Kenya Oo Qiratay In Ay Madaafic Ku Garaacday Kismayo [Warbixin]
Nairobi [Radio RBC] Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay sheegtay in ay ka dambeeso duqeynta xiriirka ah ee lagu hayo magaalada dekadda leh Kismaayo oo ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.
Afhayeen u hadlay ciidanka Kenya Colonel Cyrus Oguna ayaa BBC-da u sheegay in duqeyntaas ay qeyb tahay cadaadiska ay ku hayaan ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa AMISOM siddii Al-Shabaab looga qabsan lahaa Kismaayo.
Sida ay sheegayaan dadka goobjoogayaasha Al-Shabaab ay dib isku xoojinaya kuwaasoo dagaal yahano badan keenay magaalada si ay isaga difaacan ciidamada huwanta ee magaalada ku soo feel leh.
Dadka magaalada ayaa bilaabay in ay ka cararaan guryahaooda.
Ciidanka AMISOM ayaa doonaya in ay qabsadaan Kismaayo, oo ay ku taalo dekadda dhaqaalaha badan uu ka soo galo Al-Shabaab oo xiriir la leh al-Qaeda.
Magaalada ayaa la sheegay in maalmahan ay ka socotay duqeyn, taasoo aan la aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Qaar badan oo ah dadkii ku noolaa magaalada ayaa la sheegay in ay gaareyn magaalada Muqdisho kuwa kalena waxa ay ka tallaabeen soohdinta Soomaaliya ay la wadaagto Kenya.
Magaalada waxa laga baqayaa in ay dagaallo xooggan ay ka dhacaan, waayo Al-Shabaab xoogeeda waxa ay isku geesay magaalada Kismaayo.
Bishii la soo dhaafay. Al-Shabaab waxa ay lu misay magaalada Marka oo ah dekadda seddaxaad ee ugu weyn Soomaaliya, marka laga reebo Mogadishu iyo Kismayo, kaddib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay la wareegeyn.
Bishii June, ayaa ra’iisal wasaaraha Kenya Raila Odinga waxa uu ka codsaday Marekanka iyo Midowga Yurun in ay siiyaan dhaqaale gar-gaar oo ay ku qabsanayaan magaalada Kismayo.
Kenya ayaa ciidan u soo dirtay Soomaaliya sannadkii la soo dhaafay, kaddib markii Al-Shabaab ay ku goodisay in ay weerari doonto Kenya.
Kenyan waxa ay askarteeda ku biireen howgalka AMISOM waxana hadda ay tiradooda gaareysaa ku dhawaad 18,000 oo askari.
Al-Shabab,oo xiriir weyn la leh al-Qaeda, ayaa ka baxday magaalada Mogadishu sannadkii la soo dhaafay, kaddib markii dagaallo xooggan ay ku qaadeen ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda.
Laakin Al-Shabaab wali waxa ay maamulaan deeganno ku yaalo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Bishii July, ayaa QM waxa ay warisay in dhuxasha laga dhoofiyo Kismaayo iyo Marka ay ka caawisay Al-Shabaab in ay helaan Malaayin dollar, taasoo keentay in golaha ammaanka QM uu soo rogay in la mamnuuco dhoofinta dhuxusha.
Dalalka loo dhoofiyo dhuxusha laga qaado Soomaaliya ayaa ah wadamada iskutaga immaaradka carabta iyo dalka Saudi Arabia sida lagu sheegay warbixinta QM.
Sannadkii 2011-ka ayaa dhuxusha laga dhoofiyay Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta waxa ay kor u dhaafeysay sagaal milyan ama 10 million oo dollarka Mareykanka.
RBC Radio
====================
Xafiiska Wararka Nairobi











