa xanuujinaya, laakiin waxaad u daysaa cudurrada dadkii iyo dalkii inoo maqanyihiin inay hayaan sida: Qabyaaladda, Xinka, iyo reer hebel ku xumee, waxay dareemayaan labadaba marka aad sii dhahdhamiso (Minority Marginalization ) in lagu sameeyay.

    Ninyahaow horta Puntland dulmiga nooca aad rabto inaad tilmaanto kama jiro siday ila tahay, dadku waxaa iska dhacaan, waa iska qabsadaan, waligeedna taasi bini aadan kama dhamaanayso, laakiin Isir nacayb kama jiro dhexdooda, cadaawad fog oo is-bah dil ah kama dhaxayso, bal Puntland iska dhaaf dhexdeedee Soomaalida kama dhex jiraan noocyadaas, laakiin ninba waa aragtidiisa.

    Adeer tan ugu daran Woqooyi waxay hadda la dudsantahay oo aanan laga yeelayn reer Koonfuriyo iyaguna ay heshiiska ku yihiin waan naqaan haduu cirka soo dumana dhici mayso waana been ama ha ku qarwaan ama yeeysan ku qarwin, oo maxay tahayna?! ilaa adigu doqon sida far Soomaaliga loo qoro bartay keliya baad tahay waxaadan ogeynna waad u hiilinaysaayee, sida Cabdi-Rashiid Daad iyo Gaagaab iyo Cabdi-Wali Gaas ugu ololeeyniyaan dardaarankii Cabdullaahi Yuusuf ee ahaa Mudug State!….

    Qolyahan Koonfureed reer Woqooyi waxay u sheegeen madax-weyne adinkaa waligiin iska leh laakiin inoo oggolaada Ra’iisal wasaare Joogta ah, waxa uu Xasan Qoslaayee la foolanayo, waa midkaan madax-weynaha lagu sheegayee waa intaas ee wax kale ma aha, annagu haddaan nahay reer Puntland arrintaas mna yeelayno, hal shardi unbaan ku yeeli karnaa oo ah, haddii ra’iisal wasaaraha xilliba laga soo qaadanayo gobol sida Woqoyi galbeed xilli, Sanaag xilliga ku xiga, Sool xilliga ku xiga, Awdal xilliga ku xiga, madax-weynahana ay ku tartamaan reer koonfurta waxba kama qabno miskiinyahow, maalin kasta kuwo xunxun oo noociina ah baa annaga mindiyaha laynoogu soo dhiibayaa..Qashin!.. waxa socdaba war kama hayaan.

    Midda u dambaysa, Reer Woqooyi adeer waa dad Soomaaliyeed dhibka dalka ku dhacay ee ina Siyaad Barre uu ku dhigay dadkay ula sinnaayeen haddanba laga badasan, xisaab ha loo soo wada fariisto, meeshaan been-been baa lays baray iyo qaylo idaacadaha afka la saaro waxaas cidina waxba looga guri maayo lugooyada unba kulligeen innagu dheeraynaysaa mooyee, reer woqooyi dad sharaf leh bay ahaayeen oo Soomaali ah hadana ah, laakiin xisaabta si fiican ha isaga hubiyaan, been ninna meel ku tegi maayo oo waan soo tijaabinaya, waxaana caqli yari noqonaysa haddii ay wali beentii rumaysanyihiin….

    Adiga ninkaan Daahir ah ina adeer sawirkaaga iska hayso meeshaan dadka soo galaa ama boggaan adeer waa dad soo daalay sawirna aan xiise kama hayo, ee marka wax aqri oo wax badan xog raadi, meeshaan dad baa isugu yimaada nin walba leh marka iska soo istaag ma aha.
    Waxaan ka xanaaqay asluubta aad inoola hadashay, wixii khalad ahna adigaa u sabab ahaa!
    reer Puntland haday kala tagyaan iyagay u taal aniguse waxaan leeyahay ka jooga waxa aad waddaan, waa iga digniin,

  9. maanjor says:

    waxaan laqabaah puntland waagaas in beeelo badan oo puntland dago khiyaano qaran lasameeyo waxaan kaloo arkaah waagaas waxaa lugu heshheeye maamul gobaleed laakin hadana mid kale oo khinaayo ah bay so wadaan ah dawlada puntalad bal yaa ku heshiiye dawlada puntalad war waxaan ku talin lahaa dadkii dhistay puntand shirwayne qaran hala isku yimaado

  10. j werdi says:

    war qoraagani mel xasaasi ah buu tabtay runtu qadhaadh badanaa

  11. hasssan says:

    asc,
    Aniga waxan qabaa labadaban waqti ee ad ka shanqarisey isma laha isumana dhigman leysumana misami karo sababtoo ah waqti heeryadii gumeysiga la tuurey & dadka 21 & labatan sano la leynayey oo la dhacayey oo misana loogu darey qax & dhac & dil hor leh bey kala ahayeen tan kale arinta puntland ma garanayo in ad akhrisey qodobadii lagu heshiiyey shirkii garowe 1998 in uu ahaa heshiisku qolo walba in ay degankeeda soo dhisato mamul kana shaqeyan nabadoda & harumarkooda ayna isku yimadan garowe ee ma ahyn in loo gacan dhafo dadka deganka mamulkoda heer degmo & heer gobol ……………

  12. axyaa wadani says:

    maxuma in waqooyi iyo koonfur midoobeen ay la isku sameeyey tanaasulaad badan si loo helo somali wayn lkn waxan dhihi karaa iskuma dhigmaan somaliland iyo puntland waxay kala yihiin kaaf iyo kala dheeri oo dad somali hadii ay ka goayaana waxa fiicnaan lahayd reer bari inay ka goaan sababtoo ah laqdabo iyo hagardaamo ayay kuhayaan umada somaliyeed

  13. Godale says:

    Waa ruunta, Reer-waqooyi waa iska dacaad, 1960 wixi dhacay baa 98 hadana dhacay.

  14. Cabdirashiid says:

    Qoraaga waa dadaalay taariikhdaase ku yar qaabkaasna wax uma dhicin horey iyo gadaal toona

  15. maxamuud says:

    waxaa xaqiiq jirta oo dadku iswaydiin karaan,,waana loobahan yahay in si dhab ah looga niqaasho,

  16. salan kadib qoraalkan ma dhamastira sida darted aragti sax malaga dhiban karo lakin haan waxyar kadhibto arinta reer waqooyiga walal qoraha maqaalko midba kuseegtay somali midoowday majjirto lakin somali laqaybshay oo lakala xuumayayba jirta sida darted aragtid ah waxba midoobay wa aragti aad u liidata mana ha aragti sax xata hadi sida dadku qaar qabaan la qaato oo ladhaho waxba midoobay somalida dhul iyo dad tona isuma leka marka laga hadalayo waqoyi iyo koonfur dadka somalia dega boqolkiba 75 qiyas ahan wa rer koongur marka se saami iskumidaha uguqaybsankara iyado tiro iyo baxad dhulba koonfuri badantahay khayard na koonfur badantahay waxa saxad ahi wa in somalia qabiilo tahay oo qabiilo wax looqaybsado wana sida kali ah e lagu ahan karo qaran mara ma suurobayso in shaqayso aragti kudhisan jahooyin in la isku raaco ta kale arainta puntland dadku siday ukala firfircoon yihin bay markasta ukala fursad badanyihin sababta madaxwaynah iyo awooda mamulka puntland kucecelinaysa hal beel ma ah wwa firfirconan iyo uhelanaan ay beshasi ad ugu heelantahay inay markasta hogaanka punland ahto wax dadku hilmamsanyihin in cade muuse uusan awooda puntland ku iman qaraba kiil ee uu qori caraadi kuyimi ninki raba inu puntland hogaansho wa inu marka kobaad dacad u ahada midnimada puntland marka xigta wa inu hadu rabo inu qabto taada puntland u isticmala awoodsiyasaded iyo mid meletri ti usuragashab nin marka xilka madaxwynah waayo kuraalinoqnay ainu qabiilkale hoostago ma istahilo inu puntland madxa kanoqdo puntland badbaadi oo baadhitaar hana ka baydhine ku biir oo bahdada dhinac karaac.

  17. nora says:

    KKKKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKK

  18. ali dood says:

    waxaa aan ku oran laha dadka rer puntland waxad ku dhex abuurin ka daa waa walalo waa sxbo waa dad wada dhashay ee cuqadadad saxafada hala imaan sxb

  19. puntlander says:

    kkkk dadka puntlan heysta markey qaxotiga ahaayen dadka waxan qoraya wey ku raaxeysanyeen ayago daba dhilif aha ee adkeysta waligiin meeshan maamulimeysane hadad buqdana tank baa idin yaqaan

  20. DHeere power says:

    Qoraagu wuxuu ka hadlay Sooyaal ama taariikh run ah
    Lakin baahan yahay in la eega maxay sababta keentay fashilka ku yimi P/L !
    wax dad ku midoobaan waxaa ugu talada iyo hogaanka oo lagu midoobo
    Laakiin marka laga weeciyo waddada wanaagas waxaa hubaal inay ku dhacayso god
    ayna adkaanayso sida looga soo saaro.
    Dadkii 1998 P/L ku midoobey oo isku darsaday Talada,Ciidanka iyo maamulka
    Qaar badan ayaa maanta mahadin oo quus ka jooga wax iskudarsigii 1998.
    P/L waxay noqotay HUNGO madhan waxana sabab u ah dadka wax lagu aaminey
    oo noqday dad aad u liita dhinaca wax maamulka,kartita,asluubta ama habdhaqanka.

  21. DHeere power says:

    Qoraagu wuxuu ka hadlay Sooyaal ama taariikh run ah
    Lakin loo baahan yahay in la eego maxay tahay sababta keentay fashilka ku yimi P/L !
    wax dad ku midoobaan waxaa ugu fiican talada iyo hogaanka oo lagu midoobo
    Laakiin marka laga weeciyo waddada wanaagasan waxaa hubaal inay ku dhacayso god
    ayna adkaanayso sida looga soo saaro.
    Dadkii 1998 P/L ku midoobey oo isku darsaday Talada,Ciidanka iyo maamulka
    Qaar badan ayaa maanta mahadin oo quus ka jooga wax iskudarsigii 1998.
    P/L waxay noqotay HUNGO madhan waxana sabab u ah dadka wax lagu aaminey madax-kusheega
    oo noqday dad aad u liita dhinaca wax maamulka,kartita,asluubta ama habdhaqanka.

Leave a Reply