Daawo: Khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh uu Ka Jeediyey Caleemasaarkiisa (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha cusub ee dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey munaasabadii isaga lagu caleemasaaray ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in laga gudbay kumeelgaarkii dalku ku jiray isagoo si aad ah u amaanay kaalintii ay soo qaateen madaxdii hore ee dawlada oo heerkan soo gaarsooyey.

Madaxweyne Xasan wuxuu ballanqaaday abuuritaanka hab xukunka si dimuqraadi ah la isugu wareejiyo iyadoo uu sheegay inay tahay markii labaad oo xukunka si dimuqraadi ah la isugu wareejiyo gudaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu soo qaaday mashruuca xukuumadiisa cusub oo uu u bixiyey “tiirarka bilawga cusub ee Soomaaliya”.

Tiirarka bilawga cusub ee Soomaaliya

1. Xasilinta iyo amaanka: Madaxweynaha wuxuu sheegay in amaanka uu u yahay ahmiyada koowaad, labaad iyo saddexaad ee dawlada cusub isagoo tilmaamay in siyaasada dawlada ay ku dul wareegsan doonto sidii loo baabi’in lahaa xannuunka amni ee heysta shacabka Soomaaliyeed.

2. Caddaalada: Wuxuu sheegay in arinta caddaalada ay tahay mida ku xigta amniga isla markaana aaney jiri karin amni caddaalad la’aanteed isagoo ballanqaaday in la dhisayo hay’ado garsoor oo si xoogan ugu istaagi doona fulinta iyo dhowrista sharciga dalka iyo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

3. Soo nooleynta dhaqaalaha dalka: wuxuuna sheegay in marka hore ay tahay muhim in la xaqiijiyo in qoyska Soomaaliyeed uu heysto wax uu cuno, uuna heli karo fursad shaqo abuur oo sida uu sheegay ka horeeya horumarinta dhaqaalaha dalka. Wuxuu sheegay in dawlada ay ku dadaali doonto abuurista shaqooyinka iska markaana hay’adaha caalamiga ee dalka jooga laga rabo in ay shaqo abuurka ka qeybqaataan.

4. Dib u heshiisiinta: Madaxweynuhu wuxuu sheegay in mudaddii burburka iyo 21 sano ee ka horeeyay ee caddaalad darrada ay baxday kalsoonida Soomaalida dhexdeeda, sidaasi darteedna loo baahan yahayin la dhiso jawi is aaminaad oo Soomaalida dhexdeeda lana gaarsiiyo heer ay nabadda intay Soomaalida ka badato ay ummadaha kale adduunyada ugu baaqaan.

5. Midnimada dalka: wuxuu tilmaamay inuu ku dadaali doono soo celinta midnimada dalka ee dhaawacu soo gaaray 30 sano ka dib dawladnimadii Soomaaliya iyadoo markii hore xiise weyn loo qabay midnimadaasi sanadkii 1960-kii.  Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay inaysan dhici doonin midnimo xoog ku dhisan balse la sameyn doono midnimo ku dhisan isqadarin iyo walaalnimo.

Wuxuu madaxweynuhu sheegay in wadahadalkii Somaliland lala furay ee weli bilawga ah uu si wadi doono.

6. Abuurista xiriir caalami ah: Wuxuu sheegay in iyadoo lala kaashanayo caalamka la abuuri dono ciriir caalami ah oo caalamka lala yeesho, wuxuuna codsaday in dawlada cusub laga kalmeeyo sidii loo dhisi lahaa xiriirka caalamka.

“Calamka ha soo gashto [xirto] ookiyaalo ka duwan kii hore ay Soomaaliya ugu fiirin jireen” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

7 Responses for “Daawo: Khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh uu Ka Jeediyey Caleemasaarkiisa (Faahfaahin)”

  1. nabadon says:

    warkaagu wuu fiican yahey balse waan ku fiirin doonaa iney ficilkaaga iyo fekerkaagu islahaadaan iyo inaad noqoto sidii C/qaasin oo kale ( cabdi dhaartee)

  2. insha alaaah madaxweynaha sifiican waanu u baranay hadal wanaagiiisa iyo qalbiga saafiga ah ee uu u hayo hirgelinta talaabooyin taabo gal ah oo somaliya kasaari kara hogga ay ku kuftay lakiin wali maan arag hab dhaqankiisa siyaasadeed iyo xibrada uu uleeyahay siyaasada caalamka cusub iyo fulinta goaamo xasaaasi ku ah wadamada deriska , marka madaxweynahan runtii waa nin shaqsi ahaaan hufan bal aan aragno sifooyinka kale ee uu wakhtigu u qarinayo . tan kale hala ogaaado siyaasadu sax keliya kuma noqoto hadba sida aad filayso hal qaladna qof looma quursadee siyaasada soomaaliya waa mid wajiyo badane haloo dulqaato madaxweynaha ilaa inta uu ina tusayo somaliya oo tii shalay dhaanta waa suu balanqaaday mudane madaxweyne xasan

  3. Suubantii Sanaag says:

    War jiraaba cakaaruu iman¿

  4. khadija says:

    allaha kaaga dhabeeyo hamigaaga waa rabnaa wax naga sara dhibta jidkii sh sheekh shariif uu faley abuurka ku shub badaru ha soo baxee shacabkuna ha gurteen.

  5. Amina says:

    Madaxweynahani tolow Dadkii gabood falka ka lagu sameeyey xaqoodii ma u celin doonaa,?haduu nin fiican yahay haka saaro Shacabkii hantidooda 22 sano laga haystay,markaas ayaan wanaag badan u hayn doonaaye,bal waan sugnaa wuxuu inagu soo kordhiyo,Ilaah na ha ka dhigo kii Dalka iyo Diinta difaaca oo caadila.

  6. qaloocow says:

    Allidamale iyo bogag kale ayaan ku arkay iyagoo leh Federaalkii ayow afkiisa ka dhowray madaxweynuhu. Faroole ma imaan miyaa caleemasaarka?

  7. Abdiqafar Abdiqafar says:

    Madaxweynaha cusub, Mudan Xassan Shiikh Maxamuud, waxa aan filayaa in uu yahay nin wax ka yaqaan horumarka ummadeed, tacliinna u leh, sidoo kale, waxaa faa’iido dheeraad ah u leh khibraddii iyo xogta uu ka hayo xaaladda Soomaaliya, mudadii burburka ahayd, maadaama uu kasoo shaqeeyey xarun cilmi baaris, oo daraasaad ku samaysa colaadaha, waxyaabaha sababa, iyo sida loo xallin karo. waa madaxweynihii koowaad ee xilliga burburka ee qorshe cad iyo tiirar uu higsanayo in uu gaaro ummadda u sheega.

Leave a Reply