Kenya Oo Ku Eedeesay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed In Uu Ka Dambeeyay Weerarkii Ka Dhacay Hotel Jazeera
Nairobi [RBC Radio] Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Sam Ongeri ayaa ku eedeeyay madaxweynihii hore DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed in uu ka dambeeyay weerarkii toddobaadkii hore la isku dayya in lagu shir qoolo ninka ka guuleestay Xasan Sheekh Maxamuud oo shaley loo caleema saaray madaxweynaha Soomaaliya.
Waxa uu warkan sheegay mar uu la hadlay wargeyska The Nation ee ka soo baxa dalka Kenya, waxa uu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu markii qaraxyada ay dhaceen uu yirmi Hotelka Jazeera, isla markaana uusan u akeyn nin ka xun waxa dhacay sida uu hadalka u dhigay.
Prof Ongeri ayaa intaas ku daray in Shariif Sheekh Axmed uu taageero weydiistay intii ay doorashada socotay dowladda Kenya, laakin lagu wargaliyay in ay dhex-dhexaad ka yihiin doorashada madaxweynaha Soomaaliya isla markaana aysan cidna aysan taageeri doonin.
Markii warkaas soo baxay, ayaa wargeyska The Nation waxa uu taleefonka kula xiriiray Xildhibaan Maxamed Affey oo ku sugan magaalada Brussels, ee dalka Belgium,kana mid ahaa wafdigii la socday wasiirka arrimaha dibedda Kenya Prof Ongeri Aljazeera Palace Hotel halkaasoo uu ka dhacay qaraxa.
Wuxuu sheegay in eedeentaas ku wajahan madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ay jahwareer ku keeneyso dowladda cusub iyo xasilinta dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in ay arrintaas tahay masuuliyad daro iyo taxadar la’aan madaxweyne Shariif kaliye waxa uu joogay Hotelka wax yer kaddib markii uu qaraxa dhacay, marka Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas waan ognahay in uu yahay mid fal dambiile ah.
“Ka hor inta aysan dhicin doorashada, Mr Sharrif ayaa isoo wacay anniga waxa aan isla hadleynay hal saac iyo bar, waxa uu iga codsaday in Kenya ay taageerto siddii uu markale madaxweynaha Soomaaliya u noqon lahaa, laakin waxa aan u sheegay in Kenya aysan dooneynin in ay taageerto mid ka mid ah musharrixiinta, laakin ay dooneyso in doorashada ay ku dhacdo si cadaalad ah isla markaana xaq ah, si loo soo celiyo nabaddii dadka Soomaalida ay la aayeen 22-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Prof Ongeri .
Wasiirka ayaa aad uga yaabay markii uu arkay madaxweynihi hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed isagoo Hotelka Aljazeera wax yer kaddib markii uu qaraxa dhacay, isla markaana uu umuuqday qof aan ka walwalsaneyn waxa dhacay.
Si kastaba, hadallka ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibedda Kenya Sam Ongeri ayaa waxa uu yahay hadal culus oo dhaawaci kara xiriirka Kenya iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Kenya shaley kama mid ahayn dalalka ka socday qaarada ee ka qeybgalay caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
RBC Radio
============
Xafiiska Wararka Nairobi














[...] Read more here: Kenya Oo Ku Eedeesay Madaxweynihii Hore Shariif Sheekh Axmed In Uu Ka Dambeeyay Weerarkii Ka Dhacay … [...]
Kenya waxey rabtaa inay isku dirto madaxwynihii hore iyo madaxweynaha cusub maadaama damacooda taako loo dhigay. Xalfadii caleemo saarta kameysan soo geyb galin taasna waxey daliin utahay Kenya ineysan kuqanacsaneyn dowladnimada Somaliya ka hana qaaday. Kenya waxaan leenahay ha idinku taagnaato!
shidaalkeena ayaa ka hadlisiinaya kenya ha iska iloowdo iney bada iyo berigaba taako kamid dhul soohdin badeed iyo beri haweysato inta dukamada iyo hodheelada ka furtayoow waa tii Moy horey u sheegay oo yiri idinkey idiin dhisayaan maanta hadey badii waayaan waa idin tarxiilayaan ee xoolaha iska soo xaraasha lacagtana soo geliya dalkiina dalkiina ayaa dhisme u baahan.
Talo: walaalayaal yaan laysku kiin dirin ee cidna hayso maqlina…maanta wadaddii saxda ahayd baa haysaane ha ka baydhina…wasiirkan sujuuga ah waa la garan karaa ujeedada diisa…waa lacagtii lagu cuni jiray nayroobi baa go ‘aysa ee please walaalayaal yaan laydinka dhex FAA ‘idaysan.
[...] Taken from: Kenya Oo Ku Eedeesay Shariif Sheekh Axmed In Uu Ka Dambeeyay Weerarkii Ka Dhacay Hottel Jazeera [...]
Kenya Siyaasad ma taqaan sida loo dagaalamana ma taqaan, Diplamaasiyada waa Wadan aad ugu aradan runtii, waxayna ku fashilmeen Arintii badda, Qofkii hor istaagay oo ugu horeeyayna wuxuu ahaa Shiikh Shariif marka Kenya yay waalaysaa, ma laba wiil baa ogolaan lahayd inay Shariif dartiis isku qarxiyaan Sheekay ku nacay. Adeer kugu garnay sheekada.
kkkkkkkkkkkkkkk doqonimadii kenya soo ma soo bixin somaliya soomali baale, dalkayaga shisheeye ooma ogalin mar waxay leeyihiin shariif baa na dilayay marna waxay leeyihiim baa noo diiday in aan jubada qabsano. kkkkkkkkkkk dawlad qabiil kabaqaysa waa iitan,
kkkkkkkkkkkkkkkk
Waan jeclahay walaalahayga soomaaliyeed marka ay ra’yi midaysan wax ku wajahaan. Masha Allah baan leeyahay in ilahay codkeena mideeyay…………Allahu Akbar. Hadalka waa sida Faarah Macalin iyo walaalahayga kalaba u garteen. waxaa la rabaa in aan waxba noo qabsoomin oo tuhun, tafaraaruq, iyo kala yaac nala ku dilo………….Insha Allah Kenya waan fahanay Farax waa mahadsan yahay wax badan buu noo hiiliyey Faraax Macalin.
[...] Visit site: Kenya Oo Ku Eedeesay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed In Uu Ka Dambeeyay… [...]
Muudey Dhicisow Ahmed in uu balaayo ka tagayo horay baan ogaa, Gacan ku dhiigle horay buu u ahaa haddana waa kaa Kenya W.Arrimaha Dibadda ku cadeeyey.
Muudey Dhicisow Ahmed = Shiekh Sharif Shiekh Ahmed
Ey ey dhalay weeye adoonkaan. Wuxuu rabaa somalida inuu isku diro soomalida sh sharif waa madaxdeena wax kasta oo uu yahayna waa kurabnaa. Khaladkiisa iyo saxdiisana dowlad kale kama hadli karto
ASC. waxaan garnay guul aad iyo aad u weyn soomaaliya maanta iyo shalay isku mid maaha waa mahad alle marka xigta waa ka xurownay in nalesku kena diro hadii shariff ahmed uu ka danbeyay qaraxa dhacay oo lagu maganaa in madaxweyne hassan sheikh lagu dilo taa ma qarsomeso weey cadaan doontaa hadii alle idmo xaqa iyo laqdawada meel islama gasho qofkii u barero in uu dilo qof islaam ah isga ayaa ka dhib badan teda kale kenya ma qadan karto dhul iyo badba oo soo mali ledahay wadan kastana xududisa baded iyo mid bariba waxey ku talaa Documentig yaal UN taago oo dhul ah ama bad ah ma qadan karto cidna kama gadi karto taas waa in lagu jifto oo lagu soo kaco hadii alle idmo teda kale wadanka kenya hadii aan nahay soomaali waxaan u heynaa Abaal aan dhamaneynin waligeda waxaan ku nolnahay 22 sano waxaan ku heysanaa nabad iyo sharaf meel aan ku heysano ma jirto Africa sida nolaga soo dhaweyay kenya wadan african ah noma soo dhaweyn marka abaal dhac yeynaa sameen hadii aan nahay soomaali wixii siyasad waa siyasad 22 sano ayaan marti u nahay qof heyn karto malaha manta hadii lagu soo martiyo hoos ayaad ga guryamesaa marka cida ku heyso 22sano soo cid wanagsan maha waliba adigoo qaxoti ah ayaa ku ganacsataa cidna kula hadlin marka abaal dhaca ma ficna ok qeer ayaan idiin rajenayaa .
madaxwayne xasan alaha garabqabto warkaasna somali ma moga shariif dambiile wayahay dambiilana watageyan uu oo wa ninki hogamiyakoxedka sooceshay marka muxuukanaxaya kii tiyatarka ayuu ku bad baday kana wakubadbadaya lakin kankuxiga waa kii adiga layskugukaxirilaha . somali kursijeclaysi wakuwalanyihin waxkastna wa dhafsanayan madaxwaynaha inay dig nin unoqotanrajayn shariif kursigan meshuu garsiyay tuuloyin mgacabis sarakil dalacsiin shariif sakin inu laheshiiyo waxas iyo kabadan iyo waxanlatirinkarin kursiga unba u muuqday bes waxaas oodhana calafka ka waynaday heer uu dhaho madaxwayne shaqalaha villa somaliya ka shaqeya yanshaqada lagasarin buugaran umalaynmayo fayobi inayjirto nin miskina inu yahay buu arkay balse waalobaqaya alese nomaqado somali wxay aminen mantay xasan shiikh inuu yahay kii ay radinayen alaase og kursi inadeer iyo walaltonamalahn wale siyasad wa siyasad
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk raxanreeb maygu biloowden
Kenya habarteed eey usheegee!!
Kenya waxeey rabtaa madaxweynihii horre iyo kan danbe ineey madax isku galiso.
Walaalayaa yaana loo bixin doofaarta doofaartooda kale eey jirin!
Muqdisho Nabad baa ka dhalatay, Somalia weey israacday, intaas ayeey ka naxayaan!
Inta Nabada Muqdisho & Nabada Somalia ka xun, waxaan leeyahay KA NAXA OO NAFTA WAAYA!
ASC, dhamaantiin. Dhamaantiin dadka iga horeeyay Commentiga sida Somaliland Hero, Khadija, Wiil-Mudug, iyo Khadija, runtii waxaad tihiin dad waxgarad ah sida aad u fahanteen dhagarta wadanka aan dariska nahay ee Kenya. Sida uu xildhibaan Afeey ee Kenya sheegay hadalkaan wasiirka Kenya dhahay waa “hadal aan laga fiirsan”. Waxeey waliba aniga ila tahay in larabo in Somalida iyo Madaxweeynaha Cusub ee Xasan Sheik, iyo kii horeba la isku diro. Waxaa kaloo aan u arkaa in eey Kenya rabto in eey Madaxda Somaliyeed handado oo eey bah disho, marka maxaad ka filee shacabka caadiga ah ee Kenya kunool ee ka ganacsado iyo waliba kuwa qaxootiga ku ah. Waxaan shaki iiga jirin in lagu xadgudbo maalin kasta umada Somaliyeed ee meel walba ku rafaadsan. Waxaa iiga tala ah, in sidaan iyo si kaliidato aan ku jireeyno waligeen inta aan anaga kala qeeybsanahay oo aan u kala dhuumaneeyno dalal kale oo aan waxba naga karti iyo aqoon badneeyn sida Kenya oo kale. Waxaan ka codsanayaa Somali-Kenyanka dowlada Kenya kujira sida Afeey, Faarax Macalin in eey Somalida walaalahood ee raba in mar uun qaranka Somaliyeed dib loo soo celiyo eey u hiiliyaan, una sheegaan wasiirkaan xun iyo kuwa kale ee Kenyanka ah ee raba in eey Somalida kala qeeybiyaan in eey arrimahaas guracan dag dag u joojiyaan. Hadii kale waxaa dhaceeyso in gobolka geeska Africa oo dhan uu qiyaanada iyo lug gooyada inta kasoo baxdo aan wada holacno. Mahadsanidiin.
Kenyatiga waxaa ka soo burqatay xanaaq iyo nacayb ay u qabaan Dowlad ka hana qaada Soomaaliya. Alhamdulilaahi waa laga soo gudbay waqtigii Soomaaliya ay idinku qasbanayd. waxyaabaha ka hadlinaya Wasiirka waxaa ugu waaweyn, 1) Riyada Ceelasha Shidaal, 2) Hay’adihii iyo Safaaradihii Soomaaliya dunida u qaabilsanaa oo Caasimadda Mardhow u soo wada guuraya, 3) Ganacsato Soomaaliyeed oo hanti badan kala soo guuraya Kenya oo dib ugu soo laabanaya Soomaaliya, 4) World Investment oo si xowli ah uga bilaabanaya gayiga Soomaaliya min Soomaaliland iyo Kismaayo. Waxaas oo dhan waxay keenayaa in indhaha Caalamku u soo jeestaan Soomaaliya halkii ay u jeedeen Kenya. already hoteladii Nairobi waxay noqdeen firaaqo. oo Soomaalidii transitka ku mari jirtay waxay noqdeen kuwo si toos ah uga dega Xamar.
guul guul guul guul soomaaliya ha noolaato
gaalkaan nacaska mawaxa uu umaleeyey soomali in ay sidii hore tahay oo laisku dirikaro taas waxaan u arkaa in uu kufashilmay dantuu kalahaa oo ay ahayd in uu madaxa isku galiyo ummada soomaaliyeed oo rajada somaliyeed ay burburto taas iska ilow mxw shariif waa halyey somaliyeed kamana suutoowdo hadalkaas.
dadka garsoor horta doofaar qofka ma yiraahdaan ee wuxuu dhihi lahaa eeygaan eeyga kale uusan jirin.ee saxiiv xaafadaada sheego kalsooninadana ku qav ninkaan wax uu horey u ahaa gudoomiyihii maxaakiimta qaraxii valadweyne iyo shaamoo yaa ka danveeyey wasiiradii ku dhintay ee maxaakiimta la ahaa inta xamar la qarxiyey ama madaxa laga toogtay ma taqaan ee maxaakiimtii dileen soomaali caadifad xun ayey wax walva ku qariveen ee runta ka sheekeeya ama wax ha ka sheegina qof kale ee aamusnaanaanta jooga qof aan kalsooni ku qavina magaciisana ama magaaladiisa yaa waxuu ravo soo qoraya
game ka ay kenya ciyaarayso waa divide and rule meesha munaafaqad iyo isku dir ayeey ka wadaa wax kale oo cusub maaha
Soomaliyeey yaan la dhageysan kenya , waxaanse ku talin lahaa waa in cidankeeda la noqotaa asap ciidamadeena soomaliyeed oo hada diyaarka ah waa in la geeyaa kismaanyo iyo nawaaxigeeda , Kenya waxay rabtaa neey jambel utuurto Ex president & current one we both love them we have to , Waa inaan la shaqeeynaa Madaxweyne Xasan Ku ligeen waxaa nahay dowlad si aan xorimadeenii u soo ceshano & Sharafteenii , Waa Inaan la shaqeynaa Pr xasan una duceeynaa, Kenya waxaan u sheegi lahaa waa kaceynaa insha alah,Viva Puntland & Soomaalia
si hadii loo fiiriyo khasaara ma’ahan si kale hadii loo fiiriyana waa astaan xun sababtoo ah madaxweyne soomaaliyeet oo soo hogaaminayey 3 sano in lagu tilmaamo argagixiso iyo ciyaal suuq dee waa sumcad xumo,
dhanka faa’idada hadaan ka hadlo, dad badan oo reer puntland ah, kuna nool puntland waxa kaliya waxey jecelyihiin iney ku noolaadaan muqdisho iyagoo ka fiirinaya dhanka maciishada iyo cimilada, oo waxaa laga yaabaa dadkii reer puntland in ey muqdisho u carareen hadii ay aaminaan reer muqdisho, laakiin arintan kenya kashiftey waxey naga caawineysaa reer puntland in aysan aamini karin reer muqdisho, loool, waa iga kaftan, si kalena waa iga dhaboo cabsi baa igu jirta in loo yaaco muqdisho,.
Gorillahaas inuu sidaas u hadlo anaga ayaa sabab u ah oo dadka aduunkoo idil noo arkaan inaan nahay dad is neceb waana run qoff walbo ayuu ku jiraa nacaybkaas.
Sheekh Shariif ha wasyqaynin shurufle yahow. Dhiiglaawayaasha dalkooda qaxooditiga ku ah ilaah ha tuso dakooda
WALEE KENYA GAFUUREEY WARKEEDA SOOMALIYOODHAN WAY GARTEEN WAXAY KAXUNTAHAY RAJADA USOO IFTIINTAY OO CAQABAD KUNOQON DOONTA SHIDAALKI AY RABTAY INAY KA QODOTO SOOMALIYA KENYAAY HAKUGUTAAGNAATO QARAXII WAXAAKADAN BEEYAY AL SHABAAB WAAN ALAWADA OGYAHAY SHARIIFNA SHAQO KUMALAHA MADAXWEYNE XASAN AYAA SUTIDA U QABAN DOONA DAMACIINA WAALIDAA
Habarta Sankadhuudhiga ah, fulaynimo ayay la xaareysaa.Weligood may arag meel lagu dagaallamayo ama xabbad nool la isku ridaayo.
Sheekh Shariif boqol weerar iyo qarax ayuu u dhabar adaygey, noloshiisa maalmeed ayey ka mid noqotey wax weyn oo cusub uma arko.
Tan kale, Shariif wax isqarxiya shuqul laha waa nin Allaah ka cabsi leh oo dadkiisa jecel.
Labada madaxweyne waa walaalo lagamana filaayo waxa maangaabkaas sankweynleh uu ku fekeraayo. Sheekh Shariif ma waxuu ka rabey inuu baroorto oo uu jidadka ku ooyo.
Fulayada xaarka weyn waddankooda ha ku laabtaan haddey rabaan, iney shacab laayaan mooyee ma haddey noo dagaallameen. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeedayaa ku filan Kismaayo qabashadeeda.
Soomaaliya iib ma ahan.
Waxay ilatahay in baadhitaan madax banaan lagusameeyo arrintan hotel jazeera waayo waxay soomaalidu ku maah maahdaa hubsiino halbaa lasiistaa
Kenya waalojawaabay oo waxaa u jawaab xuuseen carab oo dhamaan fashiley waa inaan diyaarinaa mashruuc cusub oo kasoo horjeeda qorshaha kenya oo wax dan ah ugu jirin shacabka soomaaliyeed walaalayaal sidaa la socotaan kenya waa dowlad ka xun hurumarka ay gaareen madaxda soomaaliyeed sxb kenya wadkeedii ayaa galay waa deg deg wadanka uga baxaan ma doonayno jareerta gaala madowda iyo dabadhilifkooda waqooyi bari waa la ogaa waxay u geesteen qaxoodigii dagaalada sokeeye abaartii dadkii barakacay
Kenya way ka xun tahay is raaca somaliya ,Habar dhali wayday aleelo ku waalatay, Somaliya manta wadada toosan ayay cagta saartay umana baahna isku dir & jahwareer, cadeyn xumadiisa igu daran
SOMALIYA HA IS RAACDO SOMALIYA HA MIDOWDO
Xildhibaan Maxamed Affey arrintaas oo ku tilmaamay mid taxadar la’aan loo dhahay Wuxuu sheegay in eedeentaas ku wajahan madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ay jahwareer ku keeneyso dowladda cusub iyo xasilinta dalka Soomaaliya. waa hadal nin mas’uul ah
lakin in la iska hadlo ma’ahan sida Bidaha arimaha dibada kenya
waar odayga ugaalidaada iska cun yaa yidhaahda soomaaliyi tashatay maanta e sayidkii baa laga hayaa ma yamyam iyo qadaad wayn baa layga hahayaa hada kenya ayaa badeena iyo berrigeena laga hahayaa sheekh shariif wuu ku marmarsoonayaa oo adoonkani wuxuu rabaa in xamar buuqa ku sii jirto waayo haday xamar hagaagto 16 ka kun ee kenyanka ah ee u shaqeeya hayadaha saldhigoodu yahay nairobi ee soomaliya laga maamulo xaguu shaqo looga keenayaa kenya burburkeenay ku caano maashay