Jawiga Jowhar Oo Kacsan iyo Al-Shabaab Oo Siidaayay Maxaabiistii Ku Xirneyd Xabsiga Magaaladaasi
Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xaalada magaalada ay ka santahay isla markaana dadka ku nool magaaladaasi ay ka cabsi qabaan in ay halkaasi dagaalo ay ka dhacaan.
Sidoo kale dad jooga Jowhar ayaa sheegaya in Al-Shabaa ay siidaayeen tiro maxaabiis ah oo ku xirnaa xabsiga magaalada Jowhar kuwaasi oo aanan la garanaynin sababta ka danbaysa sii daysmadooda.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Alshabaab ay magaaladaasi ku xireen Shaqsi caan ah oo lagu magacaabo Maxamed Suubow kuna leh magaalada magaayad weyn oo ku taala xaafada Hanti wadaag.
Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab ay u xireen Suubow iyaga oo ku heysta in warar uu sheeg sheegayay sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka oo ku sugan magaalada Jowhar.
Sidoo kale warar aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab ay badankood ka tageen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada Dowlada ayaa ku sugan deegaanka Qalimow iyo deegaanka Boorow oo ku dhow magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe.
Saraakiil ka tirsan maamulka Gobolka oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay iminka ka hadlaan dagaalada iyo dhaqdhaqaaqtada socda iyagoo sheegay inay dib sharaxaad kaga bixin doonaan.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho












[...] View article: Jawiga Jowhar Oo Kacsan iyo Al-Shabaab Oo Siidaayay Maxaabiistii Ku Xirneyd Xabsiga Magaaladaasi [...]
Kuwa beerahii dowladda oo qasabka iyo bombeelmda laga soo saarijjiray qabsaday ayaaba shabaab ka daran indhahaan ku haynaa dhaqdhaqaaqaas