Kenya oo Qiratay in Dil Dad Rayid ah Ciidamadeedu Ka Geysteen Deegaanka Janaay Cabdalla (War Saxaafadeed)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) War saxaafadeed laga soo saaray xafiiska wasiiru dawlaha wasaarada gaashanshiga Kenya ayaa lagu xaqiijiyey in ciidamada Kenya ay geysteen fal dil ah oo ay kula keceen dad rayid ah maalintii shalay deegaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii 60-km u jra magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ay baarayaan falkaasi.

“Goor dambe oo shalay gelinkii dambe ah ayaa dhowr ruux oo rayid ah waxay ku soo dhowaadeen meel ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya “KDF” halkaasoo ciidamadu ay rasaas ku fureen iyagoo dilay 6 ruux” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

War saxaafadeedka ayaa intaa ku sii daray; “Taliyaasha AMISOM, Ciidamada Kenya iyo ciidamada dawlada Soomaaliya oo kaashanaya odayaasha deegaanka ayaa baaritaan ku haya dhacdada. Baaritaanka ayaa soo saari doona natiijada waxaana la qaadi doonaa tallaabo ku haboon”.

War saxaafadeedkan oo uu ku saxiixnaa Col Cyrus Oguna oo ah afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Kenya ayaa lagu sheegay in Kenya ay tacsi u direyso dhamaan dadkii waxyeeladu ka soo gaartay weerarkaasi ay geysteen askarta Kenya ee ku sugan deegaanka Janaay Cabdalle.

Xasuuqa Janaay Cabdalla

Sida dad deegaanka ay u sheegeen Raxanreeb shalay [Axadii] ciidamada Kenya ayaa si bareer ah u toogtay dad ku sugnaa goob suuq ah oo deegaanka Janaay Cabdalle ka tirsan halkaasoo ay ku dileen toddoba ruux oo rag ah kuna dhaaweceen hal ruux oo kale oo xaaladooda ay culus tahay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo telefoon kula hadlay Raxanreeb ayaa sheegay in dadka la laayey ay ahaayeen reer miyi socoto ah oo sonkor ka iibsanayey meel dukaan ah kuwaasoo ciidamada Kenyanka ay qabteen markii hore iyagoo nool kadibna ay si ka gaarsiis ah rasaas ku fureen kuna dileen 7 nin hal meel.

Ma jirin wax dagaalk toos ah oo xilligaasi tuulada ka socday inkastoo uu dhamaaday weerar culus oo dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya duhurnimadii shalay.

Dhacdadan waxaa cambaareeyay afhayeenka AMISOM Col Cali Aadan Xumud oo saaka mar uu idaacadaha la hadlay sheegay in AMISOM ay baareyso wararka sheegaya in askarta Kenya ay si bareer ah u toogteen 9 ruux oo reer miyi ahaa oo ku sugnaa deegaanka Janaay Cabdalle maalintii shalay [Axad 23/09/2012] kadib dagaal iska horimaad culus oo ku dhexmaray ciidamada Kenya, kuwa dawlada iyo ciidamada Al-Shabaab.

“War naxdin leh baa naga soo gaaray halkaa, waxaan cadeyneynaa in aanu baareyno wixii dhacay, AMISOM waxay ballanqaadeysaa in la soo qaban doono askarta waxaasi ku kacay…” ayuu yiri saaka yiri Col Xumud.

Saraakiisha Soomaalida oo xasuuq ku tilmaamay

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada Soomaalida ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Kenyanka ayaa falkaasi si kulul uga hadlay iyagoo ku sifeeyey xasuuq bareer ah.

“Askarta Kenya ayaa si bareer ah u dilay dadkan rayidka ah, waxaa kaloo jiray dad kale oo ay Kenyanka dileen, waxaan ugu baaqeynaa dawlada Soomaaliya inay Kenya kula xisaabtanto xasuuqa shacabka ee gobolka ka socda” ayuu yiriCol Aadam Xersi oo ka tirsansaraakiisha ciidamada dawlada ee ku sugan deegaanka Janaay Cabdalle.

Dilalka rayidka loo geysto ee ay fuliyaan ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer dhacay, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in dil toogasho ah iyo duqeyn cirka ahba ay dadka rayidka ku laayaan Kenyanka iyadoo hay’adaha xuquuqul insaanka iyo danjiraayasha reer galbeedka xitaa ay ka qeyliyeen falalka ay geysanaan ciidamada Kenya.

Toddobaadkii hore danjiraha Ingiriiska u jooga Qaramada Midoobay Mark Lylall Grant ayaa duqeymaha Kenya ee dhanka badda ku tilmaamay kuwo aan sharci ku fadhin isagoo ka digay in hawlgalada Kenya dad rayid ah lagu waxyeeleeyo. Halkan ka akhri hadalka danjiraha

AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA DAWLADA KENYA

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

9 Responses for “Kenya oo Qiratay in Dil Dad Rayid ah Ciidamadeedu Ka Geysteen Deegaanka Janaay Cabdalla (War Saxaafadeed)”

  1. Sama_Kataliye says:

    Gabar Soomaaliyeed ba waxaa laga hayaa in ay tiri “nin nooliba naago doon deynmahayee ma caawaa nuux naago doon yahay?” Marka, ma maantaa Kenyana naga qanimaysatay, iska daah anaka baa shilaalkaas isa saarnaye.

  2. Ali soomali says:

    Awalba waan ogeyn in Kenya aysan ka talaneynin dano somaliyeed, weligeedba kenya waxay xasuuqeysey shacabka Somaliyeed siba kuwa gudaheeda(NFD) laga soo bilaabo ilaa 1962 markii ingriisku ku wareejiyey NFD ilaa iyo maanta oo ay soo gashay dhulkii xorta ahaa, Dilkan waxaa ka mas’uul ah Alshaydaan sababtoo ah ayagaa u diiday dalkan inuu cagahiisa ku istaago kuna dhaartay inay somalia nabad ka dhaceynin. haddii somalia ay cagaheeda ku taagnaan lahayd kenya walaa itoobiya midna ma xasuuqeen shacab somaliyeed. intay alshaydaan dagaalka wadaan wax kasta oo shacbka ku dhaca ayagaa ka mas’uul ah.

  3. wadaad yare says:

    Sidaan hadda kahor sheegey waan canbaareyneynaa hadduu falkaasi jiro. Laakiin marna ma illoobeyno nagamana gedmaneyso in kooxda sheydaanku ku shaqeysto ee Shabaab aysan sina uga eed la,eyn dadkaas leyntooda. Dhankaad u dhigtaba eed ayey ku leeyihiin.

    Waan fahmayaa dadka careysan oo carada hal meel kula dhacaya oo aan kala qeybsamin.

    Laakiin

    Waxa shacabka dakanada usoo jiidaya aanan difaaceyn waa Shabaab

    Waxa shacabka isku ekeysiinaya oo haddana gadaal ka maraya waa Shabaab

    Waxa fitnada qabyaaladda doonaya iney ku dhex badbaadaan waa iyaga

    Waxa boorka ibliiska isku qarinaya waa iyaga.

    Xasuuqii B/Weyne iyo Shaamow iyo Hargaha iyo Saamaha raggii geystey ma Kenyey ahaayeen?

    Raggii saxafiyiinta gumaadey ma Kenyay aheyd?

    Af gobaadsiba haka ahaatee waataas Kenya leh waan ka xunnahey oo waan baareynaa ee intaas Shabaab mallaga hayaa?

    Mise Ilaahey ayey ku xamdiyaan fal denbiyeedkooda?

    Cawaankii marba dhinac u cararaya oon cadowgiisa aqoon yeelkadiis. Laakiin cadowga koowaad ee soomaalidu waa Al Shabaab. Oo ah awlaadu sheydaan.

  4. Zack-London says:

    somaliyeey maanta adigaa meshaas isdhigey markaa calaalka naga daaya

  5. Kalafoge says:

    Axadkaan wadaadyare labaxay Waxaan leeyahay
    Duf iyo dooriso alle kugu bixiye mawaxaad qiil
    Uraadinaysaa gaalada xasuuqday dadka
    Walaalahaa ah anigoo malaynaya in qabyaalad
    Kaa hadlinayso oo aaminsa gaalka anaa wata
    Ee yaan wax laga sheegin,wallaahi shabaab
    Waa

  6. Kalafoge says:

    Axadkaan wadaadyare labaxay Waxaan leeyahay
    Duf iyo dooriso alle kugu bixiye mawaxaad qiil
    Uraadinaysaa gaalada xasuuqday dadka
    Walaalahaa ah anigoo malaynaya in qabyaalad
    Kaa hadlinayso oo aaminsa gaalka anaa wata
    Ee yaan wax laga sheegin,wallaahi shabaab
    Waa kasoo horjeedaa laakiin Waxaan kasii
    Nibcahay gaalada iyo kuwa u naageeya

  7. Dahabi says:

    Dadku haday nabad rabaan waa inay iska jiraan al shabaab eey ku soo dhex dhuumato hadii kale waxaad la mid tahay al shabaab dhintey,waa khaa,imiin nimankaasu.

  8. mudug says:

    kenya waa cadow balse waxa igala cadowsan website yada somalida ah ee u nacam laynaya ee qarinaya dhiiga shacab somaliyeed ayagoo markaa isleh beeshiina ayeey kenya taageeraysaa shalay website yo waxan galay raxanreeb xita ku dhaleecaynaya maxay shacabka la-laay u sheegtay acuudka walle jahligu wa dhib

  9. Ali soomali says:

    Ku: kalafoge- waxaad ka mid tahay shayadiinta la iska rajiimo markaad u geftay WADAAD YARE oo runta ka sheegay Alshaydaan iyo waxa ay dalka ku hayso, waana runtiis dalkan wixii xumaan ka dhaca cid kastaba ha sameyso waxaa ka mas’uul ah alshaydaan waayo ayagaa dalka wax kasta uu dowlad ku noqon lahaa u diidan, waxba ha jaa’ifin wadaad yare oo runta abaaray.

Leave a Reply