Kenya Oo Beenisay Inay Duqeysay Kismaayo Kaddib Markii Al-Shabaab Ay Ku Goodisay Inay Soo Laaban Doonaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC Radio) Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay maanta oo Axad ah in maraakiibtooda dagaalka ay duqeeyeen magaalada dekadda leh ee Kismaayo halkaaso maalin ka hor ay isaga baxeyn Al-Shabaab.

Afhayeen u hadlay ciidanka Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa u Reuters u sheegay  warkaas uu yahay mid propaganda oo ay saxaafadda siiyeen Al-Shabaab.

Al Shabaab waxa ay dhaheen labo carruur ah ayaa ku dhintay qof kalena waa uu ku dhaawacmay madaafiic ku dhacday Kismaayo” waa war propaganda ah, sidaas waxa yiri afhayeenka ciidanka  military-ga Kenya Oguna.

Hooyo afar carruur ah leh oo ku nool magaalada Kismaayo ayaa u sheegtay wakaaladda wararka Reuters in maraakiibta Kenya dhowr madaafiic ah xaley ay ku soo tuureyn magaalada kuwaasoo ku dhacay guryo.

Ciidanka Kenya iyo kuwa dowladda ayaa magaalada aan wali si fiican u galin, iyagoona ka cabsi qaba miinooyin magaalada lagu duugay.

Wali magaalada waxa ka jirta cabsi ballaaran, isla markaana waxa xiran goobaha ganacsiga iyo kuwa waxbrashada.

Magaalada waxa ku sugan kooxo maleeshiyooyin ah oo aysan jirin cid ay ka amarqaataan, kuwaasoo dilal ka geestay magaalada.

Mr. Oguna ayaa sheegay in ciidanka Kenya ay si tartiib ay ugu socdaan dhinaca koonfureed ee magaalada.

Wuxuu yiri waxa aan ka walaacsanhay waxyeelo soo gaarta dadka rayidka.

Magaalada Kismaayo waa meeshii u dambeesay ay ku xooganeed Al-Shabaab oo gacantooda ka baxda iyadoo horrey dhowr magaallo laga saaray.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay xooggooda isku geeyeen Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhaxe, halkaasoo hadda gacanta ay ku hayaan.

Al-Shabaab waxa ay sheegeyn in qaab xeelad ah uga baxeyn Kismaayo, dhawaana dib ugu soo laaban doona.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

1 Response for “Kenya Oo Beenisay Inay Duqeysay Kismaayo Kaddib Markii Al-Shabaab Ay Ku Goodisay Inay Soo Laaban Doonaan”

  1. [...] See more here: Kenya Oo Beenisay Inay Duqeysay Kismaayo Kaddib Markii Al-Shabaab Ay Ku Goodisay Inay Soo Laaban Doo… [...]

Leave a Reply