Khudbadihii Madaxda Ka Jeediyeen Caleemasaarka Madaxweynaha Soomaaliya oo Soo Gabagaboobay (Faahfaahin)
Muqdisho (RBC) Xafladii caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow lagu soo gabagabeeyay hoolka Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho iyadoo madax ka kala socota caalamka ay khudbado ka jeediyeen.
Caleemasaarja waxaa ka hadlay madax kala ah, raysul wasaare ku xigeenka wadanka Uganda, wasiiru dawlaha arimaha dibada ee dawlada Qadar, la taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Sudan, raysul wasaare ku xigeenka Turkiga, raysul wasaaraha wadanka Ethiopia iyo madaxweynaha Jabuuti oo dhamaantood khudbado ku aadan munaasabada ka jeediyey.
Sidoo kale waxaa munaasabadan ka hadlay masuulka ugu sareeya Midowga Afrika iyo wakiilka Jaamacada Carabta. Waxayna dhamaantood hambalyeeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.
Khudbada madaxweynaha cusub
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gabagabadii xaflada ka hadlay ayaa sheegay in dawlada cusub ay diirada saari doonto amaanka marka ugu horeysa maadaamaa ahmiyada koowaad iyo tan labaad iyo tan saddexaadba ay tahay amaanka dalka oo la sugo.
Madaxweyne Xasan wuxuu kaloo sheegay in dawlada cusub ay ku dadaali doonto sidii loo soo celin lahaa nolosha aas aasiga ah ee shacabka Soomaaliyeed kaasoo ka horeyn doona horumarinta dhaqaalaha guud isagoo sheegay in dhaqaale uusan jiri karin mar haddii dadka Soomaaliyeed ay gaajeysan yihiin.
Sidoo kale madaxweynihii xilka wareejiyey Shariif Sheekh Axmed oo isaguna hadlay ayaa soo dhoweeyay madaxweynaha cusub, kana codsaday dadka Soomaaliyeed in sidii ay isaga ula shaqeeyeen ay haddana ula shaqeeyaan madaxweynaha cusub.
Ugu dambeyntii waxaa madaxweynaha cusub lagu wareejiyey dukumintiga qaranka, nuqulka dastuurka cusub iyo calanka jamhuuriyada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












ASC,Ninka haysta Gobolka Nugaal ee Faroole ma tagin caleemo saarka sababtuna waa Somaliya oo midowdey kana baxdey Kumeel gaar marka Gobolada Somaliya oo dhan waxaa loo sameynayaa Gudomiyayaaal waxaana lagu salaynayaa 18 Gobol waana guul usoo hoyatay Shacabka Somaliyeed ILLaah SWT hanaga qabto gaalada iyo gaala raaca aamiin sc.
Waxay ilatahay in madaxwaynuhu En.Hasan yahay nin raba dhab ahaan in dalku kabaxo dhibaatada dawlad la aaneed ee 22 sano jirsatay. marhaduu sidan doonayo nin dabeecad lehna yahay waxaa waajib inagu ahaa soomaaliyeey inaynu taageero si hagar la aan ah. si afarsano kadib rajadeena dawladnimo ay u hano qaado ilahay idamkis. markaa waa bilaw ee halalo garab qabto shaqadiisa 4 sanadood ah.
Asc?? waan soo dhawaynaynaa madaxweynaha cusum mudane xassan sheekh maxamuud waxaana u rajaynaynaa inuu noqdo mid xilkiisa u guta daacadnimo wadankana u hoirseeda nabad waarto midnimo umada somalid qaran si xor ah ula xisaabtama dhigiisa??? dadkana soomaliyeedna waa inay sugaan madaxweynaha oo ayna ka hor dhicin lana shqeeyaan
asc dhamaan farooole shaqadiisa ka badan waana uu u hanbalyeeyey madax waynaha somalia xasan sh.wafdina wuu dirsaday matala puntland faroole in xilkiisa uu dhamaanayo waa arimin puntlandna wa ligeed waa ay jiraysaa reer puntland ayagaa dooran madax dooda iyo maayaradooda faraha la soo gali mayo xasan shiikh somalia waa federaali maahan dawlda dhexe dadku ha fahmeen waxay tahay federaal federaalku waa dawlad ama dal ay gudaheedu ka dhisanyihiin dawlada hoose ama dawlad yar oo xaduud leh dastuur leh lkn dastuurkaa waa in uu waa faqaa dawlada dhexe uu san ka hor imaan federaalka iyo maamulada dalka ka dhisan mid kasata xaduud buu leeyahay u sa dhaafi karin matalan federalku wixi arimha dibada asagaa ku shuqul leh maamualad xaq u ma lahan arin tan iyo kuwa kalo badan .
to:faratelo,, adeeer aabahaaa Iyo abihiis baan talin jirin waxna looma sheegi jirin alaaaba waa adigoo doqon ah. Tankale Waa laguu ogol yahay nac nacda xaqbaana u leeedahay in aad computerka is ticmaashid waligaaana xasuuusnoow faroole Ma aha ina gumeed laangaaab ah laakiin adigu aabahaa Iyo awoowahaa wey ahaaayeen adigana cuqdad baa ku dishey AMA gobol dheh AMA dawlad dheh Puntland has veto waxna wa laga maqlayaaa qasab Iyo sandule doqonyahaw cuqdadeysan get lost
@faratelo kkkkkkkkkkkk faroole wali ma idin ka dhex guuaxayaa oo hadalkiisaa heysaan war ninkaas ha la iska daayo haduu aamuso macaa la deynayo maahmaah baa waxey aheyd hadii aan hadalna waa afsalax ku dheg hadaan aamusana ariga juuqda laga deyn mayo ninkaasi banaan buu dageey waa atoore wiilkaas wiil loo waa walee somaaliyey.
Farateelo ; cuqdad ayaa ku haysa ina ader faroole xafidulaah maaha Gudoomiye gobaleed balse 3meelood 1 meel oo dhulka somaliyeed ayuu masuul ka yahay waxaana hoostaga 4milyan oo somali ah Caleema saarka Madaxweynaha waxaa uu udiray wasiirka amniga iyo wafti uu hogaaminayo kuwaas ayaana puntland uga qaybgalay muhiim maaha caleema saarka inuu madaxweyna puntland ubaxo waayo hawlihiisa ayaa kabadan oo waa nin shaqo badan oo ku mashquulsan horomarinta dalkiisa .
Tan kale somaliya midnimadeeda waxaa udub dhexaad u ah waa puntland , puntland la,aanteed somalia ma jidheyso Viva Somaliya viva puntland
FARATELO been baad sheegtay tuug baad tahay faraoole waa hogaamiye somaliyad somaliyana u dub dhexaad buu yahay maanta mesha la jogo isaga so garsay …………………………………
kadib marki faroole lagu laalay nin uu u watay raisalwasaare ayaana ku kaliftay
in faroole ka baaqdo imaatinka caleemo sarka madaxwaynaha
soomali waa imay ogaataa faroole soomalida kale ayaa ka badan,
midna ogaada hadalkii uu la qaylin jiray waxaa sabab u ahaa gaas oo uu islahaa dhanka dawlada
waxba kaagama imaan karaan laakin hada waa isaga kaligiis ,
GOOLKA . wxaan talo ku bixinaynaa in madaxawaynaha soomaliya xasan sheikh maxud
uusan dib ugu noqon wxas ee soomliya horay ayay u socotaa, faroolena byee, waa adiga iyo axmaarka soomaali maanta waa tashatay ee farooloow yaanu busku kaa tagin
ASC, dhamaantiiin,
kkkkk, lol, Omar, waa runtaa. Qaswade Faroole markii hore waxa uu garab kaga helaayay qaswadidiisa qabiiliiste xildhibaan Gaas. Laakiin hada waa kaligiis, juuqna ma dhihi karo, sababtoo ah waa laga adkaaday dhinaca Siyaasada oo xaqii baa feerahiisa ka dilaacay. Kadib markii eey Somali majoritigeeda qabyaaladiiste Xasan Abshirna shan cod ka helay tartankii Gudoomiyaha baarlamaanka, cawir xildhibaan Gaasna 29 cod kaliya ka helay tartankii Madaxweeynanimada. Somaalaay, Taas ogaada, kol hadii dadkaan pintiland ka yimid eey bar madow ka dhex noqdeen umada Somaliyeed, yuusan Madaxweeyne Xasan Shiiq qiimo eeysan laheeyn u yeelin, ee ra’iisal wasaaraha halaga dhigo beesha Farmaajo, ama Cali Khalif Galeeyr, amaba D inteeda kale ee aan ka aheeyn xaaraanta Faroole, il cawir gaas iyo reerahooda.
Dhalinta Soomaliyed Waxan Dhihi Laha Inan Murano Oo An IsCayno ama an Qof masula wax ka shegno Miyay nan waligen ka wan tobayn.
Tankale hadi.soomaliya Rajo fican ilahay u kenay somahan inan ka wada shaqayno
Puntland waa Mamul Buuxa oo somalia ka mida Faroole.na waa masul ay dorten shacabka rerPuntland
wuxuna leyahay awod uu ku mamulo dadkisa.xaq buna uleyahay inu difac danaha shacabka rer puntland.marka somaliyey iska da cunsurinimad.
@Cadaado
Cadaado qofka la baxayoow lagu barey waxad tahay ee dadkaas tuulooyinkooda u dhig Khaatumo aan biyo is marin baad tahay oo markiiba 5 comments oo kala qof ah kala qoraya marba shaadh buu soo xidhaa,waxan ka gartay suu gabayadii Cali dhuux iyo ismaaciil mirre iyo seyidkii uu u soo qaato iyo weliba suu Faroole iyo Puntland ugu waashay.
@Cadaado wanaag baaba ka dhaxayn jiray, maxay tahay Cuqdada kugu raagtay maandhoow, mise Faroolaa Galmudug soo saaray baad ka dhimanaysaa, hadaan leenahay Faroole Ximin iyo Xeeb sida ugu dhaqsaha badan u ictiraaf, Tan kale Sxb ilaahay baa Ummad ka dhigay Reer way ka tageen, waa Millions of people, xumaan iyo wanaagna waa laga helayaa, Maxaa yeelay xadiiskii Nabigaa SCW baa ahaa inaan Ummad wada xumaan karin.
[...] ka mid ahaa raggii gacanta ku hayey jadwalka khudbadaha xaflada caleemasaarka, ayaa Raxanreeb u sheegay in ilaa maalintii Arbacada ee ku beegneyd 12/09/2012 jadlalka hadalka uu [...]