Jaaliyada Galmudug ee waqooyiga Ameerika oo Taageero iyo Bogaadin u Direysa Madaxweynaha Xassan [Warsaxaafadeed]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Date: Wednesday, September 12, 2012

                                                       Warsaxaafadeed:

Hambalyo, Bogaadin Taageero iyo soo dhoweyne ay soo direen Jaaliyada Galmudug ee waqooyiga Ameerika kuna socota Madaxweynaha cusub ee la doortay Dr. Hassan Shiekh Mohamud:

Anigoo ku hadlaya magaca wakiilada Galmudug ee waqooyiga Amerika iyo  dhamaan jaaliyadaha Galmudug ee waqooyiga Amerika waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha Cusub ee la doortay Dr. Hassan Shiek Mohamud ee kasbaday kalsoonida ummadda soomaaliyeed dal iyo dibadba.

Waxay wakiilada iyo jaaliyada Galmudug u rajeynayaan Madaxweynaha cusub in rabi ku garab galo xilka culaabta badan ee garabaha loo saaray inagoo rajo weyn ka qabna inuu ka soo dhalaali doono mus’uuliyada loo igmaday.

Waxay jaaliyada Galmudug ee waqooyiga Amerika wacad ku mareen inay taageero hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan Madaxweynaha cusub Hassan Shiekh Mohamud oo ay qireen inuu yahay aqoonyahan hufan ee daa’dihin kara marxalada kala guurka ah una horseedi kara ummada soomaliyeed horumar iyo dib-u-heshiisiin dhab ah ee baahsan noqdana mid ka saara dalka Soomaaliyeed colaada ra’gaadey.

Waxay jaaliyada Galmudug ka codsaneysaa Madaxweynaha Cusub inuu soo dhiso dowlada koobaan ee tayo leh uuna abuuro jawi kala danbeyn iyo wada shaqeyn oo dhexmarta dhamaan hey’adaha dowlada.

Ugu danbeyn waxay jaaliyadu ka codsatey Madaxweyne Hassan Shiekh Mohamud inuu dalka u horseedo cadaalad iyo sinnaan kuna saleeyo go’aamadiisa wada tashi.

 Wakiilka Dowlad Goboleedka galmudug ee Waqooyiga Amerika

Eng. Mohamud Duale Kahie

 

 

Share

Tags:

Leave a Reply