Khudbadii Ugu Horeysay ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud (Dhageyso + Video)
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa markii la dhaariyey kadib khudbadii ugu horeysay ka jeediyey golaha shacabka doorashadii uu ku guuleystay kadib.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu mahadceliyey xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo la tartamay, wuxuuna sheegay inuu amaanayo shaqadii ay qabatay dawlada KMG ahayd ee waqtigeedu dhamaaday.
“Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa doorashada gudoonka baarlamaanka oo si hagaagsan u maamulayey doorashada” ayuu yiri madaxweynaha cusub.
Madaxweynaha cusub wuxuu ka mahadceliyey dadaalka iyo taageerada beesha caalamka ay siiso dawlada Soomaaliya isagoo sheegay in kaalintooda ay lama huraan u tahay geedi socodka nabada Soomaaliya. Wuxuu rajeeyay in Soomaaliya ay lugta saari doonto wadada horumarka iyo nabadda.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
“Xukuumadihii kala duwanaa iyo madaxdii xukuumadihii [hore] iyaguna waan u mahadcelinyaa” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Ugu dambeynta wuxuu madaxweynaha cusub ku baaqay in shacabka ay la shaqeyaan dawlada cusub lana sii wado dhabihii wadanka uu ku socday.
RBC Radio














waxaan ka dooneynaa ballantii uu noo qaaday inuu fuliyo.
Kaama yeelin kumana dooran .waana ku diidnay. Wadankana gumeysi ayuu ku jiraa.
ku badal kale, ku badal kale….Sheekada waxbaa wali ka khaldan, lakin xisaab wexeey taalaa marka la’gaaro One Man One Vote…4.5 waa in laga gudbaa, Ciidamada AMISOM waa in eey dalka sii joogaan ilaa laga gaarayo nidaamka xizbiyada kala duwan, lagana helayo Ciidamo Somaliyeed oo dalka daacad u ah oo Amaanka suga inkastoo arintaasi adagtahay hadana waa la suurta galin karaa
waan soo dhaweenaynaa madaxweenaha cusub
Well come
[...] (RBC Radio) Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamuud waxa uu socdaalo ku kala tagay Gobolada Bay iyo Hiiraan kuna booriyey waxyaabo badan ay ugu weyn [...]