Khilaafka Kenya Iyo Amisom, Danaha Isdiidan Ee Ku Wajahan Jubbooyinka; Run Aan La Qarin Karin (Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Khilaafka soo ifbaxay ee ka dhex taagan wadamada Kenya iyo Uganda ee ku wajahan hawlgalada Soomaaliya waa mid bannaanka yaal oo sina aan loo dafiri karin haba soo weynaado e labadii bilood ee ugu dambeysay kadib markii masuuliyiinta labada dhinac ay muujiyeen in midba dhanka kale uu ka horjeedo.

Haddaba si wax badan looga fahmo halka sartu ka qurunsan tahay illaa hadda waxaa muhim ah in faahfaahin laga bixiyo waxa uu rasmi ahaan ku salaysan yahay khilaafka labada wadan ee sidamuuqata u soo shaac baxay.

Khilaafkan ka dhex aloosan labada wadan oo xoogiisu ku wajahan hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya waxa uu ku saleysanyahay saddex arrimood oo kala ah;-

Danaha Qarsoon ee Kenya

Waxa la ogyahay in dowladda Kenya qorsheysay islamarkaasna bilowday meelmarinta ceelal shidaal oo laga qodayo xudduud badeedka Soomaaliya [Akhri warbixin] taasoo Soomaaliya baarlamaankeeda uu diidey islamarkaana dowladda Soomaaliyeed ka goos adeygtay meelmarinka heshiis meel dhaxaaad ah oo laga gaaro arrinkaa isaga ah.  Uganda waxay fahamsan tahay haddii dhulka iyo ilaha dhaqaalaha Soomaaliyeed faraha lala soo galo iyada oo waliba la isticmaalayo muruqa AMISOM maadaama Kenya ka mid tahay AMISOM, ay keeni karto in wadaniyiinta Soomaalida ay kici doonaan oo ka hor iman karaan AMISOM maxaa yeelay sheekadu waxay isu rogeysa dalal usoo shaqo tagay dhulka iyo ilaha dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed leeyahay. Sidaa darteed bay Uganda rabtaa in ka hortagto damaca dheeriga ah ee Kenya.  Akhri Madaxweyne Musefeni oo ka tuhun qaba qorshaha Kenya

Arintan waxaa qaba dhamaan saraakiisha wadamada kale ee AMISOM ooay ku jiraan kuwa Jabuuti iyo Burundi oo Uganda ay isku aragti ka yihiin qaabka uu socdo hawlgalka AMISOM ee gudaha Soomaaliya.

Afhayeenka AMISOM Col Cali Aadan Xumud oo Raxanreeb ay weydiisay dhowaan sida uu u arko hawlgalada Kenya ee gobolka Juubada Hoose, wuxuu si cad u qiray in taliska AMISOM ee uu isaga afhayeenka u yahay aysan wax xog ah oo sidaas u buuran ka heynin dhaqdhaqaaqa askarta Kenyanka.  Col Xumud wuxuu kaloo ka careysan yahay wararka sheegaya in Kenyanka dagaalkooda Al-Shabaab ay wax kale u wehliyaan arintaasoo warbaahinta iyo shacabka Soomaalida beryahan aad uga hadlaan.

Uganda iyo hogaaminteeda AMISOM

Uganda waa wadan khibradda dhinaca ciidanka kaga horreeya Kenya islamarkaana leh ciidamo farabadan oo daadsan min Ciraaq illaa Afrika; sida Suudaan, Afrikada Dhexe, Congo, Rwanda IWM.  Ka sokow inay awood dagaal leeyihiin ayaa hadane waxaa lagu yaqaanaa dulqaad iyo tixgelin ay siiyaan dadka iyo dalka ay had iyo jeer u aadaan NABAD ilaalinta taas waxay uga duwan yihiin Ethiopian-ka oo iyagu leh quwad ciidan laakiin aan lahayn anshaxa la mid ah kan Ugandheeska oo runtii la dhihi karo inay halbowle u yihiin ciidamada Soomaaliya jooga ee ku abtirsada dallada AMISOM.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Ciidanka Kenya ee ka tirsan AMISOM toos amarka ugama qaataan taaliyaha ciidanka AMISOM.  Markii ay Kenyaan-ku kusoo biireen hawlgalka AMISOM sanadkan bilawgiisii waxay islamarkiiba qoonsadeen sida Ugandheesku u yihiin “hogaanka” ee looga dambeeyo talada AMISOM marka xitaa la fiiriyo ciidanka Burundi oo ah ciidanka labaad ee ugu badan AMISOM oo hadane mar walba ah kuwo aad uga dambeeya texgeliyana khibradda  Ugandheeska arintaasoo ay Kenyaanku liqi waayeen maadaama ay yihiin wadan dhaqaale ahaan iyo muhiimad ahaanba ka sarreeya Burundi isla markaana isku arka inay ceeb ku tahay ka hoos shaqeynta Uganda oo indhaha Kenyaanku u arkaan wadan aan macno iyo milgo ku lahayn Afrika kolka laga hadlayo kala muhiimsanaanta.

Bilawgii dagaalka

Kenya, markii hore dagaalka si iskeed ah ayay ku bilowday oo ma jirin cid ay uga heebaysatay markii bishii Oktoobar sanadkii hore 2011 ay gudaha u soo taraartay dhulka Soomaaliya.  Doodda ugu weyn ee ay dagaalka u gashayna waxay ahayd in Al-Shabaab ay xudduuda ka afduubeen shaqaale gargaar iyo dad dalxiisayaal ah. Iyada oo markaas kadib Kenya aragtay dhaqaalaha ku baxaya dagaalkan inuu yahay mid aysan awoodin sidaasi darteed ay khasab ku noqotay iney kula galgalato adduunka sida UN-ka oo ah “batrooniga lacagta bixinaya” iyo xeerka ogalaanshaha oo marka hore loo hoostagayo Midowga Afrika si loogu xalaaleeyo ka dagaalanka gudaha Soomaaliya iyada oo mar walba lala xiriirinaayo tirsiyada ogalaansho ee goloha amaanka.

Markaas ayay Kenya horey usoo qaadatay qalab military sida diyaarado iyo maraakiib aan sharci ahaan ku jirin qaraarkii golaha amaanka waana taas meesha ay Uganda markale qoonsatay, sababta oo ah Kenya duqeyntii ay dhawrka jeer u geysatay Kismaayo iyo deegaanada ku dhow dhow  ayaa dhalisay waxyeello soo gaarta dad shacab ah oo carruur iyo haween u badan, keentayna cambaareyn ka timaada hay’adaha xuquuqda aadanaha oo halis dhinaca sumcadda ah usoo jiideysa AMISOM.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Qaramada Midoobay Mark Lylall Grant oo toddobaadkan ka hadlay arimaha AMISOM ayaa si cad u cambeereeyey laba-wajiilenimada Kenya ee ah kamid ahaanshaha AMISOM iyo u hogaansanaa la’aanta shuruucda hawlgalka Soomaaliya.  Danjire Grant ayaa hadalkiisa ku cadeeyay “in maraakiibta Kenya aysan ku jirin hawlgalka AMISOM” taasoo muujineysa heerka dulqaad la’aanta ee xitaa wadamada Galbeedka ee taageera AMISOM ay arinta ka gaartay. Halkan ka akhri warbixinta

Qaraarka UN-ka ee ku aadan hawlgalka Midowga Afrika Soomaaliya (UN Security Council Resolution 2036) ayaa tilmaamaya qalabka lagu hawlgalaayo iyo hab dhaqanka hawlgalka intaba.

WAA KUMA AFHAYEENKA AMISOM?

Col. Cali Aadan Xumud (bidix) iyo Afhayeenka Ciidamada Kenya Chirchir.

Kenya illaa waxaa laga kari la’yahay inay aamusiiso afhayeenka KDF (Kenya Defense Force) Emanuel Chirchir oo si toos ah uga hadla dagaalada ka dhaca gobolada Jubbooyinka, halkii hawshaas uu nidaam ahaan leeyahay afhayeenka ciidanka AMISOM Col: Cali Aaden Xumud.  Xitaa dagaalada ka dhacaya gobolka Jubbada Hoose lalama socodsiiyo taliyaha AMISOM ee Muqdisho haddiise ay ka tagi weydo taliska AMISOM iyaga ayaa si iskood ah u soo saara war saxaafadeed aaney Kenya kula jirin, markaas ciidamada Kenya maba moodid inay ka tirsan yihiin hawlgalka AMISOM ee ay magaca kaliya ka sheegtaan.

Tusaale ahaan; 2-dii bishan Sebtembar afhayeenka Kenya Emmanuel Chirchir iyo taliyaha guud ee AMISOM Andrew Gutti ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay askar Kenyan ah oo lagu waayey dagaalkii ka dhacay deegaanka Miido [Halkan ka akhri].

Arin kale oo saraakiisha Uganda ee hogaamisa AMISOM ka careysan yihiin waxay tahay in marka ciidamada Kenyanka ay guul garaan waxay u tiiriyaan taliskooda KDF, haddiise ay dhacdo guuldarro sida dagaaladii Miido waxay u saariyaan AMISOM taasoo Ugandha u aragto sharaf dil iyaga lagu hayo.

Bishii August ee sanadkan, markii diyaaradaha helicopterada Uganda ay ku burbureen buuraha Mount Kenya, madaxweynaha Uganda Yuweri Musefeni wuxuu muujiyey shakiga weyn ee ku hareereysan duruufaha ka dambeeya burburka diyaaradahaasi. Wuxuu Musefeni sheegay in diyaaradahooda aysan u dhicin cilad dhanka hawada ka timid balse “la shirqoolay”.

La safashada qabiilada qaar

Prof Maxamed Cabdi Gaandi

Arin kale oo bar madow ku noqotay duulaanka ciidamada Kenya, waxay tahay inay u janjeeraan mid ka mid qabaa’ilka Jubooyinka- gaar ahaan beesha hogaamisa Jabhada Raskambooni oo aan iyagu hoostegin taliska ciidamada dawlada Soomaaliya, qabiilada kalana ay u arkaan in Kenyanka ay naasnuujinayaan,  taasoo haddii aan laga digtoonaan keeni karta in Al-Shabaab taageero ka helaan qabiilada laga tagay ee aan xaqooda laga qeybgalin maamulka.

Khilaafka kuma eka Kenya iyo Uganda ee marmar waxa uu lugaha lasiigalayaa gobolka oo dhan sida Ethiopia oo kale oo iyaduna ka biyo diidsan Jabhadda Raaskambooni, maamulka Azaaniya ee Prof Maxamed Cabdi Gaandi iyo beesha Absame oo ay Ethiopian-ka uga cabsi qabaan haddii ay Kismaayo ku xoogeystaan labadan kooxood inay  mijoxaabin ku tahay danaha iyo ammaanka dalka Ethiopia sababtuna tahay jabhadda ONLF oo sida la ogyahay gacansaar dhaw la leh deegaanada Jubbooyinka iyo NFD (Waqooyi Bari Kenya). Ma cadda sida Ethiopia ka yeelayso cabsidaas ka haysa beesha uu ururka ONLF ku tiirsanyahay ee iyada colka la ah; laakiinse mid baa la hubaa illaa hadda taasoo ah in Ethiopia ay ku taraxeyso maamul walba oo ka hirgala Jubbooyinka rag ka soo jeeda beelaha kale sida qabaa’ilka kasoo jeeda gpbolka Gedo oo uu horkacaayo Col. Barre Hiiraale iyo beelaha teedsan jidka isku xira Xamar iyo Kismaayo oo inta badan loo arko inay dheelitir u yihiin loolanka maamuleed ee Kismaayo, haddana xuddun u ah khilaafka ka dhex aloosan Kenya, AMISOM iyo Uganda.

 

 

_____________________________________________________
Falanqeeyaasha Idman
RBC Radio, Raxanreeb.com

Use Facebook to Comment on this Post

Share

48 Responses for “Khilaafka Kenya Iyo Amisom, Danaha Isdiidan Ee Ku Wajahan Jubbooyinka; Run Aan La Qarin Karin (Warbixin)”

  1. Durraan says:

    Waa Warbixin iga yaabisay islamarkaana daahfureysa xog aad muhiim u ah oo runtii aan ula dhacay sida loogu farayeystay…Qoraalka xeeldheeridiisa waxaa sii dheer luuqadda riiqa dheer ee aad hadba soo jeclaysanayso sida aqoonta luuqadeed iyo cilmiyeed ee loo dheelitiray. Marna ka daali meysid!

    Shacabka, waa in sidaan loogu adeegaa
    Aad baa idiinka mahadcelinayaa haddii aad tihiin bahda Raxanreeb oo runtii na tustay muruqyadooda aqooneed/caddaaladeed ee warbixinada noocan oo kale ah.

    Durraan

  2. Durraan Yare says:

    Haddii cid wax qor istidhaa waa inay sidan u lafo-gurtaa oo hadane runta u qotomisaa…Shacabkuna waxay u baahanyihiin had iyo jeer saxaafad sidan u hufan oo daaha ka qaadda balaayada kusoo beegan. Marka aan idiin mahadceliyo oo hadane idiin dhiirrigeliyo. Haddii wadanka nadaam dowladeed oo hagaasan jiri lahaa oo aan kala qobqobnayn, runtii abaalmarin baad ku heli lahaydeen hawsha noocan oo kale ah.
    Durraan

  3. yare says:

    Warbixinta waa mid heerkeeda sarreeyo oo aan nooceeda ku badnayn dagallada Soomaalida. Inaad dadasheen oo aad xogta si walba usoo tifaftirteen waa arrin bogaadin naga wada mudan. Dhawr su’aal ayaan islahaa ammey jawaab u baahanyihiin. Waxa isweydiin mudan haddii Kenyanku kusii dhiirradaan inay sii wadan OIL EXPLORING baaridda ceelaha shidaalka sidee laga yeelayaa?
    Ma waxa la isku sugayaa in Uganda uun difaacdo, mise madax wadanka ayaa bilaabaya calaancal?

  4. wadaad yare says:

    Waa warbixin mug leh, oo isku dheelli tiran. Ayna yartahey iney diyaariyaan weriyeyaasha soomaalidaa badankoodu maadaama ay u badanyihiin dad da, yar oo saxaafadda aqoon iyo khibrad aan u laheyn.

    Maqaalku waa xog jirta soo gudbinteede qoraagu fikraddiisa kuma uusan darsan. Laakiin waayeel hortiisaa caano lagu barxaa weeye oo markaas sidii laga yeelayo xogtaas waxey u taallaa ciddey khuseyso.

    Shabaabku ama Alqacida sidoodaba waa nasiib xumadooda iyaga iyo dadkey u martiyaane waxey huriyaan dab weyn oo khatar ah oo aysan iyagu marna maareyn karin natiijadiisana aysan xataa waxba ku yeelan karin.

    Iyagu waa xaabo dabkaas ku shidmaya, laakiin weligood ma noqdaan kuwo dabka ay shidaan wax faa,iido ah ku yeesha. Dadyow kale oo iyaga cadow u ah kase aqli badan ayaa juhdigooda ka faa,iideysta oo danahooda ku fushada colaadda Alqacida abuurto.

    Hadda arrinta Jubbooyinka waxey cid kastaa sugeysaa inta kooxdaan majnuunkaa meesha laga saarayo. Markaas kaddib ayuu billaabanayaa loollanka dadka miyirka qaba ka dhexeeyaa. Hadda majnuun seefta la ordaya oo hadba meel ula boodayaa jira. Markii isagaas meel la iska wada mariyo ayaa war yaallaa.

    Warku wuxuu u yaallaa:

    1. dowladaha faraha kula jira arrinta Soomaaliya dhexdooda. Ugana vs Kenya iwm

    2.Dowladda soomaaliyeed vs Kenya(waa haddey kenya dan u gaar ah iyo dad gaar wadatee).

    3. Qabaa,ilka soomaliyeed dhexdooda haddeysan helin awood neutral ah oo wax u qeybisa kalana hagta.

    Waxaasoo dhanse waxey ka danbeeyaan inta majaaniinta meesha laga ceyrinayo. Waxaana dhici karta in majaaniintu ku cimri dheereystaan caqabadahaas iyo cuqdadahaas jira.Oo qabaa,il ay ka dhigtaan majaaniinta xoog ay iskaga dhigaan qolyaha kale ee loollanku ka dhaxeeyo.

    Aan aragno xaajadu meeshey ku danbeyso. Laakiin marna waxeysan aheyn in laga xumaado in majaaniinta meesha laga fiijiyo. Dad miyir qabaa ama ha dagaaleen ama ha heshiiyeene wax waalan oo aan naftiisaba u naxeyn in wax lala wadaago wax ka liita anigu ma ogi.

  5. Reer Buula Abliko says:

    Warbixintaan oo kale mar walba noosoo sammeeya. Ciidamada shesheeye ee wadanka ku sugan waa in sidaan had ba warbixintoosa shacanka u helaa. Wadamada reer galbeedka media-yaha ayaa GARWADEEN u ah oo ilaaliya. Maamuladooduna way ka baqaan..Laakiin Soomaaliya waxa dilootay saxaafad macno yar oo aan sidaan shacabka aqoontooda iyo macluumaadkooda dhiseyn…. Ilaahey ha idiin garab galo.
    Dahhir

  6. Reer Jaanka Ceeldhiig iyo Ceel Dhurow says:

    Waxaan ku dhashay Ceel dhiig oo Kontaroolka Kismaayo laga galo dhinacaa badda ka xiga. Si aan ugu laabto Dhulkeyga aan jeclahay waxaan rabaa ina cadowga laga xureeyo oo aan khilaaf AMISOM iyo mid Soomaali dhexdeeda ah aan midna nala soo dhexgalin…waxaan Soomalida dhammaanteed iyo adduunka caawinta noogu yimidba u sheegaa in cadowga nalaka xureeyo oo dadki reer Kismaayo gacmaha isqabsadaan…Khilaaf naga daaya dhexdeena ah.
    Shukran
    Farxiya

  7. soomaali says:

    Qoraalkani wuxuu u eg yahay mid fadhi kudirir waayo wax cad oo lataaban karo iyo wax aan lataaban karin la isma soo garab dhigo gabagabadii qoraalkani wuxuu u egyahay mid siyaasad hore oo beesha absame kasoo gudubtay oo ahayd onlf ayaa kismaayo qabsanaysa kadibna ethiopia ayay caqabad kunoqonaysaa in ladaliishaday laakiin arrinku sidaas maaha wajigani waa waji cusub ee haku wareerina

  8. soomaali says:

    waa warbixin runtii la rumaysan karo oo xaqiiqda jirta u dhow, waxa uusan marnaba shaki ku jirin in wadan walba oo soomaaliya hal doolar siiya uu ka leeyahay dan boqolaal malyan ka qaalisan, hadaba maxaad ka malaynaysaa wadan u hurey naf danaha uu ka yeelan karo, inagoo isla qirsan nafta iyo maalku meesha ay kala joogaan. dhanka kale markaan ka hadalno kenya iyo ugandha waxa u dhaxeeya farqi weyn ugandha xuduud inama leh dano ina ka dhexeeyana ma jiraan haddi maanta wax ina dhexmaraana in safiirada la kal qaato mooyee waxba isma yeeleyno inakuma soo duuli karaan oo diyaarado iyo maraakiib ina kuma soo kicin karaan inaguna ma aadi karno dadka ina ka joogana si fudud ayey uga iman oo hanti ma gooraan ah kuma laha, hase ahaatee kenya intaas aan soo sheegay oo dhan cagsigeeda ayaa ina ka dhexeeya si fududna kuma kala tegi karno oo dagaal aan dhammaad lahayn ayaa ina ka dhexeeya ama ha qarsoonaado ama ha muuqdee. waxaan jeclaan lahaa markale inaan wax ka qoro danah kenya ay ka leedahay soomaaliya. waad ku mahadsantihiin akhrinta qoraalkaan, raalina ka ahaada haddaan waqti idin ka qaaday.

  9. HAARUUN says:

    RAXANREEB QORAALADIINA WAA LA IDIN XADAA EEGA KAN WAA MOORYAANTII WAX IDIN KA XADI JIRTAY
    http://www.galcad24.com/?p=6720
    TUUGADAAN WAA AY IDIN GAADAAN MINDHAA GURI TUUGANIMO AH BAA LAGU SOO BARBAARIYEY

  10. burhan says:

    absame waa tashaday ee ninyahoow danahada ka raaca.waxba calaacalka jooji and byeeeeeeeeeeee

  11. cadaani says:

    WADAADYARE ishaad kariday intaan oranlahaa uunbaad tiri ku celinmaayo lakiin waxaan kudarsanlahaa shabaab iyagaa dhibanayaal ah waxayna dhibanayaal u yihiin hogaankooda aan miyirka qabin waxaan hubaa rag macquula inay kujiraan laakiin fursad la, wali sida sh xasan daahir oo hada talo farahiisa kahaaday iyo kuwo badan oo rajaynaya fursaday oo gasoo goostaan iyo duruuf usaamaxda

  12. saalna kadib walalaalayaal wad ku mahdsan tihin dadaalka aad ku bixisen maqaalkan ,

    laakin waxan ku talin lahaa in aan la ifin waxa ka dhaxeeya qabaailka soomaalida waayow ax bey sii kordhineysaa

  13. jubbaman says:

    Waxaan moodi jiray websidekan iney leeyihiin niman agaalada muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, Jubbaland waxaa majority ka ah. Waa la mideynayaa, dowladda Jubbaland ee somaliya waa la dhisayaa, dadka Jubbaland oo dhan’a

  14. Bishaaro says:

    asc wr wb bahada warbaahinta Raxanreeb waa idin salaamayaa salaanka kadib hawbixina tuugada caadaysatay xatooyada wararka Raxanreeb waa shabakooyin aanba tayo lahayn oo waxay qoraan waayey nin dhiddidkiisbey xadayaan waa ku ceeboobayaan waana loo jeedaa asc wr wb

  15. jubbaman says:

    Sheekadan waxey la mid tahay sheekadi aheyd…”ITOPIYA WAA CADOWGA SOMALIYA” marki la rabay in la rido CABDULAHI YUSUF. FAR KALIYA FOWL MA DHAQDO!

  16. mohamed says:

    Hehhe. War U ganda waa wadan sabool ahi. You can not compare Kenya with Uganda In terms of logistics, Military hardware and training. Uganda Somaliya ayeey laweeyntahay

  17. mohamed says:

    Mida kale maxaa idinka gale Jubooyinka? Jubaland dad ayaa iskaleh. dad ayaa dhiiqooda usoo hure oo ingriis iyo gaala madhoow kula dagalaame.

  18. mohamed says:

    NFD iyo Jubaland gacan saar lalaeh kulahaa. War Ogaden is qaran isaga ayaaba wax iska ogeen. Kuwa NFD dago kali ayaaba wax iska ogeen kuwa kale daa warkood

  19. Ok waa maqal fiican lkn xoogaa qabyaalada ayaa ka muuqata, waxad iska horkenasan belaha degan j/hose
    marka iska dhaafa dani idiin kuma jirtee

  20. Jeego says:

    @Haaruun amaaba tahay adigu kan xadaya oo iska leh galcad24.

  21. sugaal says:

    Mahadsanid Raxanreeb. Goormaan idiinka abaalgudayaa xogta aad iga haqabtirtaan?

  22. qardho boy says:

    madaxweynaha musumaasuqa iyo lacagtii hayadaha gargaarka iyo dadkii tabaalaysnaa laga dhacay lagu doortay waa Ahmed sheikh maxamuud calasowe iyo kooxaha horbooda oo qabiilku waalay ayaa warbixintan aad moodaa inay ku lug leeyihiin.”Madaxweynuhu waa unuka caasumadana unukaa leh” waa waxa soomaaliya halkaa dhigay.

    bal aan idin xasuusiyee. ciidamada ugandheysku waxay madaafiic arxan dara ah oo aan loo meeldayin ku garaacayeen xaafadaha muqdisho oo dad shacabi degan yahay cid ka daba hadayshayna ma jirin, meeye hawiye action group xagee jireen, meeye odayadii Ahmed bililiqo iyo kaawadeeye xaad, meeye idaacadihii VOA( yabarow) iyo BBC(yussuf graad) walaahi bayan uga hadlin marka dadkooda la laynayey. maxaase hada is bedelay. qowlaysatada muqdisho waxay u arkaaan in kenya ay dan DAAROOD wado oo ayan dantooda wadin, waxay bilaabeen inay dhahaan bada kismaayo ayaa la dhacayaa, kenya qabiil bay u hiilinaysaa oo loola jeedo daaroodka. waxay dagaal af iyo adin ah ku qaadeen dowlada Ethiopia iyaga markaa daarood ka urinayey dantoodana aanan ka arkin. waxay ugaandheyska u arkaan saaxibadood waayo indhacade, shariif la soo warfiyey, xaaraan ku naax, ilqayte, kan hada la doortay waa Ahmad maxamuud calasow waxay hanti ku leeyihiin xaasaskooduna degan yihiin ugandha. ugaandheyska waxay u arkaan ianay iyaga la jiraan Daaroodkana ku xuuxiyaan.

  23. gundiid says:

    Uganda iyo jabutiba wexeey ka soo horjeedaan darood, ninka jabuti jooga waa kan sameeyaya xisbi la’yiraahdo Irir, wuxuu ku taliyay ra’iisul wasaaraha in laga dhigo nin dir ah, juboyinka aa awooda kaliya ee darood ee koonfureed oo si dhab ah ula xisaabtami karto qolada Muqdisho, musufiin hal dhag buu wax ku maqlaa, waxaa u caga jugleeya kuwa xamar heeysta oo yiraahda teena hadaadan ku socon waa loo yaabi askarta aad soo dirsatay marka dookh ma’laha musufiini in uu wax ka maqlo beesha xamar mooyee…tan labaad arinta wadaniyiinta somaliyeed, aan is weeydiino ma jiraan horta, hadeeysi jiraan xageey jiraan markii eey intaas oo ciidan shisheeye imaanayeen wadanka, ma hada oo shacabka juboyinka tashteen ayeey hurdada ka kaceen….xiligii itopiya naloogu caga jugleeyn jiray wuu dhamaaday, Melez bakhti, Tigreena xukunka laga qaa aan ka eheeyn ciidamada iyo sirdoonka, ONLF iyo itopiya wada hadal baa u socda oo kenya dhex-dhexaad ka ah, kheeyr allaha ka soo saaro wada hadalkaas…intaas ka dib waxaan ku dari, jubaland waa deegaan Darood, taladiisana wexeey ka go’daa Absame iyo Mareexaa, kuwa xamar jooga, jabuti iyo uganda waxba nooma dhimayaa, 2013 marka la gaaro kenya xukunkeedu wuu ka baxayaa gacanta dowlada dhexe oo deegaan kasto asaga ayaa ismaamulaya, reer garisa ayaga maamul goboleed sameeysan doona, waxa laga hortagayo waa awood dhaqale ee ka soo shaac bixi doonata jubaland iyo NFD isla markaana saameeyn ku yeelan doona siyaasada geeska africa, khaasatan jubaland oo sameeyn aan caadi eheey iyo miciyo la soo bixi doonta, aduunku dhaqaale ayuu ku socdaa, ninkaa dhaqaale heesan meel mari karo hadeeysan shisheeye kugu daneeysaneenin…..ilaa hada howlaha juboyinka xoog beey ku socdeen oo cid raali ka eheeyd ayaaba iska yar, hadana xoog beey ku soconayaan, cidna loo joojin maayo….dadbaa ku naf waayay, dadbaa shabaab ka xoreeysanaya, dadbaa loo qixiyay jubaland daraadeed, nin afka ka ciyay looma joojinaya.

  24. goosan ari ah says:

    very insightful and educative article about the somali politics and regional interests of the countries but we say kenya will not take one inch of ourland over our dead body we will not allow them to take our oil if they are for peace keeping they should join amisom but they one play 2 cards and 2 faces

  25. qaalid says:

    War kuwaan waxaan islahaa waa kuwa macquul ugaandha nabad jecel oo dadka u roon kulahaa hadaad xamar joogi lahayd marna saas ma tiraahdeen nomanyahoow dharagdhacsiga beenta joojiya
    ugaandha, iyo keenya iyo congo waxii alshabaab naga caawinaya in laga saaro kismaayo waa soo dhawaynaynaa waxii isku daya inay dhulkeena qaataan waa la dagaalaynaa kuwa cuqdada qabo oo raba in ogaadeen waligood la isticmaalana dabada laad ka galinaynaa kuwaan raxanreeb qora ma waxaa laydin yiri saamiga jubooyinka ma lihidin ? oo saas baad u bilaawdeen beenta walee waxbadan baa soo socda ha sugi waayin

  26. wadani says:

    waxaan u malayniyaa horta in sida aad wax uqorteen in aysan ahayn mid dhex dhexaad ah maxaa yeelay ciidamada ammison meelkasta oo ay yimaadaan ama soo galaan waxa lasocda maleeshiyo beeleed sida kuwa jooga baladwayne baydhaba iyo meelaha kale gobolwalbana soomaali way wada tagtaa markaas maxaa gaar kadhigay kuwa kenya runtu waxay tahay waxaa jiray 20 kii sano ee lasoo dhaafay in dad aan shaqo shaqadeed kulahayn kismaayo looga taag la aa .una suuro gashay in ay kataliyaan sidaasna isugumaleeyay dagaan midaasna waa mida ay soomaali eeday lakiin waxaan idiin sheegiyaa adeer waxba yaan been iyo propoganda lagu samaynin kenya iyo inta lasocota runtu waxay tahay soomaali qabiilbay isu dishay ukalatagtay afkana waxba haka leexinina waxa aad u jeedaan waa beesha absame laakiin absame go aan buu gaadhay wuuna israacay dalkiisa iyo dadkiisana wuu difaaci siwaagsana awood wuu ugu lee yahay onlf ethiopia way la heshiin ina ilayna way la heshiin keeska afrikana cadaalad way kadhici nina yaysan kaga dhiman ina madiisu kismaayo soomaalida kale ee dagaan ka ahna sibuuxda ayay uga mid noqondoonaan maamulka loosameeyo jubaland isbahaysiga dooxada jubana kismaayo waxba laga wadiinmaayo waad mahadsantihiin lakiin soomaalidu ilaa hada waxa ay awoodi la dahay in ay dib ugu laabato cadaalada

  27. GUEST says:

    Mashaallah, Qardho boy Meel fog ayaad wax ka aragtaa. Ilahey caqliga ha kuu barakeeyo.

  28. Abdul says:

    Dhamaan waan salamay akhrista yaasha raxanreeb. Hadaan dib uyara milicsado qoraalka raxanreeb waxaan filyaa qoraalkaan waamid ka fog xaqiiqada jirta maxaa yeelay waxaad soo qorteen onlf ayaa kis maayo qabsa naysa taasina mijirto kismaayo dadkii deeganka ahaay ayaa usocdo waana kaa saxayaa Onlf ayaa qabsanaysa tankele Ethiopia dadkay kabaqayso haday qabsadan maxaa ku Japan?Ethiopia soo tan maantay somali halkaas dhigtay soo mahan hadii magaran karo amanta iyo buun
    Buuninta aad uhayso bare hiirale iyo am xaaro waxaan lee yahay Sonomali wali mabislan mana garanayso waxa u. Wanagsan marlabaad waan idin salaamay,

  29. abu hudafa says:

    kkk waa wax sacx ah waa wax dadbadan ka maqnaah

  30. cabdiraxmaan says:

    asc waad salaaman tihiin marka hore, bacda salaam aad ayaan ugu farax sanahey qoraaga qormadaan sida hufan o wax ukala dhigdhigey waa qormadii labaad o bishan gudaheed ah xiligi doorasha iyo qormadii kusaabsaneyd heshiiskii labada shariif iyo xildhibaanadii qarashka qaatey iyo sidii aad u iftiiniseed kadibne hogaanka baarlamaanka idinku fahmey qorshihiine wax kabadaley sida moobeladi oo xildhibaanada laga qaadey, shaabad oo ey kensadeen, marti sharaftii oo loodiidey in ey baarlamaanka so dhexfadhiistaan.
    iyo warbixintaan oo aan layaabey aad baa ugu mahadsan tihiin asxaabey halka wariyayaasha kale kumashquulaan copy waxa ad qortaann warbixino badan oo adinka leedihiin oo aan ku arkey website yo kale inta ey raadsan lahaayeen wax sugan

  31. Gabal qariye says:

    war niman yohow war fican baad noo soo qorteen lakin waligiiba mid xunoo nacas ah ayaa warka fican warxun ka daba yiraaha

  32. Gabal qariye says:

    war niman yohow war fican baad noo soo qorteen lakin waligiiba mid xunoo nacas ah ayaa warka fican warxun ka daba yiraaha ..

  33. Gabal qariye says:

    war niman yohow war fican baad noo soo qorteen lakin waligiiba mid xunoo nacas ah ayaa warka fican warxun ka daba yiraaha !!!

  34. Moha says:

    Waa yaab alaa somali gormay afaara qaabil kaweynani baal ninka waxa ficila ah oo daadka usoo bandigayo bal ilaa arka walee waxaan waa adunyo sidaan webka umasiqoreysid malin umaad godki mugdiga ahaa lagu dhigi marka walalayalo aan qaabyalada iskadayno

  35. somali says:

    Jubooyinka qabiilo badan oo somali ah ayaa dagan ama 4/5 somalida maanta loo qeybiyey oo dhan ayaa ku nool sidaas darteed waa waxaan dhaceyn in beesha ogaadeen kaligeed qabsato ama loo qabto sababtoo ah somali waxa kaliya oo ey taqaan waa dagaalka beel iska dhicinta oo hore looma arkin beel dhulkeeda beel kale boobtay sidaas darteed beesha ogaadeen waxaan ugu baaqi lahaa kenyaatigu somaldia kalama jeclo ee dan buu leeyahay ee yuusan somalida kale idinku dirin.Somalida kale qaasatan beesha ugu tunka weyn konfurta somalida ee dagto konfurta gaalkacyo ilaa xuduuda kenya xil gooni ah ayaa ka saaran Gobolada Jubooyinka iyo ka hor taga damaca boobka ku dhisan ee Kenyaatigu la damacsan yahay dhulka beeshaas dagto,sidoo kale beesha iyaduna dagto koonfur galbeed ama laga soo bilaabo bakool ilaa kismaayo xil ayaa iyaduna ka saaran ka hor taga damaca boobka ku dhasian ee kenya wadato sidoo kale beesha Gado degto ayaa iyaduna xil ka saaran yahay ka hor taga damaca kenya aan isku soo wada duubo kenya shidaal tuugeysi ah ayaa u muuqdo oo dhag la qabta malaha laakiinse hadii xaalku sidaan ku sii socdo waxaan la hureyn in Kenya iyo Ugandka dagaal lagu hoobto uu dhax maro sababtoo ah Ugandha iyo Madaxweynaheeda Musavine somaldia aad eyey isugu dhow yihiin waana hogaamiyaha kaliya ee laga soo bilaabo 91dii ilaa hada isku dayaayey inuu dhinacyda somalida heshiisiiyo hadana waxaa ka go’an in somaliya noqoto wadan dagan oo leh ciidan xoog leh weyna ku mahadsan yihiin Ugandheska.

  36. Xaldoon says:

    Dastuurka Cusub ee maamulka jubbooyina loo sammeynaayo waxaa ku jira YAA U DHASHAY JUBBOOYINKA? 2 Jubbo/Gedo waxaa u dhashay qofkii oo AWOOWGII ku dhashay Jubbooyina/Gedo 1960-kii ka hor taasoo fudud loo sugi karo…Cid walba oo jeclaan lahayd inay iska sheegato ama boobto jubbooyinka/Gedo sakiin laq. Taas waxaa looga maarmi doonaa dadka dhul boobka u socda ee kasoo hayaamay gobolada kale ee Soomaaliya. Haddii ay dad ka biyo diidaan sheekadu way fideysaa oo cid walba kii ku beel ahaa ee gobol kale kasoo jeeday ayuu keenayaa taasoo ugu dambeyn dhalinaysa in 4.5-ka Soomaali wax ku qaysato ay Kismaayo turubka dib ugu baandheystaan!!! Waa haddii yaa deegaan asal ah la texgelin waayo oo nin jacleysi ay sheekada ka badan wayso.
    Daahir

  37. Bardaale says:

    Haddii aan dhammaanteen ku fekerno goobyar oo aan gobol ama degmo ka degno islamarkaana cadowgeena koowaad aan ka dhiganno jufooyinka kale ee nala dega innaga oo xaqireyna xaqa deegaanka iyo lahaanshaha shacabka Soomaaliyeed iyo wadajirkooda, islamarkaana ku doodeyna waxaa nala jaal ama saaxiib nala ah Ugandhees, Kenyan ama Ethiopian…Sow taa ma aha waxa faceen naga reebay oo aynaan ula tartami karin shucuubta aynigeen ah ee aduunka ku nool? Sow isla cudurkaa ma aha ka inoo diidey inaan ahaano dad laga heybaysto? Mise wali waxaan sii dhexmaquurannaa wax isu-ogalaansho la’aantii meeshan ina dhigtay? kasoo jeed deegaan walba walba, mid baa se lagaa doonayaa, waa inaad ka shaqeysaa danaha umadda Soomaaliyeed; isla taa ayaad ka heli ta qabiilkaada iyo jufadaadaba. Haddii kale waligeen meeshan uu qabiilka iyo kalaqeybsanaantu na dhigtay ayuun baynu isku caayi oo aan darxumo iyo qaabxumo oo noolaan doonaa.
    Farxiya

  38. wadaad yare says:

    Qofkii wax fahmaya ayaa garta qofka kale ee wax fahmaya! Qofkii mowqif iyo dan qabiileed iyo facts iskaga qasanyihiin marqaati maba ka galo iyo in wax laga weydiiyo sida wax u jiraan. Qofka arrinta la isku hayo ka leh maslaxo gaar ah isagu xukumeyana kama noqon karo marqaatina kama noqon karo. Qofka maslaxada ama danta gaarkaa waddo waxaa lagu fahmayaa dalabta hadalkiisa oo aan ishu gefeyn.

    In Al Shabaab laga saaro Jubbooyinka waa maslaxo guud oo soomaaliyeed.

    Maslaxaddaas guud oo inta aqliga leh isku waafaqsantahey waxaa ku hoos qarsoonaan kara maslaxo gaar ahaaneed oo u muuqata dad ka mid ah bulshada soomaaliyeed iyo dowladda Kenya.

    Maslaxaddaas gaarkaa oon kor ku sheegey haddii la helo qaab loo waafajin karo maslaxadda guud ee qaranka soomaaliyeed oo la heli karo “win win situation” wax ka fiican ma jiraan. Waxaase dhibku imaanayaa marka ay is qoomaan maslaxadda gaarkaa ee qeyb soomaalida ka mid ah aragto iyo tan Kenya oo dhinac ah iyo maslaxadda guud ee qaranka Soomaaliyeed!

    Ma qof dan qabiil eegayaa arrintaas fahmi kara iyo waxa ka imaan kara? Laanta iyo laaca ayuu arkaa qofkaasi,laakiin laagga weyn iyo haadaanta ka hoos qodan ma arko!

  39. Durraan says:

    Ku: Xaldoon,
    Qofka isku magacaabay Xaldoon ee sheegay in Dastuurka loo sammeynayo dowlad goboleedka Jubbooyinka iyo Gedo uu qorayo in ay khasabtahay in qofka aqoonsigaa qaadanaya in AWOOWGII lixdanka ka ku dhashay Jubbooyinka/Gedo waxay ila tahay arrin aad u adag laakiin wanaagsanaan lahayd. Maxaa yeelay Kismaayo oo keliya population-ka hadda ku nool inta badan waa dad kusoo qaxay 20-kii sano ee ugu dambeeyey wayna adkaaneysaa in dadkaa lagu qanciyo inay u noqdaan meelihii uu awoowgood ku dhashay lixdanka ka hor. Haddiise uu Mr Xaldoon isagu ogyahay qaab dadka loogu qancin karo inay ka laabtaan Jubbooyinka oo ay tagaan meeshii ay kasoo jeedeen ee hore islamarkaana la meelmarin karo rabshad la’aan way wacantahay. Waana in dhammaan ismaamulgoboleedyada kale ay iyaguna soo ragaan shuruudaan oo kale si loo kalanasto waaba la is dhibsadaye. Haddii cid kale hayso xal kalena waan sugaynaa ee yaan lala baqin.
    Durraan

  40. Dahir says:

    Qoraalkan umahayo ceebaal aan idiin tiriyo marka laga reebo dadka kala duwan ee faalada kala gedisan ku qurxiyey oo kolleyba lahaan kara arigtiyo kala-jaad ah oo qaarna wanaagsan qaar aan quruxbadnayn. Had iyo jeer aragtida dadka waxay ka tarjuntaa wadciga ummad ku sugantahay iyo xaddaaradda ummadaas. Waana taa iyada ah sababta aan ula yaabeyn haddii aan arkay dad ku liita gorfeyn oo qabyaalad la fac ah, islamarkaana aan ka weynaaneyn abidkood maskax la eg jufo oo la dirirsan jufo kale. Afkaarta sidaa ku barbaarta ee aan caqli kale lahayn ma jirto si loo qancin karo, maxaa yeelay waa aragti aan ku qotamin xalaal iyo cilmi la raadraaci karo oo meel iyo si turxaan bixiyo leh waana ta uu siyaasiga gurracan ee jufo-qanciyeha ahi ku sixro beeshiisa iyo juhalada aduunka dib-uga-dhacay ee uu qabqable-qabiileedkuna uu ku indhatiro qujaraaf iyo balaayo aan logic ahayn taasoo isu badasha ugu dambeyntii xubno qabiileed garma-qaate ah oo lasoo mutaxan qaylo iyo qab aan tiisa haysan.
    Dahir

  41. dhiblaawey says:

    Aw salaan ka dib waxaan idin salaamay salaan ka dib waxaan idiin sheegayaa horta waxaa idin haysa aqoon daro maxaa wacay waxaad wax ka qorteen wax aydan aqoon u lahay maxaa wacay kenya iyo Uganda marn ku dagaalami maayaan arin soomaaliyeed maxaa wacay Uganda hadii hal maalin laga xirto xududa yuganda meel ay wax u soo maraan majiraan waxaad ogaataan in dhamaan Kenya iyo Uganda ay u wada taliyaan nimaka shidaalka baaraya waaba hadii uu jiro shidaal la baarayo haku daalina in ay uganda iyo kenya ay isku khilaafaan arin soomaaliyeed, waad mahad san tihiin

  42. Qalimow says:

    Waxaad malab Noo kala marinaysaa Amison
    That is cheap pro- ——- propaganda
    Toosi luquntaada…….

  43. khadar says:

    Waa war bixin si hufan looga soo shaqeyey , waxaana soo diyariyey dad aqoonleh oo u leh kasmo iyo garasho dheeri ah guud ahaan qoraal , gaar ahaned wadciyga xiligaa jira.laakiinse qofka garashada yar had iyo jeer waxaa lagu yaqaanaa jawaab degdega isaga oo aan fahmin nuxurka iyo ujeedada ay xambaarsantahay iyo waliba factska ku maran warbixinta ah.tusaale ahaan qaar ayaa durba u qaatay in beel gaar ah loo jeeda,haddii aad dib ugu noqotid akhriska warbixinta waxaad dareemi in qoraagu soo bandhigay ula jeedka ay leeyihiin wadamada siyaasadoodu is dukheynayso ee ethio, kenya, and uganda,isaga oo sababaynaya danaha wadanwalba ugu jira. fadlan ka daaya naxliga iyo cuqdada warbaahinta sida raxanreeb oo aan odhankaro wey yartahay u adeegta sidooda oo kale.

  44. qaloocow says:

    Kismaayo waa dhul dad leeyahay lamana boobi karo ama kenya soo wado iyo talyaani mama mareykan. Kismaayo waxaa idin keenay C/rashid ali sharmarke iyo C/risaaq x xusen. hadana waxaad noo sheegeysiin in awoowayaashiin ku dhasheen. Iska qaata haddii dakii lahaay idinka yeelaan.

  45. [...] hadalkii ugu horeeyay oo uu si cad u sheego afhayeenka AMISOM kagana hadlo habka iyo sharciyada ciidamada Kenya tan iyo markii ay si rasmi ah ugu biireen ciidamada AMISOM ayna qaateen koofiyada cagaaran ee [...]

  46. [...] hadalkii ugu horeeyay oo uu si cad u sheego afhayeenka AMISOM kagana hadlo habka iyosharciyada ciidamada Kenya tan iyo markii ay si rasmi ah ugu biireen ciidamada AMISOM ayna qaateen koofiyada cagaaran ee [...]

  47. asc waxay ila tahay cid walbo oo wadani ah waa og tahay in kenya ay dan gaar ah leedahay hadana waxaa arinta kenya kala qaybqaatay israaiil oo kaqaadatay qayb qabsashadii kismaanyo taas oo keentay in markii ay kenyo ay iska celinwayday shabaab ay qayladhaan afka furatay taas oo keentay in israaiil iyo u.s.a iyo farnsiika ay si toos ah uga qayb qaateen kasaaritaankii shabaab ee kismaanyo maxaase xigidoono waxaan aragnaa in kenyo ay qabiil gaar ah ay garab siinayso taas oo aan suurtoobaynin una socondoonin taas oo soodedejindoonto dagaal beeleed dhexmaro qabiilka ay kiinyo garabka siinayso iyo soomaalida kale taas oo sah li doonto in ay shabaab garab weyn helaan balse aan dhawrno meeshay kudan bayso

  48. [...] Yuganda illaa hadda waxay hormuud u tahay taliska guud ee AMISOM iyadoo taliyaha guudna uu ka yimid wadankooda, halka Kenyanka oo bishii June ee sanadkan ku soo biiray AMISOM ay mararka qaar u dhaqmaan sidii iyagoo aan ka tirsaneyn AMISOM arintaasoo saraakiisha Yuganda ee Muqdisho jooga ay madax beel badan ka qabaan. [...]

Leave a Reply